Daawashada horyaalka Ingiriiska iyo Hargeysa

Qoraalka Codka, Daawashada horyaalka Ingiriiska iyo Hargeysa
Published

Ciyaaraha kubadda cagta ee horyaalka Ingiriiska ayaa si weyn looga daawadaa qeyba badan oo ka mid ah caalamka iyo geeska Afrikaba.

Dadweynaha magaalada Hargeysa qaarkood ayaa ciyaarahaasi caalamiga ah toos uga daawada hoteelada iyo gooba kale oo loogu talagalay.

Weliba markan daawashada kuma koobna dhalinyarada ee waxaa kaloo daawada madax iyo dad magac ku dhex leh bulshada.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay goob ay dad badani ka daawanayeen ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Ingiriiska, wuxuuna dadkaasi weydiiyay dareenkooda iyadoo uu dadkaasi uu ka mid ahaa Saciid Cali Muuse oo sanado ka hor idaacadda BBC ka soo jeedin jiray barnaamijka sportiga.