Dhageyso: Barakacayaasha Baydhabo oo gargaar la gaarsiiyay

Qoraalka Codka, Barakacayaasha Baydhabo oo gargaar la gaarsiiyay
Published

Duleedka magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga sameeyay xero Barakacayaal, halkaas oo ay ku suganyihiin dad ka soo barakacay abaarta degaanada maamulka Konfur galbeed ee Soomaaliya.

Waxaana dadkaasi la garsiiyay deeq raashin. Dadka abaarta ka soo barakacay ee ku sugan xeradaasi waxaa kamid ah Issack Abdi Hassan, wuxuu na qadka teleefonka ugu waramay wariyaha BBC.da Bashir Maxamed Caato...