Buug ka hadlaya taariikhda Soomaalida ee 1960-kii ila iyo 1991-kii

Qoraalka Codka, Dhawaan waxa lagu soo badhigay Jaamcadda London qaybta daraasaadka Afrika iyo Asia ee loo yaqaan School of African and Oriental
Published

Dhawaan waxa lagu soo badhigay Jaamcadda London qaybta daraasaadka Afrika iyo Asia ee loo yaqaan School of African and Oriental Studies buug uu qoray Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo ka waramaya taariikhda Soomaalida.

Buuggu wuxu si gaara u eegayaa sida ay Diinta, Qabiilka iyo Dawladnimadu saamaynta ugu yeesheen taariikhda Soomaalida intii u dhexaysay sannadihii 1960-kii ilaa 1991-kii.

Hadaba wareysi kooban oo ku saabsan buugan ayaa weriyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh waxaa uu la yeeshay Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan oo Studio-ha Nairobi nagu soo booqday. Ugu horrayna wuxu waydiiyey inuu si kooban uga warramo buuggu wuxuu ka hadlayo?