Kismaayo oo laga furay maxjarka xannaanada xoolaha

Qoraalka Codka, Kismaayo oo laga furay maxjarka xannaanada xoolaha
Published

Magaalada Kismaayo waxaa xarigga laga jaray Maxjarka xannaanada Xoolaha ee Jubba, kaas oo laga hirgeliyay duleedka Magaalada Kismayo.

Maxjarkan oo mid casri ah ayaa lagu wadaa in lagu baaro caafimaadka xoolaha gobolka iyo iyo kuwa dalalka deriska ah, wuxuuna ku soo aadayaa xilli xoollaleyda ay doonayaan in xoolaha ka soo kabtay abaarta ay iib geyaan.

Shaafi Raabbi oo ah madaxa maxjarkaasi ayaa Faadumo Macallin Abuukar uga warramay muhiimadda uu maxjarkan leeyahay.