Barnaamij lagu taakuleynayo qoysaskii ay abaartu saamaysaa oo ka bilowday Togdheer
Published
Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyada iskeeda ugu dhawaaqday madax banaanida ee Soomaaliland ayaa waxa laga bilaabay barnaamijka dib uga soo kabashada abaarta.
Barnaamijka oo ay iska kaashanayaan Soomaliland iyo hay'ado samafalka ka shaqeeya ayaa waxaa qoysaska ay abaartu saamaysaa lagu siinayaa taakulo ay kusoo kabsan karaan.
Qoysaska la caawinayo ayaa isugu jira beeraley iyo xoolo dhaqato.
Maxamed Cali Sulaymaan waa gudoomiyaha gobolka Togdheer, weriyaha BBC Cabdinaasir Saxansaxo ayuuna uga warramay barnaamijka dib uga soo kabashada abaarta.