Ciidammada badda ee Puntland oo gacanta ku dhigay ajaanib
Published
Deegaanka Garacad ee Puntland, ciidamada ilaaalada xeebaha aaya gacanta ku soo dhigay ajaaniib looga shakisan yahay in ay ku guda jireen kalluumeysi sharci darro ah.
Raggan oo sida la sheegay u dhashay dalka Yaman ayaa watay xasiimad waxaana hadda gacanta ku haya ciidamada badda Puntland.
Weriye Axmed Cawil ayaa arrintaasi ka wareystay taliyaha ciidamada badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax.