Thailand: Gurmadka dadka ku go'doonsan boholaha oo la dardar geliyey

Xigashada Sawirka, Alamy
MaamulkaThailand ayaa sheegay inay bilaabeen hawl gal lagu soo saarayo laba iyo toban wiil iyo tabobarahoodii kubadda cagta oo ku xayirmay boholo biyo ugu galeen oo ay ilaa todobaadkii hore ku jireen.
Ninka agaasimaya hawlaha gurmadka, Narongsak Osottanakorn, ayaa sheegay in sideed iyo toban qof oo dadka quusa ahi ka qayb qaadanayaan hawl galka halista badan, oo uu sheegay in uu qaadan karo afar maalmood waa hadii cilmiladu aanay is bedeline.
Maamulku waxay go'aan ku gaadheen in ay tallaabadan qaadaan maadaama oo roobabkii wakaaladda saadaasha hawada dalkaasi saadaalisay ay durba bilaabmeen. Waxa kale oo ay go'aankan ku qaateen waa heerka biyaha oo aad hoos ugu dhacay markii malaayiin litir oo biyo ah laga dhuray boholahaas si loo badbaadiyo dadka halkaa ku go'odoonsan.
Dhamaan shaqaalaha kaaliyeyaasha ah ee jooga aaggaas ayaa la faray in ay ka baxaan goobtaa. Booliska ayaa sheegay in ay doonayaan in ay u faadhumaysaytaan hawlaha gurmadka ah, hase yeeshee may caddaynin in ay bilaabayaan hawlo gudaha loogu geleyo boholahaas.












