Muqdisho: Xus baroor diiq ah oo loo qabtay weerarkii Soobbe

Xuska qaraxii Soobbe
Qoraalka sawirka, Xuska qaraxii Soobbe
Published

Magaalada Muqdisho waxa ka dhacay xus baroor diiq ah oo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay qaraxii ugu weynaa ee ka dhacay magaaladaas.

Baroor diiqdan ayaa la qabtay 14 Oktoobar oo ah sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii qaraxii lagu hoobtay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.

Mudaharaad iyo baroor diiq is huwan
Qoraalka sawirka, Mudaharaad iyo baroor diiq is huwan

Dadweyne faro badan ayaa isugu soo baxay goobtii qaraxu ka dhacay, waxaan goobtaa la dhigay sameecado waaweyn oo ayaad Qur'aanka Kariim ka ah laga baahiyay.

Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayblay, khudbadana halkaas ka jeediyay.

Khudbado laga jeedinayo goobta baroor diiqdu ka socoto
Qoraalka sawirka, Khudbado laga jeedinayo goobta baroor diiqdu ka socoto