Abwaan ka hadlay xayiraad la saaray hudheel Hargaysa ku yaal
Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ayaa soo saartay xun ah in mid kamida huteelada magaalada Hargeysa laga mamnuucay inuu shaqeeyo wixii ka danbeeya lixda maqribnimo inta dacwadda lagu soo oogay laga qaadayo. .
Maxkamada ayaa sheegtay in hudheelka boolisku ku eedeeyey in habeenkii ay dhacaan fawaaxish ay kamid yihiin sida ay heeso iyo muusig.
Habeenkii sanadka cusub soo galayayna waxa booliisku ay ka joojiyeen kana soo dareeriyeen hudheel kale oo magaalada ku yaal kooxda fannaaniinta ee xiddigaha geeska oo bandhig ku qabanayey halkaas. b
Dhawr bilood ka hor ayaa sidoo kale dawladdu amartay in hudheeladu aanay furnaan Karin wixii ka danbeeya 11 ka habeenimo.
Arimaha waxa ka cawday bulshada hudheelada habeenkii ku caweeya, mulkiilayaasha huteelada iyo fanaaniinta barnaamijyada kusoo bandhigaba.
Wariyaha BBC-da Sidiiq Maxamed Burmad la kulamay Abwaan Xasan Duxul Laabsaalax oo si wayn looga yaqaan dhulka soomaalida, ahna aasaasihii kooxda Xidigaha geeska.
Waxaanu waydiiyay sida uu u arko awaamiirtan iyo saamaynta ay shaqadooda ku yeelan karto.