Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema saarka Laftagareen

Xigashada Sawirka, SONNA
Waxaa magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminayo, si ay uga qeybgalaan caleema saarka Madaxweyaha Koonfur Galbeed.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo mas'uuliyiin kale oo isugu jira heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo walibana qeybaha kala duwan ee bulshada magaaladaasi.
Wakaalada wararka ee SONNA ayaa kusoo warantay in wafdiga loo galbiyay goobta ay ka dhacayso munaasabadda caleema saarka madaxweyne Cabdi Casiis Maxamed Xasan Laftagareen, halkaasi oo ay ku sugan yihiin guddoomiyaha golaha shacabka iyo madax kale.
Madaxweyne Laftagareen oo ku guuleystay doorashadii madaxweynaha ee Koonfur Galbeed ayaa dadka qaar ay aaminsan yihiin in uu ahaa musharax ay wadatay dowladda federaalka.

Xigashada Sawirka, SONNA

Xigashada Sawirka, SONNA








