Madaxweyne xigeenka Phillippine oo taageertay ololah la dagaalanka maandooriyaha

Xigashada Sawirka, EPA
Haweenay aad u dhaliili jirtay madaxweynaha Philippine, Rodrigo Duterte, dagaalka uu ku hayo maandooriyaha ayaa aqbashay in ay gacan ka gaysato ololahiisa la dagaalanka maandooriyaha.
Waa madaxweyne ku xigeenkiisa, Leni Robredo, oo haatan ka mid noqon doonta gudoomiyeyaasha gudida wax ka qabashada dhibaatadaas.
"Waxan doonayaa in la joojiyo dilka dadka aan waxba galabsan oo saraakiisha sharciga ku tumata maxkamad la soo taago" ayay tidhi.
Dadka dhaliila qorshaha madaxweynaha ayaa sheega in dad lagu eedeeyey in ay maandooriyaha ka shaqaystaan hawl gallo boolis oo muran dhaliley sannadkii 2016.

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Duterte wuxu u bilaabay ololaha uu kaga soo horjeedo maandooriyaha si uu waxa uga qabto dhibaatada mukhaadaraadka ee dalkiisa ragaadisay.
Ururada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa ku eedeeye in dilka iyo hawlgallada boolisku yihiin dad la khaarajinayo iyagoon caddaaladda la hor keenin.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada iyo Qaramada Midoobay ayaa labaduba haatan baadhaya eedaymahaas.
Laakiin Madaxweyne Duterte dagaalka uu ku hayo maandooriyihu wuxuu taageero weyn ka helay shacabka Philippine.












