Siduu u dhacay howlgalka lagu qabtay khabiirka bambooyinka ee Daacish?

Wiil fiirinaya guriga ay ciidanka Isbaheysigu howlgalka ka sameeyeen ee ku yaalla al-Hamira

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Wiil fiirinaya guriga ay ciidanka Isbaheysigu howlgalka ka sameeyeen ee ku yaalla al-Hamira
Published

Ciidamada Isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka ee Daacish. kaddib weerar habeen hore ka dhacay Waqooyiga dalka Siiriya.

Wuxuu ahaa nin "khibrad u leh samaynta bambooyinka iyo fududeynta howlgallada", ayaa lagu yiri bayan kasoo baxay Isbaheysiga.

Saraakiisha ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegay in ninkaas lagu magacaabo Hani Axmed Al-Kurdi.

Koox kormeer ah ayaa sheegtay in ciidamada labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah lagu geeyay magaalada Al-Humayra, oo ku dhow xudduud Turkiga ee gobolka Xalab ee mucaaradka ay maamulaan.

Toddobo daqiiqo ayuu socday iska hor imaad hubaysan oo u dhaxeeyay ciidamada iyo dad ku sugnaa gudaha tuulada ka hor inta aysan duulin diyaaradaha qumaatiga u kaca, sida ay sheegtay kooxda la socota xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay Ingiriiska.

Waxay intaas ku dartay inay markii dambe ka degeen saldhig ku yaalla gobolka Kobane ee bariga gobolka Xalab, halkaasoo ay maamulaan kooxaha fallaagada ah ee uu Turkigu taageero.

Qoraalka Codka, Rag ka tirsan Daacishta Soomaali ayaa la "qabtay"

Qof ka mid ah dadka deegaanka al-Humayra oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in ay ciidamadu weerareen guri ku yaalla cirifka tuulada oo uu aaminsan yahay in ay ku sugnaayeen dad ka barakacay magaalada Xalab.

"Markii ay diyaaradihii helikabtarka ahaa baxeen, waxaan tagnay dhankii guriga, waxaana ka helnay dumarkii oo xiran iyo carruurtii," ayuu u sheegay wakaalada wararka ee AFP.

"Waxay wateen hal nin, laakiin ma garanayno meel ay raggii kale aadeen, kaddib markii aanu furnay [haweenkii xirnaa] waxay noo sheegeen in ay ciidanku wateen nin lagu magacaabo Fawaz.

Map

Bayaanka Isbaheysiga ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid "si taxadar leh loo qorsheeyay si loo yareeyo waxyeellada rayidka".

"Howlgalku guul buu u dhamaaday, ma jiraan dad rayid ah oo ay waxyeello gaartay, sidoo kalena ma jiraan dhaawacyo soo gaaray ciidamada Isbaheysiga ama waxyeello soo gaartay diyaarad iyo hantida isbaheysiga."

Wargeyska Washington Post oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in hoggaamiyaha ISIS ee la qabtay uu yahay Axmed Kurdi, sidoo kalena loo yaqaanno "Waalli" ama guddoomiyaha magaalada Raqqa.

Raqqa waa magaalo bari ka xigta Xalab, waxayna ahayd caasimadda dhabta ah ee "Khalaafada" ee Daacish ku dhawaaqday 2014-kii, kaddib markii ay qabsatay dhul badan oo Suuriya iyo Ciraaq ah oo ay ku soo rogtay xukunkeeda qallafsan.

Kooxda waxaa dhulkii ugu dambeeyay sanadkii 2019 ka saaray Isbaheysiga iyo xulafadooda Kurdiyiinta Dimuqraadiga ah ee Suuriya, laakiin Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in ay wali haysato inta u dhaxaysa 6,000 ilaa 10,000 dagaalyahanno ah oo ku sugan Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo sii wada weerarrada ku-dhufo oo dhaqaaqda ah - weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo waddooyinka la dhigo.

Bishii Febraayo, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa howlgal kan la mid ah ka fuliyay gobolka Idlib ee ay mucaaradku maamulaan, xilligaas oo uu ku dhintay hoggaamiyihii guud ee ISIS, Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi.

Qurayshi oo magaciisa runta ah uu ahaa Amir al-Mawla ayaa bam ku dhex qarxiyay goob uu ku dhuumaalaysanayay, isaga oo dilay naftiisa iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Daacish ayaa intaa kaddib u magacowday Abu al-Hassan al-Hashemi al-Qurayshi in uu yahay beddelkiisa, iyagoo aan wax faahfaahin ah ka bixin haybtiisa.