Ma qabsoomi doonaa shirkii heshiiska doorashada ee Muqdisho?

Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho

Tebin toos ah

Rage Hassan

  1. Ma qabsoomi doonaa shirkii heshiiska doorashada ee Muqdisho?

    bbc
    Qoraalka sawirka, Guudlaawe

    Madaxweynaha Hirshaballe Cali Guudlaawe ayaa gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qeybgala kulanka madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ee looga hadlaya heshiiska doorashada.

    Shirkaasi ayaa lagu waday in la soo gabgabeeya maanta oo Jimce ah.

    Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa shalay gaaray Muqdisho balse dhiggiisa Puntland, Jubalabd iyo Galmudug ayaan wali u safrin Muqdisho. Ma cadda goorta ayaa halkaa gaari doonaan.

    Madaxweynaha ayaa madaxda maamul gobleedyada ku casumay Muqdisho si loo dhameystiro heshiiskii doorashada.

    Dhowr arrimood oo uu muran ka taagnaa ayaa guddi farsamo oo dhinacyada matala ay heshiis ka gaaraan isbuucan markii ay ku kulmeen Baydhabo.

    Qaar ka mid ah madaxda mucaaradka ayaa maaamul goboleedyada ugu baaqay inay iska diidaan ka qeybgalka kulanka Muqdisho ka dib rasbhadihii ka dhacay caasimadda 24 saac ee la soo dhaafay.

    Ma cadda inuu shirkaasi qabsoomi doono iyo xilliga uu dhici doono toona, balse Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday maanta in dhinacyada ay si deg deg ah u kulmaan.

  2. Ururada bulshada rayidka ah oo baaq ka soo saaray rabshadihii ka dhacay Muqdisho

    Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay xasillooni darrada ka jirta Muqdisho.

    "Waxaan nasiib daro wayn u aragnaa xasilooni darida ka jirta magaalada Muqdisho taas oo ka dhalatay mudaahadaradyada nabadda ah ee ay qaban qaabinayeen musharaxiinta madaxweynayaasha. Mudaaharadyada waxay ka mid yihiin xaquuqda dastuuriga ah, bulshada rayidka waxay ka soo horjeedaa wax walba oo aan waafaqsanayn dastuurka iyo xaquuqda muwaadinka", ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay ururada bulshada rayidka ah.

    Waxay ugu baaqeen dowladda iyo musharaxiinta madaxweynayaasha inay ilaa liyaan sharuucda dalka iyo degenaanshaha, wixii kala duwanaansho aragti siyaasadeed ahna ay ku xalliyaan wadahadal iyo is afgarad.

  3. War deg deg ah, Afar ku dhimatay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

    Ugu yaraan afar askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkii xalay dhexmaray ciidammada dowladda iyo ilaalada madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu iyo Sh Shariif Sh Axmed, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan ciidanka.

    Ilaa iyo 7 qof o kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo billowday habeenbarkii.

    Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeyay inuu billaabay dagaalka.

    Masuuliyiin ka tirsan midowga musharraxiinta ayaa sheegay inuu jira khasaare dhimmasho iyo dhaawacba isugu jira oo ka dhashay rasaaseyntii saaka dhacday. Ma aysan faahfaahinin khasaarahaasi.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo:Jawiga siduu haa maanta markii a billowdeen dibadbaxyada
  4. Cabdikariim Guuleed: Lama tartameyno Farmaajo, isagana ma tartami karo

    Cabdikariim Guuleed, xubin ka tirsan Midowga Musharrixiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka gudbay "xayndaabka dowladnimada oo ku dhisan dastuur iyo xitriaanm" markii ciidammo ka tirsan dowladda ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal isugu so baxay agagaarka KM4.

    Guuleed iyo qaar ka mid ah midowga musharraxiinta oo shir jaraa'id ku qabtay Hotel jJasiira ka dib rasaastii maanta la is weydaarsaday ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aanan " lala tartami doonin Farmaajo, isagana uusan tartami doonin".

    Madaxda maamul goboleedyada ayuu ugu baaqay inaysan la shirin Farmaajo.

    Halkan hoose ka dhageyso hadal-jeedinta Cabdikariim Guuleed.

    Dowladda wali kama hadlin rabshadaha maanta dhacay

    Qoraalka Muuqaalka, Cabdikariim Guuleed: Lama tartameyno Farmaajo, isagana ma tartami karo
  5. Qaramada Midoobay: Aad ayaan uga walaacsannahay iska horimaadyada hubeysan

    Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay iska horimaadyadii xalay iyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, kuna baaqday mar kale in si deg deg ah loo dhameystiraa heshiiskii doorashada.

    "Qaramada Midoobay waxa ay aad uga walaacsan tahay iska horimaadyadii hubeysnaa ee Muqdisho ka dhacay xalay iyo saakay oo Jimce ah, waxayna ku baaqeysaa deganaan iyo is xakameyn dhinacyada ay khuseyso, waxa ayna boorrineysaa in ay furnaato waddada wadahadalka si loo yareeyo xiisadaha", ayaa lagu yiri qoraal la soo dhiggay bartaha xafiiska Qaramada Midoobay e Soomaaliya uu ku leeyahay Twitter-ka

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  6. Xasan Cali Kheyre: isku day dil ayaan ka badbaadnay

    Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay inuu ka badbaaday "isku day dil" lala damacsanaa.

    "Waxaan aniga iyo dhowr musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, masuuliyiin kale iyo shacab badan ka badbaadnay isku dey dil ah oo toos ah oo lagu qorsheeyay in nalagu khaarijiyo", ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga.

    Mar sii horreysay maanta ayaa rasaas lagu furay dibadbaxyaal ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah midowga musharrixiinta oo uu ku jira Xasan Calli Kheyre. Waxay dhagaha ka fureystaeen amar dowladeed oo ahaa inaaan la qaban karin dibadbaxyada Covi19-ka soo laba kacleeyay dartii.

    Mucaaradka ayaa ka cabanaya dib u dhaca ku yimid doorashada iyadoo muddo xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday.

    Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  7. Daahir Geelle: Waan wadeynaa dibadbaxyada

    Daahir Geelle oo ka tirsan Midowga Musharrixiinta ayaa inta aysan billaabanin dibadbaxyada uga warramay BBC-da sababta ay u diiden amarka ay dowladda ku mamnuucday dibadbaxyada iyadoo sababa uga dhigtay Covid19 oo ku soo laba kacleeyay Muqdisho.

    Qoraalka Muuqaalka, Daahir Gelle: Banaanbaxyada waan sii wadaynaa
  8. Dowladda oo aan wali ka hadlin xaaladda ka taagan Muqdisho

    Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama aysan hadlin dibadbaxyada iyo rasaaseynta ka dhacay magaalada Muqdisho.

    Mar sii horreysay ayaa wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale waxa uu ka hadlay dagaalkii ka dhacay xalay agagaarka hotel Maida o ay daggan yihiin madaxweynayaashii hore.

    Xundubey ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho. Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho.”

    Xundubey ayaa intaas ku daray in ciidammada Qalabka Sida ay markaa kaddib galeen heegan buuxa ayna iska difaaceen weerarkaa, sida uu hadalka u dhigay.

    BBC

    Mucaaradka ayaa horay u sheegay in ciidamada dowladda ay weerareen Hotel-ka Ma’ida oo ay degan yihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

  9. Iska hor imaad ka socda agagaarka KM4

    Rasaaas ayaa ka dhaceysa agagaarka Isgoyska KM4, halkaas oo banaanbax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiin lagu rasaaseeyay.

    Bannaan bax ay ka soo bilaabeen dhanka Hotelka Jazeera oo ay horkacayeen Musharaxiinta kala ah C/kariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, C/raxmaan C/shakuur iyo Xildhibaano ayaa rasaas ku bilaabatay markii ay ku soo dhowaadeen agagaarka Isgoyska KM4

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Kheyre: Weerarkii xalay waxaa la rabay in lagu dhibbateeyo madaxweynayaashii hore

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay weerarka xalay lagu qaaday Hotelka ay degan yihiin Madaxweynayaashii hore.

    Wuxuuna ku eedeyay dowladda madaxweyne Farmaajo inay weerarkaasi uga gol lahayd in lagu dhibaateeyo madaxdaasi oo ku baaqay dibadbax nabdoon.

    Qoraalka Muuqaalka, Xasan cali Kheyre oo werarkii xalay ku eedeeeyay Farmaajo

    Kheyre ayaa ugu baaqay dadweynaha Muqdisho inay isugu soo baxaan dibadbax si ay dareenkooda u cabbiraan.

    Dowladda ayaa ku eedeysay maleeshiyaad ka amar qaata madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Sh Shariif ay weearar ku qaadeen fariisimaha ciidammada dowladda.

    Ilaa iyo hadda lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay dhacay

  11. Ciidammada amaanka oo rasaas ku kala eryay dad ku dibadbaxayay agagaarka KM4

    bbc

    Rasaas lagu furay koox dibad baxayaal ah oo ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka wakhtigiisa dhamaaday agagaarka agagaarka koontoroolka KM4

    Ciidammada ayaa rasaas ku kala eryay dibad baxayaal ay hogaaminayee hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ra’iisul wasaarahii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Mucaaradka ayaa sheegay inay doonayaan inay dhigaan dibadbaxyo nabdoon, balse dowladda ayaa mamnuucday dibadbayxada sababa la xiriira xannuunka Covid19.

    bbc

    Xigashada Sawirka, bbc

    Mucaaradka ayaa doonaya in la qabta doorasho si deg deg ah.

    Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

  12. Waddooyinka Muqdisho oo xiran

    Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka ayaa saakay xiray waddooyinka Magaalada Muqdisho, iyadoo la filayo in mucaaradka ay maanta magaalada ku qabtaan dibadbaxyo ka dhan ah dowladda.

    Ciidammo farabdan ayaa saaka la keenay waddooyinka caasimadda gaar ahaan agagaarka taalada Daljirka Daahsoon.

    Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in ciidanku ay dadweynaha u diidayaan in ay isticmaaalaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Taallada.

    Midowga musharrixiinta ayaa ku adkeysanaya inuu dhici doono muddaaharaadka ay ku baaqeen in la qabto maanta oo Jimce ah inkastoo dowladda ay mamnuucday sababa la xiriira xannuunka Covid19 oo soo laba kacleeyay.

    bbc
  13. Muddaaharaadyo ka billowday qeyba ka mid ah Muqdisho

    Daraasiin dibadbaxayaal ah oo uu hoggaaminaya hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa socod ka billaabay waddada aadda garoonka Aadan Cadde iyagoo ku soo jeeda Daljirka Daahsoon.

    Ciidamada ammaanka ee dowladda Federaalka ayaa saakay xiray in badan oo ka mid ah waddooyinka Magaalada Muqdisho

    Ciidammo farabdan ayaa saaka la keenay waddooyinka caasimadda gaar ahaan agagaarka taalada Daljirka Daahsoon.

    Social media

    Xigashada Sawirka, Facebook

  14. Subaxa wanaagsan

    Jimce wanaagsan. Ku soo dhawaada tebinta tooska ah. Waxaan idiin soo gudbin doonaa warar ku saabsan xaaladda magaalada Muqdisho.