Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u saaray xubnaha guddiga doorashada
Ku soo dhowaada tebinta tooska ah
Tebin toos ah
Soomaaliya: Qaramada Midoobay oo sheegtay in carruur badan ay halis ugu jiraan macluul
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Sawir hore/carruur saf ugu jiraan raashin la qeybinayo
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani'aadannimada ee UNOCHA ayaa sheegtay in haddii aan wax laga qaban ay carruur dhan 51,000 ay khatar ugu jiraan inay dhintaan.
Waxaa kale oo ay hay'addu sheegtay in qiyaastii 250,000 oo kale oo qaba macluul daran aysan helli doonin nafaqada ay u baahan yihiin.
UNOCHA ayaa intaas ku dartay in haddii aan la caawin ay carruurtaasi khatar ugu jiraan macluul aad u daran.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u saaray xubnaha guddiga doorashada
Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA
Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddi
heer wasiirro ah u saaray xaqiijinta xubnaha maamulka guddiga doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka taagan tahay.
Arrintan ayaa qeyb ka ahayd heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Golalaha Wadatashiga Qaran ayaa go'aamiyey, iyadoo la tixraacayo soo jeedintii Guddiga Farsamada Baydhabo, in Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka loo soo gudbiyo xubnaha Guddiyada maamulka doorashada ee labada heer ee cabashadu ka jirto muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranku saxiixaan heshiiskaan.
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto xogta xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo cadeymaha xogtaas wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2 maalmood gudahood ah.
Guddiyadu waxay iska dhex dooranayaan guddoonkooda kadib markii ay soo dhameystirmaan.
Qoraalka sawirka, Boris Johnson ayaa shalay xaflad qarsoodi ah ku guursaday gacalisadiisa Carrie Symonds
Waxaan maanta maqalnay
warka ah in Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson uu gacalisadiisa Carrie Symonds
ku aroosay xaflad si qarsoodi ah loo soo agaasimay oo shalay ka dhacday kaniisadda
Westminster Cathedral. Lammaanaha ayaa qorsheynaya in sanadka dambe ay mar kale
la dabaal degaan qoysaskooda iyo saaxiibbadood.
Balse waa maxay
shuruucda UK xilligan uga degsan aroosyada?
Gudaha England,
lamaaneyaasha ilaa 30 qof – oo ay ku jiraan carruur – ayay ku casuumi karaan
xafladda. Qof walba oo shaqeynaya laguma xisaabinayo tiradaas.
Dowladda ayaa hore u seegtay
inay rajeyneyso inay xayiraadaha aroosyada qaaddo wixii loo gaaro 21 June – waxaa
arrintan faahfaahin dheeraad ah laga heli doonaa 14 June.
Gudaha Scotland,
ilaa 50 qof (oo ay ku jiraan lammaanaha iyo marqaatiyaasha) ayaa ka qeybgeli
kara xafladaha aroosyada – iyadoo dadka laga doonayo inay 2m isu jirsadaan.
Af-xirashadu waa ku waajib dadka, laakiin kuma jiraan lammaanaha.
Waxaa la filayaa in
shuruucdan wax laga beddelo 7 June, markaas oo la oggolaan doono inay kulmaan
ilaa 100.
Gudaha Wales,
ilaa inta ay xarunta xafladda qaaddo ayaa imaan karta, balse waxaa qasab ah
kala fogaanshaha bulshada.
Waqooyiga Ireland,
ma jirto tiro xaddidan oo ka qeybgalaya xafladaha aroosyada, balse waxaa
maamulka xarunta ku waajib ah inay qiimeeyaan inta qof ee ka qeyb geli karta.
Mar Wasiirka Tallaalka
wax laga weydiiyay in sababta Ra’iisul Wasaaraha iyo gacalisadiisa ay u sugi
waayeen 21-ka June oo ah xilliga la filayo in la qaado xayiraadda aroosyada, ay
tahay inaanba la qaadi doonin xayiraadda, ayuu wasiirka Nadhim Zahawi wuxuu
sheegay inuusan waxba ka oran karin arrintaas .
Madaxda Afrikada Galbeed oo ka shiraya xaaladda Mali
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha milatariga Mali Goïta ayaa dhowaan isku caleema saaray madaxweynaha Mali
Madaxda Afrikada Galbeed ayaa maanta ku kulmaya dalka Ghana si
ay uga wada xaajoodaan afgembigii milatari ee labaad ee ka dhacay Mali. Madaxweynaha
Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka digay in Faransiiska uu ciidamadiisa kala
bixi doono Mali haddii xaaladda dalkaasi ka taagan ay caqabad ku noqoto uulaha
laga gaaray kacdoonka Islaamiyiinta.
Madaxda urur-goboleedka ECOWAS ayaa la filayaa inay kulan la
qaataan madaxa milatariga dalka Mali iyagoo kala hadlaya qaab xukunka loogu
wareejin karo madaxweyne rayid ah.
Col. Assimi Goita ayaa hormuud ka ahaa afgembigii bishii August
ee sanadkii hore isagoo mar kale xukunka la wareegay kaddib markii isku
shaandheyn uu sameeyay Madaxweyne Bah Ndaw xilka looga qaatay labo xubnood oo
ka tirsanaa milatariga.
Bannaanbax looga soo horjeedo Reer-galbeedka oo ka socda Addis Ababa
Xigashada Sawirka, SRTV
Kumannaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda dalka Itoobiya
ee Addis Ababa.
Bannaanbaxan ayaa looga soo horjeedaa sida ay sheegeen dowladaha
shisheeye ee farogelinta ku haya arrimaha gudaha Itoobiya iyo horumarka
dalkaas.
Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale sitay boorar lagu taageerayo biyox-reenka lagu muransan yahay ee ay Itoobiya ka dhiseyso Webiga Nile.
Sawirrada Madaxweynaha Ruushka iyo dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping ayay siteen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha iyadoo xiriirka Itoobiya iyo Mareykanka - oo ay mar xulafo dhow ahaayeen - uu sii xumaanayo.
Bannaanbaxan ayaa sidoo kale ka socda qeybo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ay ka mid tahay magaalada Dhagaxbuur.
Telefishinka Dowlad Deegaanka ee SRTV ayaa soo tebiyay in
shacabkii bannaanbaxayay ay ku dhawaaqayeen erayo muujinaya sida ay uga soo
horjeedaan cid walba oo ka xun horumarka Itoobiya.
Xigashada Sawirka, SRTV
Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado xooggan ku soo rogay dalka Itoobiya taas oo la xiriirta colaaddii ka dhacday gobolka Tigray ee weli saameynteeda ay taagan tahay.
Xayiraaddan cusub waxay saameyneysaa dhanka dhaqaale iyo taageeradii dhanka amniga ee Mareykanka uu siin jiray Itoobiya.
Ra’iisul wasaaraha UK oo xaflad qarsoodi ah ku guursaday gacalisadiisa
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Ra'iisul wasaaraha iyo Carrie Symonds oo sawir laga qaaday xilli ay codkooda ka dhiibanayeen doorashooyinka dowladda hoose ee bishan dhexdeeda qabsoomay
Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sida la sheegay gacalisadiisa
Carrie Symonds ku guursaday xaflad qarsoodi ah oo ka dhacday kaniisadda Westminster
Cathedral.
Arooska
oo shalay dhacay waxaa ka soo qeyb galay saaxiibbada lammaanaha iyo
qoysaskooda, sida lagu daabacay dhowr wargeys.
Xafiiska
ra’iisul wasaaraha ee Downing Street ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo arrintan.
Ms Symonds, oo 33 jir ah, ayaa markii ugu horreysay ee la
sheegay inay xiriir leeyihiin Mr Johnson, oo 56 jir ah, waxay ahayd horraantii
2019.
Waxay labadooduba bishii Febraayo ee sanadkii hore shaaciyeen inay
isku doonan yihiin isla markaana ay uur leedahay.
Wiilkooda Wilfred, ayaa dhashay
bishii Abriil ee la soo dhaafay.
Maxaa sababay in doorkan ay haween badan isku soo sharxaan baarlamaanka Somaliland?
Maanta oo keliya ayaa inaga xigta doorashooyinkii isku sidkanaa ee baarlamaanka Jamhuuriyadda iskeeda madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo golaha deegaanka oo qorshaysan maalinta berri ee 31 May in ay qabsoomaan.
Baarlamaanka Soomaaliland ee hadda jira haweenku waa hal gabadh oo keliya. Waxaana hadda sharraxan haween dhowr ah, inkasta oo ay wejahayaan caqbado kala duwan. Halgankaa ah in haween badani doorkan soo baxaan, ayaa waxaa qayb ka ah ololaha Hiil Haween, oo ay bilaabeen hablo si mutaddawacnimo ah ugu ololaynaya haweenkaas, dhanka kalena ka kaabaya xagga qaaraanka.
Haddaba Muna Xuseen Khaliif oo halwadeennada Hiil Haween ka mid ah, ayaa nooga warantay sida ay wax u wadaan illaa iyo hadda, waxaana ay u warrantay Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil.
Qoraalka Codka, Haween badan ayaa doorkan u sharraxan baarlamaanka Somaliland