Mid ka mid ah raggii ka dambeeyay "afduubka" gabdhaha Soomaalida oo la xiray

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Haweenka Masar oo gaaray guul dhanka sharciga ah

    Haweenka ayaa xukunkan soo dhaweeyay

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Haweenka ayaa xukunkan soo dhaweeyay

    Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa go’aamisay in haweeneydu ay xaq u leedahay inay u hesho warqad dhalasho ilmaheeda iyadoo uusan joogin ninkeeda, gaar ahaan marka ay khilaaf ku kala maqan yihiin.

    Maxkamadda Sare ee Maamulka, oo xukunkeedu yahay mid kama dambays ah oo aan racfaan laga qaadan karin, ayaa sheegtay in khilaafaadka guurka ee dhaca xilliga uurka aysan ka reebaynin hooyada inay cunageeda u hesho warqad dhalasho, islamarkana qoyska ninkeeda aysan ka hor istaagi Karin haweeneyda xuquuqdan .

    Arrintan ayaa ka dambeeysay ka dib khilaaf u dhexeeya lamaane is qabay oo ku nool magaalada Damanhour, ee gobolka Buhaira ee waqooyiga Masar, ka dib markii ay xaasku ka tagtay gurigeeda iyada oo uur leh.

    Markii ay umushay waxay tagtay xafiiska caafimaadka ee magaalada si ay uga soo qaadato warqad dhalasho ilmaheeda, waxaa layaab ku noqotay in ninkeeda uu ku wargaliyo xafiiska caafimaadka in cadeymaha cunuga ay tahay inuu soo maro isaga kali ah, taasina ay tixgaliyeen xafiiska caafimaadka.

    Xaaska ayaa dacwad u gudbisaymaxakamad si ay cunigeeda ay ugu hesho warqadda dhalashada.Go'aankan ay gaartay maxkamadda ayaa haweenka dib ugu soo celinaya xuquuqdooda aasaasiga ah.

  2. Israa'iil oo caalamka uga digtay madaxwaynaha la doortay ee Iran

    Bennett ayaa maanta kulan la qaatay golihiisa wasiirada

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Bennett ayaa maanta kulan la qaatay golihiisa wasiirada

    Rai’sul wasaaraha Israa’iil, Naftali Bennett, ayaa beesha caalamka uga digay in "ay ku baraarugaan " madaxwaynaha cusub ee Iran ee dhawaan la doortay, Ibrahim Raisi.

    Waxaa uu Naftali sheegay in doorashada Raisi ay tahay baaq mudan in ay ku baraarugaan dalalka reer galbeedka.

    Rai’sul wasaare Naftali Bennett ayaa sheegay in "ragga arxanka daran ee haya taliska Iran" ay doonayaan inay gacanta ku dhigaan hubka niyukleerka ee wax gumaada.

    Ibrahim Raisi ayaa ku guuleystay doorashadii Jimcihii ka dhacday dalka Iran.

    Raisi ayaa horey u ahaa madaxii guddigga adeegga garsoorka Iran.

  3. Kooxda Taliban oo sheegtay in xalka Afqanistaan uu ku jiro dowlad islaami ah

    Taliban

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Taliban

    Xilli rabshdaha ka taagan dalka Afghanistan ay sii kordhayaan ayaa hogaamiya ku xigeenka kooxda Taliban waxaaa uu sheegay inay ka go’an tahay wadahadalada nabadda.

    Mullah Abdul Ghani Baradar ayaa intaa ku daray in "nidaam islaami ah oo sax ah" uu yahay qaabka kali ah ee lagu soo afjari karo dagaalka Afqanistaan.

    Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli walaac laga qabo in la isku mari waayo wadahadalada u dhaxeeya Talaiban iyo dowladda Afqanistan ee gar-wadeenka ka tahay dowoladda Qatar.

    Wadahadaladii u dhaxeeya Taliban iyo dowladda Afqanistaan ayaa muddo bilooyiin ah hakad ku jiray.

  4. Maxaa ka soo baxay shirka nukliyeerka Iiraan?

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Madaxa dhexdhexaadinta nukliyeerka Iiraan, oo ka hadlayay kaddib wada hadallada caalamiga ah ee maanta ka furmay magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa sheegay in Tehran iyo lix kale oo dalalka caalamka ah ay isugu soo dhowaadeen soo celinta heshiiska nukliyeerka ee 2015.

    Balse Abbas Araqchi ayaa telefishinka qaranka Iiraan u sheegay inay weli jiraan caqabado oo aysan fududeyn in la gaaro xal.

    Wada xaajoodyada ayaa la filayaa inay sii socdaan kaddib marka madaxweynaha cusub ee la doortay (Ebrahim Raisi) uu talada dalka la wareego horraanta August. Heshiiska (2015) ayaa sababay in cunaqabateynta laga qaado Iiraan iyadana taas beddelkeeda ay khafiifiso howlaheeda nukliyeerka.

  5. Mid ka mid ah raggii ka dambeeyay "afduubka" gabdhaha Soomaalida oo la xiray

    Kenya

    Xigashada Sawirka, DCI Kenya

    Booliiska Kenya ayaa soo xiray mid ka mid ah raggii ka dambeeyay "afduubka" gabdhaha Soomaalida dhowaan loogu geystay magaalada Nairobi ee caaismadda Kenya.

    Xafsa Maxamed Luqmaan oo booliisku ay shaaciyeen in maanta laga soo helay xaafadda Kayole ayaa la sheegay in la afduubtay toddobaadkan dhexdiisa.

    Eedeysanaha oo 24 jir ah ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa burcaddii afduubatay Xafsa, ayaa la soo qabtay booliiska ayaana su'aalo weydiinaya.

    Booliiska ayaa ku raad jooga raggii kale ee burcadda ka tirsanaa.

    Xafsa oo markii ugu dambeysay ku sugneyd dukaankeeda oo dhar lagu iibiyo ayay afduubteen koox burcad ah, kuwaas oo dalbaday Sh5 milyan.

    Muuqaal naxdin leh oo laga soo duubay Xafsa ayaa lagu arki karay iyada oo wejigeedu bararan yahay isla markaana qoyskeeda ka bayeysa inay lacagta bixiyaan si ay nafteeda u badbaaddo.

    Xafsa ayaa haatan lagu daweynayaa isbitaalka.

  6. Mid ka mid ah gabdhihii Nairobi lagu "afduubtay" oo la helay

    Xafsa

    Xigashada Sawirka, DCI Kenya

    Waxaa lagu soo warramayaa in ugu dambeyn la helay mid ka mid ah gabdhihii la sheegay in lagu "afduubtay" magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

    Xafsa Maxamad Luqmaan oo ganacsato ahayd isla markaana toddobaadkan dhexdiisa la waayay, isla markaana baraha bulshada la iskula wadaagayay sawirradeeda oo dhaawacyo wejiga ah ay ka muuqdaan ayaa la hela.

    Waaxda dembi baarista Kenya ayaa sheegay in Xafsa oo 23 jir ah laga helay xaafadda Kayole.

    Sawirka Xafsa ayaa waxaa ka muuqda dhaawac kaga yaal wejiga.

    Weli wax war ah lagama hayo Xafsa Cabdi oo iyadana la sheegay in lagu "afduubtay" Nairobi.

  7. Wax ka ogow taariikhda magaalada Diridhaba

    Magaalada Diridhaba oo dad badan ay ku tiriyaan magaalo Soomaaliyeed, ayaa sidaas oo ay tahay aan hoos imaan Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, balse iska leh ismaamul goonni ah oo toos u hoostaga dowladda Fedraalka ah ee Itoobiya.

    Diridhaba ayaa berri waxaa ka dhacaysa doorashooyinka baarlamaanka iyo kuwa wakiillada maamulka magaalada, halka doorashada Dowlad Deegaanka Soomaalida dib loo dhigay saddex bilood oo dambe.

    Haddab taariikhda magaaladan iyo heerarkii maamul ee ay soo martay ayaanu ka waraysannay Maxamed Xaaji Ingiriis oo wax ka qoray sooyaalka magaaladaas. Weriyaha BBC-da Fartuun Ismaaciil Axmed ayuu u warramay.

    Qoraalka Codka, Diridhaba
  8. Waa kuma Ebrahim Raisi, madaxweynaha cusub ee Iiraan?

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wadaadkan 61 sano jirka ah oo lagu tiriyo inuu mayal adag yahay wuxuu ku dhashay Mashhad oo Iiraan ka tirsan.

    Waxaa weligeedba la rumeysnaa inuu yahay qofka ugu dhow ee beddeli kara Ayatollah Khamenei.

    Weligiis ma uusan beenin wararka la isla dhex mari jiray ee damaciisa ah inuu noqdo hoggaamiyaha sare ee xiga, qaar badan oo ka mid ah tallaabooyinkiisana waxay muujinayeen in loo sharraxay xilkaas.

    Dhowr xil ayuu ka soo qabtay waaxda garsoorka waana ku xigeenka guddoomiyaha Golaha Khubarrada.

    Taariikhda arrimaha bani`aadannimada ee Raisi, waxay muujineysaa inuu door ku lahaa xukunkii dilka ee lagu fuliyay maxaabiis badan oo siyaasadeed sanadkii 1988.

    Wuxuu ku guul darreystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii 2017, balse Hoggaamiyaha Sare ayaa u magacaabay madaxa Garsoorka.

    Tan iyo intii uu xilkaas qabtay, wuxuu kordhiyay ka soo muuqashadiisa warbaahinta wuxuuna bilaabay waxa uu ugu yeeray "dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa".

    Sida Ali Khamenei, Raisi wuxuu ka soo horjeeday heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ee sanadkii 2015 wuxuuna xulafo dhow la yahay Ilaalada Kacaanka.

  9. Lammaane kharashkii arooskooda ugu deeqay barakacayaasha Tigray

    Tigray

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, QM ayaa sheegtay in xaalad bani'aadannimo oo daran ay ka jirto Tigray

    Lammaane Itoobiyaan ah ayaa kharashkii ay ku dhigan lahaayeen xaflad aroos oo cajiib ah waxay cunto iyo waxyaabo kale ugu iibiyeen dadka ku barakacay dagaalka Tigray.

    Meaza Tadese iyo Kalab Belay ayaa dadkaasi ugu deeqay $8,500 (£6,100).

    "Deeqdeenna ma xallin doonto dhibaatada dadka Tigray, balse waxaan bixineynaa uun waxaan awoodno," ayay Ms Meaza u sheegtay BBC.

    Tigray waxaa la degtay xaalad bani’aadannimo kaddib markii Itoobiya ay ciidamadeeda u dirtay gobolkaas bishii November sanadkii hore si ay ula dagaallamaan TPLF, oo ahaa xisbigii xukumayay gobolkaas, kaas oo weerar ku qaaday saldhigga ciidamada federaalka ee gobolka.

    Kumannaan qof ayaa loo maleynayaa in lagu dilay dgaaalka halka ilaa 1.7 milyan oo qofna ay ka qaxeen guryahooda.

    Horraantii toddobaadkan madaxa arrimaha bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegya in xaaladda gobolka Tigray ay ka daran tahay sidii loo maleynayay.

    Balse dowladda Itoobiya ayaa beenisay in gobolka ay ka jirto macluul.

  10. Waa sidee xaaladda qaxootigii dhowaan galay xeryaha Dhadhaab?

    Iyadoo maanta ay ku beegan tahay Maalinta Qaxootiga Adduunka, ayaa waxaa duruufo adag laga soo sheegayaa xerayaha qaxootiga ee Dhagaxleey, ee deegaanka Dhadhaab, gobolka Waqooyi-bari Kenya.

    Dadka dhOwaan gaaray xeryahaas kana soo barakacay Koofurta Soomaaliya, ayaa ka cabanaya hooy laa'aan, iyo duruufo kale oo nololeed.

    Sahro Maxamed Xasan oo ka mid ah dadka lixdii bilood ee ugu dambeeyey gaaray xeryaha qaxootiga ee Dhagaxleey ayaa arrintaas uga wrarantay Axmed Mursal Xuseen.

    Qoraalka Codka, Xeryaha qaxootiga Dhadhaab
  11. Israa'iil: "Ebrahim Raisi waa madaxweynaha ugu mayalka adag ee soo mara Iiraan"

    Iiraan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ebrahim Raisi, madaxweynaha cusub ee Iiraan

    Israa’iil ayaa sheegtay in beesha caalamka ay tahay inay walaca ka muujiyaan doorashada madaxweynaha la doortay ee Iiraan, Ebrahim Raisi.

    Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil, Lior Haiat, ayaa sheegay in Raisi uu yahay madaxweynaa ugu mayalka adag ee Iiraan.

    Wuxuu sidoo kale ka digay in hoggaamiyaha cusub uu kordhin doono howlaha nukliyeerka ee Iiraan.

    Ebrahim Raisi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee shala

    Raisi, ayaa oo la caleema saari doono bisha August, waa garsooraha ugu sarreeya Iiraan. Wuxuu ku jiraa liiska dadka uu cunaqabateynta saaray Mareykanka, waxaana loo heystaa dilalka maxaabiis siyaasiyiin ahaa.