Natiijada doorashada Itoobiya oo la shaaciyey

Ku soo dhawaada Tabinta tooska ah ee BBC Soomaali

Tebin toos ah

  1. Natiijada Doorashada Itoobiya oo la shaaciyey

    Dad codeynaya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ayaa goor dhaweyd shaaciyey natiijada doorahada 21-ka bishii June ka dhacday dalka Itoobiya.

    Wuxuuna guddigu sheegay xisbiga talada dalkaasi haya ee EPP 436 kursi oo kuraasta baarlamaanka oo la shaaciyey, 410 ka mid ah uu ku guuleystay.

    Ku dhawaad 100 deegaan doorasho ayey weli doorasha ka dhicin sababa la xiriira amni darro iyo arrimo kale.

    Deegaanka Tigraay oo ay dagaallada ka socdaan wuxuu ka mid yahay deegaannada ay doorashadaasi ka dhicin. Halka deegaannada Soomaalida iyo Hararidana doorashadooda dib loo dhigay loona muddeeyey 6-da bisha September 2021.

    Xisbiga Ra’isal wasaare Abiy Axmed ayaa u baahnaa 174 kursi oo keli ah si uu doorashada ugu guuleysto.

    Doorashda guud ee bishii hore dalka Itoobiya ka dhacday waxaa hareeyey dagaalka siddeedda bilood ka socday deeganka Tigraay, halka deeganka Oromadana laga soo sheegay xadgudubyo baahsan iney ka dhaceen, labo ka mid ah xisbiyada mucaaradka kuwooda ugu waaweyna ay doorashadaasi qaadaceen.

  2. Ra'isal wasaare Rooble oo booqasho ku maraya Garbaharrey

    Ra'isal Wasaareaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

    Qoraalka sawirka, Ra'isal Wasaareaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, oo maanta booqasho ku gaadhay magaalada Garbahaarrey iyada oo la filayo inuu halkaasi uu wadahal kula yeesho madaxda iyo waxgaradka gobolkaasi.

    Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka warbixinayay socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee gobolka Gedo ayaa sheegay in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobalka Gedo, halkaasi oo ay soo dhaweeyeen shacab iyo maamul.

    Rooble maanta inta uu booqashada ku marayey Garbaharey wuxuu kormeer ku soo maray xeryaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gaarbaharreey ku yaalla.

    Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ay qeyb ka tahay safaro uu ku mari doono Gobollada ay doorashada ka dhacayaan oo ay magaalada Garbahaarey qeyb ka tahay, waxaana uu Ra’iisul Wasaaraha uu dhagax dhigay garoonka kubadda cagta ee degmada oo dib u dhis lagu sameyn doono.

    Ra'isal Wasaareaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

    Ra'isal Wasaareaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

    Ra'isal Wasaareaha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble

    Xigashada Sawirka, RADIO MUQDISHO

  3. Hoggaamiyaha Falastiin oo booqasho rasmi ah ku tagay Turkiga

    Madaxweynaha Maamulka Falstiin Maxamuud Cabbaas iyo oo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Maxamuud Cabbaas iyo Recep Tayyip Erdogan

    Xafiiska madaxweynaha Turkiga ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas iney Istanbul ku kulmeen.

    Warbaahinta maxalliga dalka Turkigana waxay sheegeen booqashada Cabbaas uu ku marayo Turkiga iney laba maalmood qaadaneyso, ayna labada hoggaamiye ka wada hadli doonaan arrimo la xidhiidha xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya.

    Sida oo kale warbaahintu waxay sheegtay iney hoggaamiyeyaashu ka wada hadli doonaan xiriirka dhaqaale sidi loo xoojin lahaa iyo arrimo la xidhiidha xiisadda ka aloosan marinka Qaza ee u dhaxeeya ciidamada Israa'iil iyo ururka Xamaas.

    Wariyaha wakaaladda Anadolu uga soo horramay kulanka Erdogan iyo Cababas wuxuu sheegay kulan uu albaabbada u xiran yihiin oo qaatay ku dhawaad 85 daqiiqo, kulammada xigana ay kaga wada hadli doonaan doorashada madaxweynaha Falastiin ee dib loo dhigy oo qabsoomeyso 31-ka bishan July.

  4. Guddoomiyaha guddiga maamulaya kuraasta labada aqal ee Somaliland oo Muqdisho lagu doortay

    Xubnaha Guddiga Maamulaya kuraasta labada Aqal ee Somaliland ayaa maanta fadhi rasmi ah oo ay yeesheen ku doortay guddoomiye cusub.

    Xilka Guddoomiyaha Guddiga waxa loo doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye Ku-xigeen loo doortay Mudane Najiib Xuseen Samaale.

    Horayna waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka ee heer federaal iyo guddiyada doorashooyinka maamul goboleedyada.

    RADIO MUQDSIHO

    Xigashada Sawirka, RADIO MUQDSIHO

  5. Taalibaan oo loogu baaqay waanwaan nabadeed

    Madaxweynaha Afghanistaan Ashraf Ghani

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Afghanistaan Ashraf Ghani

    Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ururka Taalibaan ugu baaqay in dib loo billaabo wadaxaajoodki siyaasadeed oo looga tashanayo mustaqbalka Afghanistaan.

    Ghani oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jarayey garoon diyaaradeed oo laga dhisay gobolka Khost wuxuu sheegay xukumadiisu iney nabadgalyo dooneyso.

    Mar sii horreysayna Urrurka Taalibaan wuxuu sheegay iney dagaallamayaasha ururka ay xalay qabsadeen laba degmo oo ka tirsan gobolka Parwan, oo Kabul waqooyiga kaga beegan.

    Ururka Taalibaan ayaa cadaadis xooggan ku hayey deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada xukumadda Kaabul.

    Booliskana waxay sheegeen qarax ka dhacay mehered gaar loo leeyahay iney laba qof ku dhinteen. Warbaahinta maxalligana waxay sheegeen dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka Sar-e-pul iney ku dhinteen 11 ka mid dagaallamayaaha taalibaan halka 4 askari oo boolis ahna lagu dilay gobolka Koonfureed ee Helmand.

  6. Al-Shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

    Sawir

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Ururka Al-shabaab ayaa sheegay qarax loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey inay ka fuliyeen magaalada Muqdsiho.

    Dad goobjoogayaal ah waxay sheegeen iney qaraxaasi ugu yaraan ay ku dhinteen 4 qof, qaarkalana ay ku dhaawacmeen.

    Gaariga qaraxa loo adeegsaday ayaa lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo mareysay waddo ciriiri ah oo ku talla magaalada Muqdisho.

    Ahayeenka booliska Soomaaliya, Gaashanle Saadaq Aaden Cali wuxuu BBC u sheegay qaraxaasi in lagu bartilmaameedsanayey taliyaha booliska gobolka Banaadir, Gaashaanle Faraxaan Maxamuud, balse qaraxa uu ka badbaaday.

    Sagaalka qof ee qaraxaasi ku dhaawacantay waxaa ka mid ah hal askari oo boolis ah uu dhaawac fudud soo gaaray, halka 8 qof ee kale ay yihiin dad rayad ah.

    Ururka Al-shabaab ayaa qaraxyo isdabajoog ah la beegsado hay’adaha ammaanka, saraakiisha dowladda Soomaaliya iyo dadka rayadka ah.

  7. Aqoon-yahan ku nool Canada oo aan weligiis isticmaalin teleefon iyo baraha bulshada

    Iyadoo inta badan dadku ay aad u isticmaalaan baraha bulshada iyo telephone-ka gacantaba ayaa Abdullahi Jama oo bare ka ah mid ka mid ah dugsiyada sare ee gobalka Alberta ee dalka Canada wuxuu aamisanyahay in laga maarmi karo isticmaalka telephone-ka.

    Wuxuna sheegay inuusan waligii isticmaalin baraha bulshada iyo teleefonka gacanta toona.

    Qoraalka Codka, .
  8. Rooble: Axmad Madoobe ayaa masuul ka ah doorashada Garbahaarey iyo Kismaayo

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

    Xigashada Sawirka, OPM SOMALIA

    Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta markii uu ka ambabaxayay magaalada Kismaayo waxa uu sheegay inuu socdaal ku mari doona guud ahaan magaalooyinka loo asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka soo socda ee dalka, si uu ugu kuurgalo diyaargarowga howlaha doorashada iyo ammaanka magaalooyinkaasi.

    Rooble waxa uu sheegay in safarka uu ku tagay magaalada Kismaayo uu qeyb ka ahaa arrimaha doorashada Soomaaliya ee uu isagu mas'uulka ka yahay.

    Ra'iisul wasaare Rooble waxa uu dhanka kale carabka ku adkeeyay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu mas'uul ka yahay doorashooyinka ka dhici doona magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey, isagana uu kala xisaabtami doono, maadaama mas'uuliyadda doorashada ay isaga saaran tahay.

    Qoraalka Codka, .
  9. Itoobiya oo sharuud ku xirtay diyaaradaha ka dagaya gobolka Tigray

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Itoobiya ayaa sheegtay diyaaradaha deegaanka Tigraay ku socda ama ka yimaadda inta aysan dalka soo gelin ama ka bixin iney ku soo degi doonan gigadaga diyaaradaha caalamiga ee Bole ee magaalada Addis Ababa si baaritaan loogu sameeyo.

    Hay'adda duullimadyada rayadka ee dalka Itoobiyan waxay sheegtay diyaaraddi fasax haysato oo keli ah iney ka dagi karto deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalkaasi

    Dowladda oo horay u joojisay dhammaan duullimaadyada diyaaradaha tagay Tigraay ayaa go’aankeeda dib uga laabatay kaddib marki ay qiimeysay codsiyada caalamka uga imanaya iyo xaaladda bani aadaminimo ee degaankaasi ka jirto.

    Hay’adda waxay sheegtay diyaarad kasta oo gargaar u sidda deegaanka Tigraay in looga baahan yahay iney marka hore ku soo degto garoonka caalamiga ee Boole oo ku yaalla magaalada Addis Ababa. Iyada oo diyaaradahaasi baaritaan qoto dheer looga sameynayo baaritaanka kaddibna la siinayo fasaxa ay ku tagi lahaayeen deegaankaasi.

  10. Warbixintan kaga bogo horumarka tiknoolajiyada caalamku meesha ay marayso Ee barnaamijka Click.

  11. Taliban oo sheegtay inay la wareegeen 85% dhulka Afghanistan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Degmooyin badan, jidadka waawayn, iyo xuduudaha muhiimka ah ayaa marba mark aka sii dambeysa ku sii galaya gacanta Taliban.

    Saraakiisha Taliban ayaa sheegaya in dagaalyahanadooda ay la wareegeen 85% dhulka Afghanistan balse ma jirto cid ka madaxbanaan oo sheegashadaasi xaqiijin karta.

    24-kii saac ee la soo dhaafay, Taalibaan waxay qabsadeen ugu yaraan afar degmo oo cusub iyo marinno muhiim ah oo ay ku jiraan marinka Islam Qala ee marin muhiim ah u ah Iran.

    Taliban ayaa sidoo kale la wareegtay magaalada xadka ku taal ee Torghundi, oo ku taallo xadka Turkmenistan. Maroof Wahizi waxa uu degan yahay Herat. Wuxuu walaac ka muujiyay dhacdooyinkii ugu dambeeyay isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dowladda aysan in yar ka qaban badqabkooda.

    Waddanka ayaa sidoo kale wuxuu ku jiraa mawjadda seddexaad ee fayraska corona Rick Brennan - oo ah agaasimaha xaaladaha degdega ah ee W-H-O bariga Mediterranean ayaa sheegay in dagaalku uu caqabad ku yahay nidaamka caafimaad oo markii horaba liitay.

  12. Faahfaahinta qasaaraha ka dhashay qaraxii uu ka badbaaday taliye Farxaan Qaroole

    .

    Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashanle Saadaq Aaden Cali (Doodishe), ayaa BBC-da u sheegay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen sagaal kalana ay ku dhaawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Gaashaanle Saadaq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in weerrarkaasi uu khaasaraha ugu badan gaarsiiyay dadka rayidka ah iyo mehradihii ku yaallay aagga uu qaraxa ka dhacay, isagoo intaas ku daray in hal askari oo boolis ah uu soo gaaray dhaawac fudud.

    Weerrarkan ayuu afhayeenka ku sheegay in lagu bartilmaameedsaday kolonyo sidday taliyaha booliska gobolka Banaadir kaas oo qaraxaasi ka badbaaday.

    Qoraalka Codka, .
  13. Goormaa kuugu dambeysay agabkan miyiga ka yimid ? , waa Maxay ujeeddooyinka loo adeegsado?, Buunku waa sheey uusan qof kasta ka shanqarin karayn.

  14. Saxafi fal anshax xumo ah lagu soo eedeeyay oo shan sano oo xarig ah lagu xukumay

    Saxafi caan ah oo ku xeel dheer barnaamijyada baaritaanada ee dalka Marooko ayaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii lagu soo eedeeyay inuu ku kacay fal anshax xumo ah.

    Suleeymaani Raysuuni ayaa beeniyay eedaymaha loo soo jeediyay isagoo ku jiray 93 maalmood oo uu cunnada ka soomay si dammaanad loogu sii daayo.

    Taageerayaashiisa ayaa rumeysan in xukunkiisa uu salka ku hayo arrimo siyaasadeed.

    Xaaskiisa Kholoud Mokhtari ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP talaadadii in qareennadiisa ay arkeen maalin ka hor. Aad buu u daalay, ayay tiri. "Wuxuu ku dhow yahay inuu dhinto."

    Raissouni wuxuu bilaabay shaqo joojinta bishii Abriil isagoo dalbanaya in si kumeelgaar ah loo sii daayo, isagoo xabsi ku jira in ka badan hal sano.

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

  15. Qarax xoogan ayaa ka dhacay waqooyiga caasimada Iran

    Qarax xoogan ayaa ka dhacay waqooyiga caasimada Iran ee Teheran. Warbaahinta dowladda ayaa sheegaysa in qaraxa oo aan la aqoonsan uu ka dhacay gudaha Mellat Park, oo ah goob cagaaran oo caan ah una dhow xarunta dhexe ee warbaahinta dowladda.

  16. Haweenay nafteeda halis gashay kaddib markii lagu khalday askariyad ragga "laynaysa"

    Phanice Chemutai Juma oo 20 sano jir ah kana soo jeeda ismaamulka Mt Elgon ee dalka Kenya ayaa lagu dabiibayaa isbitaalka Kitale Referral Hospital ka dib markii uu ltoogtay nin magaciisa lagu sheegay Ken Muyundo oo ah ganacsade haystay qori sharciyaysan.

    Sarkaalkiisha dambi baarista ayaa sheegay in ganacsadaha uu Chemutai ka toogtay caloosha, kaddib markii uu u maleeyay inay tahay haweenay boolis ah oo lagu eedeeyay inay dishay laba nin, kuwaas oo la sheegay in horraantii isbuucan ay toogatay.

    Haweenaydan oo lagu magacaabo Caroline Kangogo, ayaa warbaahinta dalka Kenya qabsatay kaddib markii ay magaalada Nakuru ku dishay askari magaciisa lagu sheegay John Ogweno. Meel 200km u jirta halka ay dhacdada koowaad ka dhacday, ayey ku dishay Peter Njiru oo 32 sano jir ah.

    Marxaladaha ku xeeran dilka labada nin ayaa ah kuwo muran badan dhaliyay, ilaa hadda ma jirto cid wax badan ka og sababta loo dilay.

    Bayaanka ay soo saareen booliska ee ay ku shaacinayaan baadi- goobka ka dhanka ah haweenaydan ayaa waxay ku tilmaameen inay la mid tahay sheeko ku jirta filimada cabsida leh .

    .

    Xigashada Sawirka, DCI/KENYA

  17. Taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir oo qarax lala beegsaday

    Qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray gaadiid uu la socday Taliyah Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, xili uu marayay meel u dhaw Isbitaalka Banaadir.

    Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka badbaaday Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan oo la tilmaamay in lala beegsaday kolonyo uu la socday.

    .

    Xigashada Sawirka, Sonna

  18. Dhaqaale loo ururiyay dad la sheegay in maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida uu tacaddiyo u geystay

    Dhibanayaasha la sheegay inay ku waxyeloobeen tacaddiyadii ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxaa loo uruuriyay 1.7 milyan oo doolar.

    Munaasabad ay ka soo qaybgaleen madaxda dowlad deegaanka qayb ka mid ah, ururka Onlf iyo ganacsatada oo ka dhacday xarunta deegaanka ayaa lacagtaasi lagu aruuriyay.

    Dhaqaalahaasina badi waxaa ku deeqay maamulka deegaanka Soomalida.

    Maxamed Daahir Colhaye oo ka mid ah guddiga soo qaban qaabiyay sanduuqa dhaqaale ururinta ee Aflax, ayaa arrintaasi uga wraramay weriye Ismaaciil Ibraahim Buurgaabo.

    Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar oo ka hadlayay munaasabad dhaqaale loogu uruurinayo dhibbanayaasha ay waxyeellada ka soo gaartay tacaddiyadii deegaanka oo xalay ka dhacday magaalada Jigjiga, ayaa wuxuu faahfaahin ka bixyay ahmiyadda ay umadda u leedahay xuska iyo ka hadalka gabood falladii shacabka loo geestay, isagoo maamulkiisana uu sanduuqa dhaqaale ururinta ugu deeqay 50 milyan oo birta Itoobiya ah, oo ka mid ah 75-ta milyan ee dhibbaanyaasha loogu deeqay.

    Madaxweyne Musafe ayaa sidoo kale mar uu la hadlayay axsaabta mucaaradka wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta deegaanka in ay soo afjaraan tubtii loo mari jiray hanashada hoggaanka maamulka degaanka oo uu ku sheegay in uu ahaa mid kor un laga soo dhaadhiciyo

    Qoraalka Codka, .
  19. Assalaamu Calaykum.

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.