Ra'iisul Wasaaraha UK oo cambaareeyay falal cunsurimo ah oo lagula kacay ciyaartooyda madowga ah

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Gargaarki bani'​aadanimo ee ugu horreeyey oo Maqale gaaray

    Gaadiid sida gargaar bani aadanimo

    Xigashada Sawirka, FBC

    Hay'adda cunnada adduunka ee WFP ayaa sheegtay gargaarki bani aadaminimo ee ugu horreeyey oo dhulka la mariyey inuu magaalada Maqale gaaray.

    WFP waxay sheegtay iyada oo ka duuleyso fasaxa ay dowladda Itoobiya ka heshay ee ah in gargaar bani aadanimo deegaankaasi la gaarsiiyo 40-kii gaari ee ugu horreeyey oo raashiin gargaar ah sida deegaankaasi inay maanta gaareen.

    Waxay ihay'addu intaa ku dartay iney sii xoojineyso dadaallada ay dadka deegaanka Tigraay ku nool ee gargaarka u baahan ay ku gaarsiineyso raashiin gaaraya kun metric ton.

  2. Koobki Qaaradda Yurub oo Roma laga dajiyey

    Koobka oo Roma ka soo dagaya

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Koobka oo Roma ka soo dagaya

    Xalay waxaa la soo gabagabeeyey tartanka Euro 2020 kaas oo muddo bil ah socday, iyada oo kulanki kama dambeysta ay isugu soo hareen kooxaha xulka Talyaaniga iyo Ingiriiska.

    Ciyaarta labada kooxood dhexmartay oo ahayd mid aad u xiiso badan.

    Xulka qarankaTalyaaniga ayaana ku guulaystay koobka Euro 2020 Kadib markii ay rigoorayaal ku karbaasheen xulka England kulan ka dhacay Wembley iyaga oo sidaas ku qaaday koobka markii ugu horreysay tan iyo 968.

    Haddaba Koobki Euro 2020 ee ay xulka Talyaanigu xalay qaadeen waxaa maanta laga dajiyey magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga.

    Haddaba halkan kaga bogo qaar ka mid ah sawirrada Koobka Euro 2020 ee caasimadda Talyaaniga gaaray.

    Ciyaartooy koobka gacanta ku hayo

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ciyaartooy koobka gacanta ku hayo
    Kobka Euro 2020

    Xigashada Sawirka, AZZURI

    Dad guusha u dabbaaldagayo

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dad guusha u dabbaaldagayo
  3. Rabshadaha Koonfur Afrika oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof

    Sawir laga qaaday rabshadaha Koonfur Afrika

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sawir laga qaaday rabshadaha Koonfur Afrika

    Multariga Koonfur afrika ayaa la howlgeliyey si ay Booliska uga caawiyaan rabshadaha iyo boobka ka dhashay xabsi u taxaabidda madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

    Booliska waxay sheegeen ilaa iyo hadda iney qabqabteen dad ka badan 200 qof ugu yaraan 6 qofna ay rabshadahaasi ku dhinteen.

    Maxakmadda dastuuriga ee dalkaasi ayaa billowday dib u eegis ay ku sameyneyso 15-ka bilood ee xabsiga ah ee lagu xukumay, ee la xidhiidhay dacwaddi musuqa ee horay looga soo eedeeyey.

    Kooxda shaqrci yaqaannada madaxweynaha waxay doonayaan in sharcigaasi la laalo.

    Halka qaar ka mid ah taageerayaasha Zuma ay sheegeem iney mudyharaadyada sii wadayaan ilaa Zuma xorriyaddiisa loo soo celinayo.

  4. Qoys Afghanistaan ka soo jeeda oo toddobaadyo Istanbul ku xayiran

    Garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Istanbul
    Qoraalka sawirka, Garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Istanbul

    Qoys 16 qof ka kooban oo Afghaanistaan ka soo jeeda ayaa sheegay iney dalkooda cabsi uga soo carareen kaddib marki uu dhanka Talibaan uu uga yimid hanjabaadyo dil, ay ku xayiran yihiin gudaha garoonka caalamiga ee Istanbul iyaga oo muddo seddex toddobaad ka hor halkaasi soo gaaray.

    Qoyskan oo ay carruur ku jiraan ayaa gobolka Herat ee Galbeedka Afghanistaan ka soo cararay kaddib marki la dilay qaar ka mid ah eheladooda.

    Balse dowladda Turkiga kaa ayaan weli hadlin arrinta qoyskan toddobaadyada ku xayiran garoonka caalamiga ee Istanbul.

    Gobolka Heret ee dalka Afghaanistaan toddobaadyadi ugu dambeeyey dagaallamayaasha Taalibaan iyo Ciidamada dowladda waxaa ku dhex marayey dagaal qaraar.

  5. Maareeye oo kala jabka guddiga doorashada gobollada waqooyi ku eedeeyay guddoomiye Cirro

    Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

    Xigashada Sawirka, Sonna

    Qoraalka sawirka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal Maxamed Xasan Cirro in uu ka dambeeyay kala jabka guddiga doorashada gobollada waqooyi.

    “Waxaan dooneynaa in guddoomiyaha u dhaqmay si mas’uuliyad darro ah oo aan kalsooni lagu qabi karin , waxaan Ra’iisul Wasaaraha ka codsaneynaa in arrintaa uu soo dhexgalo, mas’uuliyddaa horena waxaa qaadayaa oo kala jabkaa keenay guddoomiye Cirro”

    Mareeyee wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in ‘guddoomiyaha guddiga doorashada uu doorasho hal dhinac ah u qabtay garabkii uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyadoo dhinacii kale uu ka maqan yahay”

    Wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in ugu baaqay in arrinta uu soo dhexgalo si loo soo afjaro khilaafka ka dhashay guddiyada doorashada gobollada waqooyi.

  6. Halkan ka daawo rabshadaha iyo boobka ka socda Koonfur Afrika

    Qoraalka Muuqaalka, Booliska ayaa sheegay in dembiilayaasha ay haatan dibadbaxyada uga faa’iideysanayaan inay dhac iyo weerarro ku qaadaan ganacsatada iyo dadka jaaanibta ah.
  7. Jabuuti oo iibineyso saami kamid ah shirkadeeda isgaarsiinta

    Dekedda Doorale ee Jabuuti

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dekedda Doorale ee Jabuuti

    Jabuuti ayaa markii ugu horreysay shaacisay qorshe ay saami kamid ah shirkadeeda isgaarsiinta uga iibineyso shirkado gaar loo leeyahay si shirkadda isgaarsiinta ee dowladda loo horumariyo isla markaana wax looga baddalo maamulka shirkaddaas.

    Waxaana tallaabadan looga golleeyahay in lagu dhaqaaqo iskaashi dhanka istaraatiijiyadda oo saami looga iibinaya shirkadaha gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

    Madaxweynaha wuxuu sheegay in golaha wasiirada ay ansixiyeen sharci hagayaa sida saamiga kamid ah shirkadda loo iibinayo.

    Jabuuti waxay dakhli badan ka heshaa wadammada shisheeye ee saldhigyada milateri ku leh iyo dekedaha ku yaalla halkaas.

  8. Ganacsade Soomaali ah oo ka sheekeynaya dhibaatada ka dhalatay rabshadaha ka socda Koonfur Afrika

    Cumar cabdullaahi Diiriye oo ku ah ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Johannesburg, ayaa BBC-da u sheegay in ajaanib badan oo ay Soomaali ka mid tahay loo geystay dhac isla markaana ay ku qasbanaadeen inay soo xiraan ganacsiyadooda.

    Qoraalka Codka, Cumar cabdullaahi Diiriye oo ku sugan Koonfur Afrika
  9. Militeriga Koonfur Afrika oo la geeyay gobollada ay ka socdaan rabshadaha

    Dibadbaxyo ka dhacay Johannesburg

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dibadbaxyo ka dhacay Johannesburg

    Militeriga Koonfur Afrika ayaa loo daabulay gobollada KwaZulu Natal iyo Gauteng kadib rabshadaha ka dhashay markii la xiray madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Jacob Zuma.

    Miiteriga ayaa laamaha amniga ka caawin doonaa sidoo loo joojin lahaa xiisadda maalmihii lasoo dhaafay gobolladaas.

    Qulqulatooyinka iyo boobka maalintii shanaad ka soconaya waddanka Koonfur Afrika.

    Dhanka kale maxkamadda dastuuriga ee Koonfur Afrika ayaa waxa ay haatan dhagaysanaysaa arji kaga yimid madaxweynaha hore ee xabsiga ku jira, taas oo uu ku doonayo in xukunka xabsi loogaga laabto.

    Muuqaallada lasoo geliyay baraha bulshada ayaa muujinayay dad boobayo dukaamo iyo kuwa dab qabadsiinaya dhismooyin ku yaalla halkaas.

    Sirddoonka Koonfur Afrika waxay sheegeen in 6 qof ay ku dhinteen rabshadaha halka 200 qof la xiray tan iyo markii qalalaasaha ay ka bilowdeen halkaas.

    Booliska gobolka KwaZulu-Natal waxay dadka boobka geysanayo ku eedeeyeen inay ka faa'ideysanayaan xaaladda.

  10. Qoysas ka barakacay dagaal ka dhacay tuulooyin hoostaga Doolow

    .

    Ku dhawaad labaatan qof ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen dagaal dhexmaraya miliishiyo beeleedyo wada degan tuulooyin hoos taga degmada Doolow ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

    Dagaalka oo socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ayaa keenay inay boqollaal qoys ka barkacaan deegaano u dhaxeeya tuulada Bohol Garas iyo degmada Doolow.

    Qoysaska barakacay oo ka gudbay webiga ayaa gaaray degmada Doolow, waxaana la soo weriyay inay la soo gudboonaadeen duruufo adag oo dhinaca nolosha ah.

  11. Guddoonka guddiga doorashada Hirshabeelle oo la doortay

    Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay guddoonka guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle kadib markii ay ku tartameen Axmed Xasan Diini iyo Aamino Cabdulaahi Cusmaan.

    Waxaa doorashada ku guuleystay Axmed Xasan Diini oo hadda noqday guddoomiyaha guddiga doorashada Hirshabeelle.

    Arrintani ayaa imaaneysaa markii guddiga doorashada ee maamulaya doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi ay u kala jabeen labo garab kadib markii si kala gooni gooni ah u doorteen labo guddoon.

    Axmed Xasan Diini

    Xigashada Sawirka, Radio Muqdisho

    Qoraalka sawirka, Axmed Xasan Diini
  12. Rabshado ka socda Koonfur Afrika

    Dhowr qof ayaa lagu xiray dalka Koofur Afrika iyadoo rabshadaha ay ku sii faafayaan qeybaha dalkaas kaddib xarigga madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

    Waxaana dab la qabadsiiyay xarun laga dukaameysto oo ku taalla gobolka KwaZulu-Natal iyadoo dhac loo geystay xarumo ganacsi.

    Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa, ayaa ka digay in rabshadaha iyo dhaca ka socda gobolka Kwa Zulu Natal iyo Johannesburg ay dhaqaalaha.

    Taageerayaasha Zuma ayaa markii ugu horreysay sameeyay dibadbaxyo kaddib markii madaxweynihii hore ee 79-jirka ah uu Abacadii isku dhiibay dowladda, isaga oo wajahaya 15 bilood oo xabsi ah.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  13. Ra'iisul Wasaaraha UK oo cambaareeyay falal cunsurimo ah oo lagu kala kacay ciyaartooyda madowga ah

    Sancho iyo Rashford

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sancho iyo Rashford

    Ra’iisul Wasaaraha UK iyo xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa cambaareeyay falal cunsurinimo ah oo la kula kacay ciyaartooyda kala ah Jadon Sancho, Marcus Rashford iyo Bukayo Saka kadib guuldarradii ay xaley uu xulka Ingiriiska kala kulmay ciyaarta kama dambeysta ee koobka Yurub.

    Talyaaniga ayaa 3-2 rigooreyaal ah kaga badiyay Ingiriiska.

    Saddex kamid ah ciyaartooyda Ingiriiska ayaa ku guuldareystay inay dhaliyaan rigoorayaasha.

    Ra’iisul Wasaare Boris Johnson wuxuu ku tilmaamay cunsurinimada la kula kacay ciyaartooydan mid walaaceeda leh oo laga naxo.

    “Ciyaartooyda xulka Ingiriiska waxay mudan yihiin in loogu yeero halyeey balse ma ahan in cunsurinimo lagula kaco iyadoo loo maraya baraha bulshada” ayuu yirii Ra’iisul Wasaaraha.

    Dhanka kale xiriirka kubadda Cagta Ingiriiska ayaa sheegay inay garab taagan yihiin ciyaartooyda dhibaatada loo geystay isla markaana waxay ku baaqeen in tallaabo adag laga qaado dadka suurtagalka ay tahay inay ka dambeeyeen arrintaas.

    Booliska London waxay sheegeen inay baarayaan falalka cunsurinimada ah ee lagula kacay ciyaartooyda.

    Waxay sheegeen ‘In aanan loo duul qaadan doonin falalka noocaas ah”

  14. Dad ay dishay biriq xilli ay sawirro iska qaadayeen

    Tiro dad ah ayay sanad kasta biriqda ku dishaa Hindiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Tiro dad ah ayay sanad kasta biriqda ku dishaa Hindiya

    Ugu yaraan 11 qof ayay biriq ku dishay waqooyiga Hindiya halka dad badan uu dhaawac kasoo gaaray dhacdadaas.

    Xilliggii ay biriqda dhaceysay dadkan waxay sawirro isaga qaadayay goob caan ah oo loo dalxiis tego oo ku taalla gobolka Jaipur.

    Ilaa 27 qof ayaa ku sugnaa goobta oo sawirro isaga qaadayay halkaas.

    Biriqda waxay sanad kasta Hindiya ku dishaa ku dhawaad 2,000 oo qof.

    Guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyay lacag dhan $6,700 doolar oo magdhaw ahaan loo siinayo qoysaska dadka ay waxyeellada kasoo gaartay masiibadan.

  15. Feysal Cali Waraabe: “Sharci baa laga soo saaraya qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya”

    Feysal Cali Waraabe
    Qoraalka sawirka, Feysal Cali Waraabe

    Guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in lasoo saari doono sharci dambi ka dhigaya in gudaha Somaliland lagu sito calanka Soomaaliya.

    “Sharci baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko in uu sito calanka Soomaaliya waa dambigeeda waa la qoraya, xeer baa laga soo saaraya”

    Feysal Cali Waraabe oo ka hadlayay magaalada Boorama ayaa sidoo kale sheegay in lasoo saari doono xeer tallaabo looga qaadayo dadka jeedinaya hadallada colaada horseedi kara.

  16. Jubaland oo laga sameeyay sheybaar lagu baaro tayada cuntooyinka

    Maamulka Jubbaland ayaa maaro u helay fayadhowrka cunooyinka soogalaya Kismaayo, kuwaasi oo qalab casriya lagu baarayo.

    Qalabka sheybaarka ah ayaa ka saacidayain la kala ogaado cunooyinka dhacay iyo kuwa aan dhicin,

    Qalabkan waa mid gaar loo leeyahay.

    Agaasimaha tayodhawrka Jubbaland Ibraahim Abuukar ayaa BBC u sheegay in qalabkan lagu baari doono badeecadaha soo galaya ama kuwa kasii baxaya Jubaland si loola socda tayada iyo badqabka baceedacadaas.

    “Si markaas loo ogadao tayada waxyaabaha Jubaland soo galaya waxaa la sameeyay sheybaar baaritaan ku sameyn doono waxyaabaha Jubaland soo galaya ..sheybaarka wuxuu labo ka kooban yahay dawooyinka iyo cuntooyinka”

    Qoraalka Codka, Sheybaarkan ayaa lagu baari doonaa cuntooyinka
  17. Asalamu Caleykum

    Kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.

    Waa Isniin taariikhda waxay ku beegantahay 12-7-2021.