Ciidamadii isku hor fadhiyay Beledweyne oo la kala qaaday

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. TPLF oo eedeyn u jeedisay Midowga Africa.

    Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda, ayaa Midowga Africa ku eedeeyay inay la safteen dowladda Itoobiya.
    Qoraalka sawirka, Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda, ayaa Midowga Africa ku eedeeyay inay la safteen dowladda Itoobiya.

    Ciidamada fallaagada ee dagaalka ka wada gobolka ay colaaddu ku dhufatay ee Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa Midowga Africa ku eedeeyay inuu dhinac u janjeero, maamlmo un kaddib markii midowga uu dhexdhexaadiye u magacabaayay madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo.

    Afhayeenka kooxda TPLF ayaa sheegay, inaysan kasoo hor jeedin magacaabidda Mr Obasanja, balse ay aaminsanyihiin in aanay waxba ka soo bixi doonin hawlaha dhexdhexaadinta.

    Afhayeenka kooxda TPLF, Getachew Reda, ayaa Midowga Africa ku eedeeyay inay la safteen dowladda Itoobiya.

  2. Mareykanka oo duqeyn diyaaradeed ka fuliyay Kabul.

    Ugu yaraan 170 qof ayaa qamiistii ku dhimatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay mid kamid ah albaabada laga soo galo garoonka

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 170 qof ayaa qamiistii ku dhimatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay mid kamid ah albaabada laga soo galo garoonka

    Saraakiisha wasaaradda gaashaandigga ee Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn xaga cirka ah ku qaadeen baabuur marayay magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan, oo lala xiriirinayay kooxda Dowlada Islaamka, si looga hor tago weerar horleh oo ka fuliyaan garoonka.

    Waxay ku kalsoonyihiin inay ku guleysteen bartilmaameedkooda, waxayna sheegeen inaysan weli ogaan in dad rayid ah ay ku wax yeeloobeen.

    Mareykanka ayaa hore ugu digay inuu helay xog lagu kalsoonaan karo, oo ah in mintidiinta ay weerari doonaan garoonka diyaaradaha ee Kabul.

    Dhanka kale, booliska magaalada Kabul ayaa sheegay in canug yar uu ku dhintay gantaal maanta lagu ganay guri ku yaalla meel u dhaw garoonka.

    Ugu yaraan 170 qof ayaa qamiistii ku dhimatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay mid kamid ah albaabada laga soo galo garoonka, kaas oo ay fuliyeen kooxda isugu yeera Dowladda Islaamka.

  3. Abuukar Jaajuumoow oo ka sheekeynaya sooyaalkiisa fanka

  4. Soomaalida Mareykanka oo kamid ah dadka lagu abaalmarinayo qaadashada tallaalka Covid-19

    Gobollo ka mid ah dalka Maraykanaka ayaa waxaa fara ba'an ku haya cudurka Karoona noocaloo yaqaanno Delta iyadoo wali dadlkaasi ay ka socoto qaadashada Tallaaaka.

    Gobolka Minnesota ee Soomaalida ku badan tahay ayaa si dadka loogu dhiiro galiyo qaadashada tallaalka, waxaa qofkii qaata tallaalka qaybta kowaadla guddoonsiinayaa lacagdhan100 doolar.

    Lacagta lagu abaal marinayo dadka qaata tallaalka ayaana keenatay in goobaha tallaalka lagu qaato ay dadku ku bataan hadda.

    Warbixintaan waxaa Minnesota ka soo diray Wariye Siyaad Saciid Saalax.

    Qoraalka Codka, Soomaalida ku nool Minnesota
  5. Ugu yaraan 30 qof oo ku dhimatay weerar lagu qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla Yemen

    Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhimatay weerrar ay saldhig cir oo ku yaal koonfurta waddanka Yemen ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta, halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno gacan saar la leh dowladda.

    Dadkan ku dhintay weerarka ayaa ah dagaalyahano taabacsan dowladda.

    Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in saldhigga cirka ee Al-Anad lagu soo weerraray diyaarad aan duuliye lahayn iyo gantaal.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen qarax wayn oo goobtaasi ka dhacay.

    Dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqleen dhawaaqa qaraxa.

    Ciidamada Yemen waxay ku eeedeeyeen in weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta.

    Xuutiyiinta weli kama aysan hadlin weerarka balse horraan ayay weerar ku qaadeen saldhiggan.

    Dowladda Yemen ee uu Sacuudiga taageerayo ayaa waddaa howlgallo ka dhan ah Xuutiyiinta tan iyo 2014.

  6. Ciidamadii isku hor fadhiyay Beledweyne oo la kala qaaday

    .

    Xigashada Sawirka, ABDULLAHI GODAH BARRE

    Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku guulaysteen inay kala qaadaan ciidammadii is diidanaa ee isku hor fadhiyay magaalada Baledweyne.

    Todobaadkii hore ayey aheyd markii ciidammo gadooday ay qabsadeen xarunta gobolka ee magaaladaasi, kuwaas oo diidanaa in magaalada uu yimaado madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

    Odayaashu waxa ay sheegeen inay tahay in la furo wadahadallo lagu xallinayo tabashooyinka jira, hasayeeshee ay middaasi tahay inay garwadeen ka noqoto dowladda federaalka ah, maadama dadka gobolkaasi iyo maamulka Hirshabeelle ay is-hayaan.

    Dhawaan ayay aheyd markii ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo kuwa uu hoggaaminayo Janeraal Xuud ay qabsadeen qaybo ka mid ah magaalada.

  7. Taliban: “Waxaan diyaar u nahay in aan la wareegno garoonka diyaaradaha Kabul”

    Dagaalyahanada Taliban oo ku sugan agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Dagaalyahanada Taliban oo ku sugan agagaarka garoonka diyaaradaha Kabul

    Khuburrada qaabilsan dhanka farsamada iyo injineerada Taliban ayaa diyaar u ah sidii ay ula wareegi lahaayeen garoonka diyaaradaha Kabul marka ay durbadiiba ka baxaan ciidamada Mareykanka, sida laga soo xigtay uruka Taliban oo hadda gacanta ku haya Afghanistan.

    Sarkaal ka tirsan Taliban ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in amniga garoonka diyaaradaha Kabul ay si buuxda ula wareegi doonaan haatana ay sugayaan in ciidamada Mareykanka ay isaga baxaan halkaas.

    Taliban waxay sidoo kale sheegtay in maalmaha nagu soo aadan ay ku dhawaaqi doonaan xukuumad cusub.

    Afahayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in qabsashada Afghanistan ay aheyd arrin kadis ah isla markaana ay jiraan caqabado yar yar oo hortaagan in lasoo dhiso dowlad.

    Wuxuu sidoo kale sheegay inay socdaan wadahadallo ay la yeelanayaan koox kasoo horjeedo Taliban oo ku sugan buuraha Panjshir.

    Wuxuu intaa ku daray in Taliban ay ku rajo weyntahay in wadahadal lagu soo afjari doono khilaafka.

  8. Afar mataana ah oo mar qura ah ka qalinjebiyay jaamacad

    Cabdiraxmaan, Aayah, Axmed iyo Osama-Waa afarta mataanaha ah ee ka qalinjebisay jaamacadda Oxford Brookes University

    Xigashada Sawirka, OXFORD BROOKES

    Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan, Aayah, Axmed iyo Osama-Waa afarta mataanaha ah ee ka qalinjebisay jaamacadda Oxford Brookes

    Afar dhalinyaro ah oo mataana ah ayaa markii ugu horreysay ka qalinjebiyay jaamacadda Oxford Brookes ee ku taalla UK.

    Aayah, Cabdiraxmaan, Osama iyo Axmed Shacbaan waxay kasoo jeedaan Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta.

    Dhalinyaradan 20 jirka ah waxay jaamacadda kusoo biireen 2018.

    Waxay kala barteen culuumta kala Injineernimada, dhaqaalaha, sharciga iyo maamulka dhaqaalaha.

    Axmed oo helay natiijada buunddada koowaad ayaa sheegay in nolosha jaamacadda ay si wanaagsan ula qabsadeen isaga iyo walaalahii la mataanka ah isla markaana ay casharro badan oo dhanka nolosha ah kasoo kororsadeen.

  9. Dagaal dib uga bilowday Garba-ciise

    Waxaa lagu soo warramayaa in saaka uu dagaal dib uga bilowday agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti.

    Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd.

    Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise.

    Maamulka Soomaalida wuxuu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan.

    .
  10. Soomaali ku go'doonsan xadka Belarus iyo Luthania

    Ku dhawaad 40 qof oo Soomaali ah ayaa ku xaniban inta u dhaxeysa dalalka Belarus iyo Lithuania kuwaas oo markii hore ka tagay dalka Turkiga, waxay doonayeen inay tahriib ku galaan dalalka Yurub.

    Dadkan oo ay ku jiraan caruur iyo dad waayeel ah ayaa sheegay in dhibaatooyin is biirsaday ay halkaa ku haystaan isla markaana ay u baahan yihiin caawimaad.

    Qaar kamid ah dadkan ayaa BBC u sheegay in 7 maalmood ay ku go’doonsan yihiin dhul qabow ah oo u dhexeeyo labadaas dal.

    Waxay intaas ku dareen in labo qof ay ku dhinteen halkaas xilli ay ka carareen ciidamada ilaalada xadka Belarus.

    BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto arrintaas.

    .
  11. Aabe dhib inantiisa haleeshay awgeed dadka ka wacyigeliya khatarta gudniinka

    Axmed Xasan oo inantiisa lagu magacaabo Fartuun oo 13 jir ahayd ay dhawaan u geeriyootay dhiig bax uu sababay gudniinka fircooniga ayaa haatan deegaankiisa waxaa uu ka bilaabay in uu dadka ka wacyi galiyo halista gudniinkaas ay gabadhiisu sababsatay.

    Arrintaan ayaa ka dhacadaydegaanka jeerinle ee Bariga gobalka Mudug,wuxuuna aabahan hadda miytiga tuulooyinka u dhow dow ka bilaabay in uu dadka uga digo khatarta uu leeyahay gudniinkaan

    Inkasta oo carruur kale ay u joogaan Axmed Xassan oo ah Aabe araga la' haddana, wuxuu sheegay in gabadha geeriyootay ay qoyska u ahayd lafadhabar oo ilaa iyo hadda ay ka samri la'dahay hooyadii dhashay .

    Samiira Cabdullaahi Jaamac ayuu u waramay.

    Qoraalka Codka, Gudniinka fircooniga
  12. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.