Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

Ku soo dhowaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay warqaddii uu Fahad Yaasiin kaga jawaabayay dalabkii ra’iisal wasaaraha

    Qoraalka Cabdulraxmaan Cabdulshakuur, ayaa sidan u qornaa: Qoraalka uu soo saaray Fahad Yaasiin, Farmaajana la ogyahay nuxur sharci iyo mid dowladeed midkoodna ka maran, waana:-

    1- Xaqiraad (contempt) iyo xagaldaacin lagu sameeyey go’aankii Raysalwasaare Rooble.

    2- Waa farsamo kale oo awoodda dib loogu celinayo Farmaajo oo uu muddo xileedkiisii sharciga ahaa dhammaaday, masuuliyadda amniga dalkana meel fagaare ah Raysalwasaaraha kula wareejiyey.

    3- Gole Amni Qaran meel iskuma sheego, shirna sanado iskuguma imaanin, ogta la siiyey Maxamad Mursal oo aan Golaha Amniga ka tirsanayna waa hanjabaad loo jeedinayo RW Rooble.

    Haddaba maxaa Raysalwasaare Rooble la gudboon?

    1- Maadaama uu Fahad Yaasiin amarkiisii diiday, si toos ahna isku dhirririyey, waa in uu tilaabtii uu qaadi lahaa la sugin inta ka dhimman 48 saac.

    2- In dhammaan dadkii kiiska ku lug lahaa tillaab sharci ah laga qaado, lana xannibo.

    3- In Guddi uu madax u yahay shakhsi khibrad iyo hufnaan leh loo magacaaba baarista kiiskan.

    Shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, gaar ahaan kuwo Muqdisho waa in aan xaqa ku garab istaagnaa Raysalwasaare Rooble, kana hortagnaa rajiimka fidno huriska ah ee gabalkiisu dhacay.

  2. Muxuu Fahad Yaasiin ka yiri dalabkii raysal wasaaraha?

    Aggaasimaha hey'adda sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa soo saarey warqad uu ku dalbanayo kulan amni.

    Wuxuu intaa ku darey in maadaama laga dalbadey inuu warbixin kasoo saaro xaaladda halkii ay ku danbeysay sargaalad Ikraan Tahliil, in loo baahan yahay in kulan isugu yimaadaan Golaha Amniga qaranka.

    Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaley ka dalbadey aggaasime Fahad Yaasiin inuu warbixin deg deg ah, oo ku saabsan xaaladda sargaalad Ikraan Tahliil usoo gudbiyo.

    Xaaladda sargaaladdan, ayaa waxaa kasoo baxaya warar is burinaya, iyadoo qoyskeedu ugggu war danbeysay in ka badan laba bilood kahor.

    .

    Xigashada Sawirka, NISA

  3. Kaaliyaha dhaxal sugaha Ingiriiska oo xilka iska casilay kadib markii bilad la siiyay nin u dhashay Sucuudiga

    Gacan yarihii hore ee dhaxal sugaha Ingiriiska, Prince Charles, ayaa si kumeel gaar ah ugga dagey jagadii madaxa, ee uu ka hayey hey’adda The Prince Foundation, ka gadaal markii lagu eedeeyey inuu ka caawiyey helitaanka bilad sharafeed nin u dhashey Sucuudiga, oo hey’addani dhaqaale badan uggu deeqa.

    Michael Fawcett, ayaa kusoo biirey hey’addani ku shaqeysa tabarucaadka saddex sano ka hor. Warbixin uu qorey wargeys, ayaa ku eedeysay Michael inuu u qalqaaliyey ganacsade Mahfouz Marei Mubarak bin Mahfous, bilad sharafeed la guddoon siiyey sanadkii 2016-kii.

    Mr Mahfouz, ayaa ku gacan seyrey inuu ku kacey anshax xumo, iyadoo ganacsadaha Sucuudiga lagu soo waramayo inuu uggu yaboohay lacag fara badan, mashaariic dano gaar ah ay uggu jiraan Prince Charles.

    Hey’adda ayaa sheegtay in eedeytani ay u qaadaneyso arrin weyn, iyadoo hey’addu tilmaantey iney ku sameyneyso baaritaan dhab ah.

  4. Rasaas laga maqlayo meel u dhaw madaxtooyada Guinea

    .

    Wararka ka imanaya dalka Guinea, ayaa sheegaya in wali ay ka socdaan xabado xoogan oo la is weydaar sanayo agagaarka qasriga madaxtooyada ee caasimadda, Conakry.

    Ma jirto faah faahino deg deg ah oo kasoo baxaya xabadahan xoogan, ee ka dhacaya agagaarka Kaloum, oo ah goob ay ku yaallaan wasaarado kala duwan, xafiisyo, iyo sidoo kale qasriga madaxtooyada.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in askartu ay gaaf wareegayaan dhabbooyinka, iyagoo xirey buundada ama bridge-ka kaliya ee ku xirayey Kaloum qeybaha kale ee magaalada.

    Sanadkii hore, dad tirto badan ayaa lagu diley mar ay dhigayeen bannaan bax ay ugga soo horjeedaan Madaxweynaha Guinea, Alpha Conte, ka gadaal markii uu ku sameeyey is badal dastuurka, kaasoo dhaliyey buuq weyn, iyadoo uggu danbeyntiina uu ku guuleystay xili saddexaad xafiiska madaxtooyada.

  5. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil

    .

    Xigashada Sawirka, OPM OFFICE

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska iyo ehelada Ikraan Tahliil Faarax isla markaana la wadaagay dareenkiisa ku aadan kiiska Ikraan oo dhawaan dowladda sheegtay in Shabaab ay dishay.

    Xaley ayay aheyd markii Ra’iisul wasaaraha uu amar ku siiyay hay’adda nabad sugidda in muddo 48 saacadood gudahood ay warbixin kasoo saarto dilka Ikran oo horey uga tirsaneyd NISA.

    Wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyn doonto sidii caddaaladda ay ku heli lahaayeen qoyska Ikran Tahlil.

    Al Shabaab waxay dhawaan beenisay inay dileen Ikran balse ay la fajaceen markii ay maqleen warka kasoo baxay dowladda oo ku saabsan in iyaga ay Ikran dileen.

  6. Khilaafkii ka taagnaa guddiga doorashada ee gobollada Waqooyi ee Somaliland oo heshiis laga gaaray

    Magaalada Muqdisho waxa maanta heshiis ku kala saxiixday gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed kaas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhexeeyay ee ku saabsanaa maamulka doorashada xildhibaannada gobollada woqooyi ka soo galaya Barlamaanka Federaalka.

    Illa afar qodob ayay labada dhinac ku heshiiyeen kuwaas oo dhamaantood ku saabsanaa waxyaabihii markii hore la isku diidanaa.

    Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamad Aadan ayaa faahfaahinta heshiiskaasi Muqdisho ka soo diray.

  7. Weerar lagu laayay tiro kamid ah ciidamada Ciraaq

    Sawirkaan waa mid hore

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Sawirkaan waa mid hore

    Ugu yaraan 12 kamid ah booliska Ciraaq ayaa ku dhintay weerar ka dhacay waqooyiga dalkaas, waxaana la rumeysan yahay in weerarka ay geysteen maleeshiyaad ka tirsan IS.

    Ilo wareedyo ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in dagaalyahano ay bartilmaameedsadeen barkontarool oo ku taalla meel magaalada Kirkuk, sidoo kale kooxdii weerarka soo qaaday waxay miino gelisay waddada si ay ula qaraxdo ciidamo gurmad ah oo goobta kusoo socday.

    Dhinaca kale, waxaa saddex askari oo Ciraaqi ah lagu dilay meel dhinaca koonfur bari kaga beegan magaalada Mosul.

    Afar sano ka hor ayay aheyd markii kooxda IS laga saaray magaalooyinkii ugu dambeeyay ee ku yaalla Ciraaq ee gacanta ugu jiray kooxdaas balse kooxda ayaa u muuqataa inay qaadeyso weerarro gudhufo oo ka dhaqaaq ah.

  8. Cudurka Covid-19 oo faro kulul ku haya Garrisa iyo deegaanada hoos taga

    Wararka imaanaya xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo guud ahaan deegaanka Gaarisa ayaa sheegaya in cudurka Covid-19 uu faro kulul ku hayo deegaankaasi, iyadoo sida masuuliyiinta caafimaadka deegaankaasi ay sheegeenna ay masaajiddu ka mid yihiin meelaha sida xawliga ah la isu qaadsiin karo cudurka, maadaama aysan dadweynuhu dhaqan gelin tallaabooyinka looga hortagayo cudurka.

    Masuuliyiinta caafimaadka ayaa awaamiir iyo tallaabooyin lagu xakamaynayo cudurka ka soo saaray qaabka loogu Tukanayo goobaha cibaada.

    Faafaahinta arrintaas iyo guud ahaan saamaynta cudurku uu ku reebay deegaanka waxaan ka waraysnnay madaxa caafimaadka ee Deegaanka Gaarisa, Rooble Siciid Nuunow oo khadka taleefanka ugu warramay Cabdiraxmaan Xaaji Caddow, kaas oo marka hore waydiiyay sababta ay awaamiirta cusub u soo saareen?

    Qoraalka Codka, .
  9. Qarax lala beegsaday ciidamada Pakistan xilli madaxa hay'adda sirdoonka milateriga dalkaas uu booqasho ku joogo Kabul

    Sawir hore

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Sawirkan waa mid hore

    Saraakiisha ku sugan Koonfur Galbeed dalka Pakistan waxay sheegeen in saddex kamid ah ciidamada amniga la dilay halka tiro kalena ay dhaawacmeen kadib markii la beegsaday weerar ismiidaamin ah.

    Wararka soo baxaya ayaa sheegayaa in mooto laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala beegsaday gaari ay leedahay dowladda oo saarnaayeen ciidamo xilli ay marayeen baro kantarool oo ku taalla magaalada Mastung ee dhacda gobolka Balochistan.

    Saraakiisha Pakistan waxay sheegeen inay baarayaan cidda ka dambeysay weerarka.

    Weriyeyaasha ayaa ku soo warramayaa in bilooyinkii lasoo dhaafay ay gobolka Balochistan kusoo bateen weerarada lala bartilmaameedsanayo laamaha amniga iyo shacabka.

    Kooxo kala duwan ayaa ku lug leh qalalaasaha ka dhaca gobolka Balochistan oo ay kamid tahay koox kasoo horjeedo saameynta dhaqaale ee Shiinaha ee aggaas.

    Dhanka kale, madaxa hay'adda sirdoonka milateriga ee waddanka Pakistan, Janaraal Faiz Hameed, ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kabul halkaas oo lagu soo warramay inuu wadahadallo kula leeyahay saraakiisha Taalibaan.

    Ila wareedyo ku sugan waddanka Pakistan ayaa sheegaya inuu jaranaalku halkaas u tagay inuu Taalibaan kala xaajoodo ammaanka iyo maamulka xadka.

  10. Falanqayn: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddo 48 saacadood ah waxa uu u qabtay Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waqtigaas oo ay tahay inuu ugu soo gudbiyo xog dhammaystiran oo ku saabsan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, suurtagal ma tahay in mudadaas xog dhammaystiran lagu keeni karo?

  11. Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo ka heshiiyay khilaafkii Xildhibaannada Somaliland

    Ra'iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed iyo guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka heshiiyay khilaafkii ka taagnaa doorashada Xildhibaannada Somaliland oo in muddo ah Soo jiitamayay.

    Guddoomiye Cabdi Xaashi oo heshiiska ka dib hadlay ayaa sheegay “maanta hortiina ayaan ku saxiixnay heshiis anaga oo u daneeneyno umada Soomaaliyeed"

    Qodobada ay ku heshiiyeen labada hogaamiye ka akhriso warqadda hoose.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  12. Sucuudiga oo qabtay gantaallo lagu soo weeraray dalkiisa

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Mas’uuliyiinta Sucuudiga ayaa sheegay inay qabteen saddex gantaal oo laga soo ganay dhinaca Yemen, isbaheysiga uu hoggaaminayo Sucuudiga ee dagaalka ka wado Yemen ayaa sheegay in mid kamid ah gantaallada la doonayay in lagu garaaco gobolka bariga ku yaalla ee shidaalka qaniga ku ah ee dalka Sucuudiga.

    Warbaahinta dowladda Sucuudiga ayaa ku warrantay in 2 canug ay ku dhaawacmeen weerarka kuwaas oo ku sugnaa duleedka magaalada Dammam.

    Isbaheysiga uu horkacayo Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gantaallada baalistiiga ah ee la doonayay in lala beegsado magaalooyinka Najran iyo Jazan ee koonfurta Sucuudiga.

    Waxay sidoo kale sheegeen inay qarxiyeen diyaarad Drones-ka oo loo doonayay in lagu weeraro halkaas.

    Maleeshiyaadka Xuutiiyiinta ma aysan ka hadlin weeraradan.

  13. Taalibaan oo kala cayrisay dumar dibad baxayay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saraakiisha Taalibaan ayaa joojiyay mudaaharaadyo ay tobannaan haween ah ka samaynayeen magaalada Kabul ee caasimadda waddanka Afgaanistaan, dumarka ayaa sheegay in Taalibaan ay la dhaceen sunta dadka kaga ilmaysiisa ayna ku buufiyeen basbaas .

    Haweenka ayaa sheegay inay dalbanayaan xuquuqda ah inay shaqeeyaan iyo in haweenka lagu daro dowladda Taalibaan.

    Waa dibadbaxii ugu dameeyay ee noociisa ah oo ka dhaca Kabul iyo Herat.

    Dhanka kale, madaxa hay'adda sirdoonka milateriga ee waddanka Pakistan, Janaraal Faiz Hameed, ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada Kabul halkaas oo lagu soo warramay inuu wadahadallo kula leeyahay saraakiisha Taalibaan.

    Ila wareedyo ku sugan waddanka Pakistan ayaa sheegaya inuu jaranaalku halkaas u tagay inuu Taalibaan kala xaajoodo ammaanka iyo maamulka xadka.

  14. Jadwalka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka oo la shaaciyay

    Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee heer federaal ee Soomaaliya ayaa xalay fiidkii shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka iyo dhammaystirka midda Aqalka Sare.

    Guddigu waxa uu sheegay inay jadwalkan ka talo-galiyeen dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Soomaaliya.

    Qorshuhuna waxa uu yahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka la soo dhammaystiro wixii loo gaaro 25-ka Nofeembar ee soo aaddan, guddiguse wax waqti ah uma qaban doorashada madaxtinimada.

    Haddaba faafaahin intaasi dheer waxaan waydiinay Amb Axmed Aaden Dagaal (Safiina) afhayeenka guud ee doorashada Soomaaliya, oo khadka taleefanka iigu warramay.

    Qoraalka Codka, .
  15. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.

  16. Maxaa ku gaar ah dooxada ay Taalibaan dhiigga badan u hureyso?

    Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Dooxada Panjshir ee dalka Afghanistan, oo ah meesha keliya ee aan weli gacanta u gelin Taliban.

    Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha dooxadaas ayaa beeniyay wararka sheegaya in Taliban ay qabsatay dooxada, balse wuxuu qiray in dagaalku uu kulul yahay isla markaana ay Taliban ka xireyso telefoonnada.

    Haddaba maxaa ku gaar ah dooxadan, mase laga yaabaa in Taliban ay gacanta ku dhigto, su'aashaas iyo kuwo kale ayaan weydiiyay Dr Axmed Faarax Iidle, oo ah sare oo wax ka dhiga jaamacadda Islaamiga ee caalamiga ah ee Islamabad, dalka Pakistan isla markaana ah cilmi baare ku xeel dheer arrimaha bariga dhexe iyo caalamka Islaamka.

    Qoraalka Codka, .
  17. Raysal wasaare Rooble oo ka hadlay dilka Ikraan Tahliil

    Rooble

    Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

    Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay warbixintii hay'adda NISA ee tibaaxaysay in Ikraan Tahliil ay dileen ururka aL-Shabaab.

    Waxa uu sheegay in warbxinta Hay'adda Nabad-sugidda aysan ahayn mid faah-faahin lagu qanci karo bixinaysa.

    Wuxuu raysal wasaaraha sheegay in 48 saacadood kadib uu ku go’aan qaadanayo xogta uu soo gudbiyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

    Waxaa isa soo tarayay cadaadiska Ra’isul Wasaaraha ka haystay kiiska Ikraan, iyadoo loogu baaqay inuu xilka ka qaado saraakiisha sare ee NISA.

  18. Suuriya oo sheegtay hadal ka farxiyay lubnaan oo ka saaraya qodaxdii ku taagnayd

    .

    Suuriya ayaa lagu soo warramayaa inay soo dhaweysay codsigii Lubnaan ee ahaa in korontada laga soo xiriiriyo suuriya, heshiiskan ayaa looga gol-leeyahay in wax looga qabto koronto la’aanta ka taagan Lubnaan.

    Qorshahaan ayaa laga wada xaajooday ka dib markii wafdi ka socday Lubnaan uu gaaray magaalada Dimishiq. Kulankaas ayaa ahaa kii ugu muhiimsanaa oo labada dal dhexmara muddo sanada ah.

    Mashuuracaan ayaa waxaa ka mid ah isticmaalka gaaska Masar si Urudun koronta looga dhaliyo ka dibna la sii dhexmariyo Suuriya ilaa Lubnaan.

    Koronta yarida ba’an ee ka taagan Lubnaan ayaa waxay horseedday dhibaatooyin curyaamiyay adeegga aasaasiga ah.

  19. Itoobiya oo u muuqato inay dhageysatay baaqii Qaramada Midoobay ee Tigray

    Itoobiya ayaa sheegeysa in inkabadan 150 gaari oo xaamuul ah oo siday gargaar bini’aadanaimo ay labadii maalmood ee la soo dhaafay galeen gobolka uu dagaalka daashaday ee Tigray.

    Hadalkan ka soo baxay wasaaradda nabadda ee Itoobiya ayaa imanaya maalma uun ka dib markii Qaramada Midoobay ay xukuumadda Addis Ababa ugu baaqday in dhaq-dhaqaaqa gargraagka bini’aadanimo aanay wax shuruud ah ku xirin.

    Midowga Afrika ayaa sheegay in weli loo baahanyahay in wax-badan laga qabto gargaarka si loo xaqiijiyo inuu gaaro shacabka tabaaleysan ee ku xayiran gobolka Tigray.

    Gulufka u dhaxeeya dowladda federaalka Itoobiya iyo TPLF ayaa bilowday bishii Nofeembar ee sannadkii tagay. Qaramada Midoobayna waxay sheegeysa in dad ka badan shan milyan oo qof ay gargaar deg-deg ah u baahan yihiin.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  20. Canada oo ay ka socoto ololaha doorashada guud

    Waddanka Canada waxaa si xooggan uga soconaya ololaha doorashada guud ee waqtigeeda laga soo hormariyay, taas oo dhowr iyo taban casho kaddib la qaban doono. Shalay ayey aheyd markii dood kulul dhexmartay ra'iisul wasaaraha dalkaasi, Justin Trudeau, iyo saddex musharrax oo mucaarad ah oo kala hogaamiya qaar ka mid ah asxaabta dalkaasi.

    Dooddaas oo aheyd middii koobaad ayaa waxaa diiradda lagu saaray cudurka safmarka ah ee Covid-19.

    Haddaba doorashadaasi maxaa laga filan karaa? Waxaa umuurtaasi warbixintan ku eegaya weriye Durraan Xasan Yare oo deggan waddankaasi Canada.

    Qoraalka Codka, .