ICJ oo ka hadashay dhegeysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Ciraaq oo qabatay nin hore madaxiisa loo dul dhigay shan milyan oo doollar

    Ciraaq

    Xigashada Sawirka, IRAQ SECURITY MEDIA CELL

    Ra'iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Mustafa al- Kadhimi, ayaa sheegay in xoogaggaammaanka ay gacanta ku dhigeen Sami Jasim, oo ah xubin sare oo ka tirsan kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka marna ahaa ku xigeenka hoggaamiyihii hore ee kooxda, Abu Bakr al- Baghdadi, oo ay labo snao kahor dileen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.

    Wuxuu ninkaasi ku tilmaamay inuu yahay madaxa maaliyadda ee IS, wuxuuna sheegay in lagu soo qabtay howlgal adag oo laga fuliyay bannaanka Ciraaq.

    Mareykanka ayaa sanadkii 2015-kii madaxa Jaism dul dhigay shan milyan oo doollar. Inkastoo IS laga saaray dalkaas sanadkii 2017-kii haddana waxay sii wadday inay weerarro joogto ah ku qaaddo Ciraaq.

  2. ICJ oo ka hadashay dhegeysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

    Kenya Somalia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah ay soo saarto xukunkeeda ku aaddan, muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

    Labada dalba waxa ay sheeganayaan lahaanshaha 160,000 oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaal Badweynta Hindiya, halkaas oo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal.

    Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee berri aysan waxba iska beddelin:

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. TPLF oo sheegtay in ciidamada Itoobiya ay ku hayaan weerar xooggan

    TPLF

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ciidamada Tigray ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay bilaabeen weerarro abaabulan. Waxay shegeeen in madaafiic xooggan, taangiyo iyo diyaaradaha dagaalka loo adeegsaday ciidamadooda.

    Xubin sare oo ka tirsan kooxda TPLF ayaa sheegay in ciidamada Tigray ay ku sugan yihiin deegannadooda.

    Getachew Reda ayaa sheegay in weerarrada dowladda ee bilowday toddobaakdii la soo dhaafay ay haatan xoogeysteen. Ilaa haatan weli wax war ah kama soo bixin xukuumadda Addis Ababa.

    Isgaarsiinta oo go'an ayaa ka dhigan inaysan suurto gal ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo wararka gobolka. Ku dhowaad labo milyan oo qof ayaa ka barakacay gobolka Tigray muddada 11-ka bilood ee uu dagaalku socdo.

  4. Midowga Afrika oo ballaarinaya howlgalkiisa Soomaaliya

    Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa guddoonsaday hindise Soomaaliya la doonayo in looga hawlgaliyo ciidamo beddela kuwa AMISOM, kaasoo ay iska kaashanayaan Midowga Afrika iyo QM. Hindisahan ayaa laga warsugayaa in Golaha Amaanka ee QM uu meel mariyo si uu u hirgalo. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa ayadoo dhamaadka sannadkan lagu waday in arrimaha amniga dalka lagu wareejiyo ciidanka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay weli kama aysan hadlin. Haddaba hinsahaan waxa uu soo kordhin karo marka laga hadlayo nabadeynta Soomaaliya ayaan ka waraysannay, Daahir Qoriyow Isaaq oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, iyo Geeska Afrika, wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Xasan Sheekh Cumar.

    Qoraalka Codka, Ciidamada Midowga Afrika ayaa muddo dheer dagaal kula jira Al-Shabaab
  5. Dowladda Ruushka oo Yurub ku cadaadinaysa in ay iibsato gaaskeeda

    Dowladda Ruushka ayaa Yurub ku cadaadinaysa in ay iibsato gaaskeeda, balse Yurub ayay haysataa labo daran mid dooro. Dhinac tamar la'aan ayaa haysata, dhanka kalena ma doonayaan in ay Ruushka awood badan siiyaan.

  6. Midowga Musharixiinta oo walaac ka muujiyay dib u dhaca dooroshooyinka

    War qoraal ah oo ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa waxaa ay welwel xoog leh kaga muujinayeen dib u dhaca doorashada oo ay sheegeen inuu sababay in dalku uu galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan ah ku saabsan taariikhada la qaban doono doorashooyinka qaybaha harsan.

    Golaha ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan dadka Soomaaliyeed ukala caddeyn xiliga saxda ah ee ay qabsoomayso doorashada Golaha shacabka waxaana ay intaa ku dareen in mas’uuliyadda arrintaan cidda qaadaysa ay tahay Golaha Wadatashiga Qaran.

    Haddaba warkaan ka soo baxay Midowga Musharaxiinta Mucaaradka ah Ayaan ka waraysanay Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah golaha oo marka hore aan waydiyay sababha ay maleynayana in dib u dhaca keenay.

    Qoraalka Codka, .
  7. Culimada Soomaalida Kenya oo soo saaray digniin ku saabsan kiiska dacwadda badda

    Iyadoo maalinta beri ah la filayo in Maxakamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaarto dacwadda xuduud badeedka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa qaar ka mid ah culimada Kenya ay dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkaas uga digayaan in ay sameeyaan wax dibad bax ah dhinac kasta oo go’aanku u dhaco.

    War ay soo saareen ayey ku sheegeen culimadu in si looga fogaado isku dhac qoomiyadeed aan la sameynin isu soo baxyo.

    Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibrahaim oo ah madax golaha sare e Muslimiinta dalka Kenya laanta gobalka waqooyi bari ayaa BBC-da uga warramay waxa ay uga ogol leeyihiin warka ay soo saareen.

    Qoraalka Codka, .
  8. Maxkamadeynta dad loo haysto dilkii madaxweynihii hore ee Ivory Coast oo dib loo dhigay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxaa dib loo dhigay maxakmadeyn maanta lagu waday inay ka bilaabato dalka Burkina Faso, taas oo lagu maxkamadeyn lahaa 14 nin oo lagu eedeeyay inay dileen madaxweynihii hore ee dalkaas.

    labo ka mid ah xeerbeegtida ayaa isaga baxay maxkamadeynta, iyagoo sabbata ku sheegay xaalado caafimaad.

    Thomas Sankara ayaa la yimid isbeddello wuxuuna u ololeynayay midnimada dalalka Afrika.

    Waxaa la toogtay xilli afgembi lagu sameeyay dowoladdiisa sanadkii 1987, waxaana markaas xukunka la wareegay saaxiibkiisii, Blaise Compaoré. Ka sowkow madaxweynihii hore, Compaore, dadka kale ee dacwadda lagu soo oogayo waxaa ka mid ah madaxii hore ee shaqaalaha, Janaraal Gilbert Diendéré iyo Hyacinthe Kafondo, oo ka mid ahaa ilaalada madaxtooyada Compaore.

  9. Madaxweyne hore oo loo haysto inuu ka dambeeyay khaarajinta hogaamiyihii xilka uga horreeyay

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dalka Burkina Faso, waxaa ka socota maxkamadeynta 14 nin oo lagu eedeeyay inay dileen madaxweynihii hore ee dalkaas.

    Thomas Sankara ayaa la yimid isbeddello wuxuuna u ololeynayay midnimada dalalka Afrika.

    Waxaa la toogtay xilli afgembi lagu sameeyay dowoladdiisa sanadkii 1987, waxaana markaas xukunka la wareegay saaxiibkiisii, Blaise Compaoré. Ka sowkow madaxweynihii hore, Compaore, dadka kale ee dacwadda lagu soo oogayo waxaa ka mid ah madaxii hore ee shaqaalaha, Janaraal Gilbert Diendéré iyo Hyacinthe Kafondo, oo ka mid ahaa ilaalada madaxtooyada Compaore.

    Mr. Compaore ayaa marar badan beeniyay inuu ku lug lahaa geerida Sankara wuxuuna qaadacay maxkamadeynta.

    Labo iyo toban ka mid ah saaxiibdadii Sankara ayaa sidoo kale la dilay, qareen u hadlay qoysaska dhibbanayaasha ayaa sheegaya in maqnaanshaha Mr Compaore ay muujineyso inuu hayo wax uu qariyo.

    Thomas sankara ayaa muddadii afarta sano ahayd ee uu xukunka Burkina Faso hayay wuxuu xoogga saaray sidii shacabkiisa iyo weliba dadka Afrikaanka ah ay isugu kalsoonaan lahaayeen oo ay mustaqbalkooda u hagaajin lahaayeen.

    Kaddib 34 sanomas Sankara ayaa weli caan ka ah dalkaas waxaana loo arkaa halyey aan fursad u helin in uu wax badan ka baddlo nolasha dadkiisa iyo dalkiisaba.

  10. Pakistan oo shacabkeeda ku boorinaysa inay cuntada iska yareen

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka Federaalka Arrimaha Kashmir ee dhanka ay maamusho Pakistan Cali Amiin Gandapur, ayaa kula taliyay shacabka reer Pakistan inay iska yareen cuntada ay cunayaan.

    Wasiirka ayaa khudbad uu ka jeedinayay kulan ka dhacay Kashmir dhanka ay maamusho Pakistan ku sheegay in xaaladda sicir bararka ay aad u sii kordhaysa.

    Waxa uu sheegay in haddii qofka uu cuno wax ka yar intii uu horay u cuni jiray ay dalka ka badbaadin ka karto xaaladda sicir bararka ee hadda ku jiro.

    "Miyaynaan intaas oo kaliye u huri karin dalkeenna, isku-tiirsanaanteena ayaa wax walba ka weyn?" ayuu yiri.

    Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa hadalka wasiirka aad u dhalleeceeyay iyaga oo aad u faafinayay muuqaal la duubay xilli uu wasiirka khudbad jeedinayay.

    Hase yeeshe, ma ahan markii ugu horreysay ee wasiirada dadka ku booriyaann talo sidaan oo kale ah oo waxaa goor aan fogeyn sida uu haatan ku taliyay Amiin oo kale dadka ku boorriyay Riyaz Fatyana oo ah xubin ka tirsan xisbiga NA ee haya talada dalka Pakistan.

  11. Askari Kenyan ah oo ka sheekaynaya sida uu lugihiisa ugu waayay Soomaaliya

    .

    Xigashada Sawirka, NATION

    Wuxuu ahaa 21 jir markii uu si dirqi ah uga badbaaday weerar uu ku waayay labadiisa lugood isla markaana carqaladeeyey noloshiisa.

    Alex Hinga ayaa wareysi uu siiyay wargayska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya waxa uu ku sheegay inay miino la kacday gaarigii uu saarnaa xilli isaga iyo 39 askari uu hoggaaminayay ay marayeen meel oo 40 kiiloomitir u jirta xadka Soomaaliya iyo Kenya.

    "Waxay iska ahayd lagama maarnaan inaan wadada kula kulanno kooxda Al-shabaab. Waxaana marar badan iska hubinnay wadada ka hor inta aysan dhicin dhacdadaan." Ayuu yiri.

    Waxa uu Maj Hinga, sheegay inuu rajeynayay gulufka gaadmada ah ee uu sheegay inay ku soo qaadeen Al-shabab uu ku soo afjarmay qiyaastiii shan daqiiqadood balse sababta uu waqti intaa ka dheer u qaatay ay tahay cutubkiisa oo ay rasaastii ka dhmaatay.

    Waxa uu sheegay in qorigiisa ay hal xabo oo rasaas ah keliya ku soo hartay ka dibna uu go'aansaday intii la qaban lahaa inuu isaga isku dhufto.

    "Balse nasiib wanaag inta aan tallaabo qaadin ayaan waxaan maqlay xiinka diyaaradaha nooca helikobtarka iyo madaafic lagu garaacayo dableedii weerarka nagu soo qaadday inkastoo ay diyaaradaha u suurogeli waysay inay meesha iga qaadaan sababo la xiriira in ay weerar ku soo qaadaan cadawga" ayuu yiri

    Ugu dambeyn waa la badbaadiyay waxaana lagu qaaday gaari oo lagu geeyay meel badqabkeeda la isku hubo, iyadoo halkaasi looga qaaday diyaarad ka dibna lagu geeyay isbitaal ay leeyihiin ciidamada milatariga kenya oo ku yaallay Dhoobleey ka hor inta aan geeyin isbitaal kale oo milatarigu leeyahay oo ku yaalla Nairobi.

  12. Midowga Murashaxiinta oo walaac xoog leh ka muujiyay dib u dhaca doorashada

    Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay welwel iyo walaac xoog leh ka qabaan dib u dhaca doorashada taas oo ay sheegeen inay sababay in dalku galo firaaq dastuuri ah iyo xaalad hubanti la’aan.

    Midowga musharaxiinta ayaa isla qoraalka ay soo saareen ku yiri" Goluhu wuxuu ka xun yahay in tiro seddax jeer ah dib looga dhacay jadwalkii doorashooyinka ee lagu heshiiyey, iyadoo aan shacabka Soomaaliyeed loo caddeynin sababaha keenay dib u dhaca. Goluhu wuxuu dareensiinayaa Golaha Wadatshiga Qaran in ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda xaq ugu leeyihiin in ay si daahfuran ula wadaagaan sababaha kallifay in doorashooyinku ay dib uga dhacaan xilliyada loo muddeeyey ."

    .

    Xigashada Sawirka, midowga musharixiinta

  13. Deegaanno ka tirsan Gedo oo ay dadka noolashooda u baqayaan xilli ay abaar ba'an ku dhufatay

    Qaar ka mid ah bulshada reer Guuraaga ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa ay ka cabanayaan, biyo la'aan baahsan oo soo foodsaartay muddooyinkii ugu danbeeyey.

    Qaar ka mid ah dadkaas oo ku sugan gobolka Gedo ayaa inoo sheegay, in biyaha ay u raadsadaan dhul ka fog oo u jira ku dhawaad 100 KM, iyagoo kolkaana ku helo qiimo sare.

    Maxamed Cabdi Guure, waxa uu ka mid yahay reer guuraaga deegaanka Gerilay oo ka mid ah meelaha ay dhibaatada biyo yarida ka taagan tahay, waxa uu khadka taleefanka ugu warramay, weriyaha BBC-da ee Cabdiraxmaan Cali Dhimbiil.

    Qoraalka Codka, .
  14. Lammaane lagu soo eedeeyay iibinta sirta nukliyeerka Maraykanka

    .

    Xigashada Sawirka, US NAVY/THIEP VAN NGUYEN II

    Injineer dhanka nukliyeer ah oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka iyo xaaskiisa ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay isku dayeen inay sirta nukliyeerka ka iibiyaan waxa ay u maleeyeen inay yihiin dowlad shisheeye.

    Jonathan Toebbe iyo xaaskiisa Diana ayaa lagu xiray xabsi ku yaala West Virginia Sabtidii, sida ay waaxda caddaaladda ku dhawaaqday.

    Waxaa la sheegay inay isku dayeen inay ka iibiyaan xogta naqshadaynta maraakiibta badda hoosteeda ee nukliyeerka, oo lagu dhex qariyey sanduuq.

    Qof ay u maleeyeen inuu matalayo waddan kale ayey doonayeen inay xogta ka iibiyaan balse waxay ahayd wakiil FBI-da ka tirsan oo qarisay xogteeda iskana dhigaysay qof matalaya waddan kale.

    Sida lagu sheegay bayaanka, Mr Toebbe iyo xaaskiisa ayaa hadda lagu soo oogay dacwad ah inay jabiyeen xeerkaAtomic Energy Act.

    Mr Toebbe wuxuu ka soo shaqeeyay barnaamij lagu dabagalayo nukliyeerka ee Ciidanka Badda Mareykanka wuxuuna haystay oggolaansho xagga amniga qaranka ah.

  15. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan, ku soo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.