Tirinta iyo natiijooyinka doorashada cod iyo qof ee Puntland
Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali
Tebin toos ah
Halkee la marinayaa tirinta iyo natiijada doorashada Puntland
Sida uu kusoo waramayo weriyaha BBC-da ee Puntland Axmed
Cawil ayaa kusoo waramaya in weli guddiga doorashada aysan soo saari wax
natiijo.
Guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaatiiqda
doorashada , hase yeeshee guddoomiyaha degmada Ufeyn ayaa ku dhowaaqay
natiijada horudhaca ah oo kasoo baxday 11 goobood oo codadkooda la tiriyay iyo
sida ay ururada siyaasadda u kala heleen.
Ururka Run iyo Caddaalad : 47 cod
Ururka Shaqaalaha xoogsatada ah : 13 cod
Ururka Dhallinyarada : 11 cod
Ururka Caddaalad iyo Sinnaan : 1248 cod
Ururka Kaah : 1687
Ururka Mideeye :
1300 cod
Ururka Mustaqbal
: 192 cod
Horseed : 180 cod
Ururka Ifiye : 8 cod
Qoraalka sawirka, Kumanaan qof oo shalay codkooda ka dhiibtay doorashooyinka dowladaha hoose ee Puntland
Wararkii ugu dambeeyey ee doorashooyinka Puntland.
Qoraalka Muuqaalka, Guuleed Saalax: Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Puntland
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre ayaa shirkaan jaraa'id uga hadlay doorashooyinka maanta ka dhacay saddexda degmo ee kala ah Qardho, Eyl iyo Ufayn.
Tirinta codadka oo ka bilaabaty qaybo ka mid ah goobihii maanta laga codeeyey ee Puntland.
Tirinta codadka
doorashadii dowladaha hoose ee Maanta ka dhacday Puntland ayaa ka bilaabatay
qaar ka mid ah goobihii codadka laga dhiibtay.
Goor dhow ayaa lagu
wadaa in goobaha harsan ee ka kala tirsan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufayn iyagana
laga bilaabo tirinta codadka.
Doorashooyinkaan maanta
ka dhacay saddexdaas degmo ee Puntland ka tirsan ayaa ah doorashadii ugu
horraysay ee qof iyo cod ah ee deegaanadaas ka dhacda tan iyo intii la aas
aasay dowlad goboleed Puntland.
Shacabka Guriceel ka barakacay oo sheegay in wax gargaar ah aysan helin.
Xigashada Sawirka, Facebook
Dadka Ka barakacay
degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ee maalintii saddexaad ay ku
dagaallamayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah oo Ahlu sunna
Waljamaaca ayaa BBC-da u sheegay in ilaa yo hadda aan la soo gaarsiin wax gargaar
ah.
Boqolaal qof oo ka barakacay
Guriceel ayaa u qaxay tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee dhow degmadaas,
waxayna sheegeen in aanay rajo ka qabin in halkaa ay ku laabtay ilaa inta ay
colaaddu ka istaagayso.
Todobaanaan oo isugu
jira dhinacyada dagaallamaya iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka oo maalintii
saddexaad halkaa ka socda.
Weriyaha BBC-da ee
Muqdisho ayaa sheegaya in magaaladu ay haawanayso oo ay ka bexeen dhammaan
shacabkii halkaa ku noolaa ayna jirto rasaas teel teel ah oo mararka qaar la
maqlayo.
Waxaa gebi ahaanba
xiran ganacsigii iyo goobihii waxbarashada ee magaalada.
Sawirro: Xiisadda ka taagan dalka Suudaan
Sawirro la daabacay Isniintii ayaa muujinaya dibad -baxayaal ku sugan Suudaan oo isugu soo ururaya caasimadda Khartoum, iyada oo ay jiraan muuqaallo muujinaya taayiro gubanaya iyo waddooyin baabuur looga tagey.
Xigashada Sawirka, AFP/Getty
Xigashada Sawirka, Andalous Agency via Getty Images
Xigashada Sawirka, Andalous Agency via Getty Images
Sidee ayay dunida uga falcelisay afgambigii Suudaan?
Hoggaamiyayaal badan ayaa cambaareeyay qabsashada milateri ee Suudaan, waxayna ku baaqeen wada hadal:
Midowga Afrika ayaa sheegay inay si aad ah uga xumaadeen dhacdooyinkii ka dhacay Suudaan waxayna ku baaqeen in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada hadalkii u dhexeeyay milatariga iyo dadka rayidka ah.
Mareykanka ayaa sheegay inay aad uga walaacsan yihiin. Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa taageero u muujiyay dawladda ku -meel -gaarka ah .
Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay afgambiga. Ergayga u fadhiya Suudaan ayaa sheegay in xariga aan la aqbali karin wuxuuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay si deg deg ah ugu soo laabtaan wadahadalka.
Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in Suudaan ay u gudubto xukunka rayidka.
Xilligii ay Somaliland u qabatay inay dadka ka soo jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya ku baxaan oo shalay ku ekayd
Waxaa shalay ku ekaa waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay Somaliland u qabaty in ay magaalada Ceerigaabo ay uga baxaan dadka ka soo jeeda Koonfur galbeed Soomaaliya.
Dad badan oo ganacsiyo iyo howlo kale u ka hayay magaladaasi ayaa imika iskaga tagay halkasi. Qaar badan oo dadkan ka mid ah waxay gaadheen magaalada Beydhabo ee gobolka Baay.
Hadaba Ibrahim Xasan Aadan Waxa uu ka mid ahaa guddi ay lahaayeen dadkii ku sugnaa Ceergaabo ee halkaasi ka soo tagay.
Jeneral Abdel Fattah Abdelrahman Burhan - oo ahaa madaxa Golaha Sare ee Suudaan - ayaa qudbad uu jeediyay ku dhawaaqay xaalad degdeg ah.
Waxa kale oo uu kala diray Golihii Sare ee kormeerayay geedi socodka xukunka loogu wareejinayo rayidka, wuxuu sidoo kale kala diray golaha wasiirrada.
Waxaa hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in xabsi guri la geliyay Ra'iisul Wasaaraha Suudaan.
Qoraal lagu baahiyay wasaaradda warfaafinta Suudaan ayaa lagu sheegay in ciidamada milatariga ee isku dhafka ah ee hore ugu xiray gurigiisa ay ku cadaadinayeen inuu ku dhawaaqo bayaan taageeraya afgambiga.
Ka dib markii ay diideen inay taageeraan afgambiga, ciidanka ayaa hadda ra'iisul wasaaraha u wareejiyay meel aan la garanayn.
Midowga musharixiinta oo aan weli ka hadlin dagaalka maalintii saddexaad ka socda Guriceel
Xigashada Sawirka, Midowga musharaxiinta
Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadalin dagaalka maalintii Saddeexaad ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud kaas oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa qaranka Soomaaliya iyo ciidamada daacadda u ah ururka Ahlu-Sunna.
Waxaa la is weydiinayaa sababta Golaha oo si joogta ah uga hadli jiray arrimaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa quseeya siyaasadda iyo ammaanka ay uga hadli la’yihiin dagaalka Guriceel oo uu dhiig badan ku daatay, shacab badanna ka qixiyay guryahooda.
Hase yeeshe madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan.
"Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh." Ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Dhanka kale sida ay goobjoogayaal BBC-du la hadashay sheegeen xabbad goos goos ah ayaa lagu waabariistay subixii saaka ahaa.
Maalinkii shalay ahaa dhawr madfac ayaa ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guriceel kuwaas oo gaystay burbur gaadhay dhismayaasha iyo qalabka Isbitaalka, sida ay BBC-da u xaqiijisay Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Raxmo Axmed Diiriye.
Ciidammada dowladda Soomaaliya ayaa guulo ka sheeganaya dagaalkaasi oo gudoomiye kuxigeenka amniga magaaladaasi, Cabdishakuur Axmed Faarax oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in xaaladdu ay shalay gelinkii dambe meelo koobanna la isugu keenay waxa uu ku tilmaamay maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee Ahlu Sunna.
Madaxweyne Deni oo waraysi siiyay BBC xilli uu codkiisa dhiibanaayay
Halkan ka daawo sida ay u dhacayaan doorashooyinka Puntland
Milateriga oo weeraray xarunta warbaahinta qaranka ee Suudaan
Wasaaradda warfaafinta ee Suudaan ayaa sheegtay in askar ay xoog ku galeen xarunta idaacadda iyo telefishinka Omdurman oo u dhow caasimadda Khartoum.
Waxay sheegtay in ciidamada milatariga ee wada jirka ah ay halkaas ku xireen tiro shaqaale ah.
Waxaana hawada laga saaray khadkii internetka ee magaalada caasimadda ah ee Khartoum.
Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo muddo bilooyin ah waday dibadbaxyadii horseeday in xilka laga tuuro madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir ayaa haatan shacabka ugu baaqay inay isugu soo baxaan waddooyinka si ay uga hortaggaan inqilaabka militeri.
Dhanka kale duulimaadyadii tagi jiray iyo kuwii ka imaan jiray caasimadda Suudaan ee Khartuum ayaa la hakiyay, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inqilaab socda.
Garoonka Caalamiga ah ee Khartuum ayaa lagu soo waramayaa in la xiray, iyadoo la sheegay in ciidamo milateri ay hareereeyeen.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dawladda oo ku saabsan xaaladda garoonka.
Madaxweyne Deni oo codeeyay
Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta codkiisa ka dhiibtay doorashada qof iyo codka ah ee ka socota Puntland gaar ahaan degmooyiinka kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.
Hase yeeshe madaxweynaha ayaa si gaar a uga codeeyay degmada Qardho.
R/wasaaraha Suudaan ee xabsi guriga la geliyay oo baaq u diray shacabka dalkaas
Ra'iisal wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, oo sida la sheegay ku jira xabsi guri, ayaa dadka Suudaan ka codsanaya in ay sii wadaan dibadbaxyada nabdoon oo ay “difaacaan kacaanka”, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay bogga Facebook ee wasaaradda warfaafinta Suudaan.
Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sheegay in ciidamada milatariga ee isku dhafka ah ee hore ugu xiray gurigiisa ay ku cadaadinayeen inuu ku dhawaaqo bayaan taageeraya afgambiga.
Ka dib markii ay diideen inay taageeraan afgambiga, ciidanka ayaa hadda ra'iisul wasaaraha u wareejiyay meel aan la garanayn.
Sawirro: Doorasho qof iyo cod ah oo ka billaabatay degmooyin ka tirsan Puntland
Qaar ka mid ah shacabka ku nool dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta u dareeraya doorasho qof iyo cod ah iyadoo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka 3 degmo.
Dagmooyiinka maanta laga codeynayo ayaa kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.
Ciidamo aad u hubaysan oo la geeyay caasimadda Suudaan xilli la sheegay inuu afgambi ka socda
Xigashada Sawirka, AFP
Askar aad u hubaysan iyo ciidamo kale oo amni ayaa la geeyay caasimadda Suudaan ee Khartuum, kuwaas oo la sheegay inay xaddidayaan isu socodka dadka rayidka ah ee magaalada.
Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warameysa in askar labisan ay jareen wadooyinka waaweyn ee soo gala caasimadda dalkaas.
Waxay xiisad ka dhex taagneyd militeriga iyo shacabka Suudaanka maadama labada dhinac ay qeyb ka yihiin dowladda kumeel gaarka ah ee la dhisay sanadkii 2019 si dalka loogu jiheeyo doorasho.
Wararka waxay sidoo kale sheegayaan in dad taageerayo dowladda rayidka ah ay isugu soo baxeen waddooyinka dalkaas halka militeriga ay isku dayayaan inay ka hortaggaan.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warameysa in dibadbaxayaasha ay waddooyinka ku xardheen calan iyo taayiro la gubay iyadoo ay magaalada ka jirto xiisad.
Militariga Suudaan ayaa subaxnimadii Isniinta xiray dhowr mas'uul oo rayid ah oo uu ku jiro mid ka mid ah la -taliyeyaasha Ra'iisul Wasaaraha Cabdalla Hamdok iyo xubin ka tirsan golaha madaxbannaanida dalka.
Guriga Ra'iisul Wasaaraha Suudaan ayaa sidoo kale la sheegay in ciidamadu ay hareereeyeen, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in afgambi uu socdo.
Ammaanka goobaha codbixinta Puntland oo aad loo adkeeyay
Taliyaha Booliska Puntland Jen. Cabdi Yare ayaa BBC-da u sheegay inta doorashada socoto la joojiyay isu socodka gaadiidka degmooyinka ay ka dhacayaan doorashada ee Qardo, Eyl iyo Ufeyn.
Doorashadan qof iyo codka ah ee golaha deegaanka Maamulka Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay tan iyo markii maamulkaasi dhidibada loo taagay.
Halkan ka daawo wareysiga taliyaha booliska oo ka warramaya sida loo sugaya ammaanka goobaha codbixinta degmooyinkaasi.
Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Ammaanka oo aad loo adkeeyay
37 kun oo qof ayaa isu diwaangeliyay codeynta doorashada Puntland
Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa sheegay in tirada guud ee dadka qaatay kaararka codbixinta sdeddaxda degmo ee maanta laga codeynayay ay kor u dhaafayaan 37,000 oo qof.
Degmada Qardho waxaa codkooda ka dhiiban doona 20,620 qof halka degmada Eyl-na ay codkooda ka dhiiban doonaan 8,671 qof Degmada Ufeyn ayaa sidoo kale laga diiwaangeliyay codbixiyayaal gaaraya 8,287 qof.
Sawirkan hoose waa qaar ka mid ah haweenka ka codeynaya degmada Qardho.
Shacabka ku nool 3 degmo oo Puntland ka tirsan oo maanta dooranaya golayaal deegaan
Qaar ka mid ah shacabka ku nool dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta u dareeraya doorasho qof iyo cod ah iyadoo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka 3 degmo.
Dagmooyiinka maanta laga codeynayo ayaa kala ah Eyl, Qardho iyo Ufeyn.