Maxay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey kala hadleen hoggaamiyaha TPLF?

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya oo war hor leh sheegay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Guddoomiyaha guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, ee dalka Kenya ayaa ku eedeeyay 4-ta mas’uul ee ka tirsan guddiga isla markaana aan ayidin ku dhawaaqista natiijadii doorashada madaxtinimo in ay isku dayayaan in ay jabiyaan dastuurka.

    Wafula Chebukati ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay dhacdooyin aan la ogeyn oo dhacay xilligii la qorsheynayay Isniintii ku dhawaaqista natiijada oo saacado badan qaadatay.

    Waxa uu sheegay in Afarta qof ee ka tirsan guddiga oo markii dambe iska fogeeyay natiijada soo baxday, ay ka dalbadeen ayna ku qasbeen inuu sameeyo doorasho ku celis ah ,taasi oo uu ku tilmaamay guddoomiyuhu mid ka hor imaanaysay dastuurka iyo rabitaanka madax-bannaanida ee dadka Kenya.

    Mr Chebukati ayaa difaacay tallaabadii uu qaaday ee ku dhaqaasitii ahayd in William Ruto uu ku guuleystay doorashada inkastoo qayb ka mid ah guddiga ay sheegeen inuu u dhaqmay guddoomiyuhu si baalmarsan sharciga.

    Afarta qof ee ka tirsan guddiga ayaa sheegay inay qabaan su’aalo la xiriira sax ahaanshiyaha natiijada isla markaana aan la siin fursad lagu xaqiijinayo natiijada.

    Ninka ay sida weyn ula loo lameen Mr Ruto ee Raila Odinga – ayaa diiday in uu aqbalo natiijada, waxa uuna tilmaamay inuu qaadayo tallaabo dhanka sharciga ah.

  2. Madaxweyne Xi Jinping oo doonaya inuu xafiiska sii joogo

    Xi Jinping

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xi Jinping

    Madaxweyne Xi Jinping ayaa ku darsan doonaa muddada uu sii hogaamin dalka Shiinaha toddobaadkan, inta lagu guda jiro shirka madaxda sare ee hadda ka socda magaalada Beijing.

    Shirkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa la filayaa in lagu ansixiyo qaraar lagu bogaadinayo guulaha xisbiga shuuciga ah ee boqolkii sano ee la soo dhaafay.

    Waa markii 3-xaad ee uu dhaca kulan noocaan ah tan iyo markii la aasaasay xisbiga.

    Sannadka soo socda, madaxweyne Xi ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inuu jebiyay shirweynihii dhawaa sidaasina uu xafiiska ku sii joogayo. Warbaahinta Shiinaha ayaa ku tilmaantay in XI uu yaay nin waxqabad iyo aragti dheer leh.

  3. Dadka aan Muslimiinta ahayn oo ku nool Imaaraadka oo ku farxay go'aan ka soo baxay dowladda

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Dadka aan Muslimka ahayn waxaa loo ogolaan doonaa in ay guursadaan, furaan oo ay si wadajir ahna u qaataan mas’uuliyadda ilmaha sida uu dhigayo sharciga madaniga ah ee Abu Dhabi.

    Sida ku cad wareegto cusub oo la shaaciyay Axaddii ayaa wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa wakaaladda wararka dawladda ee WAM sidaasi sheegtay.

    Wareegtada ka soo baxday Abu Dhabi, Sheikh Khalifa bin Zayed al-Nahayan, ahna madaxweynaha dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, ayaa lagu sheegay in sharcigan uu quseeyo guurka madaniga ah, furriinka, masruufka, xannaanada wadajirka ah ee carruurta iyo cadeynta aabbanimada iyo dhaxalka.

    Go'aanka dowladda ayaa waxaa soo dhaweeyay dad badan oo aan Muslimiin ahayn.

    Dib-u-habayntan, oo ay weheliso tallaabooyin ay ka mid yihiin soo bandhigida fiisaha muddada-dheer, ayaa loo arkay in ay tahay hab ay dawladda Khaliijka ku soo jiidanayso maalgashiga shisheeye, dalxiiska iyo degenaanshaha muddada dheer.

  4. Poland oo qaadeeyso tallaabo kale oo wadnaha jartay muhaajiriinta ka soo tallaabaya Belarus

    .

    Waxaa jira muuqaal muujinaya boqolaal qof oo ka ag dhaw xayn-daabka siliga, kuwaas oo qaarkood isku dayaya in ay xoog ku maraan.

    Dowlada Poland ayaa qabaneysa kulan deg-deg ah oo looga jawaabayo cabsi laga qabo in tiro badan oo muhaajiriin ah oo ku sugan Belarus ay isku dayaan inay xoog uga gudbaan xadka Poland.

    Warsaw ayaa xukuumadda Minsk ku eedaysay in ay iska soo riixday muhaajiriinta aaggaasi ku sugan.

    Kumanaan booliis iyo askar dheeri ah ayaa la soo dhoobay xadka. Dalalka Poland, Lithuania iyo Latvia ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay sare u kacday tirada dadka isku dayaya in ay si sharci darro ah dalalkooda ku galaan kuwaas oo intooda badan ka yimid Bariga Dhexe iyagoo soo maraya Belarus.

    Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay madaxweyne Lukashenko inuu ku takri falay muhaajiriinta isagoo reer galbeedka uga aargoosanaya cunaqabateynta ay saareen ka dib markii lagu eedeeyay inay ku xad-gudbeen xuquuqda aadanaha.

  5. Nin weerar mindi ah ku qaaday boolis Faransiis ah

    Nin mindi ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan booliska magaalada Cannes ee koonfurta dalka Faransiiska.

    Mid ka mid ah booliska ayaa toogtay ninka weerarka geystay, kaasoo xaaladiisa caafimaad ay aad u liidato, isla-markaana uu haatan ku jiro Isbitaalka.

    Saddexda askari ee booliska ah ayaan waxba soo gaarin. Booliska Faransiiska ayaa baaraya in ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu u dhashay Algeria uu weerarkiisa la xiriiro arrimo diimeed iyo in kale.

    Wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, Gerald Darmanin oo la hadlayay warfidiyeenka, ayaa sheegay in ninka weerarka geystay aysan ka warqabin mas’uuliyiinta.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  6. Abiy Axmed oo mar kale baaq u diray shacabka Itoobiya

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa shacabka ugu baaqay inay ku dadaalaan midnimada xilli dagaalka uu ka socda dalkaas.

    Wuxuu sheegay in dalka uu kasoo gudbay dhibaatooyin badan.

    "In kasta oo ay dhammaantood isku dayeen in ay dib noo celiyaan aynu hore u sii wadno midnimada"

    Abiy wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigayay sawirrada dibadbaxyada lagu taageerayo dowladda.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

    Tobannaan kun oo qof ayaa ka qeybqaatay dibadbax ballaaran oo ka dhacay caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa, si ay taageero ugu muujiyaan dagaalka ay dowladda kula jirto xulafada ciidammada fallaagada ee ku gooddinaya inay caasimadda geli doonaan.

    Dowladda waxay ugu baaqday saraakiishii hore ee militeriga ee shaqada ka fariistay inay kusoo biiraan dagaalka ka dhanka ah kooxaha fallaagada ah.

  7. Nin saalada xoolaha ka sameeya gaaska cuntada lagu karsado ee Soomaaliya

  8. Kursigii laisku heystay ee Mahdi Guuleed oo go'aan laga gaaray

    Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa go'aan kasoo saaray dacwaddii dhawaan laga gudbiyay kursigii uu ku guuleystay uu Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed.

    Guddiga wuxuu sheegay in doorashada Mahdi Guuleed loo maray xeerarka iyo habraacyada doorashada.

    Dhawaan ayay aheyd markii Xuseen Carab Ciise dacwad ka gudbiyay doorashada Mahdi Guuleed oo uu sheegay in aan loo marin hanaankii saxda ahaa ee doorashada.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  9. Galmudug maxay ka tiri hadalkii guddoomiyaha Ahlu Sunna?

    Qaar ka mid h hoggaanka Ahlu sunnah

    Xigashada Sawirka, Baraha bulshada

    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid h hoggaanka Ahlu sunnah

    Wasiirka warfaafinta mamaulka Galmudug ayaa sheegayinaysan diyaar u ahayn in ay wadahadal la galaan Ahlu Sunna isla markaana Galmudug uu ka jiro maamul sharci ah.

    Wuxuu sheegay in dhalinyarada la qaldayana ay cafiynayaan.

    "Anagu marka hore xiriir wadahadal ma aanay laheyn, hataana xiriir wadahadal ah ma lihin, dhalinyaro ku xaadgudubtay sharciga weeye, anagoo la hadlin bey cafis naga yihiin laakiin sida hadda warka loo dhigayo, wadahadal oo na dhexmaray, xabaddu kuma joogsanin haatan wadahadal aan sugeyno oo miiska noo saaran ma jiro” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle.

    Hadalkan ayaa kusoo aadayaa xilli gudoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaacah uu markii ugu horraysay ka warbixiyay qaabkii ay ciidammadooda uga saareen magaalada Guriceel, isagoo sheegay inay doonayaan in wadahadal lagau xalliyo khilaafka taagan hasayeeshee illaa hadda aanay jirin cid la soo xiriirtay.

    Sheekh Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo BBC-da siiyay wareysi gaar ah waxa uu ku eedeeyay inay soo maleegeen dowlad goboleedka Galmudug iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya.

    Dagaalkaas waxaa ku dhintay tobannaan qof, dad kale oo badanna ay ku dhaawacmeen halka kumannaan qofna ay guryahoodii ka qaxeen.

    Sheekh Maxamuud waxa kale oo uu sheegay in ciidamadooda ay haatan ku sugan yihiin meel u dhow magaalada Guriceel ayna magaalada uga baxeen codsi uga yimid dinacyo kala duwan.

    Halkan ka dhageyso wareysiga uu BBC-da siiyay wasiirka warfaafinta Galmudug.

    Qoraalka Codka, Wasiirka warfaafinta Galmudug
  10. Wareysiga uu BBC siiyay guuddoomiyaha Ahlu Sunna Waljamaaca

  11. Imtixaamka dugsiga sare oo maanta ka bilowday Dowlad Deegaanka Soomaalida

    Ardeyda wax ka barata dugsiyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa maanta u fariistay imtixaamka shahaadiga ee dugsiga sare.

    Waxaana imtixaamkan loogu gudbo waxbarashada jaamacadaha u fariistay ardey ka badan 20,000.

    Mas’uuliyiin uu kamid ah madaxweynaha Dowlad Deegaanka ayaa saaka si rasmi ah xarigga ugajaray imtixaamka.

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV

  12. Wasaaradda waxbarashada oo meesha ka saartay kharashaad uu gobolka Banaadir kusoo rogay ardeyda

    Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa meesha ka saartay kharashaad xadh-dhaaf ahaa oo maamulka gobolka Banaadir kusoo rogay ardeyda, iskuulada iyo adeegyada aasaasiga ee waxbarashada taas oo cabasho laga muujiyay, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda.

    Wasaaradda waxay sidoo kale sheegtay in hantida ma guurtada ee goobaha waxbarashada ay mas’uul ka tahay wasaaradda isla markaana aysan cid kasta iska maamulan karin.

    .

    Xigashada Sawirka, Wasaaradda waxbarashada

  13. Filsan Cabdullaahi: "Dabeyshii isbaddalka waxay Itoobiya ka leexisay dhabbihii saxda ahaa"

    Filsan Cabdulaahi Axmed
    Qoraalka sawirka, Filsan Cabdulaahi Axmed

    Wasiirkii hore ee arrimaha haweenka, dhalinyarada iyo carruurta dalka ItoobiyaFilsan Cabdullaahi Axmed ayaa ka hadashay xaaladda haatan ka taagan dalka Itoobiya oo ay ku tilmaantay "sida duufaan xooggan oo gilgilshay dalka isla markaana dalka ka leexisay dhabbihii saxda ahaa"

    Waxay sheegtay in dabeyshii isbaddalka ee lagu waday inay horseedo nabad iyo barwaaqo ay isku baddashay duufaan daran oo dalka saameeysay.

    "Dabeyshii isbaddalka ee horseedka u aheyd ballanqaadkii ahaa in la helo Itoobiya oo nabad iyo barwaaqa ah, nasiib darro waxay isu baddashay duufaan xooggaan oo horseeday naxdin daran oo dalkii ka weecisay dhabbihii saxda ahaa" ayay tiri Filsan Cabdullaahi oo qoraalkan soo dhigtay barteeda Facebook.

  14. Maxay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey kala hadleen hoggaamiyaha TPLF?

    Ergeyga Midowga Afrika uu qaabilsan arrimaha Itoobiya ayaa la kulmay hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael si loo soo afjaro xiisadda ka taagan halkaas.

    Madaxa Qaramada u qaabilsan arrimaha banii’aadanimada iyo gargaarka Martin Griffiths iyo Obasanjo oo ah madaxweynihii hore ee Nigeria oo shaley gaaray caasimadda Mekelle ayaa sidoo kale kala hadlay ninkan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka ay saameeyeen dagaallada ka dhacay gobolka.

    Teleefishinka Tigray ayaa ku warramay in mas'uuliyiintan ay la kulmeen "madaxweynaha Tigray, Dr Debretsion Gebremichael , waxay ka wadahadleen qalalaasaha ka taagan Itoobiya iyo sida gargaarka lagu gaarsiin shacabka iyo arrimo kale"

    Mr Griffiths iyo Obasanjo ayaa markii dambe dib ugu laabtay maagalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sida uu sheegay teleefishinka Tigray.

    Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa barta Twitter-ka soo geliyay sawirrada kulanka Obasanjo uu la yeeshay madaxada TPLF.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  15. Soomaaliya: "Tallaabo adag ayaan ka qaadi doonaa kuwa muuqaallada anshax darrada soo dhiga TikTok"

    Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha amniga

    Xigashada Sawirka, Cabdi Hassan Hijar/Twitter

    Qoraalka sawirka, Taliyaha ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu ka qeybgalay shir looga hadlayay arrimaha amniga

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay tallaabo adag ka qaadi doonto dadka sida khaldan u adeegsada baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok oo si weyn dhalinyarada uga soo dhexmuuqdaan.

    Taliyaha booliska Soomaaliya Janaraal Cabdi Xasan Xijaar ayaa sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono dadka bartan soo dhiga muuqaallada anshax xumada ah ee bulshada dhibaatada u horseedi kara.

    Wuxuu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay badbaadinta dhalinyarada iyo ka hortagga falalka xun ee lagu baahiyo halkaas.

    “Gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa kuwa dhaca ka geysta Muqdisho iyo kuwa TikTok kusoo gudbiya muuqaallada anshax darrada ah” ayuu yiri taliyaha, sida laga soo xigtay Radio Muqdisho.

  16. Asalaamu Caleykum

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay soomaalida iyo caalamka.