Ciidamada amniga ee Puntland oo jawaab ka bixiyay tallaabo uu qaaday madaxweyne Deni

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Haweeneydii ugu horeysay ee ra'iisal wasaare ka noqota dalka Sweden oo is casishay

    Ms Magdalena Andresson

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Ms Magdalena Andresson

    Haweeneydii ugu horeysay oo ra'iisal wasaare ka noqota dalka Sweden, ayaa is casishay, kadib markii loo magacaabay jagadaasi saacado un kahor.

    Magdalena Andresson, ayaa loo magacaabey jagadan maanta oo aheyd Arbaco, laakiin way is casishay, kadib markii ay isbaheysigeeda ay jaalka ku ahaayeen dowladda ay ka baxeen dowladda, iyadoo miinsaaniyad dhaqaale ee dowladeedana meel marintiisa uu fashilmey in la ansixiyo.

    Taa badalkeeda, baarlamaanka ayaa u codeeyey miisaaniyad dhaqaale ay soo diyaariyeen mucaaradka, oo ay ku jiraan kuwa kasoo horjeeda soo galootiga, oo ka socda dhanka axsaabta midigta fog.

    Ra'iisal wasaare Andersson, ayaa u sheegtay war fidiyeenka iney u gudbisay afhayeenka baarlamaanka doonisteeda is casilaadda.

    Waxey intaa ku dartey iney ku dadaaleyso iney noqoto ra'iisal wasaare mar kale, iyadoo markan kusoo galeysa dowladda hal xisbi ah.

  2. Mulaxan Jiim Sheekh Muumin oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho

    Jiim Sheekh Muumin

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Jiim Sheekh Muumin

    Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ku dhintey Jiim Sheekh Muumin, oo ahaa nin ku xeel dheer tumista laxamada iyo music-ga kala duwan.

    Jiim ayaa ku dhex jirey fanka Soomaaliyeed muddo gaareysa illaa iyo 50 sano. Waxaa aad looggu xasuustaa inuu caan ku ahaa tumista kabanka.

    Cabdulkariim Faarax Qaareey Jiir, oo ku xeel dheer sameynta laxamada, in badanna ay isla soo shaqeeyeen Jiim Sheekh Muumin, ayaa ku tilmaamey mucjiso marka ay timaado garaacista iyo tumista laxamada heesaha.

    Jiir, ayaa intaa ku darey in Jiim uu asalkiisii kamid ahaan jirey kooxdii Onkod, isagoo markii danbase noqdey fannaan u tuma dhammaan fanaaniinta kale ee Soomaaliyeed.

    Cabdulkariim Jiir, ayaa ku nuux nuux sadey hanaankii uu Jiim u garaaci jirey kabanka iyo laxamada, isagoo Jiim kusuntay in haatan iyo waqti dhawba aanu jiri doonin sidii Jiim qof wax u tumi karaya.

  3. Ciidamada amniga ee Puntland oo jawaab ka bixiyay tallaabo uu qaaday madaxweyne Deni

    Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

    Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni

    Ciidamada amniga ee Puntland ayaa ka hor yimid go’aan madaxweynaha Puntland , Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ugu magacaabay agaasime cusub kaas oo hoggaamin doono ciidamada.

    Ciidanka amniga wuxuu sheegay in go’aanka uu “baalmarsanyahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

    “Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ciidamada PSF ee Puntland.

    Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF ee ciidanka Puntland, sida laga soo xigtay war saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

  4. Tirada dadka ka barakacay abaarta ka jirta Soomaaliya oo sii kordhaysa

    Waxa sii kordhaya tirada dadka ka soo barakacaya abaarraha ku dhuftay gobollada Koonfureed eegaaraya xeryaha dadka gudaha ku barakacay ee ku yaala daafaha Muqdisho oo awalba duruufo nololeed oo adag ay ka jireen.

    Qoysaska cusub ayaa ku biiraya boqollaalka kun ee dadka gudaha ku baracay ee ku nool xeryaha Muqdisho.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay todobaadkan in 5.5 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin kaalmo, iyadoo tiradaasi ay gaari doonto sanadka dambe 7.7 milyan oo qof.

    Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo booqday xeryaha dadka gudaha ku barakacay ayaa warbixintan ka soo diray.

    Qoraalka Codka, Saameynta ka dhalatay abaaraha ka taagan Soomaaliya
  5. Nin Soomaali ah oo haweeney 30 sano ka hor badbaadisay dib u soo raadiyay

  6. Militeriga Soomaaliya oo looga digay inay ku lug lahaadaan doorashada

    Taliyaha militeriga ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku marayay gobolka Shabeellada Dhexe
    Qoraalka sawirka, Taliyaha militeriga ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqasho ku marayay gobolka Shabeellada Dhexe

    Saraakiisha Milatariga Soomaaliya ayaa uga digay ciidamadooda inay si toos ah ama si dadban ugu lug yeeshaan doorashada hadda socota.

    Taliyaha ciidamada dhulka Janaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa sheegay in sarkaalka ama askariga lagu helo inuu doorashada farogaliyo uu mudan doono ciqaab adag.

    Janaraal Maxamad Tahliil Biixi ayaa sheegay in ciidamada ay uga digayaan inay ku lug lahaadaan doorashada isla markaana ay shaqadooda inay sugaan amniga magaalooyinka ay doorashada ay ka dhacayaan iyo kuwa aysan ka dhaceynin.

    "Kama qeybgaleyno doorashada, doorashada waa in aan ammaankeedu sugno, waajibaadka qaranka uu nagu leeyahay waa in aan kasoo dhalaalno, marka ergo kama qeybgaleyno"

    Janaraal Biixi ayaa warkan ka sheegay booqasho uu ku marayay xeryaha ciidamada milatariga ee gobolka Shabeellada Dhexe.

  7. Mahad Cabdalla Cawad mar kale loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka

    Mahad Cabdalla Cawad ayaa mar kale loo doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya xilli Galmudug ay ka bilaabatay doorashada Aqalka Hoose.

    Cawad ayaa wuxuu helay codad gaaraya 84 halka musharraxii kula tartameysay kursiga Hop#104, Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah.

    .

    Xigashada Sawirka, Guddiga Doorashada

  8. Khibraddii millateri ee Abiy, ma u sahli doonaan guul?

    Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa mar si weyn loogu ammaanay meel ka baxsan dalka dibaddiisa xilli uu sameeyay isbedel la taaban karo, balse sawirkaas ayaa burburay ka dib markii uu dagaal sokeeye ka billaabay waqooyiga dalkaas bishii November 2020.

    Socdaalkiisii uu ka soo bilaabay mid ay jecel yihiin beesha caalamka iyo in uu ku danbeeyey mid ay canbaareeyaan waxa uu ahaa mid si degdeg ah ku yimi.

    Ku guuleysiga abaalmarinta nabadda ee Nobel Oktoobar 2019 ayaa uu ku helay ugu dambeyntii, kaddib markii uu soo afjaray 20-sano oo ismari-waa ah oo u dhaxeeyey Eritrea iyo dalkiisa ayaa xaqiijisay maqaamkiisa caalamiga ah.

    Waxa uu ku guulaystey tijaabadii ugu horeysay ee doorasho bishii June goobaha codbixinta oo ay hadheeyeen qaaddacaada qayb ka mid ah mucaaradka iyo dib u dhigista qaybo ka mid ah dalka amni darro awgeed.

    Dadweyne aad u xamaasadsan iyo madax badan oo Afrikaan ah oo booqasho ku yimid ayaa isugu soo baxay si ay ugu dabaaldegaan dhaarintiisa horraantii bishii Oktoobar. Laakiin taasi waxay qarisay kala qaybsanaan qotoda dheer oo dalka ka jirta.

  9. Mas’uul Soomaali ah oo ku dhawaaqay in ku biirayo furriinta hore ee dagaalka Itoobiya

    Injineer Maxamed Shaale Isxaaq oo ah madaxa xisbiga haya talada Itoobiya ee u qaabilsan Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa shaaciyay in uu ku biirayo jiidda dagaalka xilli qaar ah mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ay ku dhawaaqeen inay ka qeybgalayaan dagaalka ka dhanka ah jabhadda Tigray.

    “Waxaan diyaar u ahay in aan tego jiidda hore ee dagaalka, waxaana u hoggaansamayaa baaqa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed” ayuu yiri Maxamed Shaale Isxaaq, sida lagu baahiyay bogga Facebook, xisbiga Prosperity Party.

  10. Orodyahan caan ah oo ku dhawaaqay in uu ku biirayo jiidda hore ee dagaalka Itoobiya

    Haile Gebrselassie

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Haile Gebrselassie

    Orodyahanka caanka ah ee ka qeybgalay tartanka olimbikada ee adduunka ee u dhashay dalka Itoobiya Haile Gebrselassie ayaa shaaciyay in uu tegayo jiidda hore ee dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada jabhadda ka dagaallanta gobolka Tigray.

    Waxaa sidoo kale dagaalka ku biiraya Feyisa Lilesa oo ah orodyahan si weyn looga yaqaanno dalkaas oo sanadkii 2016-kii ka qeygbalay tartankii orodka ee ka socday Brazil kaas soo bandhigay astaantii ay ku caan baxeen dadkii Oromada ee waday dibadbaxadii ka dhanka ahaa dowladda Itoobiya, wuxuu ka carooday sida dowladda ay ula dhaqatay dadka Oromada.

    Sidoo kale dad caan ah oo u dhashay Itoobiya ayaa ku dhawaaqay inay ka qeybgalayaan dagaalka xilli kooxaha fallaagada ay sheegayaan inay kusii sii siqayaan dhinaca Addis Ababa.

    Waxay arrintani imaaneysaa xilli baraha bulshada lagu arkay sawirro muujinayo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ku labisan dareeska militeriga oo ay ku hareereysan yihiin ciidamo gaar ah.

    Ma kala cadda in Abiy Axmed uu tegay jiidda hore ee dagaalka, BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto warkaas.

    Ergeyga Midowga Afrika ee gobolka, ahna Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa sheegay inay jirto fursadda yar oo lagu wadahali karo.

    Maamulka Addis Ababa ayaa ugu baaqay dadka inay diiwaan geliyaan hubka.

  11. Feysal Cali Waraabe: “Waan joojinaya wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland”

    Magaalada Nairobi waxaa jooga wafdi ka socda xisbiyada mucaaradka ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanid augu dhawaaqaday ee Somaliland oo ay hogaaminayaan madaxda xisbiyadaas.

    Faysal Cali waraabe oo ka mid ah madaxdaas ayaa BBC u sheegay in ujeedada ay u scdaan ay tahay sidii ay doorashada dabayaaqada sannadka dambe ka dhici doonta Somaliland ugu raadin lahaayeen taageero farsamo iyo mid dhaqaale.

    Faysal wuxuu kaloo BBC u sheegay in uu weli yahay musharrax mar kale u taagan tartanka madaxtinimada Somaliland.

    Wxuu intaa ku daray in uu qorshaynayo in uu baarlamaanka hor geeyo in la joojiyo wadahadalladii u dhaxeeyey Somalia iyo Somaliland oo uu ku tilmaamay kuwo khasaare mooyee aysan faa'iido ugu jirin.

    Halkan ka dhageyso wareysiga Feysal Cali Waraabe.

    Qoraalka Codka, Feysal Cali Waraabe
  12. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalmka.