Wasiir Bayle: Sababtan ayaan ku waayay kursiga xildhibaanimada?

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Safiina: 62 kursi waala doortey, 110 waa dhagan yihiin

  2. Wiil Madoow oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu qalday oday caddaan ah

    (Bidix) Shane Lee Brown, 25, halka dhanka Midigna uu ka muuqdo Shane Neal Brown oo caddaana

    Xigashada Sawirka, CBS

    Qoraalka sawirka, (Bidix) Shane Lee Brown, 25, halka dhanka Midigna uu ka muuqdo Shane Neal Brown oo caddaana

    Nin madow ah oo ku nool gobolka Nevada ee dalka Mareykanka, ayaa muddolix maalmood xabsi ku jirey, kadib markii booliisku uu ku kahay ama ku khalday tuhmane ay isku magac yihiin oo caddaan ah, oo laba jibaar ka weyn dadiisa.

    Shane Lee Brown, oo 25 jir ah, ayaa la xiray ka dib markii uu ku guul dareystay inuu muujiyo sharciga wadista gawaaridda. Baaritaan ay sameeyeen Booliiska Las Vegas, ayaa waxay ogaadeen dacwad kadhan ah magaciisa, laakiin dacwadaasi ayaa laga gudbiyay Shane Neal Brown, oo ah nin caddaan ah, oo da'diisu tahay 51 sano jir, balse ay magaca un iska shabahaan.

    Ninka da'da yar laguma soo oogin wax dambi ah, balse waxaa uu haddadalbaanayaa magdhow.

    Afhayeen u hadashay magaalada Henderson, ayaa warbaahinta Mareykanka u sheegtay in ninkan dhalinyarada ah si sharci ah loo xiray, oo danbiga lagu heystay uu ahaa mid la xiirara sharciga wadista gaawarida, isagoo sitay warqadda ruqsada gaari wadista oo la hakiyay.

    Dacwadda ayaa lagu sheegtay in saraakiishu ay si khaldan ugu maleeyeen in Mr Brown uu yahay Shane Neal Brown, oo ah nin cad oo timo bunni ah leh, indho buluug ah garna leh da’diisuna tahay 51 jir ah.

    Markii ugu horeysay dambi uu geystay loona xiray, ayaa aheyd 1994-tii, kahor inta uusan dhalan Mr Brown oo hadda lagu khalday, sida ay sheegtay warbaahinta Mareykanka.

  3. Barafasoorka loo heysto inuu bambaanooyin ku qarxiyay Paris

    Aqoon yahan Diab

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Aqoon yahan Diab

    Aqoon kasoo jeeda dalka Canada, oo lagu eedeeyey qaraxii sanadkii 1980-kii ka dhacey macbad ay ku leeyihiin dadka Yuhuudda ah magaalada Paris, ayaa wajihi doonna maxkamad sanadka 2023-ka, shan sano kadib markii lasii daayey cadeyn la’aan.

    Faransiiska ayaa sheegay in bare sare Xasan Diab, oo asal ahaan ka yimid dalka Lubnaan, uu ahaa xubin katirsan kooxaha dagaalama ee reer Falastiin, isagoo kuxirey macbadka bam, waxaa halkaasi ku dhintey afar qof, halka afartan kalana ay ku dhaawacmeen.

    Sanadkii hore maxkamadda racfaanka Faransiiska, ayaa laashey go’aankii maxkamadda hoose ee ahaa in lasii daayo Mr Diab, oo loo oggolaado inuu dib ugu soo laabto Canada, kadib saddex sano oo xabsi ah. Mr Diab, ayaa wali ah mid bari ah.

    Maamulka Faransiiska, ayaan wali codsan in Mr Diab loo gacan galiyo, si deg deg looggu maxkamadeeyo. Qareenadiisa ayaa u sheegay warbaahinta Canada in la maxkamadeyn karo isagoo maqan.

    Mr Diab, ayaa markii ugu horeysay waxaa xirey ciidamada gaarka ah ee RCMP sanadkii 2008-dii, isagoo lagu xirey sii deyntiisa damaanad ay shuruud ku laran tahay, illaa ugu danbeyntii loo tarxiiley Faransiiska sanadkii 2014-kii.

    Waxa uu saddex sano ku qaatey xabsi ku yaalla Faransiiska, isagoo lagu eedeeyey dil heerka koowaad ah, kahor inta aan kiiska la joojin. Kiiska Diab, ayaa lala xiriirinayaa argagaxisnimo.

  4. Somaliland oo soo saartey xeerka xakameynta tahriibka

    Dooni tahriib ah
    Qoraalka sawirka, Dooni tahriib ah

    Golaha wakiillada ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland, ayaa meel mariyey xeerka xakameynta iyo la dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

    Axmed Nuur Guruuje, oo ah guddoomiyaha guddiga xildhibaannada ee xeerkan soo diyaariyey, ayaa carabka ku dhuftey inuu sharcigan qabanayo hey’ad iyo shaqsiba.

    Guruuje, ayaa tilmaamey tahriibinta iyo ka ganacsiga dadka bani’aadamka iney yihiin laba dambi oo weyn, oo haatan wixii ka danbeeya aaney Somaliland u dulqaadan doonin dadka ku kaca dambiyadan.

    Wuxuu xusey Guruuje in haddii dadka wax tahriibinaya ay dilaan qof kamid ah dadka ay tahriibinayaan, in iyaguna la toogan doono, sida uu dhigayo xeerka lasoo saarey.

    Xeerka ayaa loo gudbinayaa madaxweyne Muuse biixi, si uu qalinka ugu duugo.

  5. Waqooyiga Itoobiya oo uu mar kale dagaal ka bilawdey

    Dagaalka Itoobiya
    Qoraalka sawirka, Dagaalka Itoobiya

    Maamul gobolka Canfarta ee dalka Itoobiya, ayaa ku eedeeyey ciidamada gobolka ay dariska yihiin ee Tigreega iney weeraro horleh kusoo qaadeen dhulkooda.

    Maamulku wuxuu intaa ku darey in Tigreegu qabsadeen magaalooyinka Magaale iyo Abala, ayna halkaasi ku dhaawacmeen tiro badan oo shacab ah.

    Tigreega ayaa iyaguna dhankooda ku eedeeyey maamulka Canfarta iyo dowladda Eritrea-yaba iney iyagu bilaabeen marka koowaad dagaalka.

    Shaqaalaha gargaarka, ayaa sheegay in rabshaduhu ay ka hor istaageen 27 baabuur oo sida cunno gargaar oo degdeg ah, kuwaasoo lagu wadey iney gaaraan gobolka Tigreega.

    Qaramada Midoobay, ayaa sheegtay in cunno qeybintu ay mareyso heerkii ugu hooseeyey abid ee gobolka, iyadoo boqolaal kun oo qof ay kunool yihiin xaalad macaluul ah.

  6. Guddiga doorashada Hirshabelle oo shaaciyey lix kursi oo lagu tartamayo

    Guddiga doorashada Hirshabelle, ayaa waxa uu shaaciyey jadwalka lix kursi, oo kamid ah kuraasta taalla magaalada Jowhar.

    Doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ku socota maalmihii ugu danbeysay si dardar leh.

    Guddiga doorashada ee HirShabelle

    Xigashada Sawirka, Guddiga doorashada ee HirShabelle

    Qoraalka sawirka, Guddiga doorashada ee HirShabelle
  7. Fariin uu diray ninka hogaaminayay miliishiyada gashay Beledweyne

    .

    Xigashada Sawirka, social media/ facebook

    Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay miliishiyada Beledweyne soo gashay, ayaa meel fagaare ah ka sheegay, in sababta ay miliishiyo aad u hubeysan u qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee Beledweyne ay tahay inay doonayaan inuusan magaaladaasi tagin madaxweynaha Hirshabeell cali Guudlaawe Xuseen.

    “Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Alle, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta, horaan u sheegnay dadka meeshan jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, Hirshabeelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan.” Ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

    Illaa hadda wax iska hor’imaadyo ah oo la soo weriyay ma jiraan, waxana la sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa Hirshabeelle ay ku kooban yihiin xerada lama galaay.

    Dhinaca kale ma jiraan warrar xaqiijinaya, in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, uu doonayay maanta inuu tago Beledweyne.

  8. Ka warran haddii arrin aadan fileynin ay kugu dhacdo?

    Ninkan waxaa hawada la gashay aabiteey uu xariggeeda qabsaday balse wuxuu ka qoomameeyay ficilkiisa. Daawo dhibaatadii gaartay.

  9. Golaha wakiillada Somaliland oo meel mariyey xeerka la dagaallanka tahriibka

    Golaha wakiillada ee Jamhuuriayadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa meel mariyey Xeerka xakamaynta iyo la dagaallanka tahriibka iyo ka ganacsiga dadka.

    Xeerka ayaa loo gudbinayaa madaxweyne Muuse biixi si uu qalinka ugu duugo

    . Axmed Nuur Guruuje waa guddoomiyaha guddiga xildhibaannada ee xeerkan soo diyaariyey. Waxyaabaha uu dhigayo ayuu uga warramay wariye xasan Gallaydh.

    Qoraalka Codka, .
  10. Xiisad ka taagan Beledweyne xilli miliishiyo hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha

    .

    Xiisad ayaa ka taagan magaala madaxda gobolka Hiiraan ee Beledweyne, kadib markii miliishiyo aad u hubeysan ay qabsadeen qaar kamid ah xaafaddaha iyo wadooyinka muhimka ah ee Beledweyne. Sidoo kale dadweyne fara badan oo taageersan miliishiyada magaalada soo gashay ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada.

    Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere oo hogaaminayay miliishiyada Beledweyne soo gashay, ayaa meel fagaare ah ka sheegay, in sababta ay sidaas u sameeyeen ay tahay, iyadoo la doonayay inuu magaaladaasi tago madaxweynaha Hirshabeell cali Guudlaawe Xuseen, taasina ay diidan yihiin haddii ay yihiin kooxda kacdoonka wada.

    “Bulshada reer Hiiraan aad ayaan u salaamayaa, shuucuurta ay muujiyeen, ka hortaga ay ka hortageen ninkii cadowga ahaa ee afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay u hanqal taagayay Beledweyne, Beledweyne wuxuu leeyahay rag iyo Alle, shacbiyad diidan ayaa Beledweyne joogta, horaan u sheegnay dadka meeshan jooga, dad dadkaasi keeni kara maaha, wadanka annagaa leh, annagaana u dhimanayno, Hirshabeelle wax la yiraahdo oo ka shaqaynaayana ma jiraan.” Ayuu yiri taliye Nuur Dheere.

    Illaa hadda wax iska hor’imaadyo ah oo la soo weriyay ma jiraan, waxana la sheegay in ciidamada dawladda iyo kuwa Hirshabeelle ay ku kooban yihiin xerada lama galaay.

    Dhinaca kale ma jiraan warrar xaqiijinaya, in madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, uu doonayay maanta inuu tago Beledweyne.

    Cali Guudlaawe ayaa tan markii loo doortay madaxweynaha Hirshabeelle, November 2020 waxa laga hor istaagay inuu tago Beledweyne, sababo la xiriira cabasho ka jirta hannaanka awood qaybsiga ee uu ku dhisan yahay maamulka Hirshabeelle.

    .
  11. Wasiir Bayle: Sababtan ayaan ku waayay kursiga xildhibaanimada?

    .

    Xigashada Sawirka, ABDIRAHMAN DUALEH BEILEH

    Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa shir ja'raaid oo uu maanta qabtay waxa uu ku sharraxay sababta uu ku waayay kursiga xildhibaanimada oo uu muddo ku fadhiyay.

    Wasiir Bayle oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kursigiisa uu ku waayay arrimo badan oo ku saabsan howlaha miisaaniyda oo uu iska diiday.

    "Waxaan doonayaa inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aniga waxaan runtii halkaan u jooga inaan maamulo miisaaniyadda dalka, xildhibaan haddii uusan wasiir la socon kolayba aniga ma joogeen, sharaf weyn ayey ii tahay inaan xildhibaan ahaado laakiin haddaan tayda ka hadlo miisaaniyadda iyo dhakhaalaha dalka inaan u maamulo si sharciyeysan ayaan jooga." Ayuu yiri wasiir Bayle.

    Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in sida hufan ee uu shaqadiisa u wato ay sababtay inuu ku waayo dad badan oo ay asxaab ahaayeen.

    "Waxwalba oo carqalad yar u keenaya habsami u socodka maaliyadeed anigu waan iska leexiyay, marka si ayaan u arkay in kursigii iyo maaliyaddii ay isku taabanayaan." Ayuu wasiirka raaciyay.

  12. Doorashada maanta ka dhacaysa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo

    Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waxa ka socda doorashada 12 kursi oo kamid Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka.

    Muqdisho waxa ka dhacaysa doorashada 9 xildhibaan oo golaha ka soo galaya gobollada woqooyi, halka Baydhabo lagu qabanayo doorashada 3 xildhibaan oo golaha ka soo galaya gobollada koonfur galbeed.

    Doorashada ka socota labada magaalo, waxa illaa hadda ku soo baxay, sida ay ku dhawaaqeen guddiyada doorashooyinka xubnaha kala ah:

    1- Hop#215 - Ayuub Ismaaciil Yuusuf

    2- Hop#214 - Cilmi Maxamuud Nuur

    3- Hop#056 - Maxamed Jaamac Mursal

    4- Hop#231 - Isxaaq Maxamed Mursal {Fanax}

    5 - Hop#245 - Cabdiraxmaan Axmed Suge

    6- Hop#247 - Khadra Maxamuud Raage

  13. Daawo: Dad ku dhintay isbuurasho ka dhacday garoon ay ka socotay ciyaaraha koobka Qaramada Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday garoon kubaddeed oo ku yaalla Cammeroon.

    Dhacdadan ayaa ka dhacday afaafka hore ee garoonka kubbadda cagta ee Yaounde's Olembe xilli ay ku soo aaddanayed ciyaarta ka midka ah koobka qaramada qaaradda Afrika oo dhex mareyso Cameroon iyo Comoros.

    Goob joogayaal ayaa ku tilmaamay muuqaalo qas ah oo ka dhacay bannaanka garoonka iyadoo kumanaan taageereyaal ah ay ku adkaatay inay galaan. 38-da qof ee dhaawaca ah, 7 ka mid ah ayaa xaaladoodu halis tahay.

    Dadka dhintay ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilmo yar, sida ay sheegeen saraakiil ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Garoonka ayaa waxa uu qaadaa ku dhawaad 60,000 oo qof. Saraakiisha ciyaarta ayaa laga soo xigtay in ilaa 50,000 oo qof ay isku dayayeen inay ka soo qeybgalaan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  14. Wararkii ugu dambeyay ee dalka Burkina Faso oo xukunka milatarigu ay la wareegeen

    Milateriga Burkina Faso ayaa xukunka ka tuuray madaxweynihii dalkaas, Roch Kabore, waxaana ay laaleen dastuurkii iyagoo xiray dhammaan xuduudaha waddankaas uu leeyahay.

    Ciidamada ayaa shaaciyay afgembiga kadib maalin ay gadoodsanaayeen , gacantana uu ugu jiray madaxweynaha. Warka lagu shaaciyay in askarta ay xukunka la wareegeen ayaa waxaa ku saxiixnaa gaashaanle dhexe Paul-Henri Damiba.

    Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, iyo urur goboleedka ECOWAS ayaa dhammaantood cambaareeyay afgembiga.

    Haddaba maxaa keenay in Galbeedka Afrika uu ku bato afgembiga milateri? Danjire Maxamuud Dirir oo xilal wasiir horay uga soo qabtay dalka Itoobiya ayaan weydiiyay su'aashaan iyo kuwo kale.

    Qoraalka Codka, .
  15. Maxaa sabab u ah in arday badan oo ka baxday jaamacadaha Somaliland ay waayaan shaqooyin?

    Maxaa sabab u ah in arday badan oo ka baxday jaamacadaha Somaliland ay waayaan shaqooyin? Dhallinyarada soo qalinjebiyay qaarkood waxay ku dhacaan imtixaanka shaqada loo maro.

    Haddaba maxaa ka jira in ay liidato tayada waxbarashada?

  16. Abiy Axmed muxuu magaalada Jigjiga ka doonay?

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV Somali

    Waxaa saaka magaalada Jigjiga gaaray ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya Abiyi Axmed. Ra'iisal wasaaraha ayaa la sheegay in safarkiisa uu ku tagay deegaanka Soomaalida uu xoogga ku saari doono la kulanka bulshada deegaanka ee xaaladda abaarta ee halkaas ka jirta ay saamaynta ku yeelatay.

    Masuuliyiin sar sare oo uu hoggaaminayo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku soo dhaweeyay ra'iisal wasaaraha Abiy Axmed.

    Ra'iisal Wasaaraha ayaa la sheegay inuu goor-dhow booqasho ku gaari doona duleedka degmada Qabri-bayax oo ay ku suganyihiin bulshooyin ay saamaysay xaaladda abaarta ee ka soo baracay deeganadoodii.

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV Somali

    .

    Xigashada Sawirka, SRTV Somali

  17. Ciidamada Maraykanka oo heegan la geliyay xilli laga cabsi qabo duulaanka Ruushka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in ay jirto “isku-duubni guud” oo ay madaxda Yurub kala leeyihiin ciidamada Ruushku ka dhisayo xadka Ukraine xilli Mareykanka uu ku dhawaad 8,500 oo ciidamadiisa ah u diyaariyay dagaal iyaga oo la geliyay heegan sare, xilli ay meel adag marayso xiisadda Ukraine, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga ee Pentagon.

    Warkan ayaa ku soo beegmay xilli Ruushka uu beeniyay inuu tallaabo milateri ka qaadi rabo Ukraine, inkastoo uu 100,000 oo askari geeyay xuduudda labada waddan.

    Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa in wadahadal telefoonka ah uu la yeesho xulafadiisa Yurub, si isku aragti ay uga noqdaan duulaanka laga cabsi qabo inuu qaado Ruushka.

    Dalal kamid ah NATO sida Denmark, Spain, Bulgaria iyo Netherlands ayaa diyaarado dagaal iyo maraakiib u diray bariga Yurub si ay u xoojiyaan difaaca gobolkaas.

    Pentagon-ka ayaa sheegay in weli aan go'aan laga gaarin in ciidamadaas loo diro Yurub.

  18. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida, iyo caalamkaba.