Wali ma maqashey 9-jirka kamid ah bilyineerada caalamka?

Tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. "Shabaabka ayaa na soo barakiciyay oo guryaheynii gubay"

    Waxaa laga dayrinayaa nolasha boqollaal qoys oo ka barakacay, tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad ee gobalka Shabeellada Dhexe kaddib markii ururka Al-shabaab ay dabqabadsiiyeen tuulooyinkaas.

    Qoysaskaas soo gaaray magaalada Balcad ayaa sheegay in aanay haysan hooy iyo cunto toona, marka laga reebo gurmad kooban oo ay u fidiyeen dadka iyo maamulka degmadaas.

    Dhanka kale maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in ay dadkaasi dejin doonaan xeryo lagu siin doono hadba wixii loo heli karo, maadaama aanay dib ugu laaban karin guryahooda.

    Haddaba qaar ka mid ah dadka ka soo barakacay labada tuulo ee Mukay Dheere iyo Mareeray ayaa BBC-da u waramay

    Qoraalka Codka, Maxay Shabaabku u soo barakiciyeen dadkan?
  2. Haweenay reer Yurub ah oo miciin biday Taalibaan markii dalkeeda loo diiday

    CHARLOTTE BELLIS/INSTAGRAM

    Xigashada Sawirka, CHARLOTTE BELLIS/INSTAGRAM

    Qoraalka sawirka, Wariye udhalatay dalka Newzealand

    New Zealand ayaa difaacday masuuliyiinta ilaaliya xadka ka dib markii haweeney uur leh ay sheegay in ay taageero ka dalbatay Taliban markii ay awoodi weyday in ay dalkeeda dib ugu soo laabato.

    Wasiirka ka hortagga Covid -19, Chris Hipkins ayaa sheegay in ay jirto meel loogu talo galay dadka ay heystaan duruufaha gaarka ah sida Cahrlotte bells oo xaamilo ahayd.

    Arrintan ayaa waxay mar kale toosha ku shiday arrimo la xiriira xuduuda aadka loo adkeeyey si loo xakameeyo coronovirus.

    Taliban ayaa si joogto ah loogu dhaliilaa baalmarka xuquuqda haweenka iyagoo xiiraya, ciqaabaya oo xitaa dilaya dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka.

    Miss Bellis iyo saaxiibkeed oo ah weriye u dhashay Biljam waxay jooogeen Afqaanisitaan sanadkii hore iyagoo warara ka sameynayey ka bixitaankii ciidamada Mareykanka ee Afqaanistaan waxayna ahyed meesha keliya ee iyada iyo ay saaxibbkee ay dal ku gal ka heli kareen.

    Taalibaan ayaa ku wargeliyay inay haweeneydan imaan karta Afqaanistaan balse kali ah ay u baahan tahay in ay sheegto in la qabo ka dib markii ay ku adkaatay inay dalkeeda New Zeland ay dib ugu laabato si ay u dhasho sababa la xiriira tallaabooyinka xakamaynta korona sida baaritaanka iyo karantiilka.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  3. Intay dhan tahay awoodda milatari ee Ukraine?

    Ciidammada Ukraine

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ciidammada Ukraine

    Waxaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareereysa xiisadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine.

    Waxaa laga cabsi qabaa in ciidamada Ruushka ee la soo dhoobay xadka dalkaasi ay weerar ku qaadaan Ukraine.

    Marka loo barbar dhigo awoodda militariga dalka Ruushka, Ukarine isuma dhigmaan oo waxaa ka awood badan Ruushka.

    Balse dalka Ukraine ayaa 20 sano ee u dambeeyay waxay dhiseen militari oo xooggan.

  4. Yaab kala qabsadey ninka dunida ugu taajirsan iyo wiil yar.!

    Jack Sweeney oo ah wiilka abuurey koontada Twitter-ka

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Jack Sweeney oo ah wiilka abuurey koontada Twitter-ka

    Jack Sweeney, oo 19 sano jir ah oo u dhashey dalka Mareykanka, ayaa diiday US $5,000 oo Doolar, oo uu usoo bandhigay ninka dunida ugu taajirsan Elon Musk, si uu u tiro koontada twitter-ka ee la socda diyaaradaha gaarka ee bilyaneerka.

    Koontada ElonJet waxaa ku xiran in ka badan 150,000 oo qof, waxaana kormeera koontadaan qalab uu leeyahay wiilka la yiraahdo Sweeney, si uu ula socdo duulimaadyada Musk.

    Qalabka lagu rakibay koontada ayaa sheegaya xiliyada duulimaadyada kacayaan iyo marka ay dagayaan, iyo sidoo kale inta lagu guda jiro duulimaadyada.

    Wiilkan ayaa ah ardey wax ka barta kuleej, isagoo sameeyey illaa darsin kale oo barnaamij oo lagu xisaabiyo duulimaadyada, kuwaasoo la socda socdaalada technology-yada hawada, oo ay ku jiraan Bill Gates iyo Jeff Bezos.

    Farriinta tooska ah ee bilawga ah ee ka timid Musk waxey soo shaax baxdey bishii November 30 keedii, markaasoo uu ku yiri Musk wiilka Sweeney, “Ma joojin kartaa koontadaan? Markii danbe Sweeney ayaa ugu jawaabey Musk, in koontadani ay la xiriirto arrimo ammaan.

    Maamulaha guud ee shirkadda sameysa baabuurta ee Tesla, iyo shirkadda ka shaqeysa safarada hawada sare ee SpaceX, ayaa u oggolaadey wiilkan yar lacag gaareysa US $5,000, si uu uga hortago in dadka wax qarbuda inaaney soo fara gelin duulimaadyadiisa.

    Sweeney ayaa ku gacan seyrey yabooha Musk, halka uu dalbadey lacag gaareysa US $50,000, isagoo sheegay inuu lacagtaasi u isticmaali doono qarashaadka kuliyadda uu wax ka barto, iyo laga yaabee inuu iibsado baabuur ay soo saarto shirkadda Tesla, ee uu Musk isagu leeyahay.

    “Ma jecli fikradda ah in lagu toogto,” Musk ayaa sidaasi yiri.

    Farriinta ugu danbeysay ee la is dhaaf sadey waxey aheyd Arbacadii, bishan Janaayo 19-kii, markaasoo uu Musk yiri, ilama habboona inaan lacag ku bixiyo xirista akoonkani.”

    “Khiyaar aan aheyn mushaar, sida tababar shaqo, ayaa ka dhigaya wax fudud xirista akoonka,” Sweeney ayaa sidaasi ku jawaabay. Musk weli kama jawaabin.

    Sweeney waxa uu sheegay inuu taageere u ahaa mashruuca SpaceX tan iyo markii ugu horeysay ee Falcon Heavy la bilaabey sanadkii 2018-kii. Aabihiis wuxuu ka shaqeeyaa shirkad diyaaradeed, taasoo sii kordhisay xiisaha uu u qabo duulimaadka.

    “5,000 uma qalanto inaan ku xiro koontadaan, igumana filna,” Sweeney ayaa yiri. “Waxba kama badaleyso, qodobka raaxada.”

    Sweeney waxa uu siiyey talo farsamo Musk, isagoo u sheegay bilyaneerka barnaamijka xanibaadda uu u isticmaali karo, si uu uga hortago barnaamijyada dabagalka duuilmaadka.

    “Waxey u eg tahay inuu qaatey taladaas,” ayuu yiri Sweeney, isagoo sheegay iney u muuqato in Musk hadda isticmaalayo barnaamijka xanibaadda.

    Sidaa darteed, Sweeney miyuu wali awooddaa inuu la socdo duulimaadyada Musk, iyadoo la dabaqey barnaamijka xanibaadda? “Waxaan ahay, Sweeney” ayuu mar kale soo qorey. “Wali xaalku waa mid adag.”

  5. Beesha Caalamka oo farriin u dirtey Somaliland

    Doorashada Somaliland
    Qoraalka sawirka, Doorashada Somaliland

    Beesha Caalamka ayaa sheegtay in jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqdey madax banaanida ee Somaliland, ay xaqiijiso iney dhacdo mustaqbalka doorashooyinka soo socda ee la filayo inay sannadkan dhacaan, iyo hanaanka la marayo, iyadoo la doonayowadahadal loo dhan yahay oo la isku afgarto in jadwalka doorashooyinka lagu qabto.

    Waxaa sidoo kale muhiim ah bay yiraahdeen bayaanka ay maanta soo saareen Beesha Caalamka, in si waafaqsan shuruucda iyo dastuurka Somaliland, la xaqiijiyo in doorashada ay ka dhex muuqdaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda, marka laga hadlayo ka qayb galka dumarka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay.

    Beesha Caalamka ayaa bogaadisay doorashooyinkii Baarlamaanka iyo Golaha Deegaanka ee dhacey sanadkii hore ee 2021-ka.

    Wufuud ka socota Beesha Caalamka, ayaa safar shaqo ku tagey Somaliland 24-kii illaa iyo 27-kii bishan Janaayo ee sanadkan 2021-ka.

    Waxey dhiiri galiyeen Beesha Caalamka hannaanka is xukunka ee dimuqraadiyadda.

  6. Wali ma maqashey 9-jirka kamid ah bilyineerada caalamka?

    Wiilka 9 jirka ah ee Mompha Junior

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Qoraalka sawirka, Wiilka 9 jirka ah ee Mompha Junior

    9-jirkan waa bilyineerrada ugu da'da yar adduunka, wuxuuna leeyahay guryo iyo diyaarad u khaas ah.

    Wiilkan yar waxaa dhaley maalqabeenka caanka ah ee reer Nigeria ee caanka ka ah internetika Ismaaciiliya Mustafa, oo loo yaqaan Momfa.

    Wiilkan oo 9 jir ah, ayaa waxaa lagu magacaabaa Mompha Junior, waxaana la siiyay gurigii ugu horeeyay isaga oo 6 jir ah.

    Mompha Junior, wuxuu inta badan bulshada kula wadagaa sawirro qurux badan bartiisa Instagram-ka, isagoo muujinaya qaab nololeedkiisa wanaagsan.

    Hadda kahor, waxa uu la wadaagay dadka sawirka diyaaraddiisa gaarka ah, halkaas oo uu ku qoray, “Weligaa hoos ha u eegin qof kasta oo lacag la'aan ah, aadna u dadaalaya, Ilaahey ha barakeeyo dhammaan dadkaasi"

    Willkan yar aabiihisa Mr Mompha, oo ah maamulaha guud ee Lagos Bureau De Change, ayaa lagu eedeeyay inuu lunsaday in ka badan 10 milyan oo Ginni.

    Horraantii bishaan, ayaa maxkamad kutaalla dalka Nigeria waxay dhageysatay dacwad ay hey'adda la dagaalanka musuq maasuqa ee Nigeria kasoo gudbisayMr Ismaaciil, oo ay ku eedeysay lacagta uu lunsaday uu ku qariyay hantidiisaguurguurta, inkastoo uu Mr Ismaaciil iska diiday eedeymahaasi.

  7. Khadiijo Diiriye oo mar kale ku guuleysatey kursiga #097

    Xildhibaanad Khadiijio Maxamed Diiriye

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Xildhibaanad Khadiijio Maxamed Diiriye

    Khadiijo Maxamed Diiriye, ayaa ku guuleysatey kursiga tirsigiisu yahay #097, iyadoo kursigan ku fadhisay in muddo ah.

    Doorashada ay kusoo baxdey xildhibaanad Khadiijo Diiriye, ayaa ka dhacdey xarunta maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaaliya.

    Waxaa jira xildhibaano kale oo tartanka doorashadoodu uu halkaasi ka socdo, iyadoo la rajeynayo in natiijadoodu ay soo baxdo galinta danbe ee maanta.

  8. Ciyaaryahan katirsan kooxda Manchester oo loo xirey kiis kufsi

    Laacibka Mason Greenwood

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Laacibka Mason Greenwood

    Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester United, Mason Greenwood, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyey kufsi iyo weerar oo lagu soo bandhigey Baraha Bulshada ah, oo ay soo gudbisay haweeney ka warbixineysa falal xadgudub galmo ah oo lagula Kacey.

    Booliiska magaalada Manchester, ayaa sheegay in lagu wargaliyey sawirro iyo muuqaalo baraha bulshada ah, oo ay soo bandhigtay ruux dumar ah.

    Waxey intaa ku dartey warbixinta in ruux 20 jir ah la xirey, oo loogga shakisan yahay kufsi iyo weerar.

    Ruuxa la xirey ayaa wali la weeydiinayaa su’aalo, waxaana kusocda baaritaan.

    Kooxda Manchester ayaa kal hore sheegtay in laacibka Mason uusan kusoo laaban doonin tababarka ciyaaraha illaa iyo amar dambe.

    Naadiga ayaa sheegay ineysan raalli ka aheyn xadgudub noocuu doonno ha noqdee, iyadoo kooxdu ay soo gaartey eedeymaha lagu soo gudbiyey Baraha Bulshada.

    Kooxdu waxey intaa ku dartey inaaney ka jawaabi doonin wararka soo gaarey, illaa ay hubiso sugnaantiisa. Mason Greenwood, kama uusan jawaabin eedeymaha lagu soo bandhigay Baraha Bulshada.

    Ciyaaryahanka 20 jirka ah, ayaa saxiixay qandaraas afar sano ah bishii Febraayo ee sanadkii hore ee 2021-ka, kadib markii uu kasoo dhex baxey akadamiyada kooxda Manchester United.

  9. Waa sidee xaaladda furinta hore ee Ukraine?

    Haweenay ka mid ah askarta Ukraine
    Qoraalka sawirka, Haweenay ka mid ah askarta Ukraine

    Furinta hore ee bariga Ukraine, ayaa ahgoob aad u baraf badan, hubka darandooriga u dhaca ee yaalla furintana waa kuwo la rideynin iminka.

    Ciidamada ayaa ku jira dhufeysyadooda, oo u qodan sida kuwii la isticmaali jirey dagaalka labaad ee adduunka, waxeyna halis ugu jiraan in si fududshish yahanadda ay madaxa uga toogtaan.

    Colaadda halkan ka taagan ayaa daganeyd tan iyo sanadkii 2014-kii, markaasi oo ciidamaddagooni-goosadka oo aytaageeraanxukuumadda Moscow, ay qabsadeen qeybo ka mid ah gobolka Donbas.

    Ugu yaraan 13,000 oo qof ayaa dhintay, kuwaasi oo isugu jirey dagaal yahanno iyo dad rayid ah.

    Hadda hoggaamiyeyaasha Reer Galbeedka ayaawaxeyka digayaan in musiibo taa kaweyn ay dhici karto, haddii uuRuushka kuduulodalka Ukraine.

    Haddii uu duullaan kaasi ka suuro galo furinta hore ee bariga Ukraine, waxey noqon kartaa meesha ugu nugul ee ay dhibaatada ugu badan ka dhicidoonto.

    Maria waxey isku dayeysaa ineysan ka murogoonin waxaasi oo dhan.Waa askariyad katirsan Ukraine oo 26 jir ah, oo la hadashay BBC-da, iyadoo ku hubaysan qoriga AK-47 Kalashnikov.

    Waxey ka tirsan tahay guutada 56-aad ee ciidamada lugta ee Ukraine. Ciidanku waxey naga codsadeen inaan adeegsano oo kali ah magaceeda koowaad, si aan uga hortagno in baraha bulshada lagu faafiyo.

    "Waxaan aad isaga ilaaliyaa inaan dhex galo siyaasadda, sidoo kale aan daawado wararka. Waxaa aad isugu dayaa inaanan welwelin, si aaney cabsi ii galin, waa wax aad ugu adag qof walbo, laakiin dareenkeenu aad ayuu u sarreeyaa" ayey tiri Maria.

    Maria ayaa waxaa walaalola ah wiilal dhowr ah oo labo kamid ahna waxey ka tirsanyihiin ciidamadda ilaalada qaranka Ukraine. Walaalkeed ugu yarna waxaa uu kamid yahay ragga furinta hore ku jiro.

  10. Ninka ugu taajirsan Afrika oo lagu booriyey inuu isu sharaxo madaxtinimada Nigeria

    Aliko Dangote

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Aliko Dangote

    Dhalinyaro ayaa ku boorisay Aliko Dangote, inuu isu sharaxo madaxtinimada dalka Nigeria.

    Kooxda dhalinyarada ah ayaa kunool dalka Nigeria, iyagoo katirsan baarlamaanka waqooyiga ee qeybta dhalinyarada.

    Waxey ka dalbadeen ganacsadaha ugu qanisan Afrika, hoggaamiyeyaasha ganacsiga iyo khubarada kale iney soo fara galiyaan doorashada madaxtinimada ee dhaceysa sanadka 2023-ka.

    War qoraal ah oo ay soo saartey kooxda, oo uu maal galiyey xoghayaha guud Desmond Minakaro, ayaa sheegay sida hoggaamiyeyaasha Dangote, Femi Otedole iyo kuwa kale, iney suuragal tahay iney badalaan Madaxweynaha Nigeria.

    Dhalinyaradani ayaa sheegay in ganacsatada taqaano sida loo xasiliyo macaash, ay tahay iney dalkani xukumaan.

    Si kastaba ha ahaatee, Senator Shehu Sani, ayaa sheegay in uusan u arkin in Mr Dangote uu fara gelin ku sameeyo siyaasadda, uuna doonayo inuu ka sii shaqeeyo ganacsigeeda uu sida weyn uga hodmey.

  11. Dad rakaab ah oo ay miino kula qaraxday Mandera

    Qaraxa ka dhacey Mandheera
    Qoraalka sawirka, Qaraxa ka dhacey Mandheera

    Saaka magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxaa ku dhintey toddobo qof, kuwaasoo gaari ay saarnaayeen lala beegsadey qarax.

    Dadka ayaa saarnaa mid kamid ah gawaarida ka shaqeeya safarada, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal.

    Goobta haatan waxaa kusugan laamaha ammaanka.

    Lama ogga in gaariga uu ahaa bartilmaameedka iyo in kale.

  12. Xildhibaankii ugu horeeyey oo lagu doortey Jowhar

    Yuusuf Kabaale
    Qoraalka sawirka, Yuusuf Kabaale

    Yusuf Ibrahim Afrah (Yuusuf Kabaale) ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-033, ee xubinnimada Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoo helay codad gaaraya 69 -cod, halka musharaxii la tartamayey, Maxamed xuseen sabriyeuu heley 22-cod

    Waxaa halaabay 6- cod. Wadarta guud soo xaadirtay ee ergada waa 97-qof.

    Xildhibaankan ayaa kursigan ku fadhiyey shantii sano ee lasoo dhaafey.

    Wuxuu noqonayaa xildhibaankii ugu horeeyay ee lagu doorto magaalada Jowhar.

  13. Qoysas ka barakacey tuulooyinkooda Shabeelada Dhexe oo xaaladdooda laga deyrinayo

    Barakacayaal
    Qoraalka sawirka, Barakacayaal

    Waxaa laga deyrinayaa nolosha boqollaal qoys oo ka barakacay tuulooyinka Mareerey iyo Mukay Dheere ee duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kaddib markii ururka Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen tuulooyinkaas.

    Qoysaskaas soo gaarey magaalada Balcad, ayaa sheegay in aanay haysan hooy iyo cunto toonna, marka laga reebo gurmad kooban oo ay u fidiyeen dadka iyo maamulka degmadaas.

    Dhanka kale maamulka degmada Balcad ayaa sheegay in ay dadkaasi dejin doonaan xeryo lagu siin doono hadba wixii loo heli karo, maadaama aanay dib ugu laaban karin guryahooda.

  14. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.