Daawo dhul-gariir arday Shiineys ah ku dhex qabsaday fasalkooda

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Dalka koofur Afrika oo lix kun oo qof lagu dilay saddexdii bilood ee uu horreysay sanadkan

    POLICE

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, POLICE

    Wasiirka Boliiska ee dalka Koofur Afrika ayaa sheegay in uu si weyn kor ugu kacay tirade dilalka iyo dambiyada kale ee ka dhaca dalka Koofur Afria.

    Bheki Cele aya sheegay saddexdii bilood ee ugu horreeyey sanadkan ay u ahaayeen dad badan oo reer koofur Afrika ah bilo qalalaase, xun oo aan ammaan aheyn.

    Waxaa uu sheegay in in ka baan 6 kun oo qof la dilay -taas oo kor u kaca ka dhigeysa 20% marka loo eego saddexdii bilood ee ugu horreyay sanadkii hore .

    Afduubka ayaa aad u kordhay oo gaaray lao laaab in ka 3kun oo afduub.

    Waxaa kale oo jiray in ka badan 10 kun oo kufsi intii u dhaxaysay bishii Jnnaayo iyo Maarso ee sanadkan

    Mr Cele ayaa tiradaas ku tilmaamay mid laga argagaxo wuxuuna ballanqaday in uu xididada u saaro saraakiisha musuqmaasuqa ku shaqeysata isla markaana si wanaagsan loo hubeeyo boliiska .

    Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka iyo boliiska ay la dagaalamaan dambiileyaasha

  2. Kooxo tuugo ah oo dalka Mozambique u dhaca qabuuraha

    GRAVES

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, GRAVES

    Dadka degaanka ee magaalada Beira ee gobolka bartamaha dalka Mozambique ee Sofala ayaa ku baaqay in la badbaadiyo qubuuraha halkaas ku yaalla iyadoo ay jiraan kooxo tuugo ah oo u dhaca qabuuraha .

    Qabuuraha Mangalane ayaa in ka badan 50 qabri la qotay bishii hore . kooxaha tuugada ah ayaa qabriyada kala soo baxaya isku tallaabta ka sameysan maarta ah iyo waxyaabaha kale ee biraha ka sameysan.

    Hoggaamiye dhaqameedka mas’uulka ka ah qabuurahaFernando Jaime ayaa sheegay in falkaas dhaca iyo gefka lo geysanayo qabuuraha maalin cad uu dhacayo.

    ‘’waxay qaaanayaan isku tallaabtaiyo waxyaabaha kale ee dadka dhinta oo ay ka helaan qabriga ka dibna wey iibsadaan ‘’ ayuu u sheegay warbaahinta maxalliga ah.

    Carlos Cassicussa , oo ah nin degan xaafadda Mungassa ayaa sheegay in xaaladda ay ka dhalatay iyadoo hoos loo dhigay karaamadii dadka.

    ‘’ dhaqankan waa mid dhab ahaantii aad u qaldan . wasaaradda arrimaha gudahana waa in qaadaa tallaabo . xitaa waxay yimaadaan tuugtu qabuuraha maalinta cad ‘’ ayuu yiri.

  3. Wakiil ka socda Hindiya oo markii ugu horraysay hor fariistay Taliban

    Taliban iyo Hindiya

    Xigashada Sawirka, ANI

    Wafdi ka socda dalka Hindiya oo uu hoggaaminayay xog hayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa tagay magaalada Kabul ee caasimadda u ah dalka Afghanistan.

    JP Singh iyo xubnaha kale ee qaybta ka ahaa wafdigiisa ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Taliban Amir Khan Mutaqqi, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, ganacsiga iyo gargaarka bani'aadannimo.

    Waa markii ugu horraysay ee wakiil ka socda dowladda Hindiya uu gaaro Kabul tan iyo markii ay Taliban awoodda dalkaas la wareegeen bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay.

    Sida ay qortay BBC-da laanteeda Pashto, kulanka kaddib Mutaqqi ayaa sheegay in booqashada wafdiga reer Hindiya ay ahayd mid wanaagsan. Waxa uu intaas ku daray in Hindiya looga fadhiyo inay dib u cusboonaysiiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo wadashaqeynta ay la lahayd Afghanistan.

  4. Nin sabab layaab leh u weeraray isbitaal uu joogay dhakhtarkii qalliinka ku sameeyay

    Tulsa Police

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Booliska Mareykanka ayaa sheegay in nin hubaysnaa oo toogasho ka gaystay isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma uu bartilmaameegsadayay dhakhtar isaga horay u daaweeyay.

    Ninkan ayaa halkaas ku dilay afar qof oo isugu jiray saddex ka mid ah shaqaalaha isbitaalka iyo ruux bukaan ah.

    Dr Preston Phillips oo ninka falka gaystay ku sameeyay qalliin dhabarka ah ayaa ka mid ah dadka halkaas ku geeriyooday, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

    Wararka ayaa sheegaya in ninka toogashada fuliyay uu dhakhtarka ugu xanaaqsanaa xanuun uu dareemay markii qalliinka lagu samaynayay.

    Booliska ayaa dadka kale ee dhacdadaas lagu dilay magacyadooda ku kala sheegay: Dr Stephanie Husen, Amanda Glenn iyo William Love.

    Eedeysanaha qudhiisa ayaa u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas uu isagu isku dhuntay.

  5. Ruushka oo heegan galiyay niyukliyeerkiisa ka dib hadalkii Biden

    AF

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ruushka ayaa dhoolatus milatari oo niyukliyeer ah ka sameeyay waqooyi bari Moscow maanta oo Arbaco ah, ka dib markii madaxweyne Joe Biden uu shaaciyay qorshe uu gantaal casri ah ugu dirayo Ukraine.

    Ilaa iyo 100 askeri ayaa ka qeybqaadanaysa dhoolatuskan iyagoo adeegsanaya 100 gaari oo gaar ah oo xambaarsan hub niyukliyeer ah.

    Waxaa warkani so tabisay wakaaladda wararka ee Ruushka oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha difaaca Ruushka.

    Dhoolatuskan ayaa ka dhacay meel 160 mayl u jirta Moscow, caasimadda Ruushka.

    Dhoolatuska ayaa looga gol lahaa in dagaal loo diyaariyo hubka niyukliyeerka Ruushka.

    Waaa markii labaad oo Ruushku sameynaya dhoolatus noocan ah tan iyo markii uu billaabay duulanaka Ukriane

  6. Daawo dhul-gariir arday Shiineys ah ku dhex qabsaday fasalkooda

    Daawo sida uu ahaa jawiga fasal ku yaalla Koonfur galbeed Shiinaha markii uu ku dhuftay dhul-gariir. Waxaa masiibadaasi ku dhimatay afar qof, waxaana ku dhaawacantay 14 kale.

    Qoraalka Muuqaalka, Daawo: Jawiga fasal ku yaalla Shiinaha markii uu dhul gariir dhacay
  7. Toogasho kale oo dad lagu dilay oo ka dhacday Mareykanka

    Tulsa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Afar ruux ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday isbitaal ku yaalla magaalada Tulsa ee gobolka Oklahoma ee dalka Mareykanka, sida ay booliska sheegeen.

    Saraakiisha ayaa xaqiijiyay ninka toogashada gaystay, oo ku hubaysnaa qori iyo bastoolad, uu isaga qudhiisa geeriyooday.

    Taliye ku xigeenka booliska, Eric Dalgleish, oo ka hadlayay shir jaraa'id, ayaa yiri: "Waqti xaadirkan, afar qof oo rayid ah ayaa naga dhintay, hal nin oo toogashada gaystayna wuu dhintay."

    Wali lama shaacinin aqoonsiga qofka falkaas gaystay oo la rumaysan yahay inuu isaga qudhiisa isdilay.

    Sidoo kale, wax faahfaahin ah lagama hayo sababta horseedday falkan.

  8. Hees cusub oo uu soo saaray Sharma Boy oo baraha bulshada qabsatay

    Sharma

    Xigashada Sawirka, YOUTUBE

    Heestan oo ay isla qaadayaan fannaanka Maslax Mideeye magaceeduna yahay 'ma fahmin' ayaa saacado gudahood ku qabsatay baraha bulshada, waxaana daawaday ku dhowaad milyan qof.

    Ka bood YouTube boggan
    Oggolow Google YouTube macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay Google YouTube. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Google YouTube xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan YouTube Waxaa laga yaabaa inay ku jirta xayasiis

    Dhammaadka YouTube boggan

  9. Australia: Waa tuma wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee kitaabka Qur'aanka ku dhaarata?

    Australia

    Xigashada Sawirka, MATT JELONEK

    Dowladda cusub ee Australia ayaa waxaa ka mdi noqday 23 wasiirro ah oo la dhaariyay maanta. Toban ka mid ah ayaa haween ah.

    Waxaa ka mid ah wasiirka dhalinyarada, Annie Ali iyo wasiirka warshadaha Ed Husik oo noqday wasiirradii ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda dowladda dalkaas.

    Balse Annie Aly ayaa noqotay wasiiraddii ugu horreysay ee Muslim ah ee dowladda Australia ee ku dhaarata Kitaabka Qur'aanka.

    Dowladda federaalka ee Australia ayaa la rumeysan yahay inay tahay tan ay ku jiraan dadka ugu badan ee kala duwan marka la eego dowladihii hore.

    Annie Ali, oo ah xildhibaan ka soo jeedda Galbeedka Australia, waxay markii ugu horreysay Xisbiga Shaqaalaha ka mid noqotay iyadoo shaqaale ah, kaddibna waxay xubin ka noqotay midowga xisbiga haatanna waxay noqotay wasiirad.

    Mar ay ka hadleysay warbaahinta kaddib dhaarteedii, ayaa Dr. Annie Ali waxay tiri, "Inaan noqdo wasiir marna kama mid ahayn qorshahayga nolosha."

    Annie

    Xigashada Sawirka, JENNY EVANS

    Qoraalka sawirka, Annie Ali oo ku dhaaraneysa Qur'aanka

    Dr. Ali ayaa markii hore ahayd haweeneydii ugu horreysay ee ka mid noqota baarlamaanka Australia, haddana waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee Muslim ah ee wasiir ah.

    Ani Ali waxay ku dhalatay Masar. Mrakii ay labo sano jirtay ayay qoyskeeda u soo guureen koofur-galbeed magaalada Sydney.

    Ani waa 55 jir, waxayna ahayd bare sare kahor inta aysan ku biirin siyaasadda. Waxay sidoo kale baaritaan ku sameysay 'argagixisada'.

  10. Maxaad ka taqaanaaa balakoonka ugu caansan adduunka?

    Queen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Markii ugu dambeysay ee Qoyska Boqortooyada ay ka soo muuqdaan balakoonkan waxay ahayd 2019 - waxaana ku jira Amiir Harry, xaaskiisa Meghan, iyo Amiir Andrew

    Laga soo bilaabo dhunkashooyinka aroosyada boqortooyadailaa dabaal-degyada dhammaadka aroosyada, balakoonkan ku yaalla aqalka Buckingham Palace ee London wuxuu martigelinayay munaasabadaha qaranka tan iyo markii ugu horreysay ee Boqorad Victoria ay halkaasi ka soo muuqatay sanadkii 1851.

    Munaasabadda Platinum Jubilee, ayaa balakoonkan waxaa mar kale lagu galay sawirro mar lagu qabtay munaasabad weyn, iyadoo Boqorad Elizabeth II iyo 17 kale oo ka mid ah Qoyska Boqortooyada lagu wado inay ka soo muuqdaan Khamiista.

    "Waxaa in badan laga hadlayay cidda halkaas tageysa iyo cidda aan tageynin," ayay tiri Pauline Maclaran oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Boqortooyada Casriga ah, Royal Holloway, ee Jaamacadda London.

    Keliya "xubnaha boqortooyada ee shaqeeya" iyo carruurtooda ayaa ka soo muuqan doona, kumana jiraan wiilka Boqoradda Amiir Andrew, iyo wiilka ay ayeeyada u tahay ee Amiir Harry, iyo xaaskiisa Meghan.

    queen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Dhammaan Qoyska Boqortooyada ayaa ka soo muuqday Queen's Silver Jubilee sanadkii 1977
    queen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Koox yar oo boqortooyada ka tirsan ayaa isugu yimid 2002
    queen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Keliya lix ka mid ah ayaa ka qeyb galay Diamond Jubilee sanadkii 2012
  11. Dal sheegay in uusan doneynin in uu Putin awooda ka qaado

    putin

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in Maraykanku u dirayo Ukraine gantaallada riddada dheer .sida uu kusheegay maqaal dheer oo uu ku qoray New York Times.

    Laakin marka laga reebo hubka, madaxweynuhu wuxuu taabtay arrimo kale oo muhiim u ah dagaalka,waxa uu si toos ah u sheegay, tusaale ahaan, in Maraykanku aanu doonayn in uu awoodda ka saaro Vladimir Putin.

    Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in aysan si toos ah geli doono dagalka Ukraine, hadii aan Mareykanka la soo weerarin.

    Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay in Mareykanka uusan dooneyn dagaal dhexmara NATO iyo Ruushka

  12. Turkiga oo go'aan adag ka qaatay dal ay in badan is hayeen

    Turkiga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu joojin doono la hadalka Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis, uuna baajiyay kulan muhiim ah oo ay yeelan lahaayeen labadooda dowladood, isagoo ku eedeeyay hogaamiyaha Giriiga inuu ka soo horjeedo danahaTurkiga.

    Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka kaddib shir ay yeesheen golaha wasiirrada Talaadadii, ayuu Erdogan ku eedeeyay Mitsotakis inuu u soo jeediyay mas’uuliyiinta Mareykanka in aysan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-16,mar uu dhawaan booqday Mareykanka.

    Erdogan ayaa intaa kadib waxa uu Giriiga ku eedeeyay in ay gabaad siiyan taageerayaasha Hogaamiye diimeedka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen, kaas oo Turkigu sheegay in uu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee 2016-kii, Gulen ayaa horay u beeniyay eedeymaha Turkiga.

    “aniga ma aqoonsani in xitaa uu jiro . Marnana ma aqbali doono inaan la kulmo" ayuu Erdogan.

  13. Fannaan caan ah oo geeriyooday saacado kadib markii uu heesay

    Fannaan aad caan u ahaa oo ka tirsanaa Bollywood-ka, oo taageerayaashiisu ay u yaqaanneen magaciisa lasoo gaabiyay ee KK ayaa u geeriyooday xanuun dhowr saacadood kaddib markii uu ka heesay bandhig faneed ka dhacay magaalada Kolkata.

    Krishnakumar Kunnath ayaa ahaa 53 jir, waxaana uu heeso ku duubay dhowr ka mid ah luuqadaha Hindiya.

    fanaan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  14. Mareykanka oo iska diiday eedeyn ah in uu cudur halis ah ku faafinayo wadan Afrika ku yaalo

    Sida uu qoray wargeyska sida gaarka ah loo leeyahay ee Vanguard, safaaradda Maraykanka ee dalka Nigeria ayaa sheegtay in Maraykanku aanu xidhiidh la lahayn Furuqa daayeerka ee dhawaan ka dilaacay wadanka ku yaala galbeedka Afrika.

    "Bayaanka ayaa waxaa la soo saaray iyadoo laga jawaabayo sheegashada ah in dowladda Mareykanka ay isticmaalayso shaybaaro qaas ah si ay furuqa daanyeerka ugu faafiso Nigeria," ayaa lagu yiri wargeyska.

    Safaaradda Mareyanka, ayaa usoo jeedisay Hay'adda Caafimaadka Adduunka (WHO) inay baarto sheegashooyinkan ."

    Safaaradda ayaa sheegtay in Maraykanku uu waaxda caafimaadka Nigeria ka taageeray dhisidda awoodda caafimaad iygoo siiyay bixinta qalabka iyo maalgelinta barnaamijyada caafimaadka bulshada ee muhiimka ah.

    In ka badan 200 oo kiis oo looga shakisan yahay furuqa daayeerka ayaa laga xaqiijiyay ugu yaraan 19 oo intooda badan ku yaala Yurub tan iyo horraantii May.

    Nigeeriya

    Xigashada Sawirka, BRYAN CHRISTENSEN

  15. Dagaalka Ukraine oo laga baqayo in uu weji kale yeesho

    Ukriane

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sida aan wararkeena hore ku sheegnay, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ogolaaday inuu u diro dalka Ukraine hub aad u horumarsan oo dhanka gantaalada ah, isaga oo rajaynaya in awood Ukraine iyo Ruushka ee dhanka madaafiicda ahi ay noqdaan kuwo isku mid ah si xal diblomaasiyadeed loogu soo afjaro dagaalka.

    Balse Mareykanka ayaa ogolaaday in uu bixiyo gantaalada sida saxda ah loo hago, kuwaas oo gaari kara bartilmaameedyada ilaa 70km (45 miles), kaliya ka dib markii ay heleen hubanti ah in hubka aan loo isticmaali doonin in lagu weeraro bartilmaameedyada gudaha Ruushka.

    Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in dalkiisa "aanu rabin in uu weeraro Ruushka".

    Wareysi uu siiyay TV-ga Newsmax, hogaamiyaha Ukraine wuxuu ku adkeystay in madaafiicda loo isticmaali doono oo keliya in ay isku difaacaan.

  16. Shiinaha oo sheegay in ay 'roondo diyaar garow ah' ka sameeyeen Taiwan

    Milateriga Shiinaha ayaa sheegay in "roondo ay ugu diyaar garoobayaan dagaal" ay ka sameeyeen badda iyo hawada ku xeeran jasiiradda Taiwan oo ay Shiinuhu ku andacoonayaan in uu yahay dhul ay leeyihiin.

    Bayaan uu soo saaray, Taliska Bari ee Ciidanka Xoreynta ayaa lagu sheegay in dhoolatuskii dhacay maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen in uu ahaa"tallaabo lagama maarmaan ah" oo ka dhan ah waxa ay ku tilmaameen " xulafeysiga ay ka dhaxeeyo Mareykanka iyo Taiwan".

    "Waxaan ku boorineynaa siyaasiyiinta Mareykanka ee ay khuseyso inay si dhab ah u hoggaansamaan mabda'a hal-Shiinaha ah, isla markaana si deg deg ah u joojiyaan is-weydaarsiga rasmiga ah ee kala dhaxeeyo Taiwan nooc kasta oo ay tahay ay ka fogaadaan" ayaa yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Zhao Lijian ayaa yiri, sida ay sheegtay Global Times ee ay dowladdu Shiinaha maamusho.

    Arrintan ayaa kusoo adeyso iyadoo uu Mareykanka horay u sheegay in uu Taiwan difaaci doono hadii uu Shiinaha soo weeraro.

    Taiwan

    Xigashada Sawirka, Reuters

  17. Duqeyn uu Ruushka sameeyay oo uu Zelensky ku tilmaamay mid "waali" ah

    Ciidamada Ruushka ay duqeyeeya warshad kiimikooyinka sameyso, iyagoo taa u adeegsanayo in ay dib ugu riixaan ciidamada Ukraine ee ku sugan magaalo muhiim ah oo ku taala bariga Ukraine, Madaxweynaha Ukriane ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid "waali" ah oo xad dhaaf ah.

    Ciidamada Ruushka ayaa taangiyo ku garaacay warshada oo ku taala gudaha Severodonetsk, taasoo keentay in gudoomiyaha deegaanka uu ku amro dadka ka agdhaw warshada inay guryahooda ku jiraan, iyadoo laga cabsi qabo in waxyeelo caafimaaad oo ka dhalan karto weerarkaasi ay soo gaarto.

    Dagaalka ka socda Severodonetsk ayaa noqday mid aad u xoogan maalmihii la soo dhaafay, iyadoo ay jiraan khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray labada dhinac ee Ukraine iyo Ruushka.

    ukraine
  18. Shacabka Soomaaliland oo ka cabanaya qiimaha Korontada

    Magaalada Berbera ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida waxa jirta cabasho ay dadku ka muujinyaan qiimaha laga qaado laydhka ay isticmaalaan.

    Arrintan ayaa ka danbeysay ka dib markii ku dhawaad libin laab la kordhiyay qiimaha halka unit ee laydhka lanistcmaalay.

    somaliland