Ruushka oo magaalo muhiim ah dib looga riixay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Barasaabka gobolka Luhansk ee dalka Ukraine ayaa sheegay ciidamadoodu iney jkuwa Ruushka dib uga riixeen magaalada Severodonetsk, gooba badanna ay ku qasbeen iney dib uga gurtaan.
Serhiy Gaidai oo telefishiinka ka hadlayey wuxuu sheegay militariga Ukraine iney goobo muhiim ah ka haystaan gudaha magaalada ayna dib u riixeen ciidamada Ruushka, xilli ay shan mlmood un ka soo wareegtay dib u qabsashada magaalada.
Serhiy wuxuu ciidamada Ruushka ku eedeeyey iney qarxinayaan buundooyinka saaran wabiga galbeedka Severo-donetsk si ay buundooyinkaasi ciidamada Ukraine ay u adeegsan.
Wariyaha BBC Kyiv uga soo warramo wuxuu sheegay ciidamada Ukraine iney wadaan dagaal rogaal celis ah, inkastoo sheekashada Ukraine aan si madax bannaan loo xaqiijinin.
















