Xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bilaabatay

Boggan tebinta tooska ah ee BBC-Somaali, waxaad ka daalacan kartaa wararka caleemo-saarka oo hadba wixii ka soo kordha aan ku cusbooneysiineyno iyo wararka kale ee muhiimka ah.

Tebin toos ah

  1. Xasan Sheekh iyo Geelle oo xarigga ka jaraya Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee Muqdisho

    Xasan Sheekh iyo Geelle oo dhaxdhigaya Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Hiiraan Online

    Qoraalka sawirka, Xasan Sheekh iyo Geelle oo dhaxdhigaya Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga ee Muqdisho

    Xarunta Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah xarigga looga jaro.

    Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan.

    Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya oo maanta lagu qabanayo Muqdisho.

    Labadan madaxweyne ayaa horay u dhagax-dhigay xarunta bishii Febaraayo ee sanadkii 2015.

    AGA waa xarun ka shaqeyn doonta daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. Waxaa ku mideysan dalalka Geeska Afrika ee ay Soomaalidu degto, Af-Soomaaligana looga hadlo.

    Xarunta waa markeedii hore lagu aasaasay dalka Jabuuti bishii Juun ee sanadkii 2013.

  2. "Mid ka mid ah mucaaradka ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadka Hargeysa"

    Mudaaharaadka Hargeysa

    Xigashada Sawirka, Warbaahinta xisbiyada mucaaradka

    Qoraalka sawirka, Mudaaharaadka Hargeysa

    Mid ka mid ah mucaaradka ayaa ku dhaawacmay mudaharaadka sida axaabta mucaaradku sheegeen. Waraka ayaa sidoo kale sheegaya in la xirxiray mas'uuliyiin ka mid ah dadka banaanbaxa dhiyayay.

    Magaalada Hargeysa waxaa saaka ka dhacay bannaanbax ay soo qabanqaabiyeyeen xisbiiyada mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda Gooni Isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Mudaaharaadkan ayaa waxaa looga soo horjeedaa khilaafka doorashada Somaliland ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse biixi Cabdi.

  3. Madaxweyanaha Kenya Uhuuro Kenyatta ayaa soo gaaray Muqdihso

    Waxaa hadda Garoonka Aadan Cabdulle ka soo degay wefdi uu hogaaminayo madaxweynaha Kenya Uhuuro Kenyatta.

    Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa garoonka ku soo dhaeeyay wafdiga ka yimid Kenya.

    Uhuuro iyo mas'uuliyiinta soo dhaweeyay
    Qoraalka sawirka, Uhuuro iyo mas'uuliyiinta soo dhaweeyay
  4. Abiy Axmed, Mustafe Muxmed iyo Axmed Shide oo soo gaaray Muqdisho

    Abiy, Rooble iyo mas'uuliyiin kale
    Qoraalka sawirka, Abiy, Rooble iyo mas'uuliyiin kale

    Waxaa hadda Garoonka Aadan Cabdulle ka soo degay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wefdi la socda ay ka mid yihiin madaxweynaha dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cagjar iyo wasiir Axmed Shide.

    Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar ka tirsan Golaha Wasiirada ayaa garoonka ku soo dhaeeyay wafdiga ka yimid Itoobiya.

  5. Wararkii ugu dambeeyay xafladda caleema saarka ee madaxweyne Xasan Sheekh

    Xafladda Caleemo-saarka
    Qoraalka sawirka, Xafladda Caleemo-saarka

    Xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu qabanayaa magaalada Muqdisho. Waxaa hadda la isku diyaarinayaa in la soo dhaweeyo wufuudda caalamiga ah oo ay ku jiraan danjireyaal iyo madaxweyneyaal dalalka kale oo la filayo inay ka qeybgalaan caleemo-saarka.

    Madaxweyneyaasha dalalka deriska ah ayaa la hadal-hayaa inay goor-dhow ka soo degi doonaan garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho.

    Xafladda ayaa ka socota teendhada Afisyooni.

    Boggan tebinta tooska ah ee BBC Somali ayaad kala socon kartaa sida ay u billaabato, qabsoonto, wixii ku soo kordha, iyo hadallada laga jeediyo caleemo.

  6. Mudaaharaad Haregeysa ka socda iyo mas'uuliyiin lagu xiray

    Bannaanbaxa

    Xigashada Sawirka, Warbaahinta Mucaaradka Somaliland

    Qoraalka sawirka, Bannaanbaxa

    Magaalada Hargeysa waxaa saaka ka bilowday bannaanbax uu soo qabanqaabiyeyeen xisbiiyada mucaaradka ah ee Jamhuuriyadda Gooni Isu taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland.

    Mudaaharaadkan ayaa waxaa looga soo horjeedaa khilaafka doorashada Somaliland ee u dhaxeeya Mucaaradka iyo xukuumadda uu hogaaminayo madaxweyne Muuse biixi Cabdi.

    Wararka ayaa sheegaya in xabsiga la xirxiray mas'uuliyiin ka mid ah dadka banaanbaxa dhiyayay.

  7. Hoobiyayaasha lagu garaacay Muqdisho xilli maanta lagu wado caleema saarka madaxweynaha

    .

    Xigashada Sawirka, Hiiraan online

    Waxaa hoobiyayaal lagu garaacay magaalada Muqdisho xilli maanta lagu wado in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya lagu caleema saaro magaaladaasi. Booliska Soomaaliya ayaa hore u sheegay in ay bandow ku soo rogayaan qeyba kamid ah caasimadda si loo sugo amniga guud ee magaalada iyo tan xafladda caleemasaarkaba, iyadoo arrintaas la fulinayana waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada, iyadoo la hakiyay dhammaan gaadiidka dadweynaha. Warar aan si madax-bannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in dad ay waxyello ka soo gaartay weerka hoobiyeyaasha loo adeegsaday.

    Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in mid ka mid ah hoobiyaasha ay ku dhecay guri qoys ay degan-yihiin. Dhacdadaan ayaa sidoo kale ku soo aadeeyso xilli Magaalada Muqdisho, ay maalmahaan kusii qul qulayay madaxda iyo wufuudda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

    Dadka magaalada Muqdisho ayaa baraha bulshada ku wadaagayay walaac iyo cabsi ay ka muujinayeen dhawaqa hoobiyaasha ee laga maqlayay magaalada.

    Weerarada hoobiyeyaasha ayaa inta badan caan ka ah Soomaaliya gaar ahaan magaalada madaxda Muqdisho kuwaas oo lagu bartilmaameedsado goobaha muhiimka ah ee dowladda oo Illaa shan hoobiye ayaa dabayaaqadii bishii April ee 2021 lala beegsaday agagaarka madaxtooyada Soomaaliya iyo xaafado ku dhaw dhaw.

  8. Hoggaamiye katirsan xisbiga talada haya ee Hindiya oo loo xirey meel ka dhac uu u geystay Muslimiinta

    Harshit Srivastava

    Xigashada Sawirka, Twitter

    Qoraalka sawirka, Harshit Srivastava

    Booliiska dalka Hindiya, ayaa xirey nin dhalinyaro ah, oo katirsan xisbiga talada haya, oo baraha bulshada ku faafiyey hadallo ka dhan ah Muslimiinta.

    Arrintan ayaa ka dambeysay hadallo aflagaado ah oo uu mas’uul kale oo ay isku xisbi katirsan yihiin u jeediyey Nebi Muxammed NNKH, taasoo dhalisay caro dublomaasiyadeed oo caalami ah.

    Arbacadii Saraakiishu waxey sheegeen in Harshit Srivastava, oo ah hoggaamiyaha dada yar oo katirsan BJP, ayaa lagu xirey Kanpur, oo katirsan gobolka Uttar Pradesh.

    Tani ayaa ka danbeysay kadib markii xiisado diimeed ay dhacdey toddobaadkii hore intii lagu guda jirey, iyadoo bannaax bax ay sameeyeen Muslimiinta, oo kasoo horjeeday hadalada meel ka dhac ku ah Islaamka.

    Qareenka Srivastava ma joogin goobta lagu xirey sargaalka katirsan xisbiga talada Hindiya haya.

  9. Ruushka oo ku hanjabay inuu duqeynayo dekedaha dhaca Badda Madow

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov
    Qoraalka sawirka, Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa beeniyey in dagaalka Ukraine uu keenayo dhibaato cunto oo si guud caalamka u saameysa – inkastoo uu sare u kac ku yimid qiimaha ay sabab u tahay hakadka ku yimid waxyaabihii ay dibadda u dhoofin jirtey Ukraine.

    Waxa uu hadalkan jeediyey kadib kulan uu magaalada Ankara kula qaatey dhiggiisa Turkey-ga, Mevlut Casusoglu, kaasi oo isku dayaya inuu dhex-dhaxaadiyo heshiis lagaga qaadayo xanibaadda badarka ama cuntada laga dhoofinayo dekedaha Ukraine.

    Mr Lavrov, ayaa sheegay in Ruushka uu diyaar u yahay inuu qarxiyo dekedaha dhaca Badda Madow, haddii dowladda Ukraine ay isku daydo iney wax dhoofiso. Madaxa Golaha Yurub, Charles Michel, ayaa kahor yimid mowqifka Ruushka, isagoo ku tilmaamey been la dhoodhoobay.

    Waxa uu sheegay in Ruushka uu qadiyadda cuntada ka dhigayo wax hub oo kala ah, iyadoo uu xanibay dekedaha Ukraine, wuxuuna Ruushka ka dhigay dhul beereed goob dagaal, natiijadana ay noqotey macaluul caalami ah.

    Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka, ayaa ka digay in haddii aan la furin dekedaha Ukraine, ay noqon doonto “ku dhawaaqid dagaal”, taasoo la xiriirta helitaanka cunnada Adduunka.

  10. Madaxda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa kusii qul qulaya madaxda iyo wufuudda ka qeyb galeysa caleema saarka Madaweynaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha la caleema saarayo ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku guuleystay madaxnimada doorasho dhacdey bishii hore.

    Madaxda ka qeyb galeysa, ayaa waxaa kamid ah:

    Madaxweynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar GeelleRa’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiye AxmedMadaxweynaha dalka Kenya, Uhuru KenyattaRa’iisal wasaaraha Masar, Mostafa Kamal, iyo madax kale.

  11. Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay aflagaadadii loo geystay nabi Muxammad NNKh

    Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sh. Cumar Cali Rooble

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Sh. Cumar Cali Rooble

    Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukumadda Federaalka SoomaaliyaSh. Cumar Cali Rooble, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aaney aqbalaynin xadgudubyo ka dhan ah diinta Islaamka iyo nabi Muxummad NNKH.

    Wuxuu intaa raaciyey inaaney ku filneyn iney jagada ka eryaan dadkii uu ka dhacey qadafka, balse dowladda Soomaaliya ay uga fadhiso in tallaabooyin intaa ka badan ay qaaddo dowladda Hindiya.

    Dhanka kale, wasiirka ayaa xusay in wada hadal arrintan la xiriirta iney la leeyihiin dowladda Hindiya, balse aanu ka hor dhaceyn natiijada wada hadalka.

    Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in marka ay jiraan munaasabaddo gaar ah oo khuseeya diinta Islaamka, in ay soo baxaan aflagaadeyn iyo dhibaateyn dad u geysanaya diinta.

    Cadhada ka dhalatay hadallo deel qaaf ahaa, oo uu sarkaal ka tirsan xisbiga haya talada Hindiya u jeedisay Nebiga NNKH, ayaa dhaliyey cadaadis iyo fal celin baahsan, oo ka imanaysa wadamada Islaamka ee Bariga dhexe.

    Sidoo kale, dalal kalani dhaca Bariga Dhexe, ayaa u yeeray ergayga New Delhi u qaabbilsanaa dalalkooda, iyagoo ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya ka dalbaday raalli gelin buuxda.

  12. Somaliland iyo taayaradda duugga ah ee Hargeysa yaalla maxaa kala haysta?

    Magaalada Hargeysa waxa lagu arkayaa gaadiid ururinaya Taayarada xumaaday dhex yaalla suuqyada iyo goobaha goobaystayaasha (banjarlayaasha).

    Weli ma cadda sababta dowladda u ururinayso taayarada balse arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli mucaaradku ku baaqeen mudaharaado.

    Wararka qaar ayaa sheegaya in xukuumaddu la hortegayso in Taayaradan loo adeegsado mudaharaadada mucaaradka.

    Soomaliland

    Xigashada Sawirka, Thinkstock

  13. Daawo: Maxaa kala qabsaday Aadan Barre iyo nin ku sigtay inuu sarwaalka ka siibo?

    Muqaal baraha bulshada aad u qabsaday ayaa muujinaya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo qof ka mid ah taageerayaal ku sugnaa isu soo bax siyaasadeed oo Gaarisa ka dhacay uu iska laadlaaday xildhibaanka misana wax yar u jirsaday inuu sarwaalka ka bixiya.

    Arrintan ayaa ka dhacday magaalada Modogaashe oo katirsan Garrissa.

    a oga sababta dhadadan ka dambeysa balse dadka qaar ayaa sheegay in ninkaasi uu doonayay in saalamo madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya Wiliam Ruto oo halkasi olole doorasho ka waday, halka dadka qaarna ay leeyihiin si ula kac ah ayuu ninkaasi u doonayay in uu surwaalka uga siibo xildhibaanka.

    Xildhibaan Aden Ducaale oo aan la hadalnay ayaa sida tan yiri "Muqaalkee , nin sakhraansan oo doonayay inuu gaaro madaxweyne kugixeenka William Ruto markii ay u diideen cidamadda amaanka ayuu isaga oo doonayay in uu fuulo madaxa hore ee baabuurka ayaa {sidaasi dhacday} Waa inaad dadka kala hadashaan ajandaha isbaheysiga Kenya kwanza ee aan wadno"

    Ducaale ayaa khudbad jeedinayay markii ay arrintani dhacday.

    Aden Ducale oo ah xildhibaan laga soo doorto deeganka Township ee ismaamulka Garrissa horayna u ahaa hoogamiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya ayaa ah nin aad ugu dhaw madaxweyne ku xigeenka Ruto oo hadda lolan adag kula jira Raila Odinga.

    Doorashada Kenya ayaa dhici doonto bish August ee sanadkan.

  14. Koonfur Afrika oo mar kale lagu dilay dad Soomaali ah

    Magaalada Capetwon ee Dalka Koonfur Afrika waxaa xalay lagu dilay laba wiil oo Soomaali ah oo ku sugnaa goobtooda shaqada.

    Dhalinyaradaasi la dilay waxaa soo weraray koox tuugo ah oo bustoolado ku hubeysan, waxayna goobta ku dileen 4 qof oo isugu jira 2 soomali ah iyo 2 qof oo u dhalatay dalka Malawii.

    Ganacsataada soomaalida ee Koonfur Afrika lagu dilay labada toddobaad ee u dambeysay ayaa gaaray 5 qof.

    Soomalida ku nool Koonfur Afrika waxay sheegeen iney cabsi weyn soo wajahday maadaamaa ay soo bateen dilalka loo geysto dadka soomaalida ah.

    sawir hore
    Qoraalka sawirka, sawir hore
  15. Muxuu hadal hayn u dhaliyay arooska Boqoradda Style-ka iyo Haykal?

    Maalmihii lasoo dhaafay waxaa hadal haynta Soomaalida, meelo badan kala jooga, qabsaday sheekooyinka ku saabsan aroos ay ku aqal galeen labo dhallinyaro ah oo caan ka ah baraha bulshada.

    Haykal Maxamed Muuse oo ku magac dheer Xakuul iyo Maariya Maxamed Xasan oo loo yaqaanno Boqoradda Style-ka isku guursaday magaalada Muqdisho.

    Arooskooda ayaa soo jiitay indhaha bulshada maadaama ay ahaayeen lamaane uu xiriirkooda jacaylka ku billowday dhinaca internet-ka kaddibna is calmadeen.

    Dadweyne badan ayaa isugu yimid munaasabadda maalintooda aqal galka, waxaana halkaas ka muuqday inta badan fannaaniinta ugu caansan Muqdisho. Ka hor inta aysan ku dhawaaqin arooskooda, lamaanahan waxay si wayn uga mid ahaayeen shakhsiyaadka ugu taageerada badan, iyagoo muuqaallo isugu jira majaajilo iyo haasaawe kuso bandhigi jiray shabakadda TikTok.

    Qaar ka mid ah sababaha uu arooskooda hadal haynta u dhaliyay, dadka qaarna ay xitaa ugu tilmaameen ”arooskii Qarniga” ayaa ah:

    • Inay ahaayeen dhallinyaro isku bartay baraha bulshada

    • Inay muddo isla socdeen, xiriirkoodana laga warhayay

    • Inay ka miro dhaliyeen jacayl masaafe dheer u dhaxeeyay

    • Inay ka gudbeen caqabado lasoo gudboonaaday intii ay haasaawayeen

    •In arooskooda uu isku mar ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargaysa

    Muxuu hadal hayn u dhaliyay arooska Boqoradda Style-ka iyo Haykal?

    Xigashada Sawirka, Social

  16. Xanta suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

    Arsenal ayaa wadahadalo la qaadatay weeraryahanka Napoli iyo xulka Nigeria Victor Osimhen, oo 23 sanno jir ah, waxayna sidookale xoojiyeen dalabkooda ay ku doonayaan weeraryahanka Gabriel Jesus, oo 25 jir ah kaa soooo ka tirsan Manchester City.(waxaa qortay GOAL)

    Weeraryahanka Uruguay Luis Suarez, oo 35 jir ah, ayay u badan tahay inuu u dhaqaaqo kooxda Inter Miami ee fadhigeedu yahay Major League David Beckham ka dib markii ay iska fasaxday Atletico Madrid. (waxaa qortay Independent)

    Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa la filayaa inuu haysto 200 milyan ginni si uu u qarash gareeyo xagaagan iyadoo heshiiska Todd Boehly uu ku dhow yahay gabagabo ka dib markii Premier League uu si rasmi ah u shaaciyay inuu ka gudbay kormeerkiisa lahaanshaha. (waxaa qortay Telegraph )

    Ninka ka cayaaro dhanka Garabka ee u dhashay Brazil Raphinha, oo 25 jir ah, ayaa u sheegay agaasimayaasha Leeds United inuu doonayo inuu u ciyaaro Barcelona, taasi horay dalab ay soo jedisay oo ah in ay ku dooneyso ciyaaryahanka lacag gaareysa ilaa 30 milyan ginni ah taasi oo horaantii sanadkan laga diiday. (waxaa qortay Sports)

    Luis Suarez apewa idhibati ya kuondoka Atletico Madrid

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Victor Osimhen
    Victor Osimhen

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Victor Osimhen
  17. Shirkadda Apple oo ay saameyn doonto sharci ay midowga Yurub soo saareen

    Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah ugu heshiiyey in aaladaha elegtarooniga ah ee la qaadi karo ee cusub ay isticmaalaan dabeeyaha(charger-ka) nooca-C,marka la gaaro deyrta 2024.

    BBC News ayaa weydiisay dowladda UK haddii ay doonayso inay soo saarto sharci mid kan la mid ah.

    Mid kasta oo ka mid ah dhamaan taleephonadda cusub iyo sameecadaha dhagaha ay yeelan doontaa dabeeyaha nooca C (Type-C), iyada oo aan loo eegin cidda samaysay qalabka oo dhamaan shirkadaha sameeyay agabka elegtarooniga ay qasbanyihiin ay sharcigaasi raacaan.

    shirkadda Apple oo la filayo inay taleefon cusub soo saarto ayaa hadda sharcigan wuxuu kuqasbi doonaa in ay agabkooda kawada dhigaan dabeeyaha nooca C (type C)

    SHARCIGA CUSUB EE EU

    Xigashada Sawirka, APPLE

  18. Dooliyaal loo tababbaray in ay dadka ka soo badbaadiyaan gobaha musiibooyinka

    Saynis yahanadu waxa ay tababarayaan jiirarka si ay u badbaadiyaan dadka ka badbaaday dhulgariirka iyaga oo xidhan shandado yar yar oo ay ku jiraan makarafoono iyo raadraacayaasha goobta si ay samatabbixiyeyaashu ula hadlaan dadka dhibanayaasha ah.

    Ilaa hadda todoba jiir ayaa loo tabobaray inay galaan gudaha dhismayaasha burburay hoostooda.

    Waxay qaadaneysaa laba toddobaad oo keliya in si buuxda loo qalabeeyo jirarka la taba baray.

    Saynis yahanadu ayaa Jiirarka u doortay sababtoo ah cabbirkooda oo aad u yara iyo firfircoonidooda taas oo ka dhigaysa saaxiibka ugu fiican ee aagagga musiibada.

    JIIR
  19. Murashax madaxweyne oo Afrikaan ah oo diiddan in laga ganacsado dharka laga dhintay

    "Dadka Kenyaanka ah waa in ay dharkeeda kU sameysaa gudaha dalka halkii ay dibadda ka keeni lahaayeen dhar "ay xirteen dadka dhintay", ayuu yiri mid ka mid ah musharaxiinta ugu cadcad doorashadii madaxtinimada ee Ogosto ee Raila Odinga.

    Raila Odinga, oo hogaaminaya isbahaysiga Azimio la Umoja, ayaa ballan qaaday inuu sare u qaadi doono wax soo saarka shirkadaha dharka sameeya haddii la doorto.

    Raila Odinga oo siidoo kale sheegay in uu qorsheheynayo in gudaha Kenya lagu sameeyo “dharka sida, suudadka iyo wixii la mid ah”.

    Dharka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  20. Tiradda hubka ilaa hadda uu Mareykanka siiyay Ukraine

    Faahfaahin cusub ayaa laga soo saaray tirada guud ee hubka iyo agabka Maraykanku u diray Ukraine tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay 24-kii February.

    Hubka lagu deeqay Ukraine waxaa ka mid ah:

    6,500 gantaalada lidka taangiyada ee Javelin

    20,000 oo hub fudud ah

    1,400 oo nooca lidka diyaaradaha ee Stinger

    ilaa gantaalada hawada 108 M777 maydho oo wata 220,000 oo shells ah

    iyo kuwo kale oo ad badan ilaa hadda 35,000 oo ah hubka noocyadiisa kaladuduwan oo isugu jiro diyaarado iyo gawaarida gaashaaman ayuu Mareykanka ugu deeqay Ukraine.

    Kyiv ayaa marar badan codsatay in la siiyo hub dheeraad ah oo ay kaga hortagto weerarada Moscow.

    Tiradda hubka ilaa hadda uu Mareykanka siiyay Ukraine

    Xigashada Sawirka, Getty Images