Dad ka soo barakacay dagaal ka dhcay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

Tebinta Tooska

Tebin toos ah

  1. Qaramada Midoobay oo si kulul u cambaareysay duqeynta Ruushka uu u geystay Odesa

    Antonio Guterres

    Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa si weyn u cambaareeyey duqeynta Ruuhska, wuxuuna ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiski hadhuudhka ee ay wada gaareen Ruushka, Ukrain iyo Turkiga lagama maarmaan ay tahay.

    Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in bartilmaameedka muhiimka ah ee dhoofinta hadhuudhka ay mar kale muujisay sida uu Ruushku u ixtiraami waayay sharciga caalamiga ah iyo ballanqaadyada.

    Ruushka ayaan wax hadal ah ka soo saarin weerarkaasi, halka Safiirka Mareykanka ee Ukraine uu weerarkaasi ku tilmaamay wax laga xumaado.

  2. Wax ka ogow deynta lagu leeeyahay dalka Itoobiya

    Itoobiya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Itoobiya

    Deymaha waddamada iyo hay'adaha caalamiga ee deynta bixiya ay ku leeyihiin Itoobiya ayaa sii badaneysa.

    Bangiga Adduunka warbixin uu sanadkan 2022-ka soo saaray wuxuu ku sheegay Itoobiya in lagu leeyahay deyn gaareysa 56.6 balyan oo doolar.

    Lacagta deynta oo Itoobiya lagu leeyahay oo u dhiganta kala bar waxsoosaarka dalkaasi ee sanadka.

    Waddamada deymaha ugu badan ku leh Itoobiya waxaa ugu horreeya Shiinaha iyo Faransiiska.

    Kulan looga hadli lahaa deynta dalkaasi lagu leeyahay sidi looga khafiifin lahaa oo loo ballansanaa waxaa saameeyey dagaalkii ka qarxay waqooyi dalkaasi.

    Hay'adda lacagta adduunka ee IMF waxay sheegtay iney ka shaqeyneyso waddamada Afrika oo deymaha ugu badan lagu leeyahay oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Chad iyo Zambia sidii deymaha lagu leeyahay wax looga dhaafi lahaa.

    Bangiga Adduunka wuxuu sheegay 40% waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya iney deyn la ciirciirayaan, rajada ay isaga bixin karaanna ay aad u yartahay.

  3. Ciidamada Ruushka hal arrin halis ugu jira

    Ciidamada Ruushka ee jiidda hore ee dagaalka Ukraine ku sugan

    Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta Ukraine ayaa la sheegay iney halis ugu jiraan in laga qabsado marinka sahayda loo soo mariyo, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray sirdoonka Militariga Britain.

    Ciidamada Ruushka ayaa weerarro xooggan kala kulmayey kuwa Ukraine ee ku sugan gobolka Kherson, si ay dib uga qabsadaan galbeedka wabiga Dnipro.

    Warbixintu waxay sheegtay ciidamada Ukraine iney ku guuleysteen burburinta buundo muhiim ah, iyaga oo sii wado dadaalka ay ugu jiraan waxyeelleynta saanadaha militari ee Ruushka iyo marinka loo soo mariyo intaba.

    Barasaabka gobolka bartamaha Ukraine, wuxuu sheegay gantaallada Ruushka iney ku dhaceen garoon diyaaradeed iyo jid tareen tiro dad ahna ay halkaasi ku dhinteen.

  4. Itoobiya: 'Waxaan qabqabannay kooxo falal argagixiso ka fulin rabay caasimadda Addis Ababa'

    Magaalada Addis Ababa

    Xigashada Sawirka, MAYOR OFFICE OF ADDIS ABABA/FB

    Guddiga iskudhafka ee u xilsaaran amniga dalka Itoobiya ayaa sheegay iney qabqabteen dad ka badan 450 oo qorsheynayey iney falal argagixiso ay ka fuliyaan caasimadda Addis Ababa.

    Guddiga oo warmurtiyeed ay kaga warbixinayeen xaaladda amni ee dalka Itoobiya maanta oo Sabti ah soo saaray waxay sheegeen dadkan ay laamaha amnigu gaacanta ku dhigeen iney isugu jiraan xubno ka tirsan TPLF, Al-Shabaab, OLF, Daacish iyo Fano.

    Warmurtiyeedka oo faahfaahin ka bixiyey dadkaasi iyo waxa kala yihiin ayaa sheegay iney isugu jiraan 174 ka tirsan fallagada TPLF, 98 jabhadda OLF ka tirsan, 51 ka tirsan kooxda hubeysan ee Faanno, iyo 31 xubnood oo ka tirsan ururrada Al-shabaab iyo Daacish, tiradooda guudna ay tahay 454 qof.

    Guddiga waxaa kale uu sheegay shaqaaqadi bishii hore ka dhacday magaalooyinka Gibmii, Gambella iyo Dambii-dolo iney mas'uul ka ahaayeen fallaagada TPLF iyo Jabhadaha GLF iyo GPDN ee gudaha dalka Itoobiya ka dagaallama.

    Rabshado hubeysan oo bilooyinki u dambeeyey ka dhacay gudaha dalka Itoobiya waxaa lagu dilay boqollaal qof oo isugu jira dad rayad ah iyo xubnihi hubeysnaa ee dagaallamayey.

  5. Ruushka oo gantaalaha riddada dheer ku garaacay dekadda Odesa ee Ukraine

    Mid ka mid ah gantaalaha riddada dheer ee Ruushka

    Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Odesa ku garaacay gantaalaha riddada dheer, duqeyntaasi oo shaki gelisay dhaqan galka heshiiskii shalay la gaaray oo ku saabsanaa in dib loo billaabo dhooffinta hadhuudhka.

    Ruushka ayaa heshiiskaasi ku ballan qaaday iney wax duqeyn ah ku beegsaneyn maraakiibta xamuulka ee hadhuudhka ka soo qaadaya ama geynaya dekadda Odesa.

    Wararka ayaa sheegaya in dhowr gantaal oo kuwa riddada dheer oo ay soo rideen ciidamada Ruushka ay magaaladaasi ku dhaceen waxyeellana ay u geysteen kaabayaasha dekadda.

    Afhayeenka wasaaradda gaashaan dhigga Ruushka wuxuu sheegay heshiiski dhoofinta hadhuudhka ee ay labada dhinac gaareen haddii uu fashilmo mas’uuliyaddeeda inuu Ruushka qaadayo.

    Ciidamada Ukraine waxay sheegeen 4 gantaal oo kuwa riddada dheer in magaalada lagu soo riday laba ka mid ahna ay hawada ku burburiyeen.

  6. WHO oo war horleh ka soo saartay Xanuunka Furuqa Daanyeerka

    Goob lagu baarayo Xanuunka Furuqa Daanyeerka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hay'adda Cafimaadka Adduunka ee WHO ayaa xanuunka Furuqa Daanyeerka u aqoonsatay xaalad caafimaad oo degdeg ah oo caalamka ku soo korodhay.

    Digniinta ka soo baxday WHO ayaa imanaysa kaddib markii kiisaska cudurkaasi uu caalamka ku soo batay.

    Warka ka soo baxay Hay'adda Caafimaadka Adduunka ayaa ka soo baxay gabagabada shirka labaad ee guddiga gurmadka ee WHO ee cudurkan.

    In ka badan 16,000 oo kiis oo cudurkaasi ayaa laga diiwaan geliyey 75 dal oo daafaha caalamka ku yaalla, ayuu yiri agaasimaha guud ee WHO Dr Tedros Adhanom Gebreyesus.

    Agaasimuhu wuxuu intaa ku daray tani iyo marki uu cudurka dillaacay iney shan qof u dhinteen. Cudurka oo daafaha caalamka ku sii faafaya marki la arkayna la go'aamiyey in xaalad degdeg oo caafimaad lagu dhawaaqo.

  7. Nin dilay xaaskiisa oo muuqaal toos ah ku jirtay oo isna la daldalay

    Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa lagu xukumay dil , kaddib markii uu dab qabad siiyay xaaskiisa xilli ay si toos ah u muqaal u duubeysay.

    Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Lamu ayaa ahayd shaqsi si weyn looga yaqaanay baraha bulshada ee Douyin, oo ah nooca Shiinaha ee TikTok.

    Tang Lu oo ah ninka Lamu ayaa waxaa xukunka dilka ah ku riday maxkamadda gobolka Aba, oo ku taal koonfur-galbeed ee gobolka Sichuan halkaas oo tiro badan oo qowmiyadaha Tibet ah ay ku nool yihiin.

    Bishii Juun 2020, Lamu waxa ay furtay Tang oo, maxkamaddu sheegtay, in uu ahaa nin aad u jir diili jiray.

    Dilka arxan darada ah ee ninkan uu ugeystay xaaskiisi hore ayaa caro ka dhalisay guud ahaan dalka, waxaana ay dhalisay dood cusub oo ku saabsan tacadiyada ka dhanka ah haweenka.

    Nin dilay xaaskiisa oo muuqaal toos ah ku jirtay oo isna la daldalay

    Xigashada Sawirka, DOUYIN

  8. Miino la qaraxday gaari ay dad saarnaayeen oo ay dhimasho ka dhalatay

    Ugu yaraan sedex qof oo rayida ayaa ku dhintay, afar kalena way ku dhaawacmeen kadib markii miino kula qaraxday gaari ay ku safrayeen xadka gobolka Galgaduud ee Soomaaliya la wadaago dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

    Gaariga oo ka baxay deegaanka Sabale ee dawlad deegaanka ayaa ku socday deegaanka Dhabbbad, balse waxay miinadu kula qaraxday halka loo yaqaano Qorof

    miino kula qaraxday gaari
  9. Qaar kamid ah waxgaradka magaalada Beled Xaawo oo sheegay in aan weli xal laga gaarin rabshad halkaa ka dhacday

    Qaar kamid ah waxgaradka magaalada Beled Xaawo ayaa sheegay in aan weli xal laga gaarin rabshad ka dhacday degmadaas horraantii bishan, taasoo ka dhalatay jirdil la sheegay in laamaha ammaanka ay u geysteen dhalinyaro ay qabteen.

    Ismaaciil Maxamuud Cali oo ku magac dheer Yarow, kana mid ah odayaasha la soo xiriiray BBC-da ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay rabshadaha ay weli yaallaan cisbitaallada, isla markaana aanay wax garawshiiyo ah ka helin maamulka magaalada iyo kan gobolka ba.

    Beledxaawo
  10. Maamulka Aato oo sheegay inay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta deegaankaas

    Maamulka Aato ayaa sheegay inuu hadda si buuxda gacanta ugu hayo deegaankaas oo maalmo ka hor ay weerar xooggan ku jiireen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo markii dambe u tallaabay dhanka Deegaanka Soomaalida.

    Gudoomiyaha Aato, Dubbad Xasan Cismaan, ayaa BBC-da u sheegay in sugidda amniga deegaankaas iyo kuwa u dhawba ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad deegaanka ee Liyuu boolis.

    SAWIR HORE
  11. Ra’iisul wasaaraha UK ee xilka kasii degaya , oo Ukraine u xaqiijiyay taageerada Britain

    Ra’iisul wasaaraha UK ee xilka ka degaya Boris Johnson, ayaa u xaqiijiyay madaxweyne Volodymyr Zelensky in taageerada Britain ee Ukraine aysan marnaba libdhi doonin, cidda kasta oo ku guuleysata xilka hogaamiyaha ugu sarreeya dalkaasi.

    Labada nin ayaa ku wada hadlay taleefoon si ay uga wada xaajoodaan dagaalka. Wadahadalka ka dib, Zelensky waxa uu Boris Johnson ku tilmaamay "saaxiibka weyn ee Ukraine".

    Johnson ayaa horaantii bishii hore iska casilay hogamiyaha xisbiga Conservative-ka ee Britain kadib markii ay soo baxeen fadeexado badan. Waxa uu sii ahaanayaa ra'iisul wasaare kumeel gaar ilaa inta lagu laga keenayo badalkiisa horaanta bisha Sebtembar.

    Boris Jhonson
  12. Aqalka Cad oo war ka soo saaray caafimaadka madaxweynaha

    Aqalka Cad ayaa sheegaya in astaamaha fudud ee xanuunka Covid-9 ee laga helay Madaxweyne Biden ay soo hagaagayaan.

    Biden oo shir la galay la taliyeyaashiisa dhanka dhaqaalahaa ayaa u muuqday mid xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsn tahay, waxa uuna u sheegay inuu haatan wanaagsan yahay. Toddobaatan iyo sagaal jirkan ayaa si buuxda ayaa looga tallaalay xanuunka Covid-19.

    Biden
  13. Lithuania oo qaadday xayiraad ay Moscow horay saartay

    Lithuania ayaa qaadaysa xayiraadii ay saartay gaadiidka tareenada alaabaha qaada ee ka soo gala gobolka Kaliningrad ee Ruushka.

    Lithuania ayaa bishii hore ka caroootay xukuumadda Moscow ka dib markii ay joojisay badeecadaha Ruushka ee aan cunaoqabateyntu ee saarin midowga Yurub.

    Lithuania

    Xigashada Sawirka, Reuters

  14. Masuul Trump aad ugu dhawaa oo xarig sanado ah wajahaya

    Madaxii Donald Trump ee istiraatijiyadda, Steve Bannon, ayaa wajahaya ilaa labo sannadood oo xarig ah ka dib markii uu diiday inuu la shaqeeyo guddiga baarayay weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Aqalka Capitol ee Mareykanka.

    Golaha aqalka sare ayaa soo dhaweey waxayna go’aanka ku tilmaameen guul u soo hoyatay sharciga.

    Steve Bannon
    Qoraalka sawirka, Steve Bannon iyo Trump
  15. Hogaamiyayaasha Afrika oo soo dhaweeyay heshiis ay gaareen Ukraine iyo Ruushka

    Hogaamiyayaasha Koonfur Afrika iyo Ivory Coast ayaa soo dhaweeyay heshiis ay kala saxiixdeen Ukraine iyo Ruushka oo dhigaya in Qamadiga iyo Galleyda laga dhoofiyo dekedaha Ukraine.

    Waa heshiiskii ugu horreeyay ee ugu weyn oo ay ku lug leeyihiin xukuumadda Moscow iyo Kyiv tan iyo markii ay bilowdeen iskahorimaadka bishii Febraayo - waxaana looga golleeyahay in hoos loo dhigo qiimaha sare ee badarka, iyo in dib loo soo celiyo saadka dalalka hadda ay cunto yaraantu ka jirto.

    Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara (L) oo booqasho ku jooga Koonfur Afrika - dhiggiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara (L) oo booqasho ku jooga Koonfur Afrika - iyo dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa
  16. Ukriane iyo Ruushka oo arrin muhiim ah ku heshiiyay

    Heshiis u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka oo ogolaanaya in qamadida laga dhoofiyo dekedaha badda madow ayaa si weyn looga soo dhaweeyay caalamka oo dhan.

    Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa iftiin rajo ah.

    Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa ku tilmaantay heshiiskan mid badbaadinaya nolosha aadanaha. Sida ku cad heshiiska, Ruushka iyo Ukraine ayaa ballan-qaaday in ay hubiyaan in maraakiibta Xamuulka ah ay si nabadgelyo ah u kala gooshaan.

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, EPA

  17. Maxaa keenay in siyaasada Kenya ay ku yaraadaan dadka da'yarta ah?

    Xubnaha baarlamaanka dalka Kenya ee hadda xilkoodu sii dhamaanayo waxay inta badan ka wayn yihiin 40 sano jir, mana loo arko in ay dhallinyaro yihiin.

    Dhallinyaro badan ayaa isku deyay in ay siyaasadda ku biiraan balse waa mid u furan dadka dhaqaalaha haysta ama kuwa leh galaangal siyaasadeed.

    Kenya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  18. Dad ka soo barakacay dagaal ka dhcay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

    Dad ka soo barakacay dagaal ka dhcay deegaano ka tirsan gobolka Bakool

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in barakac uu ka dhashay dagalkii labo maalin ak hor ka dhacay deegaanada Yeed iyo Aato ee ka titsan gobolkaasi.

    Qaar ka mid ah dadkii deganaa magaalooyiinkaasi iyo tuulooyiinka hoos yimaado ayaa u barakacay deegaano kala duwan, waxayna intooda badan u qaxeen dhanka degmada Ceelbarde oo isla gobolkaasi ka tirsan.