Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta aagga Feer-Feer ku dhexmaray Liyuu booliska iyo Shabaab

Tebin toos ah

Tebin toos ah

  1. Maxaa kala haysta booliska Japan iyo daanyeerrada horarka ah?

    Daanyeer

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Booliska dalka Japan ayaa ka hortagaya daanyeerro weeraray xaafado ay dad deggan yihiin, kuwaasoo argagax ku riday. Ilaa 42 qof oo ah caruur iyo waayeel ayey wararku sheegayaan in ay daanyeerradaas dhaawaceen.

    Hase yeeshee, weerarka daanyeerrada oo markii hore ahaa kuwa dhif ah ayaa haatan ku soo batay dalka Japan waxaana arrintaas ay noqotay mid kheyrul-caadi ah.

    “Waa dhif iyo naadir in la arko weeraro sidaan u badan weliba muddo gaaban.” ayuu yiri sarkaal dowladda ka tirsan oo ka gaabsaday inuu magiciisa sheego.

    Markii hore carruurta iyo haweenka oo keliya ayuu daanyeerka weeraray balse dhawaanahan dadka da’da iyo ragga waaweyn ayuu sidoo kale bartilmaameedsadaa.”

    Dadaallo lagu doonayay in lagu qabto daanyeerrada ayaa guul-darreystay. Mas’uuliyiinta ayaan sidoo kale hubin in weerarrada ay ku lug leeyihiin danyeerro badan ama inuu hal daanyeer oo keliya yahay.

    Dhacdooyinka waxaa ka mid ah dhaawac uu geystay gabar afar jir ka dib markii uu weeraray gurigooda. Waxaa sidoo kale jirtay dhacdo kale oo uu daanyeerka ku weeraray iskuul ay dhigtaan caruur yaryar.

  2. Shiinaha oo Mareykanka digniin culus u diray

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanka Nancy Pelosi

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa soo saartay digniin culus oo ay u direyso Guddoomiyaha Baarlamaanka Mareykanka Nancy Pelosi oo booqasha rasmi ah ku tageyso Jasiiradda Taiwan.

    Bayaanka wasaaradda oo lagu daabacay Financial Times waxaa lagu sheegay Beijing iney digniin kuwi hore ka culus ay Washington u direyso.

    Shiinaha wuxuu sheegay Mareykanka haddii digniinta ay u soo jeedineyso uu tixgelin waayo ay qaadeyso tallaabbo adag, inkasta oo ay sheegin tallaabbadaasi iney ku jirto mid milatari.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha Zhao Lijian wuxuu sheegay iney Washington ka doonayaan iney caddeyso mowqifkeeda ku aaddan Taiwan.

    Aqalka cad ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo hadalka ka soo yeeray Shiinaha.

    Dowladda Taiwan waxay sheegtay mustaqbalka jasiiradda iney go'aaminayaan oo keli ah 23-ka malyan ee qof ee jasiiradaasi ku nool.

  3. Ruushka oo dacwad ku soo oogay askar uu Ukraine dagaalka uga qabtay

    Ukraine

    Guddii baaris oo Ruushka ka tirsan ayaa sheegay 92 askari oo ciidamaada Ukraine ka tirsan in lagu soo oogay dacwad la xiriirta dambiyo ka dhan ah aadanaha.

    Alexandar Bastrykin ayaa wargeyska afka dowladda ku hadla ee Rossiis-kaya u sheegay in ku dhawaad boqol qof oo kale la raadinayo.

    Wuxuu sida oo kale shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ku eedeeyey isaga oo wax caddeyn ah soo dhigin iney sameeyeen hubka sida weyn wax u gumaada.

    Bastrykin ayaa soo jeediyay in maxkamad caalami ah oo ay taageerayaan waddamada ay ka midka yihiin Bolivia, Iran iyo Syria oo dhammaantood xulafa la ah Ruushka. Ukraine ayaan weli arrinkaa ka hadlin.

    Maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ayaa haatan baareyso caddeymo la xiriirta dambiyada dagaalka ay ciidamada Ruushka ka geysteen Ukraine.

    Moscow dhankeeda waxay diidday ciidamadeedu iney wax dhibaata ah halkaasi ka geysteen.

  4. Maxkamad dalbatay in telefishinka toos looga baahiyo dilka lagu fulinayo nin haweeney dilay

    Masar

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa ku baaqday in sharciga wax laga baddalo si loo oggolaado tabin toos in looga baahiyo dilka lagu fulinayo nin dilay gabar arday ah.

    Shacabka Masar ayaa ka argagaxay muuqaal bishii hore la baahiyey oo muujinaya Maxammad Adel oo middi la dhacaya Nayera Ashraf ilaa ay ka dhimatay.

    Maxkamadda xukunka dilka ku ridday wiilkan 22 jirka ee loo haysto dilka gabadha ardayadda ah ayaa baarlamaanka u qortay warqad rasmi ah oo ay ku codsaneyso in sharciga wax laga baddalo si dilka ninkaasi lagu fulinayo warbaahinta si toos ah looga sii daayo.

    Dalka Masar ayaan warbaahinta toos looga baahin xukunnada dilalka ee dadka lagu fuliyo, iyada oo inta badan dadka dilka ku xukuman xabsiyada dhexdooda lagu daldalo.

    Daraasad ay 2015-kii sameysay Qaramada Midoobay waxay sheegtay ku dhawaad 8 malyan oo haween ah iney la kulmaan tacaddiyo dhanka jinsiga ah.

  5. Milatariga Myanmar oo xukunnno dil ah fuliyey

    Militariga Myanmar

    Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ee Myanmar James Rodehaver, ayaa mas'uuliyiinta militariga ee dalkaasi ku eedeeyay inay adeegsadaan xukunno ay dadka ku dilaan si ay uga dhuuntaan qalalaasaha ay iyagu abuureen.

    Hoggaanka milatariga Myanmar ayaa fuliyey xukunkii dilka ee ugu horreeyey oo tobaneeyo sano dalkaasii ka dhaca.

    Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, laba ka mid ah afarta qof ee la toogtay maalmihii la soo dhaafay ayaa ahaa dad caan ah oo u dhaqdhaqaaq dimuqraadiyadda.

    Xubnaha dilka lagu fuliyey waxaa ka mid ah xubno dimuqraadiyadda u dhaqdhaqaaqa oo ay ka mid yihiin Kyaw Min Yu iyo Phyo Zeya Thaw.

    Waxaana xubnahaasi lagu eedeeyey iney gacan ka geysteen falal argagixiso oo dalkaasi ka dhacay.

  6. Haweeneydii labaad oo madaxweyne ka noqota Hindiya oo xilka loo dhaariyey

    Madaxweynaha Hindiya Droupadi Murmu

    Droupadi Murmu ayaa loo dhaariyey xilka madaxweynaha dalka Hindiya, haweeneydan oo noqoneysa siyaasigi ugu horreeyey oo ka soo jeedda qowmiyadaha laga tirada badan yahay oo xilkaasi qabto.

    Haweeneydan oo ka soo jeedda xisbiga talada dalka Hindiya haye ee BJP, ayaa noqotay madaxweynihii 15-aad ee Hindiya iyo haweeneydi labaad oo xilkaasi aan awoodda badan laheen qabato.

    Haweeneydan madaxweynaha Hindiya noqotay oo ka soo jeedda qowmiyadda Born ee gobolka Odisha, waxay ahayd macallimad.

    Ra’isal wasaare Narendera Modi oo u Murmu u hambalyeeyey wuxuu sheegay iney tahay taariikh baal cusub u furtay bulshooyinka laga tirada badan yahay.

    Droupadi Murmu xilligi la dhaarinayey waxay sheegtay xilkan loo doortay iney muujineyso dimuqraadiyadda Hindiya sida ay u xoogeysatay:

  7. Soomaalida badda ku dhimata

    Qoraalka Muuqaalka, Kalluumeysatada Soomaalida ee ku dhimatay badda
  8. Wasiir ku baaqay in dadkiisa ay kusoo dhalaan dalal kale?

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirka caafimaadka ee Pakistan Cabdul Qaadir Patel ayaa soo jeediyay in dadka doonaya inay carruur badan dhalaan ay tahay inay tagaan dalalka ay Muslimiinta ku yar yihiin, si wax looga qabto tirada dadka sii kordhaya.

    Cabdul Qaadir Patel ayaa la hadlayay dadweynaha Pakistan xilli uu socday barnaamij lagu xusayay maalinta tirada dadweynaha adduunka.

    “Tirada bulshada Pakistaan waxay gaari doontaa ilaa 285 malyan oo qof marka la gaaro sanadka 2030-ka, waa xaalad walaaceeda leh, iskuma dayeyno in aan yareyno tirada bulshada muslimka ah, waxaan dooneynaa in muslmiinta ay nolol wanaagsan ku noolaadaan, waxaan dooneynaa in Muslimiinta ay wax bartaan, caafimaadkoodu wanaagsanaado” ayuu yiri wasiirka.

    “Gabaabsi dhanka kheyraadka ah ayaa ka jiraa Pakistan marka loo eego tirada bulshada ee haatan, qof kasta oo dalka ku nool ma heli karo….Aada dal dadkiisa ay yar yihiin”

    Bulshada ku nool Pakistan waxay tiradoodu gaari doontaa meesha lagu gaaro bisha November ee sanadkan 8 bilyan oo qof, sida ku xusan warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey.

  9. Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta aagga Feer-Feer ku dhexmaray Liyuu booliska iyo Shabaab

    Militeriga Itoobiya ee ku sugan magaalada Godey ee xoojinaya kuwa Liyuu Booliska ee hortaggaya Shabaab

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Militeriga Itoobiya ee ku sugan magaalada Godey ee xoojinaya kuwa Liyuu Booliska ee hortaggaya Shabaab

    Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ku sugan Feerfeer.

    Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

    Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

    Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.

  10. Mucaaradka Somaliland oo ku baaqay in la qabto dibadbaxyo ballaaran

    Cabdiraxmaan Cirro

    Xigashada Sawirka, Waddani Party

    Qoraalka sawirka, Cabdiraxmaan Cirro

    Musharraxa doorashada madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee Somaliland, Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dibadbaxyo ay ka dhigi doonaan guud ahaan Somaliland.

    Wuxuu sheegay in dibadbaxyada looga soo horjeedo waxa uu ku tilmaamay ‘xil gudasho la’aanta ee madaxweynaha ku kacay’ iyo dhibaatooyinka haatan ka taagan Somaliland.

    Isaga oo ka hadlayay shir jaraa'id wuxuu sidoo kale sheegay inay dadaal ku bixinayaan sidii lagu sameyn lahaa isbaddallo dhanka dimuqraadiyadda ah.

    “Waxa aan ugu baaqeynaa taageerayaasha Xisbiyada mucaaradka ah in ay si ballaadhan oo qorsheysan ugu diyaar garoobaan in dib loo bilaabi doono bannaan baxyadii nabadeed ama mudaharaadkii silmiga ahaa ee aynu hore u hakinay kuwaas oo ka qabsoomi doona dhammaan Gobolada & Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro

  11. Kenya: Tiro dad ah oo dhintay markii bas ay la socdeen uu ku dhacay webi

    Ugu yaraan 33 qof ayaa dhintay halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen bartamaha Kenya kadib markii bas ay saarnaayeen dadkan uu ka baxay waddada isla markaana uu ku dhacay webi mara halkaas.

    Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 10 qof ay ka badbaaday shilka xaley xilli baabuurka uu marayay buunddada webi mara bartmaha Kenya.

    Baska ayaa kasoo dhaqaaqay magaalada Meru, wuxuu ku wajahnaa magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.

    Booliska waxay sheegeen in baaritaanno hordhac ah ay muujinayaan in bareega gaariga ay cilad ku timid.

    Waxaa hadda socdaa howlaha samatabixinta ah ay lagu baadigoobayo dadka la la’yahay iyadoo laga cabsi qabo in tirada dhimashada ay korodho.

  12. Hooyada Soomaaliyeed ee taksiilaha ka ah Hargeysa

    Qoraalka Muuqaalka, Raaqiya Maxamuud Gaheyr
  13. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo loo ogaaladay 10-ka maliin uu codsaday

    Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi

    Xigashada Sawirka, OPM Somalia

    Qoraalka sawirka, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa ka ogolaaday Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi 10-ka maalmood uu codsaday si uu usoo magacaabo Golaha Wasiirada.

    Ilaa 144 xildhibaan ayaa ogaalatay codsiga halka uu diiday hal xildhibaan oo kaliya ah.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku mashquulsanaa soo magacaabidda xukuumaddiisa tan iyo markii xildhibaanada ay ansixiyeen 25-kii bishii June.

    Maalinta ayay ku egtahay 30-ka maalmood ee la siiyay Ra’iisul Wasaaraha si uu so dhiso xukuumaddiisa, sida ku xusan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

    Ra’iisul Wasaaraha uma suurtagelin uu muddadaas uu kusoo dhiso xukuumadda balse wuxuu weydistay xildhibaanada Golaha Shacabka in wakhti ay ugu daraan , taas oo maanta ay ka ogolaadeen.

  14. Booliska Kenya oo ku duulay xafiis lala xiriirinayo madaxweyne ku xigeenka Ruto

    William Ruto,

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, William Ruto,

    Booliska Nairobi ayaa ku duulay isla markaana gudaha u galay xafisyo lala xiriiriyay in uu leeyahay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto, kana mid ah musharraxiinta ugu cad cad doorashada madaxweynaha ee dhaceysa bisha soo socota.

    Sarkaal ka tirsan booliska ayaa sheegay in baarayaasha ay soo qabteen labo koombiyuutar iyo labo qalab xog ku keydsanaa.

    Sarkaal kamid ah kooxda ololaha doorashada madaxweyne ku xigeenka ayaa BBC u sheegay in aysan dooneyn in lugaha loo geliyo wax uu ku tilmaamay ‘arrin aan muhiim aheyn iyo carqaladeyn’

    Arrintan ayaa kusoo beegmeysaa iyadoo ay jirto xiisad u dhexeysa ciidamada ammaanka dalka iyo guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC.

    Dhawaan guddiga doorashada wuxuu si adag u dhaleeceeyay go’aan lagu xiray saddex qof oo ajaaniib ahaa oo la siiyay qanddaraas ku saabsan inay ka shaqeeyaan nidaamka codeynta casriga ah.

    Booliska ayaa eedeymahaa iska foggeeyay, wuxuu sheegay in aysan jirin caddeymo muujinayo in dadkaas shaqo laga siiyay guddiga doorashada.

    Loolankadoorashada madaxtinimo ayaa loo arkaa mid ay siaad ah ugu tartamayaan Mr Ruto iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Raila Odinga.

  15. Tahriibayaal ay Soomaali ku jirto oo laga soo badbaadiyay badda

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ku dhawaad 1,200 oo muhaajiriin ah oo aan heysan wax sharci ah ayaa saacadihii ugu dambeeyay gaaray dalka Talyaaniga, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

    Muhaajiriintan oo ka kala yimid dalal dhowr ah oo ku yaalla Asia, Afrika iyo Bariga Dhexe, ayaa ka degay dekado ku yaalla xeebaha Sicily.

    Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in 674 qof laga soo badbaadiyay xeebaha Calabria halka ay badda kasoo saareen 5 meyd ah.

    Muhaajiriinta ayaa ku safrayay mid kamid ah doomaha kalluumeysiga taas oo la saaray dadka ka badan xaddiggii loogu talagalay.

    Dadkan lasoo badbaadiyay waxay kamid ah tahriibayaal kasoo jeedo Soomaaliya. Afghanistaan, Suudaan iyo Itoobiya.

    Waxaa sidoo kale xeebaha Lampadusa sabtidii la geeyay dad gaaraya 552 qof oo laga soo badbaadiyay ilaa 15 doomood.

    Doomahan ayaa kasoo dhaqaaqay xeebaha dalalka Tunisia iyo Libya, Lampadusa waxaa ku taalla mid kamid dekedaha ugu muhiimsan ay kasoo degaan dadka isku dayaya inay galaan Yurub.

  16. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.

  17. Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaarey wadanka Masar

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimada dalka Masar

    Waxaa kusoo dhoweeyey garoonka magaalada Qaahira, wasiirka Maaliyadda Masar, Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

    Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd.

    Xigasho: SNTV

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud
  18. Madaxweyne Mustaf Cumar oo sagootiyey ciidamo u jiheystay dhanka xadka

    Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Mustaf Cumar oo salaamaya ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustaf Cumar, ayaa haatan kusugan gobolka Afdheer, isagoo sagootiyey ciidan kasoo noqday hawlgalkii Hulhul.

    Ciidamadan ayaa haatan waxay u jiheysteen dhanka iyo xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya.

    Madaxweynaha ayaa safarkan waxaa ku wehliya mas’uuliyiin katirsan maamulkiisa, iyagoo kusugan deegaanka Dharaaye ee degmada Qooxle ee gobolka Afdheer.

    SRTV Somali

    Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
    Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
    Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Ciidanka Liyuu Booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya
  19. Golaha sare ee Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo soo saarey bayaan

    Golaha sare ee Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Xigashada Sawirka, SRTV

    Qoraalka sawirka, Golaha sare ee Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya

    Golaha sare ee arrimaha Islaamka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa soo saarey war murtiyeed ay ku cambaareynayaan dagaalka ay Alshabaab kusoo qaadey dalka Itoobiya.

    Al Shabaab ayaa weerar ku qaadey tuulooyinka dhaca xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya horaantii todobaadkan, iyadoo ay isaga hor yimaadeen dagaal fool ka fool ah ciidamada Liyuu booliiska ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Inkastoo ay halkaasi wararka kasoo baxaya is badbadalayaan, ayaa haatan ciidamada Liyuu booliisku waxey sheegeen in ay dib isaga waabiyeen dagaal yahanada Al Shabaab.

    Sidoo kale, cambaareynta ayaa waxaa qeyb ka ahaa Maxkamadda Shareecada, iyo odayaasha dhaqanka ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    SRTV Somali

  20. Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay dalka Masar

    Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha

    Xigashada Sawirka, Villa Somalia

    Qoraalka sawirka, Wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u ambabaxay dalka Masar iyadoo lagu wado in uu la kulmo madaxweynaha dalkaas Cabdul Fataax Al Sisi.

    Waxay ka wadahadli doonaan iskaashiga dhaqaale iyo dibulmaasiyadda iyo howlgallada ka dhanka ah Shabaab.

    Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu booqasho ku tagey dalal ay kamid yihiin Jabuuti, Kenya iyo Eritra.