Dab ka kacay magaalada Jigjiga oo ay dad ku dhinteen

Wararkii u danbeeyey

Tebin toos ah

  1. Dab khasaare gaystay oo ka kacay suuq Bacaad

    Dab ka kacay suuq Bacaad

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Dab ka kacay suuq Bacaad

    Dab ayaa saaka ka kacay suuq Bacaad, oo kamid ah suuqyada ugu weyn magaalada Muqdisho.

    Sida ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya, maamulka degmada Yaakhshiid ee magaalada Muqdisho, ayaa ku guuleystay daminta dabka.

    Khasaaraha dabka uu geystay, ayaa lagu sheegay gubashada laba bakhaar, iyo gaari TM ah.

    Ma jirto wax dhimasho nafeed ah oo ka dhacay goobta uu dabka ka kacay.

  2. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.

  3. Dalka Jarmalka Bisado saddex bilood xabsi guri ku jiray oo laga sii deynayo – sababta ?

    CAT
    Qoraalka sawirka, CAT

    Bisadaha ku nool magaalada ku taalla Jarmalka ee Waldorf ayaa lagu wadaa in loo oggolaado in ay bannaanka uga soo baxaan guryahooda markii ugu horreysay muddo saddex bilood ah.

    Magaaladaas ayaa sidoo kale xarun u ah oo lagu dhaqaa nooc shimbiraha ka mid ah oo loo yaqaano shimbiraha sida bisha u eg -kuwaas oo laa cabsi qabo in ay dabar go’aan.

    Bisadaha ayaa lagu eedeynayey in ay dilayeen shimbiraha taas oo keentay in bisadaha guryaha lagu xiro.

    Qof kasta oo leh bisad oo bisaddiisa dibedda u sii daaya waxaa lagu xukumayaa ganaax haddii kale waa in in bisadda xarig qoorta uga hayaa.

    Xanibaada bisadaha ayaa la qaadayaa marka shimbiruhu dhalaan ukumo ayna fiiqaan muddo xilliyeedkataas oo la macno ah in kuwa yaryar ee dhasha ay qaangaaraan waxana iska celin karaan.

  4. ‘’ Ruuxii dila muwaadin Israa’iil ah ma heli doono meel uu ku dhuunto’’- Ra’iisul wasaaraha Isra’iil Yair Lapid.

    Lapid
    Qoraalka sawirka, Lapid

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa digniin ku bixiiyey in qof kasta oo dhibaateeya muwaadiniinta Israa’iil aaanay heli doonin meel ay ku dhuumato.

    Hadaladiisa ayaa ka dambeeyey weerar lagu qaaday bus kaas oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn darbiga Galbeed ee ku yaalla magaalada Qudus maanta gelinkii hore .

    Siddeed qof ayaa lagu dhaawacay weerarkaa waxaana ku jiray haweeney uur leh .

    Nin Falastiini ah aya loo xiray ka dib markii uu isagu isa soo dhiibay .

    Boliisku waxay rumeysan yihiin in ninkaas uu keligii ku ahaa falkaasi.

  5. Salman Rushdie oo bilaabaya dib u kabasho laakiin waxay u badan tahay in uu il beelo

    sALMAN RUSHDIE
    Qoraalka sawirka, SALMAN RUSHDIE

    Mr Rushdie oo 75 jir ah ayaa si xun loogu dhaawacay markii la tooriyeeyey isagoo ka hadlayey munaasabad ka socotay gobolka New York.

    Wuxuu wajahayey sanado badan oo hanjabaado in la dilo ah iydoo loo aaneynayo buugga uu qoray ee Aayadaha Sheydaanka oo ay muslimku u arken aflagaado.

    Ninka lagu eedeeyey weerarka Jimcihii dhacay ayaa ku dooday in aan lagu soo eedeyn isku day dil wuxuuna beeniyey arrintaa .

    ‘Hadda qalabkii neefqaadashada waa laga saaray Rushdie sidaa darteed wadadii dib u kabashada ayaa bilaaantay ‘’. ayuu sheegay Andrew Wylie oo ah wakiilkiisa.

    ‘’Waqti badan badan ayey qaadan kartaa , dhaawacyada waa culus yihiin laakiin caafimaadkiisa waa soo hagaagayaa ‘’ ayuu siiraaciyey.

    Ninka looga shakisan yahay inuu weerarka geystay oo la yirahdo Hadi Mataroo 24 jir ah ayaa lagu eedeeyey in uu ku soo orday masraxa uuna tooriyeeyey Mr Rushdie ugu yaraan toban jeer kana tooriyeyey wejiga, qoorta iyo ubucda.

    Wuxuu sheegay in qoraaga waxaa soo gaaay dhaawacyo dhinaca neerfaha mid ka mid ah gacmihiisa , dhaawac ka soo gaaray beerkawaxayna u badan tahay in uu indhihiisa mid ka mid ah uu beelo.

    Ka hor weerarka waxaa la filayey in uu jeediyo hadal ku saabsan sida Mareykamku ay gabbaad u siiyaan qorayaasha .

    Ninkan ayaa ayaa laguu qasbay in uu dhuumasho galo qiyaastii toban sano ka dib markii la daabacay buugga uu u bixiyey Aayadaha Sheydaanka ee la dabacay sanadki 1988dii .

    Muslimiin fara badan ayaa kaga falceliyey caro buuggaasi , iyagoo ku dooday inuu aflagaado ku yahay diinta Islaamka iyo Nebi Muxamad CSW,

  6. Baadariga ugu weyn Katooliga oo ka hadlay abaarta Soomaaliya

    Baadari Pope Francis

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Baadari Pope Francis

    Pope Francis, ayaa maanta oo Axadda sheegay, in dagaalka Ukraine uu weeciyay dareenka dhibaatada gaajada adduunka, wuxuuna dalbaday gargaar cunto oo degdeg ah, si loogga hortago macluusha ka jirta Soomaaliya.

    "Dadka dalkan oo markii horeba ku noolaa xaalado aad u adag, ayaa hadda gaarey heer halisa, oo ah inay dhintaan abaarta awgeed," ayuu ku yiri khudbaddiisa toddobaadlaha ah ee fagaaraha St. Peter's Square, isagoo ka hadlayay Geeska Afrika.

    Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha ee FAO, ayaa sheegtay bishan inay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto macluusha sideed gobol oo katirsan dalka Soomaaliya.

    Bisha soo socota, haddii xooluhu dhimashadoodu sii socdaan, qiimaha badeecadaha muhiimkana ah ay sare usii kacaan, halka gargaarka bini'aadantinimo uu noqon waayo sidii la doonayay, markaa dadka way sii nuglayn doontaa abaaraha.

    Francis, ayaa u sheegay xujeyda iyo dadkii kale ee dalxiisayaasha ah, ee kusugnaa fagaaraha inuu doonayo inuu dareenka kusoo jeediyo “dhibaatada bini’aadanimo ee ba’an ee ku dhufatay Soomaaliya, iyo qaar kamid ah dalalka xuduudaha la leh.

  7. Dab ka kacay kaniisad oo ay dad ku dhinteen

    Dabka ayaa ka dhacay magaalada Giza, oo dhacda wabiga Niil oo dhanka Qaahira kaga beegan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dabka ayaa ka dhacay magaalada Giza, oo dhacda wabiga Niil oo dhanka Qaahira kaga beegan

    Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dab ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar.

    Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

    Waxay wararku intaa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carruur ahaayeen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas.

    Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay.

    Lama oga weli waxa dhabta ah ee sababay dabkaas.

    Yasir Munir, oo ka mid ah dadkii ku cibaadeysanayay kaniisadda, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in iyagoo saaran dabaqa afaraad ee kaniisadda ay arkeen qiiq kasoo baxaya dabaqa labaad.

    Dadka ayaa markaa kadib ku cararay jaranjarada, iyagoo kadibna isku kor dhacay halkaas oo dhaawac uu ka dhashay.

    Madaxweynaha Masar Abdel Fattah al-Sisi, ayaa tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay kaniisadda.

    Xafiiska dacwad oogidda dalkaas, ayaa sheegay inay goobta u direen koox soo baarta waxa sababay dabka.

    Dadka Kirishtaanka ah, ayaa ugu yaraan 10 milyan ka ah bulshada Masar, ee gaaraya 103 milyan oo qof.

    Dadkan ayaa ka cawda takoor ay kala kulmaan bulshooyinka kale ee Masar.

  8. Raila Odinga oo soo diray fariin, xili tirinka codadka ay gashay wajigii u danbeeyey

    Raila Odinga
    Qoraalka sawirka, Raila Odinga

    Murashaxa Madaxweyne ee isbaheysiga siyaasadda ee Azimio La Umoja, Raila Odinga, ayaa ka hadlay nabadda, xili uu ka qeyb galayay khudbad ka socotay kaniisada ACK St. Francis Church ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi maanta oo Axad ah.

    Raila ayaa ka jeediyay khudbadiisii ​​ugu horeysay goob fagaare ah, tan iyo markii dadka Keenyaanka ay u dareereen goobaha cod bixinta 9-kii bishan August.

    Waxa uu uga mahadceliyay dadka sida nabdoon ee ay u dhiibteen codkooda, ololihii iyo doorashadana uu u dhacay.

    "Waxaan u mahad celinaynaa Ilaah oo inoo soo fududeeyey olole xooggan," Raila ayaa sidaasi yiri "Hannaanka doorashadu wuxuu ahaa mid nabdoon, waxaan rajeyneynaa in nabaddu sii adkaan doonto inta lagu guda jiro tirinta iyo ku dhawaaqista natiijada doorashada, iyo xitaa ka dib."

    "Dhammaanteen waxaan qeyb ka nahay hal waddan, waxaana dooneynaa in Kenya ay sii xoogeysato, horayna u socoto." ayuu mar kale yiri Raila.

    Raila ayaa waxa uu soo xigtay farriinta nabadda ee St. Francis of Assisi, oo ah wadaad caan ah oo Katoolik Talyaani ah, farriintiisa uu u dirayo jameecada iyo qaranka Kenya.

    Sida uu sheegay Raila, isla ereyadan ayaa khuseeya xaaladda Kenya ee haatan taagan, iyadoo dalku si tartiib tartiib ah uga soo kabanayo culeysyadii doorashadii guud ee dhawaan la soo gabagabeeyay.

    "Tani waa waxa aniga qof ahaan aan rabo inaan arko inay dhacaan, inaan noqdo qof qeyb ka ah xasiloonida iyo nabadda dalka Kenya, si aan u bogsado u midowno, rajana ugu sii noolaato," ayuu raaciyay.

    Murashaxa Madaxweynaha, ayaa sidoo kale rajo wanaagsan muujiyay, maadaama ay soo dhawaatay waqtigii lagu dhawaaqi lahaa natiijada.

    Guusha, Azimio La Umoja-One Kenya, sida uu sheegay Raila, ayaa waxa uu la mid yahay safarkii Reer Binu Israa'iil ee Masar ilaa Kancaan.

    Raila ayaa waxaa kaniisadda kaga soo biiray ku xigeenkiisa Martha Karua, hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka, Senator hore ee Baringo, Gideon Moi, Senetarka Kitui Enock, Wambua, iyo madaxa COTU, Francis Atwoli, iyo kuwo kale.

    Dhanka kale, weli lama shaacin natiijada doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya, iyadoo malaayiin qof oo Keenyaan ah ay neefta kasii bixi la dahay, waxay rajeynayaan inay natiijada ugu dambeysa guddiga doorashada ku dhawaaqaan.

    Loolanka loogu jiro in xilka lagala wareego madaxweyne, Uhuru Kenyatta, oo 10-kii sano ee uu xilka hayay uu dhamaaday, ayaa waxaa si weyn ugu loolamaya tartanka doorashada Kenya ee sanadkan 2022-ka Raila laba murashax.

    Labadan murashax, ayaa kala ah mid ka socda isbaheysiga siyaasadeed ee Azimio La Umoja, oo ah Raila Odinga, iyo isbaheysiga kale ee Kenya Kwanza, oo uu hormuud u yahay Madaxweyne kuxigeenka haatan ee dalka Kenya, William Ruto.

  9. Maxaad ka taqaan xildhibaanadda ugu da yar ee ku biirtay baarlamaanka Kenya?

    Linet Chepkorir 'Toto'
    Qoraalka sawirka, Linet Chepkorir 'Toto'

    Tuulada fog ee Chemomul, ee ismaamulka Bomet, ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya, ayaan waxaa dabaal dag ku samaysay, Linet Chepkorir 'Toto', oo 24 jir ah, taasoo heshay codad gaaraya 242,775 cod.

    Waxay ka guuleysatey siddeed murashax oo kale, oo kula tartamayey kursi xildhibaanimo ee doorashada guud ee ka dhacday talaadadii lasoo dhaafay dalka Kenya.

    Inta badan jagada xildhibaanimada, ayaa waxaa u taratamaya oo loo doortaa siyaasiyiin rug cadaa ah, oo in muda ah kusoo jiray siyaasadda.

    Linet Chepkorir 'Toto', ayaa noqotay haweeneyda ugu da'da yar ee wakiilla, oo ku biirta baarlamaanka Kenya, doorashadan dhacday sanadkan 2022-ka.

    Tani ayaa noqoneysa shaqadii ugu horeysay ee ay qabato Linet. Waxay kasoo jeedaa qoys dakhligoodu yar yahay, iyadoo ah dada saddexaad, ee qoyska Richard Langat, iyo xaaskiisa Bety Langat.

    Linet ayaa sheegay inay adag tahay in lagala horyimaado tartan siyaasiyiin dhaqaale badan heysta.

    Waxay ku qiyaastay lacagta kaga baxday ololaha doorashada Kenya ee Sanadkan 2022-ka Ksh100,000, iyadoo dhaqaalaha kale ku tilmaantay inuu ka yimid dad wanaag jecel, iyo saaxiibo leh dareen siyaasad oo wanaagsan.

    Farxad, raynrayn, qoob ka ciyaar iyo oohin, ayaa ka dhacdey tuuladeedii, markii lagu soo dhaweeyey gurigeeda.

    Caqabadii ugu waynayd ayaa ahayd markii ay bilawday hawsha murashaxnimada, sidii ay ugu qancin laheyd beesheeda iney tartami karto, guulna ay gaari karto.

    Guud ahaan codbixiyeyaasha ayaa su’aal ka keenay in aanay qaban Karin gabadhan yar jagadan, maadaama aanay guursan.

    Gabadhan dada yar, ayaanan lahayn khibrad shaqo, mana haysato lacag ay bixiso.

    Farriinta ay u dirtay dhammaan gabdhaha, ayaa ah “weligiin ha quusanina”.

  10. Salman Rushdie oo kasoo baxay xaaladdii degdega bilaabayna inuu hadlo

    Salman Rushdie

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Salman Rushdie

    Qoraaga Salman Rushdie, ayaa laga saaray qalabka dadka ka kaalmeeya hawo qaadashada, isagoo awood u yeeshay inuu mar kale hadlo, maalin kadib markii la tooriyeeyay.

    Rushdie oo 75 jir ah, ayaa la weeraray xilli uu ka hadlayay munaasabad ka dhacday gobolka New York, weerarka kadib, wuxuu xaalad halis ah.

    Waxa uu sannado badan soo gaarayey oo loo jeedinayayy hanjabaado dil ah, oo ay ugu wacan tahay buuggiisa Aayadaha Shaydaanka, taasoo dadka Muslimiinta qaarkood ay u arkaan mid aflagaado ah.

    Ninka lagu soo eedeeyay weerarkii Jimcihii, ayaa qirtay inuusan wax danbi ah oo isku day dil ah galin, iyadoo laga sii daayay xabsiga, wax dammaanadna laguma qasbin.

    Hadi Matar, oo 24 jir ah, ayaa lagu eedeeyay inuu masraxa ku orday uuna ugu yaraan 10 jeer toori ka galiyay Rushdie wejiga, qoorta iyo caloosha.

    Weerarka ka dib, wakiilka Rushdie, oo la yiraahdo Wylie, ayaa waxa uu sheegay in qoraaga ay waxyeello kasoo gaartay neerfaha hal gacan, beerka, ayna u badan tahay in hal il ka dhaci doonto.

    Henry Reese, oo lagu waday inuu ku wareysto Rushdie, goobta uu weerarka ka dhacay, ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud oo madaxa ah.

    Isagu waa aasaasihii urur aan faa'iido doon aheyn, oo siiya kaalmo dadka gabya iyo qorayaasha la masaafuriyay, iyagoo ay lasoo daristay hanjabaad cadaadis.

    Kahor inta uusan dhicin weerarka, Rushdie ayaa waxa uu rabay inuu jeediyo khudbad ku saabsan sida Mareykanka uu gabaad ugu noqday qorayaashan oo kale.

    Qoraaga ayaa lagu qasbay inuu is qariyo muddo ku dhow 10 sano, kadib markii uu daabacay buugga la magac baxay Aayadaha Shaydaanka sanadkii 1988-dii.

    Muslimiin badan ayaa si caro leh uga falceliyay daabacaadda buuggaas, iyagoo ku doodaya in sawirka Nebi Muxamed “NNKH” uu yahay mid martabad sare kaga jira iimaankooda Islaamka.

  11. Ragga 35 jirka ku dhalaya oo war naxdin leh laga soo saarey

    Ruux da weyn

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ruux da weyn

    Ragga go'aansada inay noqdaan waalid, marka ay dadoodu gaarto 35 sano, ayaa waxay halis sare ugu jiraan inay dhalaan carruur dhicis ah, ama kuwo aan caafimaadkoodu dhameystirneyn.

    Intaa waxaa dheer, sannad kasta, shahwada ninka ragga ah, hoos u dhac weyn ayaa ku yimaada tirada iyo tayada ahaanba, taasoo caqabad ku noqon karta isku dayga inuu la dhalo.

    Warbixintan ayaa waxaa lagu dhisay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jirto jaamacadda Stanford University School of Medicine ee Mareykanka.

    Jaamacadda, ayaa baaritaan waxay ku sameysay 40 milyan oo qof oo dhalanaya, taasoo laga soo saarey xogtan.

    Guud ahaan, halista soo wajihi karta haweenka, marka ay doonayaan iney noqdaan waalid, ayaa aad loogga dhex yaqaan bulshada dhexdeeda.

    Haweenka, ayaa sidoo kale waxay ku baraarugsan yihiin dhibka weyn ee uurku leeyahay da'da 35 ama 40 sano ka dib.

  12. Dab ka kacay magaalada Jigjiga oo ay dad ku dhinteen

    Magaalada Jigjiga
    Qoraalka sawirka, Magaalada Jigjiga

    Dab ka kacay magaalada Jigjiga ayaa la sheegay iney ku dhinteen 4 carruur oo hal qoys ah.

    Dabka oo ka kacay xaafad kamid ah magaalada Jigjiga, ayaa ka kacay xaflad aroos oo xalay halkaasi ka dhaceysay.

    Sida uu ku soo waramaya wariyaheenna magaalada Jigjiga, afarta carruurta ee dabkaasi ku dhimatay, ayaa kala ah 3 carruur oo ay caruuska walaala yihiin, iyo midna uu caruuska laftiisa uu dhalay.

    Dabka ayaa sidoo kale wuxuu geystay qasaaro hantiyeed, walow la xakameeyey oo uusan fidin.

    Sidoo kale, dabka ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo kale.

  13. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.