Abiy Axmed kaalin ma ku yeelan karaa soocelinta ciidamada Soomaaliya ee Eritrea ku sugan?

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Madaxweynaha Iran oo sheegay inuu u dulqaadaneyn rabshadaha dalkiisa ka dhacaya

    Booliska rabshadaha ka hortaga oo Motooyin wata

    Madaxweynaha dalka Iran Ibraahim Ra'isi ayaa ka digay iney dowladdiisa oggolaaneyn rabshado dalka ka dhaca.

    Ra'iisi wuxuu sheegay haddii rabshadaha dalka ka socda ay istaagi waayaan uu ku qasbanaanayo ciidamada amniga inuu amar ku siiyo soo afjariidda rabshadaha labada toddobaad soconaya.

    Dalka Iran waxaa ka dhacaya mudaharaadyo rabshada wata oo salka ku hayo haweeney booliska gacantooda ku jirtay oo dhimatay.

    Geerida Mahsa Amini ku timid laba toddobaad ka hor waxay horseedday in dalka Iran oo dhan ay ka dhacaan dibadbaxyo marki dambe iisu baddalay kacdoon guud oo looga soo horjeeda nidaamka dalka Iran ka arrimiyo.

    Tan iyo marka ay dalka Iran ka billowdeen mudaharaadyada rabshadaha wata waxaa dhintay dad ka badan 70 qof, iyada oo laamaha ammaankana ay xirxireen dad ka badan 1,200 oo qof.

  2. Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal kuwa riddada gaaban

    Gantaal riddada dhexe oo ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi

    Kuuriyada Koonfureed ayaa Kuuriyada waqooyi ku eedeysay iney tijaabisay gantaal kale uu noociisu yahay Baalastic, saacada un ka hor booqashada ay Kamala Harris ku timid magaalada Soul.

    Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay labada gantaal oo kuwa riddada gaaban oo ay Piyongyang tijaabisay iney ku tijaabisay meel u dhaw xadka Japan oo ku dhaw gacanka Kuuriya.

    Soul waxay tijaabadaasi ku tilmaantay mid ka hor imaneyso cunaqabateynada Qaramada Midoobay, tijabadan oo noqoneyso tii seddexaad oo ay Kuuriyada waqooyi sameyso muddo toddobaad gudahii.

    Axaddina sida oo kale waxay Kuuriyada waqooyi tijaabisay gantaal riddada dhex ah.

  3. Ciidamada Taalibaan oo rasaas ku kala eryey haween dibadbax dhigayey

    Haween Kabul dibadbax ka dhigay

    Ciidamada Taalibaan ayaa rasaas cirka u riday si ay u kala eryaan haween dhigayey dibadbax ay ku taageerayaan mudaharaadyada haweenka Iran ay wadaan ee ka dhashay haweeney gacanta booliska ku dhimatay.

    Haweenka dibadbaxa dhigayey ee la kala eryey aya ku dhawaaqayey ‘Hawee, Nolo, Xorriyad’, haweenka oo dibadbax ka dhigay safaaradda Iran ay ku leedahay caasimadda Kabul horteeda.

    Sida oo kale haweenka waxay siteen borar ay ku qoran yihiin ‘Iran wey kacday, haddana waa markeenna’. Ciidamada Taalibaan oo haweenka kala eryey ayaa boorarkaasi ka dafay kana jeexjeexay.

    Labadi toddobaad ee ugu dambeeyey mudharaadyo ballaadhan oo ka dhashay haweeney ku dhimatay ciidamada ilaalinta anshaxa Iran ayaa dalkaasi ka socda, mudaharaadyada oo haatan u muuqdo iney iisu baddaleen kacdoon guud.

  4. Putin oo ku dhawaaqaya afar gobol oo ka tirsanaa Ukraine oo Ruushka la midoobay

    Madaxweynaha Ruushka Viladmir Putin

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kremelin ayaa xaqiijisay Jimcaha in la qaban doono xaflad lagu shaacinayo gobollo ka tirsanaa Ukraine oo ku soo biiray Russia Federation waa sida ay hadalka u dhigeene.

    Hadalka Kirimlin ka soo yeeray ayaa daba socday afti laga qaaday gobollada Luhansk, Dontesk, Kherson iyo Zaporishzhia oo uu Ruushka haysto.

    Hase yeeshee Ukraine ayaa aftdiaasi ku tilmaanta iney aqbaleyn, shuruucda caalamigana ay baalmarsan tahay.

    Afhayeenka Madaxweyne Viladmie Putin wuxuu sheegay xafladda ay gobollada ku soo biiray Ruushka ku saxiixayaan iney Ruushka la midoobeen uu Madaxweynaha Kgudabad uu ka jeedinayo.

    Ka hor ku biiritaanka Ruushka ee gobolladaasi inta aan la dhammeystirin laba qal ee baarlamaanka Ruushka waa iney meel mariyaan.

  5. Ruushka oo duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliyey gudaha Ukraine

    Diyaarad Dagaal
    Qoraalka sawirka, Diyaarad Dagaal

    Diyaaradaha Ruushka ayaa la sheegay habeennimadii xalay iney duqeymo culus ka geysteen qaybo ka mid ah Koonfurta iyo Bariga Ukraine.

    Barasaabka gobolka Dnipropetrovsk Pavlo Kyrylenko ayaa sheegay in saddex qof oo uu ku jiro ilmo yar ay ku dhinteen shan kalena ay ku dhaawacmeen weerarro gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda gobolka Dnipro, halka 13 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen duqeyn loo geystay warshad ku taallo Kryvyi Rih.

    Duqeyntaasina waxaa la sheegay iney ku burbureen in ka badan 60 guri oo gaar loo leeyahay.

    Barasaabka gobolka Dnip-rope-trovsk wuxuu sheegay duqeyn taa la mid ah oo Arbacadi dhacday iney 6 qof oo kale ay ku dhinteen.

    Khabiir arrimaha dagaalka falanqeeya oo ka tirsan machad darsa arrimaha dagaallada oo laga leeyahay Mareykanka wuxuu sheegay ciidamada Ukraine iney ku dhaw yihiin iney hareereeyaan magaalada Luman oo ay ciidamada Tuushka gacanta ku haystaan.

  6. WHO oo sheegtay in goor dambe la ogaaday cudurka Ebola ee ka dillaacay Uganda

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in cudurka Ebola ee ka dilaacay Uganda la ogaaday goor dambe. Baaritaano horudhac ah ayaa sheegaya in astaamaha ay bukaanada ku soo baxeen bishii Ogosto balse aanan isla markiiba horay laga ogaanin.

    Ugu yaraan 24 qof ayaa ilaa hadda laga helay cudurka Ebola, kaas oo ay u dhinteen afar qof.

    Dr Patrick Otim, oo kormeeraya xaaladda Ebola ee Uganda, ayaa BBC u sheegay in kooxaha ka jawaabaya kiisaska la xirriira Ebola ay ku adag tahay in ay aqoonsiga bukaanada qaba cudurka .

  7. Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed?

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku maraya dalka Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

    Xog laga helay xafiiska Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegeysa wafdiga madaxweyne Xasan uu hoggaaminayey iney madaxda Itoobiya kulan laba geesoosd ah la qaateen.

    Madaxda labada dal wadahadalkooda waxay diiradda ku saareen "iney ka go’an tahay sidi loo xoojin lahaa xiriirka labada dal. Iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray xasillonida geeska Afrika oo ay iska kaashadaan labada dal muhiimadda ay u leedahay, " ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska raysalw asaaraha Itoobiya.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud dhankiisa wuxuu sheegay doorka ay Itoobiya ku lahayd taageeridda Soomaaliya iyo nafta ay u hurtay uu bogaadinayo.

    Warbixintan oo fahfaahsan halkan kaga bogo.Link

  8. Duufaano xoogana oo ka dhacay gobolka Florida ee wadanka Maraykanka ayaa koronto la'aan dhigay in kabadan 2 milyan oo qof. Maxamed Qadar oo ah Soomaali deggan magaalada Orlando ayaa BBC da uga sida xaalku yahay.

  9. Waa Sheeko Kale: Dhalinyarada ka qosliya Soomaalida ee muuqaaladooda dad badan xiiseeyaan

  10. Laba milyan oo qof oo koronto la’aan ah kadib markii ay dufaaan ku dhufatay Florida

    '

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Duufaanta Iyan (Ian) ayaa ku dhufatay gobolka Florida ee dalka Mareykanka dabeylo xooggan iyo daadad ayaa qaaday bulshada ku dhaqan xeebaha Koonfur Galbeed.

    Barasaabka gobolka Florida, Ron de Santis, ayaa sheegay in duufaantu ay sare u kacday in ka badan saddex mitir iyo bar meelaha qaar.

    Waxa uu ka digay in khasaaraha uu sii socon doono guud ahaan gobolka iyadoo ku dhawaad laba milyan oo qof ayaa koronto la’aan ku noqdeen.

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

  11. Libaaxyo gacan ka geystay weerar ka dhan ah koox mintidiin ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ciidamada Mozambique ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen afar mujaahid oo ku howlanaa qorista iyo xagjireynta dadka, waxaana ay shaaciyeen dhimashada 16 kale.

    Taliyaha booliska Bernardino Rafael ayaa sheegay in qaar ka mid ah mujaahidiinta ay u dhinteen dhaawacyo soo gaaray intii ay socdeen iska horimaadyo ay la galeen ciidanka, halka qaar kalena ay weerareen xayawaanka duurjoogta ah - oo u badan libaaxyo iyo yaxaasyo.

    Wuxuu hadalkaasi sheegay Arbacadii mar uu la kulmay dadka deegaanka degmada Quissanga ee waqooyiga gobolka Cabo Delgado.

    "Qaar badan oo ka mid ah waxay u dhinteen dhaawacyada ka soo gaaray rasaasteena iyo hubkeena.

    Laakiin xitaa xayawaanka ayaa sidoo kale gacan ka geystay dhimashada islaamiyiinta.

    Waxa uu sheegay in dadka ay aasayaan qaar ka mid ah mujaahidiinta dhintay iyagoo maamulka gacan ka helaya.

  12. Abiy Axmed kaalin ma ku yeelan karaa soocelinta ciidamada Soomaaliya ee Eritrea ku sugan?

    Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku sugan dalka Itoobiya oo uu shalay gaaray halkaasi oo uu kulan kula qaatay raisul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed, labada mas'uul ayaa wadahadal ay yeesheen diiradda ku saaray qodobo ay ka mid yihiin sidi loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyo sidii ay iska gaashan lahaayeen xasillonida Geeska Afrika.

    Haddaba waxa u ka dhiganyahay kulanka labada nin iyo muhiimadda uu leeyahay ayaan wax ka waydiinay Faysal Rooble oo ah falanqeeye si dhow ula socda arrimaha Itoobiya waxaa uu u warramay wariyaha BBC-da Cabdiraxmaan Xaaji Caddow.

    Qoraalka Codka, .