Ukraine oo dalbatay in la dadajiyo ku biiritaankeeda gaashaanbuurta NATO
Madaxweynaha Ukraine Viladmir Zelenesky ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in la dadajiyo marxaladda dalkiisu uu u marayo inuu xubin ka noqdo gaashaanbuurta NATO.
Farriin Zelenesky bartiisa Telegram uu soo dhigay wuxuu ku yiri: "Waxaan durbadiba xaqiijinnay shuruudaha xubin looga noqonaya NATO marka waxaan dooneynaa codsigeenna xubinnimada in la dadajiyo oo ay saxiixaan waddamada gaashaanbuurta xubinka ka ah."
Moscow ka hor inta ay bisha Fbaraayo duullaanka ku qaadin dalka Ukraine waxay sheegtay in dammaanad sharci ah laga siiyo Ukraine iney ka mid noqoneyn Gaashaanbuurta NATO, oo hormuudka u yahay Mareykanka.
Moscow ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday afar gobol oo dagaal uga qabsatay Ukraine iney dalka Ruushka ka mid noqdeen.
Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay caasimadda Kabul
Ugu yaraan 19 qof ayaa ku
dhimatay qaar kalana wey ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday xaruun waxbarasho
oo ku taalla caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan.
Ninka weerarka geystay ayaa
lagu soo waramayaa in uu rasaas ku furay ilaalada banaanka hore ee dhismaha ku
sugneyd, ka hor inta uusan gudaha u gelin fasal ay ardaydu ku qaadanayeen
imtixaanka ay jaamacadda ku galayaan.
Muuqaal laga soo duubay
goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka muuqda burbur iyo dhiigga dadki qaraxaasi
ku waxyeelloobay iyo burbur dhismaha soo gaaray.
Sida qaraxyo badan oo
dhowaan dhacay, qaraxan u dambeeyey wuxuu ka dhacay xaafad ay deggan yihiin Shiicada Hazara
ee laga tirada badan yahay.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid
sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse Ururka isku magacabay dowladda
islaamka ayaa horay qaraxya noocan ah la beegsaday Shiicada laga tirada badan
yahay ee Hazara.
Ruushka oo ku dhaqaaqay go'aan ka careysiiyey Ukraine iyo xulafadeeda
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweyne Viladmir Putin wuxuu maanta si rasmi ah uu ugu dhawaaqay afar gobol oo dalka Ukraine dagaal uga qabsaday inuu dalkiisa ku darsaday.
Arrintan oo daba socotay afti dadweyne uu Ruushka ka qaaday shacabka ku nool qaybo ka mid ah gobollada Luhansk, Dontesk, Kherson iyo Zaporizhzhia.
Kyiv dhankeeda waxay sheegtay dhulka uu
Ruushka dalkiisu ku darsaday ay ka hari doonin oo ay dib u xoreyneyso.
Tallaabbada ay Moscow qaaddayna waxaa si weyn u cambaareeyey beesha caalamka oo ku tilmaamntay mid baalmarsan shuruucda caalamiga ah.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya oo socda in ka badan 10 bilood ayaa la rumeysan yahay kumannaan iney ku dhinteen malaayiinna ay ku barakaceen
Al-Shabaab oo ugu yaraan 10 qof ku dilay deegaanka Gerileey ee Gobolka Gedo
Xigashada Sawirka, Social Media
Ugu yaraan 10 qof
ayaa sida ay wararku sheegayaan ku geeriyooday weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen
deegaanka Geriley oo u dhaxeysa Garabaharrey iyo Ceelwaaqa, halkaasoo ceel laga
qodayey.
Guddoomiyaha
degmadaasi Maxamuud Cabdulle warsame ayaa weerarkaasi oo saaka aroortii ka
dhacay u xaqiijiyey BBC, wuxuuna guddoomiyaha uu meesha ka saaray iney dadka
dhintay ajaanib ku jireen oo ay yihiin dadki shacabka ahaa ee degganaa Gerileey
oo ceel qodanayey.
“Meeshan waxaa ku
dhintay 11 ruux oo shacabkii Geriley ah oo 9 ay rag tahay 2 ay dumar tahay dad
ajaanib ah kuma jiraan dadka dhintay…Arrinkaa wuxuu dhacay 5-tii subaxnimo ee
saaka aniguna goobta iyada ahaan joogay awood tira badan bey na soo saareen
inta gurmadka darawiishta Jubbaland nooga imaneysay annaga iyo iyaga halki
iyada ahayd baan isku haysannay waxay nala dhaceen qoryaha Jiibka, RBJ-7, Jiib
gacmeedka iyo qoriga darandoorriiga u dhaca ee BKM,” ayuu yiri Guddoomiyaha
degmadaasi Maxamuud Cabdulle warsame
Wuxuu sida oo
kale Guddoomiyuhu sheegay in halkaasi uu ku gubtay gaarigii riigga ahaa ee
ceelka qodayey.
Afhayeenka Booliska oo BBC u xaqiijiyay geerida Farxaan Qaroole
Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha gudaha Iyo dimuqraadiyanta Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa oo warraysi BBC-da ayaa sheegay in uu diyaar u yahay hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah arrintaasi oo uu sheegay in isagu jihaynteeda uu leeyahay lkn ay u taallo gudiga doorashada ah.
Wasiir juxa waxa uu sheegay in uusan marna qayb ka noqon dooonin mudo kororsi ay samayso dawlada xilligan joogta.
Dhawaaqa rasaas laga maqlayo agagaarka madaxtooyada Burkina Faso
Rasaas ayaa subaxnimadii hore ee jimcaha laga maqlay agagaarka madaxtooyada Burkina Faso iyo xarunta dhexe ee militariga dalkaas, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa goobjoogayaal.
Wadooyinka waaweyn ee caasimadda Ouagadougou ayaa la xiray.
Ciidamada ayaa saldhigyo ka dhigtay isgoysyada ugu weyn ee ku yaalla agagaarka xarumaha madaxtooyada iyo militariga, sida ay wakaaladdu sheegtay.
War deg deg ah, Rasaas culus oo laga maqlayo caasimadda Burkina Faso
Xigashada Sawirka, Getty Images
Rasaas xooggan ayaa laga soo sheegayaa caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in TV-ga dowladda uu hawada ka baxay.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa ku warantay in rasaasta laga maqlayay xerada ugu weyn ee ciidamada iyo qaar kamid ah xaafadaha caasimada.
Qoraalo badan oo la soo dhigay barta Twitter-ka ayaa muujinaya in ay jiraan dhaqdhaaqyo ciidan, waddooyinka qaarna la xiray.
Taliyaha booliiska Mozambique ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan deegaano ay dhawaan koox mintidiin ah ay weerareen ee ku yaalla waqooyiga gobolka Cabo Delgado in ay iska caabiyaan kooxaha weerarka ku soo qaaday.
Taliye Bernardino Rafael ayaa dadka ku booriyay inay adeegsadaan wax walba oo ay awoodaan, wuxuuna ugu baaqay feejignaan dheeri ah si loo ilaaliyo bulshada.
"Hadda ma ahan waqtigii laga carari lahaa. Waa waqtigii la iska caabin lahaa. Marka ay Mujaahidiintu soo galaan aaggeena waxa inagu waajib ah inaynu eryanno oo middi, baangad ama waran iska caabinno ka dibna midkiin uu si degdeg ula soo xiriiro ciidamada ammaanka si ay ugu biiraan una eryan kooxda.” ayuu yiri.
Waxa uu shacabka u xaqiijiyay in lagu daba jiro maleeshiyaadkaasi oo qaarkood lagu dilay iska hor imaadyo hubeysan.
Degmada Quissanga, dadka deegaanka, gaar ahaan dhalinyarada, ayaa codsaday in la siiyo hub si ay isaga difaacaan duulaanka mujaahidiinta.
Taliyaha booliisku wuxuu xaqiijiyay in kuwa aqoonta leh lagu biirin doono ciidamada maxalliga ah - koox la shaqeysa askarta dowladda iyo xulafada caalamiga ah ee la dagaallanka argagixisada.
Xigashada Sawirka, AFP
Qodobada ay ku heshiiyeen Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh
Xigashada Sawirka, Villa Somalia
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasha rasmi ah ku tagay dalka Itoobiya ayaa wadahadal la yeeshay Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Qodobada ay ku heshiiyeen Abiy Axmed iyo Xassan Sheekh
1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.
2. Waxay ku celiyeen go'aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaagaan, waxa ayna fareen hay’adaha amniga inay xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.
3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobollada Soomaaliya.
4. dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya iyo raysul wasaaraha Itoobiya waxa ay si wadajir ah ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in uu tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo awoodda dowladda Soomaaliya.
5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, in la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka si taas loo hirgeliyana ay labada dal yeeshaan wada-tashiyo joogto ah, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.
6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee gacanta ka geysta nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.
7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, waxayna hoosta ka wada xariiqeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.
8. war murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ay labada hoggaamiye ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay'adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
9. waxa ay xoojiyeen muhiimadda ay leedahay ballarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.
10. ugu dambeynna Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada labada dowladood in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.abada dhinac.
Dowladda oo sheegtay in ciidamadeeda ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaanno ka tirsan ah Shabeelooyinka
Xigashada Sawirka, AFP
Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday deegaanno ka tirsan shabeelooyinka, kadib howlgal qorsheysan oo ay subaxnimadii saaka kafuliyeen deegaanka Basra iyo Tuulooyin kale, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.
Deegaanada ay sida buuxda ula wareegeen Ciidamada dowladda ayaa lagu sheegay ku dhawaad 9 tuulo oo ka mid yihiin Basra, Sapyo, Baqdaad iyo Beled Al Kariim.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ladlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay burburiyeen Saldhiggii ugu weynaa Maleeshiyaadka Alshabaab ee Deegaanada ay la wareegeen, islamarkaana aysan jirin wax iska cabin ah oo ay ciidamadu la kulmeen inta howlgalku Socday.