Raysul wasaaraha Ingiriiska Liz Truss oo is casishay

Iscasilaadda Raysul wasaaraha Ingiriiska iyo warar dheeraad ah oo cusub oo ku saabsan dunida kale.

Tebin toos ah

  1. Liz Truss oo is cashisay kadib markii ay kahor yimaadeen xubnaha xisbigeeda

    Liz Truss

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Liz Truss

    Liz Truss ayaa si lama filaan ah isaga casishay xilka ra’iisul wasaaraha, kadib 45 maalmood oo kaliya oo ay haysay jagadaas.

    Ra'iisul wasaaraha, ayaa sheegtay in qofka bedeli doona lagu dooran doono tartanka hoggaanka, oo la dhameystiri doono toddobaadka soo socda.

    Xildhibaanada ayaa waxay ku booriyeen Truss inay ka laabato waxyaabaha sababay qalalaasaha siyaasadeed, ka dib markii ay sameysay siyaasad dhaqaale oo aan meel mar ahayn.

    Truss ayaa waxaa doortay xubnaha xisbiga muxaafidka ah bishii Sebtembar, laakiin waxay lumisay kalsoonida, ka dib markii ay la timid is badal fara badan.

    Khudbad kooban oo ay ka jeedisay bannaanka xafiiska Downing Street, Truss ayaa waxay ku sheegtay in xisbiga Conservative-ku ay doorteen xilli jahawareer dhaqaale uu jiro.

    Waxayna muujisay in aaney wax ka qaba Karin howlaha horyaalla.

    Truss ayaa sheegtay inay xilka sii heyn doonto, illaa qofka badali doona uu si rasmi ah ula wareegayo hoggaanka xisbiga.

  2. Ra'iisal wasaaraha Ingiriiska Liz Truss oo is casishay

    Liz Truss
    Qoraalka sawirka, Liz Truss

    Liz Truss, oo ah ra’iisal wasaaraha Ingiriiska, ayaa iska casishay jagadaasi.

    Liz, ayaa sheegtay inay la kulantay 1,922 xubnood, iyo guddoomiyihii guddiga Sir Graham Brady maanta.

    Dhamaan dadkani, ayaa waxay isku raaceen in todobaadka soo socda ay dhacdo doorashada hoggaanka.

    Waxey intaa ku dareen inay sii hayn doonto xilka ra’iisul wasaaraha inta laga dooranayo qofka bedeli doona.

    Truss ayaa sheegtay in aysan qaban Karin waxyaabaha horyaalla ee loo doortay

    Tobaneeyo wariyeyaal ayey ka hor sheegtay inay xafiiska timid, xilli ay jirto "xasilooni darro dhaqaale iyo mid caalami ah".

  3. Wasaaradda dekadaha Soomaaliya oo u digtay qaar kamid ah shirkadaha ganacsiga

    Dekedda Muqdisho

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Dekedda Muqdisho

    Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in hey'adaha amniga dalka ay la wadaagtay cabasho uga timid ganacsatada Soomaaliyeed.

    Qoraalka kasoo baxay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in xogta ganacsatada lala wadaago Al-Shabaab, si dabagal looggu sameeyo.

    Wasaaradda ayaa sheegtay in cidii lagu helo haatan iyo wixii ka danbeeya laga qaadi doono talaabo waafaqsan sharciga.

    Wasaarada ayaa digniin adag u dirtay dhammaan shirkadaha bixiya adeegga keenista xamuulka ee dalka dibaddiisa ah, iyo sidoo kale kuwa ka hawl gala gudaha dekedda.

    War saxaafadeedka wasaaradda, ayaa lagu xusay in tallaaboyinka la qaadayo ay kamid yihiin mamnuucis shaqo, la wareegis ganacsi, iyo ku qaadista ciqaabta kuxusan shuruucda dalka Soomaaliya.

  4. War kasoo kordhay nin Soomaali ah oo dad ku dilay Jarmalka

    Nin Soomaali ah, ayaa dad ku laayey dalka Jarmalka. Ninkani, ayaa haatan waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka ku yaalla dalkani, iyadoo maxkamad ay amartay in lasoo xiro.

    Axmed Kadiye, oo in muda ah ku noolaa Jarmalka, isla markaana u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada, ayaa uga waramey wariye Said Hassan Anteno, waxa la og yahay ee ku riixay ninkan Soomaaliga ah inuu ku kaco falka dilka ah?

    Qoraalka Codka, Ninka Soomaaliga ah ee lagu eedeeyay inuu dad ku dilay Jarmalka
  5. Muxuu cudurka Sonkorta ugu laynayaa dad fara badan waqooyiga Itoobiya?

    Bukaan jiifa isibtaal

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Bukaan jiifa isibtaal

    Gobolka Tigray oo uu saameeyay dagaalkii labadii sano ee la soo dhaafay, ayaa dad badan oo ku noolaa waxay u dhimanayaan daryeel la'aan.

    Dr. Kibrom Gebreslase, oo ah madaxa caafimaadka isbitaalka Ayder, ayaa sheegay iney jirto gabar dhalinyaro ah oo dhawaan u geeriyootay insulin la’aan.

    Dhowaan, gabadh yar ayaa isbitaalka Ayder timid, iyada iyo hooyadeed oo xanuunsan.

    Gabadhan ayaa waxay xanaaneyneysay hooyadeed oo sariirta jiifta, oo maalmo isbitaalka u jiiftay xanuun kale.

    Si kastaba ha ahaatee, gabadhan yar oo u soo degdegtay badbaadinta nafta hooyadeed ayaa suuxday.

    Dhakhaatiirta ayaa ku yaacay si ay u caawiyaan intii karaankooda ah, si ay nolosheeda u badbaadiyaan.

    Sababta ay u miyir doorsoontay, ayaa aheyd inay ka dhammaatay insulintii ama sonkorta ku jirta, taasoo lagu daweeyo lagagana hortago cudurka macaanka.

    "Waxay ku dhacday annaga oo daawanayna hortayada." Kadib waanu ku yaacnay haddaan nahay shaqaalaha qeybta daryeelka degdega ah (ICU). Laakiin waanu badbaadin kari waynay. Si lama filaan ah ayay u dhacday, maalintii xigtayna way dhimatay,” ayuu yidhi Dr. Kibrom Gebreslase.

    Dhowaan ayaa wiil kale oo buka qoyskeeda soo kaxeeyeen, iyagoo keenay keenay isbitaalka Ayder.

    Khubarada caafimaadku ayaa waxay sheegeen in aanay xitaa ogayn inay qabto xanuunka macaanka, oo laga helay xanuunka Macaanka, markii danbe ee la baaray.

    Inkasta oo ay garanayeen waxa uu yahay xanuunkeeda, haddana dhakhaatiirtu ma anay u helin dawo ama xal, sidaas darteed maalin wax ka badan kuma sii noolaan karin isbitaalka.

    Xaaladda bukaannada u dhimanaya dawo la'aanta, ayaa weli ah mid murugo leh oo soo food saartay xirfadlayaasha caafimaadka ee Isbitaalka Ayder.

  6. Madaxda Hiiraan iyo xildhibaano qiimeynaya khasaaraha gaarey buundada Buula Burde

    Qaraxa Buula Burde

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Qoraalka sawirka, Qaraxa Buula Burde

    Waxa weli go'an buundada magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan oo shaley la qarxiyey.

    Tani ayaa muhiim u ah isku socodka gawaarida gobolada koonfurta iyo kuwa dhexe ee Soomaaliya.

    Qaraxaas ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay kuna dhaawacmeen dad fara badan.

    Qaraxa kadib, ayaa waxaa goobta gaaray mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo gobolka Hiiraan.

    Mas’uuliyiintani, ayaa waxaa kamid ah xildhibaano heer federaal ah, kuwaasoo qiimaynaya khasaaraha inta uu le’eg yahay.

  7. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.