Kooxda Gaadiidka oo sidoo kale loo yaqaanno Otoparka ayaa
galabta qaadday koobka Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Sanadkii 1989 ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay kooxdan
koobka qaaddo.
Kooxda ayaa dabaaldeg weyn ka sameeyay garoonka kubadda cagta
Injineer Yariisow oo hore loo oran jiray Koonis.
Cayaartan galabta ayay Gaadiidka la yeesheen Jasiira. Qeybtii
hore cayaarta ayaa labo gool laga dhaliyay Jasiira, halka qeybta labaadna ay
ugu dareen labo gool oo kale, sidaas ayayna Gaadiidka afar gool uga badiyeen
kooxda Jasiira.
Horyaalkan 2021-2022 ayay kooxda Gaadiidka sidaas ku qaadeen
koobka.
Yaa saadaalinayay in cayaarihii cricket-ka ee shalay dhex maray Zimbabwe iyo Pakistan ayaa sababi doona doona in madaxda labada dal ay ka hadlaan ninka u ek Mr Bean?
Asif Muhammad waa majaajiliiste u dhashay Pakistan, kaas oo dadka baraha internet-ka faallada ka dhiibta ay sheegeen in sanado kahor uu ka qeybgalay bandhig beero oo ka dhacay Zimbabwe.
Mid ka mid ah dadka ka faallooda cricket-ka ayaa sheegay in dadka reer Zimbabwe ay ka niyadjabeen inay la kulmaan "Mar Bean-ka khiyaanada ah ee Pakistan" sababtuna ay tahay inay filayeen inay la kulmaan kan dhabta ah ee "Mr Bean Rowan [Atkinson]", sida laga soo xigtay barta Indian Express.
Adigu qudhaaduba eeg Mr Muhammad - xoogaa wuu u ekyahay, maya?:
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan, 1
Bartan Zimbabwe laga leeyahay ayaa Twitter-ka ku soo qortay: "Mr Bean been abuur ah ayaa mar lacag lagu siiyay inuu Zimbabwe bandhig uga qeybgalo sanadkii 2016".
Hadalladan ayayna is dhaafsadeen madaxweynaha Zimbabwe iyo raysal wasaaraha Pakistan, oo ka fursan waayay inay qeyb ka noqdaan faallooyinka ka socday barta Twitter:
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Madaxweyne: Hambalyo. Kooxdaadu dhab ahaantii maanta si wacan ayay u ciyaareen.
Madaxweynaha Zimbabwe Emmerson
Mnangagwa ayaa isaguna ku jawaabay: Marka xigta, soo dira Mr Bean-ka saxda ah.
Soomaaligii ugu horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland oo wacdaro dhigay
Xigashada Sawirka, Suldaan Said Ahmed
Qoraalka sawirka, Suldaan Saciid Axmed ayaa sanad kahor xildhibaan ka noqday Finland
Soomaaligii ugu horreeyay ee xildhibaan ka noqda Finland, Suldaan Saciid Axmed, ayaa hees kaga yaabsaday dadweynihii isugu yimid Bandhigga Toddobaadka Soomaalida ee London.
Wuxuu ka qeybgalayay mid ka mid ah xafladihii ka socday bandhiggan oo sanad walba Bisha Taariikhda Dadka Madow lagu qabto UK.
Xildhibaankan 29 jirka ah, oo sanadkii 2008 ka yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa ka hadlayay muhiimadda uu leeyahay dhaqanka Soomaalida iyo doorka uu u leeyahay qurbojoogta Soomaalida - oo badankood 30-kii sano ee la soo dhaafay dalkooda uga soo hayaamay colaado sokeeye.
Suldaan ayaa dadweynaha u qaaday dhowr heesood oo ay ka mid tahay Soomaaliyeey Toosoo.
Dadweynaha ayaa sacab u raaciyay, halka qaar kalena ay la heesayeen.
“Dhaqankeenna Soomaaliga, fanka iyo aqoontuba aad ayay muhiim noogu yihiin, waxaa loo adeegsan jiray in farriimo lagu gudbiyo,” ayuu yiri xildhibaanka.
Bandhiggan oo galay sanadkii 14-aad, ayaa loogu talogalay in lagu muujiyo kala duwanaanta Soomaalida, iyadoo la adeegsanayo gabay iyo heeso.
Xaflado ayaa sidoo kale lagu qabtaa Bristol iyo Leicester iyadoo dadka ay si fiican u lebisanayaan si ay u dabaaldegaan, halka qaarkoodna ay hiddaha iyo dhaqanka soo xiranayaan.
Bandhigga sanadkan waxaa lagu furay boqollaal buugaag oo badankood fanka Soomaalida ka hadlaya, waxaana ka mid ah mid ay qortay sawir-qaade Nuura Alhuda oo buuggeeda kaga hadashay duurjoogta Somaliland iyo goobaha qaddiimiga ah ee halista ku jira.
“Toddobaadka Soomaalida keliya loogu talogelin fannaaniinta waaweyn ee Soomaalida ee la yaqaanno, balse waxana dhiirrigelineynaa fannaaniinta da'yarta ah ee ku sugan UK, daafaha dunida iyo sidoo kale kuwa dalka jooga," ayay tiri Ayaan Maxamuud, oo ah aasaasaha Xarunta Fanka Soomaalida iyo Dhaqanka ee Kayd, oo saldhiggeedu yahay London.
Munaasabaddan ayaa la soo gabagabeyn doonaa Axadda, iyadoo lagu soo xirayo xaflad weyn oo ay qeyb ka yihiin fannaaniinta Cawaale Aadan oo Jabuuti ka soo jeeda, Cali Dhaanto oo Itoobiya ka soo jeeda iyo Ikraan Jaamac oo ka soo jeedda Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland.
Itoobiya oo ka fiir saneysa xiriirka ay la leedahay dalal iyo hey’addo
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Dagaalka ka socda dalka Itoobiya
War-saxaafadeedka maanta ay xukuumaddu federaalka Itoobiya soo saartay,
ayay ku sheegtay inay ku qasban tahay inay ka fiirsato xiriirka ay la leedahay
dawlado iyo hay’ado aanay magacyadooda xusin, iyadoo ku andacootay dowladda inay
dalka u soo jeediyaan eedaymo aan caddayn iyo raad toonna lahayn, iyagoo markaa
ka leh dano siyaasadeed.
Dowlada dhexe ayaan magacaabin wadamada iyo hay’adaha ay sheegtay inay ka
dhawaajiyaan dacaayadaha aan loo meel dayin, sida TPLF.
Dowladda ayaa hadalkan soo saartay xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga
Itoobiya uu yahay mid dhinacyo kala duwan leh, isla markaana ay jiraan dilal
iyo barakicin loo geystay dad rayid ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka, ayaa dhawaan ku boorisay
ciidamada difaaca Itoobiya iyo ciidamada Eritrea inay ka waantoobaan
dhaq-dhaqaaqyada ciidan, ayna ilaaliyaan ammaanka dadka aan waxba galabsan.
Sidoo kale, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay oo uu Maraykanku ku jiro,
ayaa dhawaan ka codsaday ciidamada Eritrea inay ka baxaan dalka Itoobiya.
Kadib markii ay bayaanadaasi soo saareen, ayaa waxaa dhawaan magaalooyinka
kala duwan ee dalka Itoobiya ka dhacay isu soo bax dadweyne, oo halku-dhiggiisu
ahaa “Annagu waxaan u istaagi doonaa Itoobiya oo aan garab u nahay”.
“Waxay ka soo horjeedaan faragelinta
aan habooneyn ee reer galbeedka, waana in la xaqiijiyo in aan garab istaagno
dowladda dhinac walba, si loo ixtiraamo madax banaanida iyo midnimada dhuleed
ee dalka,” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah qaban qaabiyayaasha dibad baxa.
Itoobiya ayaa horay warqad digniin ah ugu qortay dalka Ireland, oo ay ku
sheegtay in Ireland ay fulinayso falal ka dhan ah madax-bannaanida Itoobiya, taasoo
la xiriirta dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi Itoobiya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya,
Demeke Mekonon, ayaa warqad u qoray dhiggiisa dalka Ireland, isagoo sheegay in
dalkiisa Ireland ee ku yaalla qaaradda Yurub uu “weerar lama filaan ah ku hayo”
Itoobiya.
"Marka la taageero kooxda TPLF, waxay cadaadis saaraysaa dowladda Itoobiya,
iyadoo adeegsanaysa kursigeeda golaha ammaanka," warqad ayay lagaga
codsaday Itoobiya dowladda Ireland "inay ka fogaato weerarka ay ku hayso Itoobiya".
Dhanka Maraykanka, warbaahinta ku dhow dhow dowladda oo uu ku jiro
telefishinka qaranka, ayaa daabacaya warbixinno sheegaya in maamulka madaxweyne
Joe Biden "uu cadaadis saarayo Itoobiya isagoo la safan sida ay sheegeen
waxa ay ugu yeereen argagixisada".
WHO oo ka dayrisay xaaladda caafimaadka gobolo kamid ah Itoobiya
Saraakiisha Hey’adda Caafimaadka Adduunka ee (WHO), ayaa sheegay in
gelitaanka waqooyiga Itoobiya ay tahay arrin degdeg ah, si loo badbaadiyo
nolosha malaayiin qof oo ay wajahaya “masiibo baahsan” oo dadka baabi’inaysa.
Gobolka Tigray, halkaas oo aan hawada iyo dhulba aan midda laga gali karin
muddo siddeed toddobaad ah, ayey hey’adda WHO awoodi Karin inay sawir cad ka
hesho cudurrada dillaacay.
Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha hey’adda, ayaa waxay sheegeen in
tallaalada carruurta ay joogsadeen, oo sahaydii dareerayaasha dawooyinka tallaalka
ee IV-da, insulin-ta oo loo isticmaalo cudurka Sonkorta iyo antibiyootiga ay ka
dhammaadeen xarumaha caafimaadka intooda badan. In ka yar toban xarumood oo caafimaad,
ayaa ka hawl gasha gobolka.
Waxaa jirta cunto yari iyo shidaal yari ba'an, iyadoo lagu qiyaasay 89%
dadka ku nool Tigrayga ay hadda haysato duruufaha cuntada oo gabaabsi ku ah,
29% caruurtuna waxay la il daran yihiin nafaqo darro.
Guud ahaan gobolada Tigrayga, Axmaarada iyo Canfarta, Qaramada Midoobay,
ayaa waxay ku qiyaastay in 13 milyan oo qof inay u baahan yihiin gargaar
bini'aadantinimo.
Horraantii bishaan, madaxa hey’adda WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo
kasoo jeeda asal ahaan gobolka Tigray, ayaa sheegay inay jirto "fursad aad
u kooban oo loogga hortagayo masiibo baahsan".
Wada hadallada nabadeed ee u dhexeeya dawladda Itoobiya iyo wakiillada
Tigreega, ayaa toddobaadkan ka bilaabmay Koonfur Afrika, laakiin ilaa hadda ma
aysan keenin duruufo saamaxaya in ururada samafalka ay galaan gobolka Tigray.
Madaxweyne Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ruushka
uu in ka badan 30 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku keenay dalkiisa Ukraine
laba maalmood gudahood.
Waxa uu intaa ku daray in guud ahaan, maamulka Moscow ay sidoo kale ku gantay
dalka Ukraine ilaa 4,500 oo gantaallo ah, iyo in ka badan 8,000 oo weerarro
cirka ah.
Isagoo ka hadlayay magaalada Kyiv, oo uu garab taagnaa wax u muuqday
diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lagu farsameeyey Iiraan oo Shaheed la
yiraahdo oo lasoo riday, Zelensky, ayaa waxa uu ballan qaaday inuu "baalasha
ka jari doono" awoodda hawada ee maamulka Moscow.
Saraakiisha reer galbeedka, ayaa aaminsan in Iiraan ay diyaarado badan
siisay Ruushka, balse maamulada Moscow iyo Tehran ayaa beeniyay.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee
Maraykanka, Antony Blinken, uu ku tilmaamay wax laga naxo ficilada gardarada ah
ee Ruushka u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Dublamaasiga ugu sarreeya Maraykanka, ayaa ku eedeeyay taliyayaasha Ruushka
inay aaladahaas u adeegsadeen inay "ku dilaan dadka rayidka ah ee Ukraine,
ayna burburiyaan kaabayaasha ay ku tiirsan yihiin korontada iyo biyaha "
mar uu safar ku tagay caasimadda Canada ee magaalada Ottawa.
"Canada iyo Mareykanka waxay sii wadi doonaan la shaqeynta
xulafadayada iyo saaxiibadayada, si aan u soo bandhigno, uga hortagno, hubka Iiraan
ay siiso Ruushka," ayuu yiri Blinken.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa weerarrada Ruushku waxaa lagu
bartilmaansadey kaabayaasha rayidka ee Ukraine, iyagoo waxyeello u geystay
korontadii iyo biyaha waddanka, xilli heerkulku uu bilaabay inuu hoos u dhaco.
Wadamada reer galbeedka ayaa sheegay in Iiraan ay diyaaradaheeda aan
duuliyaha lahayn ee dalkeeda lagu farsameeyo ay geyso magaalada Moscow, waxaana
khubarada militariga Iiraan ay ku sugan yihiin dhulka Crimea, ee uu Ruushku
gumeysto, si ay taageero farsamo u siiyaan duuliyayaasha.
Maamulka Kyiv ayaa aqoonsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado
weerarada qaar ee kaabayaasha dhaqaalaha inay yihiin kuwa Iiraan ee Shahed-136.
Waxaa loo yaqaanaa diyaaradahani "kamikaze" ee ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn,
sababtoo ah waxay ku burbureen weerarka, oo looggu magac daray duuliyayaashii dalka
Japan, ee duulinayay diyaaradihii lagu fulinayey hawlgalladii ismiidaaminta ahaa
ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Mareykanka oo kala baxaya dal African ah diblumaasiyiintiisa
Xigashada Sawirka, AFP
Qoraalka sawirka, Safaaradda Mareykanka ee magaalada Abuja
Mareykanka ayaa ku amray qaar ka mid ah shaqaalaha diblomaasiyiinta iyo
qaraabadooda inay ka baxaan caasimadda dalka Nigeria ee magaalada Abuja,
sababo la xiriira khatar weeraro argagixiso oo laga cabsi qabo.
Dadka ayaa waxaa laga dalbadey inay ka fogaadaan meelaha dadku ku badan
yahay toddobaadkan ee xaafaddan.
Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa sheegay inay "nasiib darro
tahay" in maamulka Washington aysan lasoo xiriirin dowladdiisa, ka hor
inta aysan ku dhawaaqin digniintan.
Abaarta Soomaaliya oo kasii dareysa maalinba maalinta ka danbeysa
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Abaarta Soomaaliya
Abaarta ka jirta Soomaaliya, ayaa ah mid ka sii dareysa maalinba
maalinta ka dambeysa, iyadoo ay noqotey cabashada shacabka mid xad dhaaf ah.
Dadka qaar ayaa waxaa abaarta u dheer colaad, ay sheegeen in
xaaladda ay uga sii dartay.
Dagaalada ka socda gobolka Hiiraan, ayaa waxay sababeen in qaar
ka mid ah dadka degaanadaasi ay ka qaxaan guryahoodii.
Xaliimo Cusmaan Maxamuud, ayaa waxay tahay dadka ku barakacay
dagaalka kasocda gobolka HIiraan. Xaliimo ayaa waxay kasoo barakacday tuulada
Yasooman ee hoostagta degmada Buulo-Burde, ee gobolka Hiiraan.
Waxay intaa ku dartay inay gashay safar inta badan uu ahaa lug,
iyadoo ugu dambeyna soo gaartay magaalada Baydhabo.
Assalaamu Calaykum
Subax
wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com
Halkan
kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda
qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo
gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.