Dagaalka Itoobiya oo heshiis laga gaaray

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Dagaalka Itoobiya oo heshiis laga gaaray

    Dagaalka Itoobiya

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Dagaalka Itoobiya

    Heshiis nabadeed ayaa laga gaaray dagaaladii sokeeye ee Itoobiyaka holcayey, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la joojiyo colaadda, ka dib labo sano oo dagaal ah.

    Ururka Midowga Afrika (AU), ayaa ku tilmaamay “Waa cusub”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

    Tallaabadan ayaa timid kadib wada hadalo labada dhinac dhex maray, oo ay fududeeyeen Midowga Afrika oo uu dhexdhexaadinayey, madaweynihii hore ee dalka Nigeria, Olusegun Obasanjo.

    Dagaalkan oo u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo jabhadaha TPLF, ee ka dagaalanta waqooyiga Tigray, ayaa horseeday dhibaato bini'aadantinimo oo aad u daran.

  2. Dab khasaare u geystay xargaha internet-ka ee dul mara buurta Kaliminjaro

    Buurta Kaliminjaro
    Qoraalka sawirka, Buurta Kaliminjaro

    Dabka oo ka kacayay buurta Kilimanjaro ee dalka Tanzania, ayaa waxyeelo uu u geystay qaar kamid ah fiilooyinka xargaha internetka, oo saddex bilood kahor lagu rakibay buurtaasi.

    BBC-da ayaa aragtay fiilo dhererkeedu ka badan yahay 4km, oo uu dabku waxyeeleeyay, taasoo marta wadada Marangu.

    Maamulka Tansaaniya, ayaan wali shaacin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

    Burburka fiilooyinkan, ayaa khalkhal galiyay isku xirka internetka meesha ugu sarraysa ee fiilooyinka lagu rakibay, taasoo gaadhaysa joog dhan 3,720m. Buurtu waa meesha ugu sarreysa qaaradda Afrika, dhererkeedu waa 5,895m oo u dhiganta (19,341 ft).

    Dabka ayaa billowday 21-kii Oktoobar, tan iyo xilligaas waxa uu sii qabsanayey meelo badan, iyadoo boqolaal dab-damis ah ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen.

    Xaalad abaareed oo qaatay muddo bilo ah ka dib, ayaa waxaa shalay iyo maanta qeybo ka mid ah buuraha ka da’ay roobab, kuwaasoo damiyay ama yareeyay kasii darista dabka.

  3. Madaxweyne Ruto oo khubad u jeediyay ciidamada Kenya ee kusii jeeda dalka Cong DR

    Ciidamada Keenyaan ah oo nabad ilaalin u tagaya dalka Congo DR

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Ciidamada Keenyaan ah oo nabad ilaalin u tagaya dalka Congo DR

    Munaasabad lagu sagootinayay ku dhawaad ​​1,000 askari oo Keenyaan ah, ayaa la qabtay, iyagoo kamid noqonaya ciidamada nabad ilaalinta, kuwaasoo ka hawl galaya gobolka bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

    Madaxweyne William Ruto, oo la hadlayay guutada Kenya, ayaa sheegay in kooxaha hubeysan iyo kuwa uu ugu yeeray “argagixisada” aan loo saamixi doonin inay dib u dhigaan horumarka gobolka bariga iyo bartamaha qaaradda Afrika.

    Sida uu dhigayo heshiis ay gaareen bulshada Bariga Afrika, ciidamada ayaa lagu wadaa inay bari taaraa ​​​​ciidamada dalka Congo, si ay u xakameeyaan rabshadaha sii kordhaya ee ay wadaan jabhadda loo yaqaan M23.

    Ciidamadan ayaa waxay ku biiri doona askar ka kala socota dalalka Burundi, South Sudan iyo Uganda.

    Howlgalka ugu horreeya ee ciidamada nabad ilaalinta, ayaa noqon doona inay dib ula wareegaan magaalada Bunagana, oo kooxda M23 ay la wareegeen bishii June ee ina dhaaftay.

  4. Duullaanka Ruushka iyo waxyeellada uu ka gaystay Ukraine.

    Qoraalka Muuqaalka, .
  5. Kaneeco kasoo duushay Aasiya oo faro kulul ku heysa Afrika

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Saynis yahanada ayaa sheegay in ay hayaan caddaymo cusub oo muujinaya in nooc ka mid ah kaneecada faafisa cudurka duumada oo ka timid qaaradda Aasiya ay ku faafeyso qaaradda Afrika, halkaasi oo ay khatar "gaar ah" ku keeni karayso tobanaan milyan oo qof oo deggan magaalooyinka.

    Afrika, oo laga diiwaan geliyay in ka badan 95 % dhimashada uu sababay cudurka duumada oo gaartay 627kun oo qof adduunka oo dhan sanadkii 2020-kii, ayaa kaneecadu waxay inta abdan ku faaftaa deegaananda miyiga fog ku yaal oo ay ku badan tahay kaneecada Anopheles gambiae.

    Kaneecada Anopheles Stephensi, oo muddo dheer ahayd mid cudurka duumada ugu weyn ee ku faafiso magaalooyinka waddaamda India iyo Iran, ayaa hadda la leeyahay waxay ku tarmi kartaa meelaha biyaha lagu keydsado ee magaalooyinka, taasi oo la micno ah in ay tarmi karto xilliyada abaaruhu xitaa ay jiraan.

    Waxa kale oo ay u adkaysi u leedahay sunta cayayaanka lagu buufiyo ee sida caadiga ahi loo isticmaalo.

    Cilmi-baaris la sameeyay 2020 ayaa lagu ogaaday in haddii nooca kaneecada ee Anopheles Stephensi ay si weyn ugu faafto Afrika, in in ka badan 126 milyan oo qof oo ku nool 44 magaalo ay halis ugu jiraan cudurka duumada.

    Shalay oo Talaado ahayd ayaa cilmi-baarayaashu waxay daaha ka qaadeen caddaymihii ugu horreeyay ee muujinaya in cudurka duumada ee ka dillaacay dalka Itoobiya horaantii sanadkan ay keentay nooca kaneeda ee Anopheles Stephensi.

    Magaalada Diridhaba ee ku taal bariga Itoobiya, oo marin u ah isu-socodka caasimadda Addis Ababa iyo Jabuuti, waxaa sanadkan 2019-kii laga soo sheegay 205 xaaladood oo duumo ah.

    Si kastaba ha ahaatee sanadkan in ka badan 2,400 xaaladood ayaa la soo sheegay intii u dhaxaysay Jannaayo iyo May.

    Anopheles Stephensi ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in laga helay Soomaaliya, sida ay sheegtay WHO, oo bishii September bilowday hindise ay ku joojineyso faafitaanka kaneecada ee Afrika.

    Natiijooyinka ayaa yimid kaddib markii Machadka Cilmi-baarista Caafimaadka ee Nigeria uu xaqiijiyay bishii Luulyo in uu markii ugu horreysay laga helay Anopheles stephensi Galbeedka Afrika.

  6. Haweeney hoggaamin jirtay dagaalyahanada IS ee haweenka ah oo xukun lagu riday

    Allison Fluke-Ekren

    Xigashada Sawirka, ALEXANDRIA SHERIFF'S OFFICE

    Qoraalka sawirka, Allison Fluke-Ekren

    Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo qiratay inay hoggaamineysay guuto ka tirsan dagaalyahanada haweenka ah ee ururka la magac baxay dowladda Islaamka ee bariga dhexe ayaa waxaa 20 sano oo xarig ah ku ridday maxkamad ku taalla Mareykanka.

    Allison Fluke-Ekren waxay qiratay dambiga ah inay tabbabar militeri siisay in ka badan boqol haween ah iyo gabdho.

    Haweeneydan oo 42 waxay horey falal argagixiso uga geysatay dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Libya muddo 8 sano ah ay ku sugneyd halkaas.

  7. Maxay ka wada-hadleen Xassan Sheikh iyo António Guterres?

    .

    Xigashada Sawirka, SONNA

    Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ooka qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta ayaa halkaas kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres, isaga oo kala hadlay dagaalka dowladdu ay kula jirto Al-Shabaab iyo muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka si loo soo af-jaro argagixisada, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee SONNA.

    "Xoghahaya Qaramada Midoobey António Guterres ayaa bogaadiyay sida dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ay uga mideysan yihiin ammaanka dalka iyo dhammeystirka dowlad dhiska Soomaaliya, isaga oo intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka argagixisada, tayeynta ciidanka qalabka sida iyo arrimaha la xiriira Isbedelka cimilada iyo deegaanka." Ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Villa Somalia.

    Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa Qaramada Midoobay ka codsaday in ay sii kordhiso taageerada bani’aadannimo iyo tan farsamo ee ay siiyaan dowladda Soomaaliya si loo xaqiijiyo xasiloonida dalka iyo in ciidanka Soomaaliyeed ay la wareegaan kuna filnaadaan ammaanka dalka.

  8. K/Waqooyi iyo K/Koonfureed oo markii ugu horreysay Gantaallo isu adeegsaday

    .

    Xigashada Sawirka, YONHAP/REUTERS

    Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa markii ugu horreysay isu adeegsaday gantaallo iyaga oo la beegsaday xeebaha labada dal.

    Seoul ayaa ka jawaabtay Arbacadii saddex saacadood ka dib markii Pyongyang ay ridday gantaal ku dhacay meel 60km (37mi) u jirta magaalada koonfurta ee Sokcho.

    Milateriga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in tani ay tahay "wax aan la aqbali karin" oo lagu xad-gudbay dhulkooda.

    Koonfurta Waxa ay ridday saddex gantaal oo cirka iyo dhulka ah iyada oo ka jawaabaysa, kuwaas oo ay saraakiishu sheegeen in ay ku dhaceen masaafo la mid ah khadka Waqooyiga .

    Kuuriyada Waqooyiga ayaa Arbacadii ugu yaraan 10 gantaal ku ridday dhanka bari iyo dhinaca galbeed , sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

    Waxay arrintan ku soo beegmaysaa maalin uun ka dib markii Kuuriyada Waqooyi ay ugu hanjabtay Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed dhoolatuskooda milateri ee wadajirka ahaa, iyadoo sheegtay in "Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed wajihi doonaan caqabado xun ayna la kulmi doonaan natiijadii ugu xumayd taariikhda".

    Waxaa jira walaac laga qabo in hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uu diyaar garow ugu jiro tijaabadii ugu horeysay ee hubka Nukliyeerka ah.

  9. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.

  10. Maroodi caanka ah Kenya oo geeriyooday

    Maroodiga dhintay ayaa looggu wanqalay Dida

    Xigashada Sawirka, Twitter/ KWS

    Qoraalka sawirka, Maroodiga dhintay ayaa looggu wanqalay Dida

    Dadka ilaaliya deegaanka iyo duurjoogta ee dalka Kenya, ayaa u baroor diiqaya Maroodi caan ahaa oo dhintay, oo 65 jir ahaa, kaasoo ku dhintay beerta qaranka ee Tsavo.

    Maroodiga dhintay ayaa looggu wanqalay Dida, isagoo ku dhintay da weyn, sida ay sheegtay waaxda duurjoogta Kenya.

    Dida, oo sidoo kale loo yaqaan "Boqoradda Tsavo" ayaa waxay ka badbaaday caqabado badan, sida abaarta iyo in laga ugaarsiga deegaanka ugu weyn ee Kenya.

    Ilaaliyeyaasha ayaa bartooda Twitter-ka ku amaanay Dida, oo ay ku tilmaameen inay aheyd xayawaan ad adag markii ay dhibaato soo wajahdo.

    Waxay dadka la wadaageen xubnihii xanaanaynayey maroodiga sawirro, kuwaaoso muujinaya iyada oo sii galeysa beerta duurjoogta ee ugu weyn waddanka, halka beertu ay leedahay ciidda cas.

    Maamulka seeraha ayaa ku tilmaamay Dida, run ahaantii shucladdii seeraha qaranka Tsavo, iyo kayd weyn oo tobaneeyo sano oo xusuus mudan.

    Dhanka kale labo maroodi, ayaa macaluul ugu dhintay kaymaha Imenti ee ku yaalla buuraha Kenya.

    Abaarta hadda jirta ayaa saameyn weyn ku yeelatay duurjoogta, iyadoo in ka badan 100 maroodi la diiwaan geliyey inay ku dhinteen seerayaasha Qaranka ee Bariga iyo Galbeedka ee Tsavo ee Koonfur-bari Kenya, sida ay sheegtay Hay’adda Duur-joogta Afrika ee Kenya.

    Ilaaliyeyaasha ayaa sheegaya in tani ay tahay dibu dhac, marka loo eego guulaha la gaaray sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo hoos u dhaca kiisaska ugaarsiga ay sabab u tahay kor joogteynta iyo ilaalinta ay ku dheehan yihiin kamirooyinka.

  11. Tirada dadka Tansaaniya oo korodhay ku dhawaad ​​40% tobankii sano ee la soo dhaafay

    Madaxweynaha Tansaaniya, Samia Suluhu Xasan

    Xigashada Sawirka, Twitter

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Tansaaniya, Samia Suluhu Xasan

    Tirada dadka dalka Tansaaniya, ayaa kor u kacday 44.9 milyan sanadkii 2012-kii, illaa in ka badan 60 milyan toban sano gudahood, marka loo eego natiijooyinka tirakoobka qaran ee lagu dhawaaqay Isniintii.

    Tirada dadka oo kor u kacday in ka badan 37%, ayaa keentay in Madaxweynaha Tansaaniya, Samia Suluhu Xasan, ay ka digto caqabadaha ka dhalan kara tirada sii kordhaysa.

    "Dadkan oo kale waxaa laga yaabaa inaysan wax weyn u ahayn dal weyn oo annaga oo kale ah, laakiin waa culeys marka ay timaado qoondeynta kheyraadka iyo bixinta adeegyada bulshada," Madaxweyne Samia, ayaa waxaa hadalkaasi kasoo xigatay wakaaladda wararka ee AFP.

    Dumarku ayaa waxay ka yihiin 51% dadweynaha guud, marka loo eego natiijooyinka tirakoobka.

    Dadka ku nool caasimadda Dodoma, ayaa waxay kor u kaceen hal milyan ilaa 3.1 milyan, halka xarunta ganacsiga, ee magaalada Dar es Salaam, ay tahay gobolka ugu dadka badan oo ay ku nool yihiin 5.4 milyan.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  12. Fannaan caan ahaa oo toogasho lagu dilay

    Takeoff

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Fannaanka caanka ah ee heesaha Raab-ka, Takeoff, oo ka tirsanaan jiray kooxda Migosbandhas ayaa toogasho lagu dilay, sida ay tebisay warbaahinta Mareykanka.

    Falkan lagu dilay fannaanka ayaa ka dhacay magaalada Houston ee gobolka Texas.

    Booliska ayaa sheegay in Takeoff la dilay aroornimadii maanta oo Talaado ah, waqtiga maxalliga ah.

    Magaca dhabta ah ee fannaanka 28 jirka ahaa waa Kirshnik Khari Ball.

    40 ilaa 50 qof ayaa isugu yimid meel uu ku ciyaarayay Kirshnik Khari Ball, waxaana mar qura si lama filaan ah rasaas ugu furay qof ka mid ahaa dadkaas, sida ay boolisku sheegeen.

  13. Baadigoobka dad lagu waayey qaraxyadii Sabtidii oo ka socda Muqdisho

    Magaalada Muqdisho waxa wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe, kuwaas oo markii cid ugu war dameysay joogay halka ay dhibaatadu ka dhacday.

    Guddiga gurmadka ayaa wada tira koobka dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarradii Sabtidii, waxayna sheegeen in dadka la la’yahay ay toban kor u dhaafayaan.

    Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen waxa laga ururiyay hilbo iyo xubno googo’ay, waxayse mushkiladu tahay inaan lahayn shaybaarka lagu hubiyo ama lagu qaado dheecaanka hide sidaha ah ee loo yaqaano DNA, kaas oo sahli lahaa in la ogaado cidda ay yihiin hilbhaas ama xubnahaas la uruuriyay.

    Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa saaka tagay xarunta Gurmadka, wuxuna la kulmay gudoomiye kuxigeenka Hay’adda Maareynta Musiiooyinka Axmed Cabdi Aadan, wuxuna marka hore weydiiyay halka ay marayaan hawlaha gurmadka ee socda.

    Qoraalka Codka, .
  14. Toos: Idaacadda Duhurnimo.

  15. Muuqaalka buundo la go'day boqolaal qof oo dul saarnaa

    Qoraalka Muuqaalka, .
  16. Faragelin shisheeye ayay ka socon la'yihiin wada-hadalladii nabadeed ee Itoobiya - Abiy Axmed

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in "faragelin weyn oo dhanka dibadda ah" lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray balse uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.

    Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN), Mr Abiy ayaa sheegay in reer Itoobiya ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin. "Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay," ayuu yiri Abiy.

    "Waa inay fahmaan inaan arrimaheena anaga xallin karno." Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay qabsashada ay ciidamada federaalku qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa .

    "Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal maamul oo ka tirsan dalka Itoobiya," ayuu yiri.

  17. Hay'adda Amnesty oo digniin u dirtay Kooxda Al-Shabaab

    “Kooxda hubeysan ee Al-Shabaab waa in ay joojisaa weerarada aan loo meel dayin ee ay ku heyso dadka rayidka ah, sidoo kale mas’uuliyiinta Soomaaliya waa in ay xaqiijiyaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah,” ayay tiri hay’adda xuquul insaanka ee Amnesty International,

    Hadalka Amnisty ayaa imanaya kaddib markii laba baabuur oo ay walxaha ka buuxaan Sabtidii aynu soo dhaafnay lagula beegsaday magaalada Muqdisho, oo ay mas’uuliyadeeda sheegatay Al-Shabaab, laguna dilay dad boqol kor u dhaafaya, sidoo kalana in ka badan 300 oo kale ay ku dhaawacmeen.

    “Amnesty International waxay tacsi u direysaa dhammaan dadkii ku waayey eheladooda kadib weerarradii naxdinta lahaa ee Sabtidii. Falalka naxariis darada ah ee al-Shabaab waa dambiyo marka loo eego sharciga caalamiga ah, waxaana aad muhiim u ah in dhammaan kuwa lagu tuhunsan yahay in ay mas’uul ka yihiin dambiyadan ay wajahaan maxkamadeyn caddaalad ah,” ayuu yiri Muleya Mwananyanda, Agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

  18. Maxamed Shire "Maadaama anaga aan badbaadnay saaxibadeeni geeriyooday waxaan rajeynayaa in awlaadoodi aan ogaan doono".

    Qoraalka Muuqaalka, .
  19. Dhagayso sheekada Cabdulqaadir oo aragga naafa ah oo ku sugnaa Soobe Sabtidii

    Dadka qaraxyadii Sabtidii ka dhacay magaalada Muqdisho ku dhaawacmay waxaa ka mid ah dad naafo ah, oo qaarkood ay ku adkeyd inay goobta ka baxsadaan.

    Kuwa aragga naafada ka ah ayaa ugu daran oo inay qiyaasaan waxa dhacay mooyaane aanay arki Karin sida ay wax u dhaceen iyo halka ay ka dhaceenba.

    Dadkaas waxaa ka mid ah Cabdulqaadir Maxamed Calasow, oo ah maamulaha iskuulka dadka aragga naafada ka ah ee Al-Basiir ee magaalda Muqdisho, kaas oo haatan lagu dabiibayo isbitaalka Dr Sumait ee Jaamacadda SIMAD.

    Cabdulqaadir, qaraxan wuxuu ahaa kii labaad ee uu ku dhaawacmo. Weriyaha BBC-da Faadumo Macallin Abuukar ayuu uga warramay sida ay wax u dhaceen.

    Qoraalka Codka, .
  20. Muddada Howlgalka UNSOM ee Soomaaliya oo la kordhiyay

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kaddib dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Golaha Ammaanka ayaa kordhiyey muddadii hawlgalka ee ay ka wadeen Soomaaliya iyada oo lagu daray hal sano oo cusub.

    Xubnaha golaha ayaa sida oo kale cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.Goluhu waxa uu ka codsaday UNSOM in ay ilaaliso isla mar ahaantaana xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalkaas iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

    Waxaa goobta ku sugnaa oo ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo mahadcelin kaddib sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballan qaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.