Maxaabiis burburineysa qabuuraha burcad waa hore la xabaalay

Xigashada Sawirka, Reuters
Maxaabiista ku xiran dakja El Salvador, ayaa wada burburinta qabuuraha xubnihii kamid ahaan jiray burcadda ee geeriyooday, iyagoo ay dowladdu isku dayayso inay wiiqdo awooddooda.
Maxaabiista oo ku hubaysan biro iyo burusyowaa weyn, ayaa loo diray xabaalaha Santa Tecla, si ay u burburiyaan qabuuraha magaalada Mara Salvatrucha.
Sida loo yaqaan kooxda MS-13, ayaa waxaa lag tilmaamaa inay tahay mid kamid ah burcadda ugu naxariista daran adduunka, oo caan ku ah rabshadaha xad ka baxa ah.
Madaxa xabsiyada dalka, ayaa sheegay in qabuuraha la burburinayo, sababtoo ah "ma jiro argagixiso u qalma in aqoonsi loo sameeyo".
Osiris Luna, ayaa intaa ku daray in tani ay tahay "sababta aan u baabi'ineyno dhammaan raadadka kooxahan. Dalkan, burcaddu meel ugama bannaana."
Burburinta qabuuraha ku yaal agagaarka magaalada caasimadda ah ee San Salvador iyo Colón ee ku dhow, ayaa la fulinayaa xilli sannad kasta ay qoysasku booqdaan qabuuraha eheladooda, ee maalinta dhimashada (Día de Muertos).
Maayarka magaalada, ayaa sheegay in maxaabiistu ay burburiyeen ku dhawaad 80 xabaalood, sidoo kalena ay ka takhaluseen qoraallada lagu aqoon karo burcadda.
Mid kamid ah dadka ubaxa u qaadaya qabriga qaraabadiisa Arbacadii, ayaa sheegay in inkasta oo ay ahaan jirtay "caadi in la arko xubnaha burcadda ah ee gudaha xabaalaha, ha yeeshee wuxuu sheegay in haatan aanay jirin wax la arki karo".
Sannadkii 2012-kii, dalka El Salvador, ayaa waxay ahayd xiligii ugu badnaa ee lagu dilo dad adduunka oo idil, wixii xilligaas ka dambeeyayna mas’uuliyiintu waxay wadeen olole ka dhan ah kooxaha burcadda ah.
Xaalad degdeg ah ayaa la dhaqan geliyay tan iyo bishii Maarso, markaasoo rabshado burcad ah ay hal maalin ku dhinteen 62 qof.
Tallaabooyinkan, ayaa waxay hoos u dhigeen xuquuqaha dastuuriga ah, sida xaquuqda isu imaatinka, waxaana ciidamada ammaanka la siiyay awood dheeraad ah, oo ay ku fulin karaan xarig. Xukunada xubinnimada gaangiska waa la kordhiyey.
In ka badan 56,000 oo qof, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxo burcad ah.
Hay’adaha xuquuqul insaanka, ayaa sheegay in tillaabooyinka u ogolaanaya booliiska inay soo xiraan dadka laga shakisan yahay amar la’aan ay horseedeen xarig aan loo meel dayin, oo ay ku jiraan kuwa carruur ah.
Balse dowladdu waxay ku doodaysaa inay dalka ka dhigeen mid ammaan ah.
Ugu yaraan 80 qof ayaa ku dhintay xabsiga, tan iyo markii ay bilaabatay xaaladda degdegga ah.



