Maxaa hor taagan in la soo celiyo kumannaanka dhalinyaradii Eritrea tababarka loogu qaaday?

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah

Tebin toos ah

  1. Milatariga Soomaaliya oo sheegay in uu iska difaacay weerar ay Al-Shabaab ku soo qaaday

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraanayaa sheegaya in saaka aroortii dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidanka Gorgor ku lahaayeen deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan.

    Warar madax banaan ayaa sheegaya in labada dhinacba u khasaare ka soo gaaray dagaalka, inkastoo dhinaca milatariga Soomaaliya uu sheegaya in ciidankooda aysan jirin wax dhimasho ah.

    Afhayeenka milateriga Somalia Gen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa BBC-da u sheegay in weerarka ay ka sii warhayeen oo ay iska difaaceen.

    Qoraalka Codka, .
  2. Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay maamulan 70% gobolka Tigray

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda federaalka ay hadda gacanta ku hayaan 70% gobolka waqooyi ee Tigray, arrintaas oo uu beeniyay sarkaal ku sugan gobolka uu dagaalku ka dhacay.

    La taliyaha amniga qaranka Itoobiya, Redwan Hussien ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in "in boqolkiiba 70% gobolka Tigray ay hoos yimaadaan ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya.

    Afhayeenka Jabhada TPLF Getachew Reda ayaa si kastaba ha ahaatee beeniyay sheegashadaasi, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee AFP.

    Wakiilada Tigreega iyo xukuumadda ee ku sugan Addis Ababa ayaa toddobaadkan ku shiray dalkaKenya, si ay uga wada hadlaan dhaqan gelinta heshiiskii nabadeed ee todobaadkii hore lagu kala saxiixday dalka Koonfur Afrika.

  3. Dedaalayo xal buuxa loogu raadinaya biyo yarida baahsan ee ka taagan Garissa

    Maamulka Gaarisa ayaa sheegay inuu ku dedaalayo sidii xal buuxa loogu heli lahaa biyo yarida baahsan ee ka taagan magaaladaas oo uu maro webiga Tana.

    Axmed Maxamed Ibraahim oo maamulka Garaisa u qaabilsan arrimaha biyaha ayaa sheegay in tirada dadka ku nool magaalada oo badatay awgeed ay caqabad ka haysato helitaanka biyo ku filan.

    Xaafadaha magaalada ayuu sheegay in midba maalin loo daayo biyaha si loo beeqaamiyo ayna dadka oo dhan u gaaraan.

    Qoraalka Codka, .
  4. Haddii aad qabto cudurka sokorowga/macaanka iska ilaali cuntooyinkan

    Qoraalka Muuqaalka, .
  5. Itoobiya: Duqeymo dhanka cirka ah oo lagu dilay dad rayid ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Dad rayid ah ayaa lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ka dhacay magaalada Mandi ee galbeedka Itoobiya, oo qiyaastii 500km dhanka galbeed ka xigta caasimadda Addis Ababa, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC.

    Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay maalintii Arbacada lasoo dhaafay ka dhacday magaalada ay maamulayeen malleeshiyaadka Oromada (OLA) maalmo un kadib markii ay dagaal la galeen ciidamada amaanka ee dowladda.

    Qof ka mid ah dadka deegaanka oo magaciisa qariyay ayaa BBC-da u sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanayso maleeshiyaadka balse dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay u badan yihiin dad rayid ah.

    Qof kale oo ka mid ah dadka magaalada oo si qarsoodi ah ula hadlay BBC-da si uu ammaankiisa u ilaaliyo ayaa ku sheegay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqeyntaasi ugu yaraan 20 qof.

    Waxa uu sheegay in ku dhawaad ​​7 ilaa 8 qof ay isla markiiba dhinteen halka 13 kalena la dhigay isbitaalka oo ay halkaasi ugu geeriyoodeen dhaawacyadii soo gaaray.

  6. Maxaa hor taagan in la soo celiyo kumannaanka dhalinyaradii Eritrea tababarka loogu qaaday?

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalintii labaad ku sugan dalka Eritrea halkaas oo ay sanado tababar ugu maqan yihiin kumannaan dhalinyaro Soomaali ah oo ciidan ahaan loo qaaday.

    Arrinta askarta ku maqan Eritrea ayaa khilaaf xooggan ka dhalisay gudaha Soomaaliya, waxaana ay qeyb ka ahayd ololaha doorashadii dhacday bartamihii May.

    Haddaba maxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo bilo gudahood ah laba goor safar ku tago Eritrea, maxaa se hortagaan in la soo celiyo ciidankaas? Su'aalahaas ayaa waxaan hordhignay wasiirkii arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad.

    Qoraalka Codka, .

    Waalidiinta dhalinyaradaas ayaa muddo codsanayay in dalka lagu soo celiyo wiilashooda. Waxaa kamid ah Sacdiyo Mowliid Cabdi oo wiilkeeda uu kamid yahay askarta lagu tababaray Eritrea.

    Weriyaha BBC Cabduqaadir Yuusuuf Cali ayay uga warrantay dareenkeeda iyo waxa ay ka filayso safarka Madaxweynaha.

  7. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.

  8. Haweenka Afghanistan oo laga mamnuucay maalmaha qaar goobaha la isugu soo baxo

    Haweenka reer Afghanistan

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Haweenka reer Afghanistan

    Maamulka Taliban ayaa ka mamnuucday haweenka inay tagaan dhammaan jardiinooyinka ama xadiiqooyinka ku yaalla magaalada Kabul, iyadoo ay muuqato inuu maamulku kahor tagayo in qeyb ka noqdaan haweenka nolosha guud ee dalka Afgaanistaan.

    Afhayeen u hadlay wasiir ku-xigeenka iyo wanaag farista, ayaa BBC-da u sheegay kuwa maamulaya seeraha ama goobaha la isugu yimaado ee caasimadda in loo sheegay inaysan u ogolaanin haweenka.

    Kooxdu waxay ku andacoonaysaa in aan lagu dhaqmin sharciyada Islaamka ee jardiinooyinka.

    Xuquuqda iyo xoriyada haweenka, ayaa si weyn loo xaddiday, tan iyo markii ururka u janjeera dhanka Islaamka ee Taliban uu la wareegay awoodda dalkani bishii Ogosto ee sanadkii 2021-kii.

    Marka loo eego xeerarka Taliban ee ku saabsan kala soocista dadka jinsiga, haweenka ayaa waxaa loo oggolaaday inay tagaan jardiinooyinka saddex maalmood toddobaad kasta, kuwaasoo kala ah - Axad, Isniin, Talaadada - iyadoo ragga Iyana loo fasaxay afarta soo hartay.

    Haatan dumarka loomma oggola goobaha la isugu soo baxo, xitaa haddii ay weheliyaan rag qaraabo ah.

  9. Madaxweynaha Soomaaliya oo gaarey dalka Eritrea

    Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isias Afewerki

    Xigashada Sawirka, Yemane G. Meskel

    Qoraalka sawirka, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isias Afewerki

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaarey magaalada Asmara, isagoo safar shaqo oo rasmi ah oo afar maalmood ah ku jooggi doonna dalka Eritrea.

    Madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa waxaa si diiran looggu soo dhaweeyay magaalada Asmara. Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa waxaa soo dhoweeyey Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afawerki.

    Waa safarkii labaad ee uu ku tago dalka Eritrea Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud muddo wax yar ka badan sanad barkii.

    Arrinta ugu weyn ayaa waxay tahay sida uu horey u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh askarta Soomaaliyeed ee gaareysa shanta kun, ee joogta dalka Eritrea, sidii dib looggu soo celin lahaa dalka Soomaaliya.

  10. Maxaa ka jira in Al-Shabaab laga qabsaday tuulada Wabxo oo ay 15 sano ganacanta ku hayeen?

    Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa sheegay in ay maanta gudaha u galeen tuulada Wabxo ee gobolka Galgaduud, halkaasi oo tobankii sano ee la soo dhaafay ay gacanta ku hayeen ururka Al-Shabaab.

    Wabxo waxay qiyaastii dhawr iyo afartan km u jirtaa degmada Ceelbuur, oo ah magaalo qadiimi ah oo ay Al-Shabaab maamulayeen muddo ka badan toban sano.

    Ciidamada Dawladda iyo kuwa deegaanka intii ay ku socdeen Wabxo, waxay horey gacanta ugu sii dhigeen dhawr tuulo, waxana meelaha qaar ku qabsaday iska caabbin ay kala kulmeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

    Haddaba si aan u helno warrarkii ugu dambeeyay ee Wabxo, waxaan la xiriirnay Xildhibaan Cabdirixiin Axmed Bariise oo ka tirsan baarlamaanka Galmudug oo la socday ciidamada is-garabsanaya ee la wareegay gacan ku haynta Wabxo.

    Qoraalka Codka, .
  11. TOOS: Idaacadda Duhurnimo

  12. Madaxweyne Xassan Sheikh oo dib u habayn ku sameeyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Dhaqaalaha Qaranka, sida lagu baahiyay bogga Facebook ee Villa Soomaaliya.

    Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo uu Guddoomiye ka yahay Madaxweynaha J.F.S, halka Ra’iisul Wasaaruhuna yahay Guddoomiye ku xigeen, oo ka koobnaa saddex heer, ayaa waxaa lagu soo koobay laba heer:

    1-Heerka Jaangooynta Siyaasadda iyo Go’aamada Dhaqaale ee Masiiriga ah oo aan waxba laga badelin waxaa xubno ka ah:

    Madaxweynaha J.F.S, Ra’iisul Wasaaraha, Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka marka loo baahdo go’aan ka gaarista qodobbo saamaynaya.

    2-Heerka La-talinta iyo Xog-heynta oo kooban 9 xubnood oo La-taliyayaal ah iyo Xog-heynta oo lagu soo xulay aqoontooda iyo khibraddooda, ayaa hoos imaanaya Xafiiska Madaxweynaha.

    Heerka la-talinta iyo iyo xog-heynta waxaa agaasime guud u ah La-taliyaha Sare ee Dhaqaalaha Madaxweynaha, kaas oo mas’uul ka ah isku-duwidda maamulka heerkaan ee Golaha.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kala diray xubnihii hore ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka ee isugu jiray 5 xubnood oo Soomaali ah iyo 4 xubnood oo aan Soomaali ahayn,

  13. Diimow waxa uu wargeys ku iibinayay wadooyinka magaalada Muqdisho 30 sano

  14. Ciidamada Soomaaliya oo "100 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay" howlgallo

    Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay dileen ku dhawaad ​​100 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgalo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan koonfurta iyo bartamaha dalka.

    Howlgallada ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galguduud, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna.

    Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo saartay warbixinno ay ku sheegtay in ay ku dileen boqolaal ka tirsan Al-Shabaab.

    Dowladda ayaa dhawaan ka mamnuucday ilo ka tirsan warbaahinta sida gaarka ah loo leeyahay in ay tabiyaan wararka ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Al-Shabaab.

    Tan iyo bishii Ogosto, ciidamada iyo maleeshiyo beeleedyada ayaa dagaal kula jiray maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Koonfurta iyo Bartamaha, iyagoo kooxda ka saaray tobanaan tuulo iyo magaalooyin.

  15. Walaac laga muujiyay furriinka iyo guur yarida ku soo batay Soomaalida Kenya

    Warbixin ay soo saartay maxkamadda gaarka u ah Muslimiinta Kenya ayaa lagu sheegay in magaalooyinka ku yaalla Waqooyi Bari ay sanadkii la soo dhaafay aad ugu bateen kiisaska furriinka dumarka ama burburka qoysaska.

    Waxaa warbixinta lagu sheegay in magaalooyinka Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera uu furriinka ka badnaa guurka, taasina ay tahay arrin walaaceeda leh. Warbixinta ayaa lagu saleeyay kiisaska ay maxkamaduhu qaadeen.

    Sheekh Xasan Cameey waa wakiilka ururka ay ku mideysan yihiin Muslimiinta Kenya u qaabilsan magaalada Gaarisa ayaa ka warramay umuurtaas.

  16. Ciidamada Itoobiya oo gacanta ku dhigay 100 dhallinyaro ah oo doonayay inay ku biiraan Al-Shabaab

    .

    Xigashada Sawirka, FDRE Defense Force

    Ciidamada Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen in ka badan 100-dhalinyaro ah oo doonayay in ay dalka ka dhoofaan si ay ugu biiraan Al-shabaab ee Soomaaliya.

    Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa shalay bartooda Facebook-ga ku soo qoray in dhalinyaradan loogu sheekeeyay in ay dalka isaga baxaan oo ay ku biiraan Al-Shabaab, waxaana ay intaa ku dareen in kooxda Al-Shabaab ay isku dayaysa in ay gudaha u galaan dalka Itoobiya.

    Bishii Ogosto, ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ay dileen in ka badan 800 oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo ka soo tallaabay xadka dalka, halkaas oo uu ka dhacay dagaal culus oo socday 10 maalmood.

  17. WHO oo ka hadashay xaaladda gobolka Tigray ka dib heshiiskii lagu dhawaaqay

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in aysan jirin wax cunto ah ama dawo ah oo soo gaaray gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ka dib xabad joojintii lagu dhawaaqay todobaadkii hore.

    Qaramada Midoobay ayaa ku eedaysay dowladda Itoobiya in ay macaluul u adeegsatay hub dagaal intii uu socday dagaalka, iyada oo sheegtay in shacabka ku nool gobolkaas la go'doomiyay.

    "Ma jiraan wax kala socda," ayuu yiri madaxa WHO Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus. "Waxaan filayey in cunno iyo dawo ay billaabaan isla markiiba xabbad joojinta ka dib. Taasi ma dhicin."

    Waxa uu sheegay in dadka ay u dhimanayaan gaajo iyo cuduro la daweyn karo. Dr Tedros, oo ka soo jeeda Tigray, ayaa ku baaqay in dib loo soo celiyo isgaarsiinta, bangiyada iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

    Sarkaal ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegay in Dr Tedros uu isku dayayay in uu wiiqo heshiiska nabada – iyo in cunnada iyo dawooyinka la gaarsiiyay gobolka Tigray.

    Waxa uu sheegay in dib loo soo celiyay adeegyadii Korontada iyo Isgaarsiinta ee meelaha qaar.

  18. Asalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee aan ku soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo calaamka intiisa kalaba.