Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkii ay ku qaadeen hoteel Villa Rays

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Rootiga baguette ee Faransiiska maxaa ka dhigay shey caalami ah ?

    baguette
    Qoraalka sawirka, baguette

    Wax kasta oo kale marka laga soo tago waxaa lagu warramayaa in Faransiiska soo saaro 16 milyan oo xabbo oo rooti ah maalintii.

    Inkasta oo ay sidaas tahay rootiga ayaa hoos u dhacay sanadihii la soo dhaafay iyadoo foornooyinka rootiga ay halgan kula jiraan kor u kaca waxyaabaha qaar sida suuqyada casriga ah ee Super marketyada iyo caanimada isa soo taraysa ee nooca cusub ee rootiaga eesourdough.

    Haatan waxaa jira wax ay tahay in loo dabbaal dego iyadoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan culuunta iyo sayniska ee Unesco ay rootiga baguette ay ku dartay waxyaabaha ay ku tilmaantay kuna dartay liiska kuwa aan dhaqan ahaan dhaxalka ah ee aan la taaban Karin .

    Waxay sheegtay in ay ku dartay noocan rootiga 600 shay oo kale iyadoo noocan rootiga uu ku biiri doono shaaha dhaqanka ee lagu sameeyo dalka Shiinaha iyo ciyaarta wejiga la xirto ee kuuriya ee loo yaqaano talchum oo markii ugu horreysay sanadkan lagu soo daray waxyaabaha dhaxal ahaan loo ilaalinayo.

    “Xirafadahan iyo waxyaabahan ay bulshooyinku caado u leeeyihiin adeegsigooda iyo cunistooda way sii socon doontaa inay sii jiraan mustaqbalka “ ayuu yiri madaxa Unesco Audrey Asoulay, oo sii raaciyey in rootigan baguette uu yahay mid maalin walba la xuso sidoo kalena ah cunto ahaan la cuno lana jecel yahay

    Waqtigii uu soo bilowday Rootigan wax badan lagama yaqaano laakiin qaar waxay soo jeedinayaan in rootigan uu amray Napoleon waayo waa mid fudud oo ay sahlaneyd in askartu qaataan , iyadoo da kalena ay sheegayaan in xilligaas uu ka horreeyey wuxuu ahaa rooti ay fududahay in shaqaaluhu kala goostaan oo wadaagaan iyagoo aa u baahan mindi ay ku kala jaraan marka la joogo Paris.

    Si kasta oo ay tahayba rootiga baguette sida aan hadda u naqaano maanta waxaa loogu magacdaray qarni ka hor sanadkii 1920kii .

    Markaa ka dibna waxaa jiray sharciyo gaar ah oo adag oo loo gaar yeelay rootiganoo ah in uu lahaa sicir go’an tan iyo 1986dii

    Bartamihii qarniga 20 aad wuxuu rootigan ku guuleystay dalka Fraansiiska oo dhan laakiin tan iyo 1970kii ilaa 400 foorno ayaa la xiray sanad kasta , iyadoo tirada foornooyinka guud ahaan dalka Faransiiska ay hoos u dhaceysay55,000 ilaa 35,000 oo ay maanta gaaartay.

    Sidaa oo ay tahayna rootigaas waa calaamadda lagu garto Faransiiska iyadoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in rootiga baguette laga maseyr san yahay caalamka oo dhan.

  2. Arday u dhashay Nigeria oo xabsiga loo dhigay in uu aflagaadeeyey Marwada Madaxweynaha

    NIGERIA
    Qoraalka sawirka, NIGERIA

    Dalka Nigeria waxaa ka jira caro sii kordheysa oo ka dhalatay xarigga arday dhigta jaamacadda oo ay xireen ciidanka ammaanka ka dib markii lagu eedeeyey in uu aflagaadeeyey xaaska Madaxweynaha Muhamadu Buhari mar uu twitterka waxku qoray.

    Aminu Adamu Mohammed ayaa haatan xabsiga sida uu qareeenkiisa Chijioke Kingsley Agu u sheegay BBCda .

    Qareenka ayaa sheegay in macmiilkiisa laga soo dacweeyey maxkamadda sare ee degmada Maitama ee caasimadda Abuja maalinimadii Talaadada.

    Ardayga ayaa beeniyey hal dambi oo ah aflagaado.

    Qareenkiisa ayaa sheegay in ay codsadeen damiin uuna rajeynayo in loo tixgelin doono arrintaa 48 saac ee soo socda .

    Ardaygan oo 23 jir ah ayaa lagu warramay in la xiray horraantii Bishan ka dib markii lagu eedeeyey in uu baraha bulshada soo dhigay sawirka marwada koowaad ee Nigeria Aisha Buhari oo ay soo raacdo faallo lagu qoray afka Hausa oo uu ku sheegayo in ay ku cayishay markii ay si xun u adeegsatay hantida dadweynaha .

    Madaxda weli kama aysan hadlin kiiskan laakiin waalidiinta Mohammed waxay ka baryeen Xaaska Madaxweynaha Mrs Buhari in ay cafis u fidiso wiilkooda .

    Wiilkan ayaa lagu wadaa in imtixankiisii ugu dambeeyey Isniinta oo socota isaga iyo ardayda ay isku fasalka yihiin . Ma cadda in la sii deyn doono oo uu imtixaanka sidaas k ugali doono iyo in kale .

    Dadka isticmaala baraha bulshada iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey sida loola dhaqmay wiilkaaswaxayna ku baaqeen in degdeg loo sii daayo

    Horraantii Bishan ayaa labo ka mid kuwa isticmaala Tiktok la ganaaxay laguna karbaashay meel fagaare ah ka dib markii ay maxkamad ku heshay in ay afla gaadeeyeen guddoomiyaha gobolka Woqooyi ee Kano oo ku soo bandhigeen muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada

  3. Sharraxaad kooban oo ku saabsan ciyaarta dhex-mari-doonta France vs Tunisia

    .
    .
    .
    .
    .
  4. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadalay xeerka Jinsiga ee dooda dhaliyay

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka hadlay dooda ka dhalatay xeerka Jinsiga ee uu horey u diideen Baarlamaankii hore.

    Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa jawaab ka bixiyey hadal heynta ka dhalatay xeerkan oo maalmihii u dambeeyey qabsatay baraha bulshada ee Internet-ka loo la sheegay in Baarlamaanka uu ansixin doono shuruuc ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

    Halkan ka daawo Guddoomiyaha oo fafaahinaya qodobadaas.

    Qoraalka Muuqaalka, .
  5. Maxkamad ku taalla Maraykanka oo xukun ku riday nin Soomaali ah oo dilay xaaskiisa

    .

    Xigashada Sawirka, OnScene.TV

    Maxamed Abidaasis Keerow oo 48 jir ah, ayaa xeer beegtida San Diego ku xukuntay 26 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay inuu xaaskiisa ku dilay magaalada Cleveland Heights ee gobolka California, sida ay baahisay warbaahinta Times of San Diego.

    Horaantii sanadkan ayaa ninkan lagu xukumay dil darajada 1-aad ah, isagoo loo haystay geeridii Muna Salaad Kuru oo 36 jir ahayd. Muna ayaa waxa la dilay sannadkii 2019-kii.

    Waaxda booliska ee magaalada San Diego ayaa Kerow u aqoonsaday inuu yahay tuhmanaha dilka xaaskiisa, waxaana warsaxaafadeed Boolisku soo saaray ku sheegay inuu baxsaday lana raadinayo dilkeeda halka Kerow laba todobaad ka dib lagu xiray Panama.

  6. Philippine oo noqotay mid kamid ah xarumaha ugu wayn dunida ee caruurta internetka galmo lagala sameeyo

    Qoraalka Muuqaalka, .
  7. Hoggaamiyihii hore ee dalka Shiinaha oo geeriyooday

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Hogaamiyihii hore ee Shiinaha Jiang Zemin, oo xukunka qabtay ka dib mudaaharaadyadii fagaaraha Tiananmen, ayaa geeriyooday isagoo 96 jir ah.

    Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay inuu dhintay wax yar ka dib duhurnimadii Arbacada ee xilliga dalkaas.

    Jiang waxa uu xukunka la wareegay ka dib markii 1989-kii uu dhiig badani daatay oo lagu qabqabtay dad mudaharaadayay fagaaraha Tiananmen ee magaalada Beijing iyo hareeraheeda, taasoo keentay in Shiinaha laga takooro caalamka.

    Dhacdadani waxa ay dhalisay loolan adag oo xagga awoodda ah oo ka dhacay Shiinaha oo horseeday dib-u-habayn in lagu sameeyo xisbiyada dalka ka jira.

  8. Ururada siyaasadda Puntland oo shuruudo ku xiray qabashada doorashada golaha deegaanka

    Ururada Siyaasada ee Maamul goboleedka Puntand ayaa waxaa ay soo sareen warmurtiyeed kaddib markii muddo sadex maalmood ah ay kulan ku lahaayeen magaalada Garowe, ee xarunta maamulkaas.

    Shirkan ayaa lagu soo warramayaa in aanan lagu casuumin ururka KAAH ee dowladda.

    Urrurada ayaa shuruudo ku xiray qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanada maamulkaas.

    Haddaba waxyaabaha lagu xusay war-saxaafadeedka ururadda, waxaa noo soo koobaya wariyahayaga Axmed Cawil Jaamac oo Garoowe jooga.

  9. Qabowgu muxuu jirkaaga ka badali karaa?

    Qoraalka Muuqaalka, Qabowgu muxuu jirkaaga ka badali karaa?
  10. Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkii ay ku qaadeen hoteel Villa Rays

    Sheekh Cali dheere
    Qoraalka sawirka, Sheekh Cali dheere

    Afhayeenka kooxda Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, [Sheekh Cali Dheere] ayaa ka hadlay weerarkii ku dhawaad qaatay 24-ka saacadood ee ay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku ekeyeen hoteel Villa Rays oo ku yaalla xeendaabka madaxtooyada.

    Cali dheere ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar. Sida lagu baahiyay warbaahinta taabacsan Al-shabaab ee Somali Memo.

    "Weeraradaas jihaadiga ah ayaa beegsaday qeybta bari ee Madaxtooyada oo ay ku yaallaan buul-shimbireedyo ay ku dhuumaalaystaan madaxda dowladda, Allaah fadligii wuxuu hawlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay kadib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga” ayuu ku yiri qoraal lagu daabacay Somali Memo.

    Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

    Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas'uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.

  11. Wasiirada Kenya oo mushaarkooda muddo hal bil ah ku deeqay gurmadka abaaraha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Wasiirada Kenya ayaa muddo hal bil ah huri doonaa mishaarkooda si ay u garab istaagaan dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira qeybo ka mid ah dalka Kenya.

    War saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in golaha wasiirada ay isku raaceen in dhaqaalaha laga soo uruuriyo dhammaan xubnaha golaha wasiirada ay qeyb ka noqdaan taageerada wax ka qabashada abaaraha dadka Kenyaanka ah ee ay dhibaatadu saameysay.

    Waxa kale oo war saxaafadeedka lagu sheegay in la dhimo qiimaha gallayda oo sarreeysa, waxayna ballan-qaadday in ay suuqa ka taageeri doonaan beeraleyda goosanaysa dalaggooda.

    Malaayiin qof oo Kenyan ah ayaa xiligan wajahaya macluul kuwaas oo u baahan gargaar cunto iyadoo abaar daran ay hadda jirto, .

  12. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.

  13. Abwaan Geesi oo Nairobi ku geeriyooday

    Abwaan Geesi

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Allaha u naxariistee waxaa goor dhow magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday abwaan Cumar Cabdiwaaxid Aadan (abwaan Geesi).

    Abwaan Geesi ayaa muddo toddobaad ah ku jiray isbitaal, isagoo u geeriyooday xanuun dhanka caloosha ah oo uu in muddo ah la xanuunsanaa, sida uu BBC-da u xaqiijiyay abwaan Cabdishukri Maxamed oo ay marxuumka qaraabo ahaayeen isla markaana ay isla shaqeyn jireen.

    Abwaan Geesi ayaa ahaa abwaan iyo jilaa aad loogu yaqaanno ruwaayadaha. Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku noolaa qeybo ka mid ah Soomaaliya, labadii bilood ee ugu dambeysay ayuuna ku soo laabtay Nairobi oo hore uu ugu noolaa.

    Wuxuu marxuumka dunida uga tegay afar carruur ah.

  14. Xarunta lagu kaydiyo caanaha naaska si faa'iidooda loo dhigaaliyo

    Qoraalka Muuqaalka, .
  15. Waa kuma gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee Birmingham ee shalay lagu dilay weerarkii hotel Villa Rays?

    Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee waddanka Britain ayaa sheegay inay ka argagaxeen warka dilka gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaaladaasi iyo culimo kale oo ku dhintay weerrarkii shalay ay Al-Shabaab ku ekeeyeen hoteelka Villa Rays ee ku yaal agagaarka madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

    Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

    Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas'uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyoi hal askari.

    Dadka meeshaas lagu dilay waxaa kamid ah Sheekh Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed (Sheekh Cabdulqaadir Garweyne), gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaalada Birmingham.

    Haddaba si aan wax badan uga ogaanno waxa uu Sheekh Cabdulqaadir Garweyne u qabanjiray Soomaalida Birmingham waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Sheekh Fu'aad Bashiir Dool.

    Qoraalka Codka, .
  16. Afar ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymaha

    Maalmahan waxaa si weyn warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ahba loogu hadal hayay dilka mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu sarreeyay ee Al-Shabaab oo ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

    Cabdullaahi Nadiir oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninka la qorsheynayay inuu la wareego hoggaanka ugu sarreeya ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn 1-dii bishan October ka dhacday deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada hoose, sida ay tebiyeen warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

    Tan iyo markii ay Al-Shabaab billaabeen dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ajaanibta ah, waxa ay fuliyeen weerarro badan oo khasaare geystay.

    Balse kooxdan lafteeda waxaa ilaa xilligaas laga dilay hoggaamiyeyaal sarsare oo lala beegsaday duqeymo uu fuliyay Mareykanka.

    Kuwani waa afar ka mid ah madaxdii Al-Shabaab ee lagu tilmaami jiray aasaaseyaasha kooxdan gacan-saarka la leh ururka Al-Qaacida.

    Dhimashadooda ayaa dhalisay hadal-heyn aad u weyn.

  17. Wax ka ogow goolkii Muranka dhaliyay ee Ronaldo iyo Fernandes

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waxay ahayd markii Cristiano Ronaldo uu u maleeyay inuu jabiyay rikoorka gool dhalinta ee Eusebio oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya Portugal ee Koobka Adduunka.

    Balse si fiican, dhowr daqiiqo si kastaba ha ahaatee ayay arrinty is baddashay.

    Dabaaldegii farxadda lahaa ee weeraryahanka reer Portugal ayaa qof walba ku qanciyay in kubadda dhalatay uu madaxiisa ku taabtay laakii waxaa la ogaaday inuusan taaban oo uu goolka ku dhashay laadkii Bruno Fernandes.

    Goolka oo ahaa kii koobaad ee kulanka dhaxmarayay Portugal iyo Uruguay. Kulanka ayaa 2-0 ku soo idlaaday ka dib markii goolka labaad oo ahaa gool ku laad uu dhaliyay Bruno Fernandes.

    ee furitaanka muhimka ah kulankii ay dalkiisa 2-0 kaga badiyeen Uruguay.

    Goolka ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada iyadoo dadka ilaa hadda ay aaminsan yihiin in Ronaldo taabtay kubadda.

  18. Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay godad dahabka laga qodo oo ku soo badanaya Milxo

    Waxaa muddooyinkii u dambeeyay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ku soo badanayay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay godad dahabka laga qodo oo dad ku soo dumay.

    Dad kor u dhaafaya 10 qof ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay deegaankaas ugu dhintay godadkaas oo ku soo dumay awgood, kaddib markii ay suurtageli waysay in la soo badbaadiyo.

    Waxaa dhawaan deegaanka Milxo oo sanadihii u danbeeyey caan ku ahayd qodashada dahabka safar shaqo ku tegay wariyahayaga Maxamed Dhalo, warbixintan ayuuna nooga soo diyaariyay.

    Qoraalka Muuqaalka, Deegaanka Milxo
  19. Booliska Soomaaliya oo farriin ku saabsan hoteelkii la weeraray u diray shacabka

    .

    Xigashada Sawirka, VILLA ROSE

    Farriin lagu baahiyay barta facebook ee Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa lagu sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ay shacabka Soomaaliyeed ee ku Nool magaaladda Muqdisho ku wargelinaynayaan in boolisku ay goor dhow qarxin doonaan haraadiga walxo qarxayo ah oo yaala Hotel Villa Rays oo weerar lagu qaaday habeen hore shalay gelinkii dambe la soo afjaray

    Qoraalkan ayaa intaasi ku daraya in shacabka laga codsanaynaa in aysan hawlgalkaas qarxinta ah ee Ciidanka fulin doonaan u arkin mid khatar ku ah nabad gelyadooda.

  20. Maxay ka wadahadleen xildhibaanada laga soo doortay deegaanada xoola dhaqatada Kenya iyo Ruto?

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa la kulmay xildhibaanada laga soo doortay deegaanada xoola dhaqatada ee dalkan Kenya.

    Qaar kamid ah xildhibaanada gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa kamid ahaa mas'uuliyiintii la kulmay madaxweynaha, oo cabashadoodana u gudbiyay.

    Arrimaha ay ka wada hadleen ee uu madaxweynahana ballan qaaday in wax laga qaban doono ayaa waxaa kamid ah, macalimiin yarida uu gobolkaas wajahayo, abaaraha, helitaanka baasaboorka, kaarka aqoonsiga dalka iyo waxyaabo kale.

    Haddaba faahfaahin intaa dheer, waxaan weydiinay xildhibaanka laga soo doortay Bariga Mandheera, Xusseen Weytaan.

    Qoraalka Codka, .