Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dileen xubno katirsan Alshabaab

Wararka deg degga ah

Tebin toos ah

  1. Koobka adduunka: Ciyaaraha maanta dhacay iyo natiijooyiinkooda

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Xulka Sacuudiga

    Waxaa dalka Qadar wali ka socda tartanka ciyaaraha koobka kubadda cagta adduunka ee 2022. Waxaa maanta kooxaha wada dheelay ka mid ah Sacuudiga iyo Poland.

    Poland ayaa 2 iyo - 0 uga badisay xulka qaranka Sacuudiga. Xulka Sacuudiga ayaa toddobaadkan dad badan ka yaabiyay ka dib markii ay 2 iyo - 1 uga badiyeen xulka dalka argentina.

    Ciyaaraha kale ee maanta dhacay waxaa ka mid ah ciyaar dhexmartay xulalka Australia iyo Tunisia waxaana guusha ay raacday Australia 1 iyo-0 uga badisay xulka Tunisia.

  2. Mareykanka oo mamnuucay qalabka ay soo saaraan shirkado Shiinaha laga leeyahay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Qaar ka mid ah shirkadaha la mamnuucay

    Mareykanka ayaa mamnuucay iibinta iyo soo dejinta qalabka cusub ee ay soo saaraan shirkadaha isgaarsiinta Shiinaha.

    Waxaa ka mid ah shirkadaha qalabkooda la mamnuucay "Huawei" iyo "ZTE", sababo la xiriira waxa ay saraakiisha Mareykanka ku tilmaameen "walaac dhanka amniga qaranka."

    Shirkadaha kale ee liiska ku jira waxaa ka mid ah Hikvision, Dahua iyo Hytera, kuwaas oo dhammaantooda sameeya qalabka kamarooyiinka ammaanka iyo qalabka kale ee isgaarsiinta.

    Waa markii ugu horreysay oo mas’uuliyiinta Mareykanka ay qaadaan tallaabo ceynkan oo kale ah sabab amni awgeed.

    Dhanka kale, shirkadda Hikvision oo ka jawaabtay ayaa sheegtay in wax-soo-saarkeedu aanay wax khatar ah ku ahayn Maraykanka.

  3. Hogaamiyaha ruuxiga Iran oo ammaanay ciidamadii ka hortagay dibadbaxyada

    Ayalollah Cali Khamenei,

    Xigashada Sawirka, EPA

    Qoraalka sawirka, Ayalollah Cali Khamenei,

    Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayalollah Cali Khamenei, ayaa ku amaanay maleeshiyaadka Basij doorkooda ay ka qaateen xakameynta mudaaharaadyada dalkaasi ka dhacay.

    Wuxuu sheegay in qaar badan ay "naftooda u hureen" si ay dadka uga ilaaliyaan waxa uu ku tilmaamay "rabshad".

    Xukuumadda Iran ayaa sheegtay in 50 ka mid ah ciidamada ammaanka la dilay tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen bishii September.

    Dibadbaxyada ayaa ka dhashay ka dib markii gabadh lagu magacaabi jiray Mahsa Amini la sheegay in ay ku dhex dhimatay xabsi ay booliiska ku hayeen.

  4. Sida uu u badbaaday nin ka dhacay markab oo 15 saacadood badda ku jiray

    Markabka dalxiiska

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Markabka dalxiiska

    Qof rakaab ah oo laga waayay markab dalxiis, oo marayay gacanka Mexico, ayaa la badbaadiyay, kadib in ka badan 15 saacadood oo uu badda ku dhex jiray, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Mareykanka.

    Ninkan oo 28 jir ah, ayaa habeenimadii Arbacada ku sugnaa baar ku yaalla markabka Carnival Valor, isagoo ay wehlisay walaashii.

    Balse ma uusan soo noqon, kadib markii uu baxay, si uu u gaaro musqusha.

    Dhowr shaqaale samata bixin ah, ayaa soo indha indheeyay biyaha ku dhaw markabka, waxaana ugu dambeyntii ninka la arkay fiidnimadii Khamiista, meel 20 mayl (30km) u jirta xeebta Louisiana.

    Waxaa la sheegay in xaaladiisa ay haatan wanaagsan tahay.

  5. Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney dileen xubno katirsan Alshabaab

    Ciidanka dowladda Soomaaliya
    Qoraalka sawirka, Ciidanka dowladda Soomaaliya

    Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdulraxmaan Yuusuf Al Cadaala, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in xalay weerar la qorsheeyey ay ku dileen dagaal yahano katirsan Alshabaab.

    Weerarka, ayaa sida uu wasiirku sheegay waxaa lagu beeg sadey goob ay ku sugnaayeen in ka badan laba boqol oo xubnood oo Alshabaab ah, iyo madax gaareysa illaa iyo 12 hoggaamiye.

    Wasiirka, oo sii wata hadalkiisa, ayaa waxa uu sheegay in lagu dilay weerarkan ugu yaraan boqol xubnood oo katirsan Alshabaab.

    Al Cadaala, ayaa wuxuu carabka ku dhuftay in weerarka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, hey’adda Nabad Sugidda, dadka deegaanka, iyo ciidamada ajnabiga ee ka hawl gala Soomaaliya.

    Hawlgalka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Ceel Dheere, ee kala qeybiyaha gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan.

  6. Mudaaharaadayaal reer Iiraan ah oo isaga hor yimid dalka Qatar

    Waxaa la arkayay ciidanka ammaanka oo la hadlaya taageerayaasha oo sita shaarar iyo calamo ay ku qoran yihiin magaca Mahsa Amini

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Waxaa la arkayay ciidanka ammaanka oo la hadlaya taageerayaasha oo sita shaarar iyo calamo ay ku qoran yihiin magaca Mahsa Amini

    Iska hor imaad u dhaxeeyay taageerayaasha dowladda Iran iyo dad kasoo horjeeda oo mudaaharaadayay, ayaa ka dhacay ciyaartii labaad ee koobka adduunka ee Qatar Jimcihii.

    Qaar kamid ah dadkii mudaaharaadka dhigayay, ayaa sheegay in laga qaatay calamo ay wateen, halka kuwa kalena lagu qeylinayay lana dhibaateeyay.

    Saraakiisha amaanka garoonka ee dalka Qatar, ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay funaanado iyo agabyo kale, oo ay ku muujinayaan falal ka dhan ah dowladda Iran.

    Mudaaharaadyo ayaa dalka Iran ka socday tan iyo dhimashadii, Mahsa Amini, oo 22 jir ahayd bishii September.

    Amini ayaa booliska akhlaaqda ay ku xireen magaalada Tehran, kadib markii lagu eedeeyay inaysan si fiican u daboolin timaheeda. Waxay ku dhimatay marii danbe xabsiga booliska seddex maalmood kadib.

    Bannaanbaxyada ayaa ku fiday dalka oo dhan, iyadoo dadka ay dalbanayaan isbedello ay kamid yihiin in la helo xorriyad dheeraad ah, ama in dowladda dalkani laga hor yimaado, dowladduna waxay kaga jawaabtay fal celin aad u adag.

    Jimcihii - ciyaartii Iran ee Koobka Adduunka ee Wales - qaar kamid ah mudaaharaadayaasha, ayaa haystay calanka Persian ee kacaanka ka hor, oo ay ka furteen taageerayaasha dawladda ee ku sugnaa garoonka, Axmad Bin Cali.

    Sidoo kale waxaa la sheegay in aflagaado loo geystay qaar kamid ah dadka xiran funaanado ay ku xardhan yihiin “Haweenku, waxey u baahan yihiin nolol, iyo xoriyad” – halku dhigaasi oo noqotay mid ay isugu soo baxayaan dibadbaxayaasha kasoo horjeeda maamulka Iran.

    Mid ka mid ah daawadayaasha Iran, ayaa ku eedeeyay booliiska Qatar inay ku amreen inay ka masaxaan magacyada dad mudaaharaadayay.

    Haweeney kale ayaa sheegtay in laga hor istaagay inay xirato funaanad ay wejiga Marwo Aamini ku xardhan yahay garoonka dhexdiisa.

  7. Madaxweyne Putin oo la kulmay waalidiinta askarta Ruushka ee furimaha dagaalka ku jira

    Putin iyo waalidiinta askarta

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Putin iyo waalidiinta askarta

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa u sheegay koox waalidiin hooyooyin ah "inuu la qeyb sanayo xanuunka," caruurtooda ka tirsan askarta Ruushka ee dagaalamaya – kuwaasoo qaarkood lagu dilay, qaar kalana lagu dhawaacay - gudaha Ukraine.

    Dhawr ka mid ah hooyooyinka, ayaa xubno ka ah ururo hoos taga maamulka Kremlin-ka. Dadka dhaliila Putin, ayaa sheegaya in lasoo xulay waalidiinta uu kulanka la qaatay.

    Gudaha Ruushka, ayaa waxaa sii kordhaya mucaaradnimada lagala soo horjeedo duullaanka Putin uu ku ekeeyey dalka Ukraine.

    "Ma jiraan wax bedeli kara nolosha wiilashiina," ayuu ku yiri khudbaddiisii ​​furitaanka Putin, oo lagu soo bandhigay warbaahinta dowladda Ruushka.

    Guud ahaan dalka Ruushka, koox ay ku mideysan yihiin waalidiinta hooyooyinka ah ee wiilashooda askarta lagu daraa, ayaa si bareer ah uga cabanaya in wiilashooda loo dirayo dagaalka.

    Waxey intaa ku dareen in aanan tababar wanaagsan lasiin, isla markaana aysan haysan hub iyo dhar ku filan, gaar ahaan xilliga qaboobaha daran.

    Ku dhawaad ​​100,000 oo Ruush ah iyo 100,000 oo askarta Yukreeniyaan ah, ayaa la dilay ama la dhaawacay tan iyo markii uu dagaalku billowday 24-kii Febraayo ee sanadkan, sida uu sheegay Jeneraalka ugu sarreeya Mareykanka, Mark Milley.

  8. Deegaanka Dhadhaab oo lagu beeray dhir aad u tiro badan

    Deegaanka Dhadhaab

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Deegaanka Dhadhaab

    Ismaamulka Gaarisa ee Woqooyi Bari Kenya, ayaa deegaanka Dhadhaab ka hirgaliyey mashruuc dhir beeris ah.

    Muddo kooban oo lix bilood ka yar, ayaa lagu beeray wax ka badan lix kun oo geed.

    Mas’uuliyiinta mashruucan gacanta ku haya ayaa BBCda u sheegay in ujeedadu tahay sidii loogga hortagi lahaa xaalufka deegaanka.

    Sidoo kale mas’uulyiita, ayaa doonaya in kor loo qaado lahaa bilicda deegaanka.

    Deegaankan, ayaa waxaa ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, oo hoy u ah qaxooti fara badan oo ka yimid dalka Soomaaliya.

  9. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba. Wararka waxaa idiin soo gudbin doona aniga oo ah Said Anteno.