Al-Shabaab oo sheegtay inay dib u qabsatay deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Guinea-Bissau oo u magac dartay Pele garoon lagu ciyaaro

    Halyeygii kubadda cagta ee geeriyoodey Pele
    Qoraalka sawirka, Halyeygii kubadda cagta ee geeriyoodey Pele

    Garoonka Estadio da Rocha oo haatan ku yaallal magaalada labaad ee dalka Guinea-Bissau ee Bafata, ayaa lagu wadaa in loo bixiyo magaca halyeeygii ciyaaraha Kubadda Cagta ee Pele, ee u dhashay Brazil dhowaanna geeriyooday, sida ay go'aamisay dowladda dalkaas.

    Garoonkan – waa garoonkii labaad ee Afrikaan ah ee loogu magacdaro Pele, ka dib dalab ka soo baxay madaxa Fifa, Gianna Infantino, oo ku booriyey in dalalka adduunku ay isbeddel noocaas ah sameeyaan.

    Guinea-Bissau, oo deris la ah ee dalka Cape Verde, ayaa garoonkooda qaranka ku dhawaaqday in lagu magacaabi doono garoonka Pele Stadium Arbacada.

    “Iyadoo muujineyso sida ay dadweynuhu ugu aqoonsan yihiin inuu yahay Boqorka Kubadda Cagta Adduunka, Golaha Wasiirradu waxay go’aansadeen in garoonka gobolka Bafata loo bixiyo ‘King Pele’,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

    War saxaafadeedka ayaa sidoo kale si cad loogu sheegay in go’aankan uu “jawaab u yahay dalabkii madaxa Fifa”.

    BBC Sport Africa, ayaa lasoo gaarsiiyey in maamulka Isboortiga ee Ghana, uu sidoo kale ka fikirayo in mid kamid ah garoomadeeda ay magaca ka badalaan, una bixiyaan Pele.

    Pele ayaa lagu tiriyaa inuu dhaliyay 1,281 gool, 1,363 kulan oo uu saftay 21 sano oo uu xirfaddiisa ciyaareed uu ku guda jiray.

    Waxa uu ka dhaliyey 77 gool 92 kulan, oo uu u saftay xulka dalkiisa Brazil, waxaana sanadkii 2000 loo magacaabay ciyaartoygii qarniga ee Fifa.

  2. Shil baabuur oo ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Uganda

    Qariidadda dalka Uganda
    Qoraalka sawirka, Qariidadda dalka Uganda

    Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, kadib markii bas rakaab ah uu jiiray gaari xamuul ah, subaxnimadii Jimcaha wadada weyn ee Uganda ee isku xirta caasimadda Kampala, iyo magaalada waqooyiga ku taalla ee Gulu.

    Booliiska ayaa sheegay in 12 qof ay isla goobta ku dhinteen, halka afar kalena ay ku dhinteen markii dambe isbitaal.

    Dhowr qof oo kale oo safar ahaa oo baska saarnaa, ayaa ku dhaawacmay.

    Gaariga xamuulka ah, ayaa la sheegay in la dhigey oo uu rarnaa meel qiyaastii hal kilo mitir u jirta Kamdini Corner – oo ah goob caan ah oo ay maraan, isbaaro ciidanna ay taallo, oo dhacda waqooyiga dalka.

    Todobaadyadii u dambeeyay, ayaa waxaa dalka Uganda ka jiray walaac aad u weyn, oo ah dhibaatooyinka dhimashada ee waddooyinka gaar ahaan xilliyada ciidaha.

    Warbixin uu soo saaray booliiska taraafikada horraantii toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in 104 shil baabuur la diiwaan geliyay, intii u dhaxaysay 30kii Disembar, illaa iyo iyo 1-dii Janaayo ee sanadkan 2023-ka.

    Ugu yaraan 35 qof, ayaa ku dhintay shilalkan waddooyinka oo keliya.

    Shilalka waddooyinka, ayaa ah dhib muddo dheer dalka Uganda ka jiray. Booliiska taraafikada, ayaa diiwaan geliyay in ka badan 4,000 oo shil, oo ka dhacay dalka Uganda sanadkii 2021-kii, qaar badan oo ka mid ahna waxaa ku dhintey dad.

  3. Dowladda Iiraan oo xir xiraysa wariyayaasha tabiya banaan baxyada

    Mehdi Beik

    Xigashada Sawirka, @ZAHRA8962885

    Qoraalka sawirka, Mehdi Beik

    Saxafi u dhashay dalka Iran, oo wareystay qoysas ay kasoo jeedeen dibad baxayaasha, ayaa xabsiga la dhigay, sida ay sheegeen xaaskiisa iyo warbaahinta Iran.

    Mehdi Beik ayaa la xiray habeenimadii Khamiista, sida uu sheegay wargeyska is badal doonka ah ee Etemad, oo Beik uu u shaqeeyo.

    Lama oga sababaha loo xiray, balse waxay kusoo beegmaysaa, iyadoo ay socdaan howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada dowladda loogga soo horjeedo.

    Dalka Iran, ayaa waxaa ruxay mudaaharaadyo bilo socday, tan iyo markii haweeney Kurdish ah oo Iran u dhalatay, ay ku geeriyootay gacanta booliiska.

    Mudaaharaadyo ayaa dhacay bishii Sebtembar, ka dib dhimashadii, Mahsa Amini, oo 22 jir ahayd, oo ay xireen booliiska akhlaaqda oo lagu eedeeyay in aanay si wanaagsan u xiran xijaabkeeda".

    Waxay si degdeg ah ugu faafeen mudaaharaadyadu dalka oo dhan, waxayna noqdeen caqabadii ugu cusleyd ee soo wajahda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1979kii.

    Qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka Jimcihii, xaaska Beik, Zahra, waxay ku sheegtay in "ay xireen wakiilo ka socday Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo sidoo kale lala wareegay taleefankiisa gacanta, Laptop-kii uu watay markaa, iyo waxyaabo kale oo uu isagu lahaa".

    Saxafiyiinta ay wada shaqeynayeen, ayaa argagax iyo caro ka muujiyay xarigiisa, iyagoo baraha bulshada soo dhigay hadallo ay ku taageerayaan wariyaha la xiray.

    Saxafiga fadhigiisu yahay Iran, ee Elham Nadaf, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray: “Dalkani waxaa lagu bahdilaa saxafiyiinta, halka bahdilkaas uu u dheer yahay xarig iyo jirdil!

    Halka weriyaha diblumaasiyadeed ee Etemad Sara Masoumi, ay tweet garaysay: "Adiga oo ay ula jeedo [Beik] waxaad ku soo laaban doontaa qolka wararka, adigoo madaxa kor u haya."

    Hooyada dhashay maxbuus 15 jir ah oo la sii daayay, ka dib markii uu Beik muujiyay kiiskiisa, ayaa sidoo kale ammaantay weriyaha la xiray.

    "Naxariistii uu ii sameeyay aniga iyo [wiilkayga] Amirhossein Rahimi, weligey ma iloobi doono. Isagu wuxuu tusaale u yahay qof sharaf leh. Magacaaga wariyaha xiran waan ku dhawaaqi doonaa inta aan neefsanayo," ayay ku soo qortay Twitter-keeda.

    Beik waa madaxa qeybta siyaasada ee Etemad. Sida ay sheegtay Idaacadda Farda ee Mareykanka ay maalgeliso, waa wariyihii saddexaad ee la sheegay in la xiray todobaadkii la soo dhaafay.

    Ugu yaraan 73 saxafiyiin gaaraya iyo sawir qaadayaal, ayaa la xiray tan iyo markii ay mudaaharaadyadu bilowdeen, sida ay ku warantay shabakada wararka ee Faraz ee isbedel doonka ah.

  4. Ukraine oo diiday xabbad joojin uu Ruushku soo jeediyey

    Xabbad joojin ku meel gaar ah oo ay Ruushku soo jeediyeen ayaa ka dhaqan galeysa haaatan furimaha hore ee Ukraine.

    Madaxweyne Putin ayaa amray 36 saacaddod in hakad la galiyo dagaalka si loogu beego kirismaska Orthodokiska. Lakiin Ukraine ayaa diiday xabbad joojintaas.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in xabbad joojintu ay tahay isku day lagu doonayo in lagu joojiyo horumarka milatari ee dalkiisu samaynayo.

    Hadalka Kremlin-ka ayaa u muuqday in Madaxweyne Putin uu amar ku siiyay ciidamadiisa in ay dagaalka joojiyaan balse tallaabadaas ayaa la aaminsan yahay in uu qaaday ka dib codsi kaga yimid madaxa Kaniisad ku talla Ruushka.

    Wadaadka kaniisada ayaa ku baaqay, xabbad joojin loogu talagalay kirismas-ka si loogu oggolaado dadka cibaadeysanaya inay ka qaybgalaan adeegyada kaniisadaha ee kirismaska.

  5. Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa weerar ay Al shabaab saaka ku soo qaaday deegaanka Hilowle Gaab

    Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weearar ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Hilowle Gaab oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe Degaankaas ayaa ka mid ahaa degaanadii dib looga qabsaday Alshabaab oo tobeneeyo sano ka talinayey.

    Saraakiisha halkaas ku sugan ayaa sheegaya in l shabaab shinac ka heystaan magaalada halka ay jireen wererar sheegaya in ay dib u qabsadeen Axmed Caddow Axmed Daaci oo ka mid ah mas’uuliyiinta halkaasi u jooga howlaha abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ayaa dhowaan iiiga warramay xaaladda sida wax u dhaceen.

    Qoraalka Codka, .
  6. Amiir Harry oo sharraxay wixii dhacay markii uu 'u gacan qaaday walaalkiis William'

    Amiir Harry wuxuu sheegay in walaalkiis William uu u gacanqaaday sida laga soo xigtay wargeyska Guardian kaas oo sheegay inay arkeen nuqul ka mid ah buugga amiirka ee Spare.

    Wargeyska waxaa uu sheegay in buugga ay ku qoran yihiin muranka u dhexeeya walaalaha ee ku saabsan Meghan xaaska amiir Harry

    “Kulleetiga ayuu igu dhagay, wuxuu xoog u jaray katiinadeyda, wuxuuna igu tuuray dhulka”

    Labada qasri ee Kensington iyo Buckingham waxay sheegeen in aysan ka hadleyn. Qasriyada oo wakiilo ka kala ah amiir William iyo boqorka, ayaa u muuqda inay qaateen qorsha ah in khilaaf kasta uu degdeg u dhammaanayo iyadoon laga jawaabin.

  7. Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga soo sheegaya ugaarsiga oo sii baahaya

    Dawlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobbiya ayaa laga soo sheegayaa in muddooyinkii u danbeeyey uu sii kordhay ugaarsigu, xilli guud ahaanba deegaanka uusan weli ka dhaqan gelin , bayaan hore uga soo baxay dawladd kaas oo ku aaddanaa in la ugaadhsan karin lagana ganacsan karin ugaadha ku nool deegaanka.

    Qoraalka Codka, .
  8. Al-Shabaab oo sheegtay inay dib u qabsatay deegaan ka tirsan Shabeellaha Dhexe

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay qabsatay deegaanka Hilowle Gaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay saaka weerar ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ee Somali Memo.

    Afhayeenka dhanka howlgalada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta tuuladaasi kadib dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay.

    Abuu Muscab ayaa sheegay in tiro aan la cayimin oo ka tirsan ciidamada dowladda ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerarka.

    Dhanka kale, warbaahinta dowladda ayaa tabisay in kooxda Al-shabaab ay jab iyo khasaaro xooggan kala kulantay dagaalka ay saaka ay ku soo qaadday deegaanka Hilowle gaab, iyada oo beenisay wararka sheegaya in gacan ku haynta tuulada lagala wareegay ciidamada dowladda.

  9. Ismarin waa maalintii saddexaad ka tagaan Golaha wakiillada Maraykanka oo aan weli guddoomiye dooran

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii saddexaad waxaa ka tagaan ismarin waa la xiriira dadaallada ay xildhibaanada ku doonayaan in ay ku doortaan guddoomiye cusub.

    Waa dib u dhacii ugu dheeraa tan iyo dagaalkii sokeeye ee Mareykanka. Kevin McCarthy oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa marar badan ku guuldareystay inuu ka guuleysto xubnaha mayalka adag ee xisbigiisa.

    Koox ka mid ah garabka midig ee xisbigiisa ayaa hakiyay isku daygii 11-aad ee la doonayay in lagu doorto isaga maalinta saddexaad ee codbixinta.

    Jamhuurigu waxay la wareegeen Aqalka doorashadii dhexe ee bishii November, hase yeeshee ismari waaga ayaa ka dhigay aqalka inay awoodi waayeen inay dhaariyaan xubnaha ama ay soo gudbiyaan hindise sharciyeedyo.

    Laga soo bilaabo 1860-kii, markii ururka midowga Maraykanku uu ku muransanaa arrinta addoonsiga, aqalka hoose ee Congress-ka ayaa marar badan u codeeyay in ay doortaan afhayeenka.

    Markaas waxay qaadatay 44 wareeg oo codbixin ah. Koox ka kooban 20 sharci-dajiyayaal isla markaana ka tirsan xisbiga mayalka adag ee Jamhuuriga ayaa diiday inay Mr McCarthy siiyaan 218ka cod ee lagama maarmaanka ah.

    kooxda ayaa ka shakisan xubinta Congress-ka California ee muxaafidka ah, inkastoo uu taageeray madaxweynihii hore ee Donald Trump.

    Mid ka mid ah mucaaradka, oo lagu magacaabo Ralph Norman, ayaa BBC u sheegay inuusan si fudud u aamini karin Mr McCarthy. Xildhibaanka ayaa sheegay in kooxda Mr McCarthy ay ugu hanjabeen aargoosi siyaasadeed oo ka dhan ah haddii aysan safka ku jirin, toddobaadyo ka hor ismari waaga.

  10. Xildhibaan Sacdiiya oo lagu daray liiska 100-ka qof ee 2022-ka ugu sumcadda badnaa Afrika

  11. Asalaamu Caleykum!

    Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida iyo Caalamka.

  12. Dhalliyaro reer guuraaga wax ku bara geed hoostiis gobolada dhexe ee Soomaaliya

  13. Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda ee magaalada Laascaanood

    Xaaladda magaalada laascaanood ayaa manta deggan inkastoo daren uu ka jiro, ka dib markii xalay saqdii dhexe ay isaga baxeen ciidanaka Somaliland.

    Wararku waxay sheegayaan in dabley hubaysan lagu arkayey meelo badan oo magaalada ka mid ah,.

    Halkan ka dhagayso wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaaladaas.

    Qoraalka Codka, Wararkii ugu dambeeyay ee Laascaanood
  14. Maxay ahayd hadiyaddii laga qaaday Soomaaliya ee 'Nabi Ciise loo geeyay markii uu dhashay'?

  15. Idaacadda Duhurnimo

  16. Faransiiska oo ogolaaday inuu kordhiyo taageerada militari ee uu siiyo Ukraine

    .

    Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

    Faransiiska ayaa ogolaaday inuu kordhiyo taageerada militari ee uu siiyo Ukraine isagoo ugu deeqaya gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

    Heshiiska ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii madaxweynayaasha Macron iyo Zelensky ay ku wada hadleen Khadka telefoonka.

    Dhanka kale Madaxweyne Biden ayaa xaqiijiyay in Maraykanku uu ka fakarayo inuu u diro Ukraine baabuurta dagaalka ee ciidamada lugta loogu talagalay.

    Ukraine ayaa waxa ay reer galbeedka ka codsanaysay in la siiyo hub cusub oo ku shaqeeya tignoolayjiyad casri ah kuwaas oo ay ku jiraan taangiyo iyo diyaarado dagaal iyada oo uu hadafkeedu yahay in ay dib u riixdo duulaanka Ruushka.

  17. Madaxweynaha Kenya oo ka jawaabay hadalkii ay gabadhiisa tiri ee doodda weyn dhaliyay

    Madaxweynaha Kenya, William Ruto

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Kenya, William Ruto

    Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto ayaa difaacay gabadhiisa, Charlene Ruto oo lagu heystay dood ka dhalatay markii ay sheegtay in uu jiro xafiis ay iyadu leedahay oo la dhaho “Xafiiska gabadha koowaad”.

    Dalalka adduunka ayaa isku waafaqsan in xaaska madaxweynaha loogu yeero “Marwada Koowaad”, laakiin ma jiro magac loo yeelo carruurta madaxweynaha, sida “Gabadha koowaad ama wiilka koowaad”.

    Tan iyo markii la caleema saaray William Ruto oo xafiiska la wareegay bishii September, gabadhiisa Charlene Ruto ayaa sameysay munaasabado badan oo heer sare ah iyo kulamo ay ku qabaneysay xilka hadal-heynta dhaliyay ee ah “Gabadha koowaad”.

    Hase ahaatee, Kenya sharci muujinaya in uu xafiiska noocaas ah jiro.

    Maalintii Arbacada ayuu madaxweyne Ruto markii ugu horresay ka hadlay arrintan hadal heynta dhalisay, isagoo beeniyay in uu xafiiskaas jiro.

    “Ii dhaafa gabadheyda, waad og tihiin kuwani waa carruur, waxay sameynayaan waxyaabo carruurnimo ah, aad baad u ogtihiin in uusan jirin xafiis noocaas ah… tani waa gabadha madaxweynaha William Ruto oo keliya mararka qaarna ma garaneyso farqiga u dhaxeeya madaxweyne iyo aabbe,” ayuu yiri Mr Ruto oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada ee magaalada Nairobi.

    Gabadha Madaxweynaha Kenya, Charlene Ruto

    Xigashada Sawirka, CHARLENE RUTO/TWITTER

    Qoraalka sawirka, Gabadha Madaxweynaha Kenya, Charlene Ruto

    Howlaha ay fulineysay gabadha madaxweynaha ayaa dhaliyay su’aalo badan oo la iska weydiinayay in ay isticmaaleyso dhaqaalaha loogu talogalay dowladda.

    Balse bishii lasoo dhaafay waxa ay beenisay in lacagta qaranka loo adeegsaday waxa ay ugu yeertay “Xafiiska gabadha koowaad”.

    Waxa ay tiri: “Xafiiska Gabadha Koowaad waa goob shakhsiyeed oo gaar ah. Ma aaha xafiis dastuuri ah loomana adeegsado dhaqaalaha loo qoondeeyay dowladda.”

  18. Labo weeraryahan oo ka tagay Manchester United oo sanadkan isku fara saari doona Sacuudiga dhexdiisa

    Horyaalka Waddanka Sacuudiga ayaa soo jiitay indhaha taageerayaasha kubbadda cagta ee caalamka ka dib markii uu ku biiray mid ka mid ah laacibiinta ugu wanaagsan ee soo maray taariikhda kubbadda cagta, Cristiano Ronaldo.

    Weeraryahanka u dhashay Boortaqiiska ayaa xalay lagu soo dhaweeyay garoonka kooxda Al-Nassr FC oo dhawaan la saxiixatay heshiis taariikhi ah.

    Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahanka mushaar ahaan u heli doona lacagtii ugu badneyd abid ee lagu qaato ciyaarta Kubbadda, isagoo sanadkiiba ay usoo xaroon doonto lacag dhan labo boqol oo milyan oo euro. Ma jiro ciyaartoy horay u helay lacag intaas la eg ama xitaa u dhow.

    Marka laga soo tago xiisaha uu Ronaldo u yeeli doono horyaalka Sacuudiga wxaa kale oo hubaal ah in uu jiri doono loollan xoog leh oo uu la gali doono laacibiin hore oo kusii sugayay horyaalka boqortooyada.

  19. Doorashada afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka oo la isku mari la’yahay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka ayaa maalintii labaad dib u dhac ku yimid iyadoo aan la dooran Afhayeenka, taasoo sii kordhisay curyaaminta siyaasadda Mareykanka.

    Hogaamiyaha aqlabiyada xisbiga Jamhuuriga Kevin McCarthy ayaa lix jeer ku guul daraystay in la doorto sababtoo ah koox labaatan xubnood ah oo ka tirsan xisbigiisa ayaa diiday inay taageeraan.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  20. Degmooyin ka tirsan Puntland oo la filayo in maanta ay ka bilaabato diiwaangalinta dadweynaha dooranaya golayaash deegaanka

    Waxaa Maanta lagu wadaa in 17 degmo oo Puntand ah ay ka bilaabto diwaangelinta Codbixiyaash golayaash deegaanka degmooyinkaasi.

    iyada oo sida la sheegay diwaan gelintaas laga samaynayo saddex gobol oo ka mid ah kuwa Puntland.

    Waxaa jirta in qaar ka mid ah ururada siyaasadda aaney ku qanacsaneyn sida wax u socdaan.