Nigeria oo xaaladdu kacsan tahay
Booliis xoojin ah ayaa la geeyay qeybo ka mid ah magaalada ugu weyn Nigeria, Lagos, si looga jawaabo qalalaasaha loo maleynayo in ay la xidhiidho lacag yarida sii socota. Rasaas ayaa la maqlayaa waxaana la xidhay dhowr waddo oo muhiim ah oo qaarkood lagu gubay taayiro.
Booliiska ayaa sheegay in nidaamka lagu soo celiyay hal degmo, Mile Twelve oo meelihii uga qaska badnaa.
Waxay ku eedeeyeen dhibka jira inay ka dambeeyaan koooxo sharwadayaal ah. Niyad jabka ka dhashay yaraanta lacagta kaashka ah ayaa sababay mudaaharaadyo rabshado wata oo horaantii todobaadkan ka dhacay qaybo kale oo ka tirsan koonfurta Nigeria (oo ay ku jiraan Warri, Benin City iyo Ibadan).
Maalintii Khamiista, Madaxweyne Muhammadu Buhari, ayaa mar kale kordhiyay waqtiga loogu talagalay in lagu soo wareejinato lacxagihii hore.





