Somaliland oo Puntland ku eedaysay in ay weerar qorsheynayso

Tebinta tooska ah ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Qarax ka dhashay xatooyo shidaal

    NIGERIA
    Qoraalka sawirka, NIGERIA

    Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay dhuun soo qaada shidaalka dhinaca koofureed ee dalka Nigeria.

    Boliiska ayaa sheegay in qaraxa ay sababeen kooxo tuugo ah oo isku dayayey in ay xadaan shidaal .

    Degaanka Niger Delta ayaa inta badan qaraxyada dhuumaha shidaalku ka dhacaan waxaana ka dambeey kooxo dambiileyaal ah oo shidaalka u qaata wershado aan sharci ahey oo ay ku sifeeyaan.

    Arrinta ayaa dhaawaxc u geysta dhibaato dhaqaale sidoo kalena keenta dhibaatooyin dhinaca degeenka ah

    Koox bulshada rayidka ah ayaa sheegay in tirada dhimatay laga yaabo in ay intaas ka badan tahay

  2. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku eedeeyay Guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi

    Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    Xigashada Sawirka, Abdirahman Abdishakur Warsame

    Qoraalka sawirka, Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    Xil Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaliya ayaa ka fal celiyey warqad kasoo baxaday Xafiiska Guddomiyaha Baaralamaanka Soomaliya oo ku sabsan wax ka baddelka dastuurka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

    Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inay ka shaqeynayaan muddo kororsi. Warqadda kasoo baxday guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in lagu magacaabay guddi ka kooban 10, kuwaas oo kasoo tala bixin doona wax ka baddelka dastuurka.

    Qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay ayuu ku sheegya in loo baahnaa in laga fakaro sidii looga bixi lahaa nidaamka doorashada dadban ee aan laga filayn in ay muddo korarsi ka fekeraan guddoonka baarlamaanku.

    Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur
    Qoraalka sawirka, Qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    “Guddoonka Baarlamaanka waxaa laga sugayey in ay soo gudbiyaan ajandayaal ku aaddan sidii doorashada dadban looga bixi lahaa, oo mid dadwaynaha cod ku leeyihiin lagu heli lahaa, dalkana looga hirgelin lahaa hannaankii xisbiyada.” Ayuu ku yiri xil Cabdiraxmaan qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

    Waxaa uu sheegay in aan xilligan looga baahnayn guddoonka baarlamaanku in ka fekeraan muddo kororsi “iyaga oo weliba og mashaqadii iyo dhibkii muddo kororsi lagasoo maray.” Ayuu yiri.

    Warqadda kasoo baxday guddoonka baarlamaanka ayaa lagu sheegay in guddi lagu magacaabay kaas oo kasoo tala bxin doona soo jeedinta wax ka baddelka dastuurka oo ay ku “saxiixanyihiin 97 Xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya,” sida ku xusnayd warqadda.

    Ujeedada warqadda oo lku suntay “magacaabid guddi gaar ah” ayaa lagu sheegay in guddigu “war bixin kasoo diyaarin doono wax-ka-baddel iyo Kaabis Dastuurka Ku-meel-gaarka ah,” iyo “in uu war bixintiisa u soo gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka si loogu daro ajendooyinka kulanka Guud ee Golaha Shacabka.” Ayaa lagu yiri warqadda.

    Warqadda kasoo baxday guddoonka Baarlamaanka

    Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka BJFS

    Qoraalka sawirka, Warqadda kasoo baxday guddoonka Baarlamaanka
    Warqadda kasoo baxday guddoonka Baarlamaanka

    Xigashada Sawirka, Golaha Shacabka BJFS

    Qoraalka sawirka, Warqadda kasoo baxday guddoonka Baarlamaanka
  3. Cayilka oo ku sii kordhaya Afrika

    Obesity
    Qoraalka sawirka, Obesity

    Xiriirka Caalamiga ah ee Cayilka ayaa ku guubaabinaya dowladaha caalamka in wax ka qabataan cayilka ku sii badanaya caalamka sababtoo ahwaxay saadaaliyeen in in ka badan kala bar dadka caalamka loo tirin doono kuwo buurbuuran sanadka marka uu gaaro 2035.

    Warbixn cusub oo la soo saaray ayaa sheegtay in in ka badan afar bilyan oo qof ay arrintani saameyn doontowaxaana u badan doona dadka buran carruurta.

    Dalalka badankoodu way la kumi doonaan kororkaas cayilka waxayna u badan yihiin dalalka daqligoodu hooseeyo ama dhexdhexaadka yahay ee ku yaalla Afrika iyo Aasiya .

    Sababaha loo tirnayo arrintaa waxaa ku jira hannaanka cuntada siiba cuntada laga soo shaqeeye oo kuso badanaysa , fadhiga badan, haannaka la socodka cuntada iyo suuqgeyntaiyo adeegyada caafimaadka ee gacanta ka geysanayana cayil dhimista oo aan jirin ama ku yar iyo aqonta caafimaadka oo yar.

    Xiriirka ayaa sheegay in qarashka dhaqaalaha ee arrimaha cayilka ku baxaya ay gaari doonaan 4 trilyan oo Doollar sanadkiba marka la gaaro 2035 ta .

  4. daawo shacab afduubtay 79 askar boolis ah

    Qoraalka Muuqaalka, Colombia: Daawo: boolis u afduuban mudaharaadayaal

    Sarkaal booliis ah ayaa dhintay 79 kalena waa la qafaashay intii ay socdeen mudaaharaadyo ka dhacay koonfurta gobolka Caquetá ee dalka Colombia.

    Rabshado ayaa dhacay maalintii Khamiista ka dib markii dadka deegaanka ay go’doomiyeen xarunta shirkadda sahaminta shidaalka ee Emerald Energy.

    Waxay dalbanayeen in laga caawiyo dayactirka iyo dhismaha waddooyin cusub ee deegaanka.

    Qof rayid ah ayaa sidoo kale la dilay waxaana la qabtay sagaal ka mid ah shaqaalaha shidaalka oo ay la socdeen askarta bilayska. Muuqaalku ayaa muujinaya askarta la afduubtay oo fadhiya qol dad badan ku jiraan.

    Madaxweynaha Kolombiya Gustavo Petro ayaa sheegay in uu rajaynayo in "heshiis la’aan" la sii daayo askarta ka hor inta aysan sii kicin rabshado, wuxuuna weydiistay gargaar caafimaad oo Laanqeyrta Cas ah gaarsiiso.

    Qaar badan oo ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa ah dadka reer miyiga ah iyo kuwa asaliga ah ee doonaya in shirkadda tamarta ee Emerald ay dhisto kaabayaasha cusub ee waddooyinka agagaarka magaalada San Vicente del Caguan.

    Shirkadda shidaalka ayaan wax jawaab ah ka bixin markii ay la xiriirtay wakaaladda wararka ee Reuters si ay faallo uga bixiso.

    Booliska Colombia ayaa boggiisa Twitter-ka ku ammaanay askarigii lagu dilay iska horimaadka, kaasoo ay ku sheegeen magaciisa inuu ahaa Ricardo Monroy.

    "Maanta ayaan ka mideysannay sidii hore," ayay qoreen, iyagoo raaciyay in Mr Monroy "uu naftiisa u huray gudashada waajibaadkiisa shaqo".

    Saraakiisha dowladda hoose ayaa sheegay in sarkaalka uu u dhintay weerar baangad ah, halka qofka rayidka ah uu ku dhintay rasaas.

    Wakiilka xuquuqul insaanka Colombia Carlos Camargo - oo goobta ku sugnaa si uu u dhexdhexaadiyo - ayaa sheegay inuu la hadlay dibad baxayaasha oo uu ka joojiyay inay goobta shidaalka ku tuuraan quraaradaha qarxa.

    Mudaaharaadyada aagagga u dhow hawlaha tamarta iyo macdan qodista ee Kolombiya waa wax caadi ah iyadoo bulshooyinku ay dalbanayaan shirkadaha inay dhisaan kaabayaasha, oo ay ku jiraan waddooyinka iyo dugsiyada.

    Booliisku waxay sheegeen in koox hoosaadyo fallaagada Farc oo diiday heshiiskii nabadeed ee 2016 ay ku sugnaayeen gobolka lagana yaabo inay kicinayaan qalalaasaha.

    Dhanka kale, Mr Petro ayaa Khamiistii si lama filaan ah ugu daabacay bartiisa Twitter-ka qoraal uu kaga codsanayo xeer-ilaaliyaha guud ee dalka inuu sameeyo baaritaan dambiyeed oo ku saabsan eedeymaha musuqmaasuqa ee ay ku lug leeyihiin wiilkiisa iyo walaalkiis.

    Bayaanka laguma sheegin eedeymaha ka dhanka ah wiilkiisa curadka ah, Nicolas Petro Burgos, iyo walaalka, Juan Fernando Petro Urrego, balse waxaa lagu yiri: "Dowladeydu ma siin doonto faa'iidooyin dambiilayaasha".

  5. Somaliland oo Puntland ku eedaysay in ay weerar qorsheynayso

    Khariiradda aagga ay isku haystaan Somaliland iyo Puntland
    Qoraalka sawirka, Deegaan ay ku muransanyihiin labada dhinacba ayey xiisad ka taagneyd labadii bilood ee lasoo dhafay

    Xukuumadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taaggeeda ee Somaliland ayaa ka digtay weerar ku soo wajahan oo kaga imaanaya ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, waxayna wacad ku martay inay iska difaaci doonto cid kasta oo kusoo gardarroota.

    War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu sheegay in ay heleen xogo sirdoon oo lagu kalsoon yahay oo muujinaya in xubno ka tirsan ciidamada Puntland ee loo yaqaan (PSF) iyo ciidamada badda Puntland ee PMPF ay qorsheynayaan in ay weeraraan ciidamadooda, dhowrka maalmood ee soo socda.

    Somaliland ayaa sheegtay inay si dhab ah u qaadanayso hanjabaadahaasi, isla markaana ay qaadday tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso dadkeeda iyo deegaanadeeda.

    Waxay sidoo kale ku boorisay beesha caalamka inay cambaareeyaan "falka gardarada ah ee aan cudur daarka lahayn" oo ay taageeraan xaqa ay u leeyihiin inay is-difaacaan.

    Tallaabadan ayaa loo arkaa mid sii kordhinaysa xiisadda labadii bilood ee la soo dhaafay ka taagneyd deegaano lagu muransan yahay oo ay labada dhinacba sheeganayaan Puntland iyo Somaliland.

    War saxaafadeedka ayaa soo baxay saacado kadib markii maamulka deegaanka uu meesha ka saaray in maleeshiyo beeleedka dagaalka kula jira ciidamada Somaliland ay gurmad ka helaan ciidamada Puntland iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

  6. Nin ka badbaaday dagaal uu waraabe la galay oo maroodi uu dilay

    Maroodi

    Xigashada Sawirka, AFP

    Qoraalka sawirka, Tsavo ayaa ah keynta ugu weyn dalka Kenya

    Sida lagasoo xigtay warbaahinta maxlliga ah ee dalka kenya, nin ka badbaaday weerar uu waraabe kusoo qaaday laba sano ka hore ayuu hadda maroodi ku dilay gobolka Makueni ee bariga dalkaasi

    Musili Musembi oo 72 jir ah ayaa la sheegay in uu ku tuntay maroodi xilli uu gurigiisa ku sii socday habeenimadii Arbacada.

    Isku dhacyada duurjoogta iyo bini'aadamka ayaa inta badan ka dhaca deegaanka xuduudka la wadaaga seerayaasha bariga fog ee Tsavo, iyadoo dadka deegaanku ay ka cabanayaan weeraro iyo burburin ay u geystaan dalagyadii ay beerteen duurjoogtu.

    Sanadkii 2020-ka, Marxuumka ayaa la sheegay inuu la dagaalamay Waraabe soo weeraray Xoolihiisa, isaga oo uu dhaawac ka soo gaaray gacanta bidix.

    Maalintii Khamiista, dad cadhaysan ayaa dalbaday inay la kulmaan wasiirka u qaabilsan duurjoogta Kenya. Waxay kaloo doonayeen in Adeegga Duur-joogta Kenya ay dilaan Maroodiga xun-xun.

    Booliska ayaa la sheegay in ay hawada rasaas u rideen si ay u kala eryaan dadka deegaanka si ay u soo saaraan meydka Mr Musembi, kaas oo markii dambe loo qaaday qolka meydadka ee isbitaalka magaalada Kibwezi.

  7. Japan oo ogaatay in ay leedahay in ka badan 7,000 oo jasiiradood oo cusub

    Jasiiradaha Japan

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Jasiiradaha gacan ku sameyska ah ayaan lagu darin tirinta

    Waddanka Japan ayaa dib u diriyey inta jasiiradood ee ay leeyihiin waxaanay soo saareen in ka badan 7,000 jasiiradood oo aan horey xisaabta ugu jirin taas oo ka dhigaysa laba jibbaar tiradii markii hore u diiwaan gashaneyd.

    Khariidadda dhijitaalka ah ee ay samaysay Hay'adda Macluumaadka dhulka ee Japan taas oo magaceeda loo soo gaabiyo (GSI) ayaa dhawaan heshay in ay jiraan 14,125 jasiiradood oo ku yaal dhulka Japan, tiradan oo ah mid ka badan 6,852 oo jasiiradood tirada ku xusneyd warbixinta ay ilaalada xeebaha Japan soo saareen sannadkii 1987 taas oo si rasmi loo isticmaalayey tan iyo markaas.

    Si kastaba ha ahaatee, GSI ayaa toddobaadkan carabka ku adkeeysay in tirada cusubi ay ka tarjumayso horumarka tignoolajiyada sahaminta iyo faahfaahinta khariidadaha loo isticmaalay tirinta - tan ayaanse waxba ka badaleynin lahaanshaha guud ee dhulka Japan.

    Waxay sheegtay in inkasta oo uusan jirin heshiis caalami ah oo ku saabsan sida loo tiriyo jasiiradaha, ay adeegsatay cabbir la mid ah midka hadda 53 sano ka hore.

    Taasi waxay keentay in la tiriyo dhammaan aagagga dhulka si dabiici ah u dhacay oo wareeggiisu yahay ugu yaraan 100 mitir . Tirada cusub ayaan lagu dirin jasiiradaha sida macmalka ah loo sameeyay.