Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta

Wararka deg degga ah

Tebin toos ah

  1. Nin xulufo la ah Xi Jinping oo loo dhaariyey ra’iisal wasaaraha Shiinaha

    Li Qiang, bidix, waa hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Shuuciga ee Shanghai

    Xigashada Sawirka, AFP VIA GETTY IMAGES

    Qoraalka sawirka, Li Qiang, bidix, waa hoggaamiyihii hore ee Xisbiga Shuuciga ee Shanghai

    Ninka uu madaxweyne Xi Jinping u magacaabay ra'iisul wasaaraha xiga ee dalka Shiinaha, ayaa waxaa si rasmi ah u ansixiyey baarlamaanka.

    Li Qiang, hoggaamiyihii hore ee xisbiga Shuuciga ee magaalada ugu weyn dalka ee Shanghai, ayaa hadda hogaamin doona dowladda, isagoo bedelaya Li Keqiang, oo shaqada ka fariistay.

    63-jirkan, ayaa ku dhawaad ​​in ka badan 2,900 cod ka helay, kuwaasoo ah ergo ka tirsan Golaha Shacabka Qaranka.

    Xiriirka dhow ee Xi, ayaa loo arkaa inuu noqon doono mid kaalin weyn ka qaata Li, waxaana loo xilsaari doonaa dib u soo noolaynta dhaqaalaha Shiinaha ee liicliicaya.

    Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo magacaabista Wasiirada cusub.

    Xarunta ay ka dhacaysay munaasabadda looma oggolayn wariyayaal inta lagu guda jiro kulanka baarlamaanka Shiinaha ee caaga ah. Sacab ayaa dhacay markii Xi uu codkiisa dhiibtay.

    Li - oo hadda ah sarkaalka labaad ee ugu darajada sarreeya nidaamka siyaasadda Shiinaha - ayaa helay codad dhan 2,936 cod, saddex ergo oo keliya ayaa kahor yimid magacaabistiisa, halka siddeedna ay ka aamuseen.

    Markaa Ka dib waxaa la dhaariyay Li, isagoo ku dhaartay inuu daacad u yahay dastuurka Shiinaha, iyo inuu si adag uga shaqeeyo sidii loo dhisi lahaa dal barwaaqo ah, oo leh ciiddan xooggan, dimuqraadi ah, ilbaxnimana leh, iyadoo ku wada noolaanshaha waddanka, iyo ilaalinta hanti wadaagga casrigana ah ay lagama maarmaan tahay.

    Li ayaa wuxuu ahaa madaxa shaqaalaha ee Madaxweyne Xi horaantii 2000-meeyadii, markaasoo Xi uu ahaa madaxa xisbiga ee gobolka Zhejiang. Li, ayaa sanadkii 2017-kii laga dhigay xoghayaha xisbiga ee Shanghai.

    Intii lagu jiray musiibaddii cudurka Covid19, wuxuu si adag u sameyn jiray kormeer la xiriira xannibaadda oo adag ee magaalada Shanghai, taasoo horseeday in qaar kamid ah dadka deegaanka ay ciriiri ku noqoto helitaanka cunto iyo daryeel caafimaad.

    Magacaabistiisa ayaa timid ka dib markii Xi uu ku guuleystay markii saddexaad ee madaxweynenimada Jimcihii.

    Madaxweynaha ayaa xoojiyay xukunkiisa, iyadoo Shiinuhu uu dib u bilaabay mar kale siyaasadiisa ahayd baabi’inta Cuduruka Covid19, ee sii hurisay mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo.

    Dalka ayaa waxa kale oo uu wajahayaa heerka u dhac weyn oo ku timid dhalmada, taasoo khatar ku ah kobaca dhaqaalaha Shiinaha.

    Waxa loogu yeero Labada Kalfadhi ee Congress-ka Shacabka Qaranka iyo Shirka Wadatashiga Siyaasadda Shacabka Shiinaha (CPPCC) ayaa todobaadkan si weyn isha loogu hayaa maadaama ay muujineyso jihada Shiinaha ee sanadaha soo socda.

    Tan iyo Mao Zedong, hoggaamiyeyaasha Shiinaha, ayaa waxay ku koobnaayeen in la doorto laba xilli oo xafiiska ah. Sharcigan ayaa la beddelay sanadkii 2018-kii, iyadoo Xi u saamaxday inuu yeesho muuqaal aan la arkin, tan iyo Guddoomiye Mao, oo ahaa aasaasihii jamhuuriyadda hanti wadaaga ee Shiinaha .

  2. Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey sharciga Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta

    Cod qaadista hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

    Xigashada Sawirka, Golaha Aqalka Sare

    Qoraalka sawirka, Cod qaadista hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

    Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

    Tallaabadan ayaa waxey ka dhigan tahay in qof waliba ay tahay inuu qaato kaarka aqoonsiga (National ID).

    Tani ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha dowladda.

    Wasaaradda Arrimaha guduha dowladda Soomaaliya, ayaa waxay qorshaynaysaa sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan.

    Sida lagu qoray bogga golaha aqalka sare, hindise sharciyeedkan, ayaa waxay golaha shacabka meelmariyeen Bishan March 1-geedii, sanadkan 2023, halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen.

  3. Bangiga weyn ee Silicon Valley Bank oo musalafay

    Silicon Valley (SVB)

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Silicon Valley (SVB)

    Xeer-ilaaliyeyaal Maraykana, ayaa xiray Bangiga Silicon Valley (SVB), waxayna la wareegeen kaydkii macaamiishooda, taasoo noqoneysa fashilkii ugu weynaa ee bangi Maraykan ah, tan iyo sanadkii 2008dii.

    Tallaabooyinka, ayaa yimid iyadoo shirkadda, oo ah deyn bixiye tignoolajiyadeed oo muhiim ah, ay ku mashquulsan tahay sidii ay lacag u ururin lahayd, si ay u daboosho khasaaraha ka imanaya iibinta hantida, ee ay keentay dulsaarka xad dhaafka ah.

    Dhibaatadan, ayaa waxay keentay in macaamiishu ay degdeg ugala baxaan lacagtooda bangiga, oo ay cabsi ku abuurtay xaaladda aan daganeyn ee bangiyada.

    Saraakiisha ayaa sheegay inay tallaabadan u qaadeen si ay u "ilaaliyaan dadla lacagta dhigtay bangiga, ee caymiska ku jira".

    Bangiga Silicon Valley, ayaa wajahay nooc dhibaato oo ah "dhaqaalo yari, iyo khasaare",

    Maamulayaasha bangiyada ee gobolka California ee cariga Mareykanka, halkaasoo shirkadu ay ku leedahay xarunteeda, ayaa shaaciyey markii ay la wareegayeen bangiga.

    Shirkadda Caymiska ee lacagaha bangiyada ee heer federal (FDIC), oo sida caadiga ah ilaalisa lacagaha la dhigto bangiyada ee dhijitalka ah, illaa iyo $250,000, ayaa sheegtay inay la wareegtay ku dhawaad lacag gaareysa ​​$175bn (£145bn) oo dhijital ah.

    Lacagahan, ayaa ah kuwa dhigaalka ah ee lagu hayo bangiyada, kuwaasoo gaaraya illaa iyo 16, oo ah kuwa ugu waa weyn ee dalka Mareykanka.

    Xafiisyada bangiyada, ayaa dib loo furi doonaa, macaamiisha haysta ay u taallo lacagahana, waxey fursad u heli doonaan lacagahooda iney la bixi karayaan "ugu dambayn subaxnimada Isniinta", sida ay sheegtay hey’adda (FDIC).

    Hey’adda, ayaa intaa ku dartay in lacagta laga helo iibinta hantida bangiyda, in lagu biirin doono lacagaha yaalla bangiyada ee dijitalka ah, iyadoo aan laga jarin khidmadda caymiska.

  4. In ka badan kun muhaajiriin ah oo ku go’doonsan xeebaha Talyaaniga

    Muhaajiriin gaarey xeebaha Talyaaniga

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Muhaajiriin gaarey xeebaha Talyaaniga

    Xeebaha dalka Talyaaniga, ayaa waxaa ka socda howlgal ballaaran oo lagu soo badbaadinayo 1,300 oo tahriibayaal ah, oo la socday doomo aad loo buux dhaafiyay.

    Ciidamada badda iyo ilaalada xeebaha ee dalkaasi, ayaa sheegay inay ku dadaalahayaan sidii ay u caawin lahaayeen saddex markab oo u dhow gobolka koonfurta ee Calabria.

    Ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa hawlgalka ku tilmaamay mid "adag", sababo la xiriira tirada doomaha iyo dadka khatarta ku jira awgeed.

    Dadaalka samata bixinta, ayaa imaanaya ku dhawaad ​​labo todobaad kadib markii ugu yaraan 73 muhaajiriin ah, ay ku dhinteen doon ku degtay isla gobolka.

    Dadka dhintay, ayaa waxaa ku jiray wiil lix jir ah oo meydkiisa la helay Jimcihii.

    Ka dib musiibadii bishii hore, dowladda midigta fog ee Talyaaniga, ayaa lagu eedeeyay inaysan wax ku filan ka sameynin inay ka hortagto khasaaraha nafeed.

    Ra’iisul wasaare Giorgia Meloni, ayaa ka jawaabtay iyadoo geysay golaheeda wasiirada goobta uu burburka ka dhacay ee magaalada Cutro.

    Waxa ay soo jeedisay in xabsi ilaa 30 sano ah lagu xukumo dadka wax tahriibiya, ee sababa dhimashada iyo dhaawaca halista ah.

    Dalka Talyaaniga, ayaa waxaa sanadkan ku soo badanaya dadka tahriibayaasha ah, ee ku imanaya dhanka badda.

    Waxay diiwaangelisay saddex laab tirada dadka yimid isla muddadaas sannadkii hore, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

  5. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.