Madaxweyne Xasan Sheekh oo si degdeg ah looga saaray teendhada Afisyooni

Ku soo dhawaada tebinta tooska ew BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Iran oo cafis u fidisay 22,000 oo qof oo la xirxiray xiligii ay dibedbayadu ka socdeen dalkaas.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Iran ayaa shaacisay in la cafiyay in kabadan 20,000 oo qof oo la xirxiray xiligii ay socdeen mudaaharaadyo ka dhan ah dowladda

    Madaxa garsoorka Iran, Gholamhossein Musin ayaa sheegay in dadkaas qaarkood lagu soo oogay dembiyo halka qaarkood ay sugayeen xiukuno lagu soo rido.

    Waa qirashadii ugu horeysay ee rasmi ah oo Iran ay ku muujiso heerka uu gaarsiisan yahay dedaalkaka ay ugu jirto in ay meesha ka saarto kacaankii billowday bishii Sebtembar ka dib dhimashadii Mahsa Amini, taas oo ku geeriyoota xabsiga dhexdiisa kaddib markii loo soo xiray inaanay xijaab qaadan.

    Mudaaharaadyadii ka dhacay Iran ayaa ka mid ah caqabadihii ugu cuslaa ee ay dowladda Iran wajahdo tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979-kii.

  2. Israel oo siideysay maxbuuskii ugu da'ada weynaa oo reer Falastiin ah.

    .

    Xigashada Sawirka, twitter.

    Mas’uuliinta Israel ayaa siidaayay Fouad Al-Shobaki oo 83 sano jir ah, kaddib markii uu muddo 17 sano ah xabsiga ku jiray.

    Al-Shobaki waa maxbuuska ugu da’ada weyn eek u xirnaa xabsiga Israel, wuxuuna wajahayaa dhibaatooyin halis ah oo xagga caafimaadka ah.

    Ninka la siidaayay ayaa ah siyaasi reer Falastiin iyo sidookale millateri, waxayna Isarel ku eedeysay inuu yahay maskaxdii ka dambeysay dhaqaalaha iyo qalabka millateri ee loo soo dhoofinayay falastiniyiinta iyagoo loo soo marinayay doonta la yiraahdo "Karine A" oo ka timid Iran.

  3. Madaxa WHO oo sheegay in loo baahanyahay la ogaado halka uu ka yimid Covid-19

    Madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee loo soo gaabiyo WHO, Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay in 'arrin anshax ahaan daruuri u ah' ay tahay in la ogaado halka uu ka yimid xanuunka Covid-19.

    Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitterka oo ku qorneyd luuqad dareen xooggan lagu laray, ayuu Dr Tedros waxa uu ku sheegay inay muhiim tahay in la ogaado runta dhabta ah ee cudurkan dilay malaayiinta qof.

    Shiinaha ayaa lagu eedeeyay inuu xagaldaacinayo baaritaankii lagu samaynayay halka uu cudurkan ka yimid, kaas oo markiisii ugu horraysay saddex sanadood kahor lagu arkay magaalada Wuhan ee waddanka Shiinaha.

    Dr Cismaan Cali Gabboose, oo ah dhakhtar ka howlgala isbitaalka wayn ee Kenyatta ee magaalada Nairob, ayaa ka warramaya.

    Qoraalka Codka, .
  4. Duqaymaha uu Ruushka ka wado Ukraine oo weli sii xoogaysanayso

    Qoraalka Muuqaalka, .
  5. Galmudug: Heshiis nabadeed oo ay kala saxiixdeen beelo in muddo ah dagaalamayay

    Warrarka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in heshiis nabadeed ay kala saxiixdeen qabaa’il in muddo ahba ku dagaalamayay deegaanno ka tirsan magaalooyinka Balanbal iyo Guriceel.

    Heshiiskan oo ka kooban dhawr iyo toban qodob ayaa waxa ugu muhiimsan in xabadda la joojiyo, in beel walba ku ekaato deegaanka ay hadda dagan tahay, iyo in wax dhismo ah aan laga sameyn karin deegaannada u dhaxeeya qabaa’ilka heshiiska gaaray.

    Heshiisku wuxu ka dhacay tuulada la yiraahdo Xersi Lugey oo ka tirsan degmada Balanbal, waxana labada dhinaca u kala saxiixay Min lix iyo labaatan qof.

    Heshiiska waxa garwadeen ka ahaa Maamulka Galmudug.

  6. Sacuudi Carabiya oo daldashay nin u dhashay waddanka Urdun

    .

    Xigashada Sawirka, ZAINAB ABU AL-KHAIR

    Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa daldashay nin u dhashay waddanka Urdun oo ay sheegtay inay ku heshay inuu dalkaas si qarsoodi ah ku soo gelin jiray mukhaadaraad, walow walaac laga muujiyay in qirashada ninkaas ay kutimid jirdil loo gaystay.

    Xuseen Abul-khayr ayaa xabsiga loo taxaabay 2014 mar uu ka soo gudbay xadka Sucuudiga uu la leeyahay waddanka Urdun.

    Qoyska ninkaas la daldalay ayaa sheegaya in mas'uuliyiinta Sucuudigu ay wiilkooda kor u xireen oo ay garaaceen illaa markii dambe uu ka qirtay falka lagu soo eedeeyay.

  7. Tahriibayaal gaaraya 20 oo ku dhintay xeebta Madagascar

    .

    Laba iyo labaatan qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay Madagascar ka dib marrkii doon ay la socdeen ay kula dhacday xeebta iyaga oo ku sii jeedda jasiiradda Mayotte ee dalka Faransiiska.

    Saddex iyo labaatan qof ayaa la badbaadiyay iyadoo wali la baadi goobayo dadka qaar oo welii la la’yahay, sida ay sheegtay wakaalada badaha Madagascar.

    Hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi ay si qarsoodi ah doonta ugu qaadeen Mayotte.

    Waxay sheegtay in shilkani dhacay Sabtidii. Inta badan dadkii la soo badbaadiyay ayaa baxsaday si aan loo xirin, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay sarkaal booliis ah.

  8. Maxaa doolarka looga la'yahay Kenya? iyo saameynta uu ku yeeshay ganacsiga Soomaalida.

    Ganacsatada waddanka Kenya ayaa waxay walaacsanyihiin dollar yari baahsan oo ka taagan dalka, arrintaas oo saameyn xun ku reebtay hawlahooda ganacsi, taas oo ay suuragal tahay inay sare u qaaddo sicirka la kala siisto badeecadaha.

    Dollar yari ayaa laga dareemayaa dalal badan oo caalamka, qaaradda Afrikana waxa ay kamid tahay meelaha ay saameynta taban arrintaasi ku reebtay.

    Bangiyada ganacsida ee Kenya ayaa haatan xaddiday lacagaha dollarka ee ay macaamiishooda maalintii la bixi karaan.

  9. Madaxweyne Xasan Sheekh oo si degdeg ah looga saaray teendhada Afisyooni

      • Author, Ibrahim Aden
      • Role, BBC Africa, Mogadishu
    .

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Warrarka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud laga saaray hoolka shirrarka ee teendhada Afisyooni oo uu ka furmayay Shirka Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

    Sida ay ku soo warramayaan goobjoogayaal ku sugan gudaha hoolka shirka ayaa BBC-da u sheegay in uu dab ka kacay qayb kamid ah teendhada, taasoo keentay in kooxda amaanku ay madaxweynaha si kumeel gaar ah uga saaraan hoolka, iyadoo markii dambe lagu guuleysatay in la bakhtiiyo dabkii kacay.

    Lama soo werin wax khasaare ah oo uu dabku gaystay.

    Markale ayay bilaabeen ka qaybgalayaasha shirka inay dib ugu soo laabtaan hoolka, iyadoo la filayo in goordhow madaxweynuhu isna ku soo laabto.

    Illaa hadda Madaxtooyada Soomaaliya kama hadlin dhacdadan keentay in Madaxweynaha laga saaro hoolka shirka, mana cadda wali sababta dhabta ah ee dhalisay dabka ka kacay hoolka.

  10. Puntland: Mucaarad ka hor yimid wareegto uu soo saaray Saciid Cabdullah Deni

    Guddoomiyihii hore ee guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn waqtiga uu madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullahi Deni u asteeyay inay ku dhacdo doorashada golayaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

    Guuleed Saalax Barre, oo haatan kamid ah mucaaradka madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in wax badan ay ka dhiman yihiin hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashada.

    Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii wareegto madaxweyne Saciid Deni uu shalay soo saaray ku sheegay in 25-ka May ay dhici doonto doorashada golayaasha deegaannada Puntland, taas oo ay hore u qaadaceen qaar kamid ah ururrada mucaaradka.

    Haddaba Guuleed Saalax Barre ayaa waxa uu ku diiddan yahay wareegtadaas waxa uu uga warramay weriyaha BBC-da Faadumo Macallin Abuukar.

    Qoraalka Codka, .
  11. Xukun dil toogasho ah oo lagu fuliyay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed

    .

    Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa aroornimadii hore ee saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay askar katirsanaa dowladda oo horayloogu xukumay dila toogasho ah.

    Labada askari oo lagu kala magacaabi jiray, Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud iyo Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle, ayaa lagu helay dambi ah inay dilal gaysteen.

    Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa horay u dilay askari kale oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada Booliska, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed Shire.

    Cabdi Jamaal ayaa isna horay u dilay marxuum Cabdi Xakiim Khaliif Maxamuud, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay sheegtay in uu dhac geysanayey.

    Dhanka kale, Maxkamadda ciidamada ayaa dhawaan xukun dil ah ku fulisay askar dilal u geystay qaar kamid ah dhalinyarada ku shaqeysata Moota Bajaajta.

  12. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.