Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia oo heshiis gaaray.
Shiinaha iyo Ruushka ayaa dhalleeceeyay heshiis dhanka difaaca ah oo ay wada gaareen Mareykanka, Ingiriiska iyo Australia kaas oo Australia u ogolaanayo in la siiyo maraakiibta gujiska ah eek u shaqeya quwada ha Nukliyeerka ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegtay in saddexda waddan ay ku socdaan waddo khaladan oo khatarteeda leh, iyadoo heshiiska ku tilmaantay mid xadgudub ku ah heshiiska caalamiga ah ee xakameynta faafidda hubka nukliyeerka.
Heshiiskan oo loo yaqaan AUKUS ayaa dhigayaa in Maraykanka iyo Britain ay Australia la wadaagaan tignoolajiyada casriga ah ee maraakiibta quusta ee quwada Nukliyeerka ah.







