DEG DEG: Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC oo Putin warqad xarig u jartay

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Warqadda amarka xarigga ee Putin oo lagu tilmaamay Tiishka suuliga

    Putin

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Falcelinta ayaa isaga soo daba dhacaysa si degdeg ah. Hogaamiyihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa aad ugu fogaaday inuu is barbar dhigo warqadda lagu xirayo Vladimir Putin iyo "warqado musqul ama tiish".

    Ninkan oo madaxweyne ka soo noqday Ruushka, kadibna muddo dheer soo hayay xilka ra'iisul wasaaraha, ayaa si weyn u hadal hayay oo taageersanaa dagaalka Ukraine.

    Sidoo kale afhayeenka Vladimir Putin, Dmitry Peskov oo wadahadal kooban suxufiyiinta kula yeeshay qadka taleefanka caawa, ayaa jawaabtan ka bixiyay amarka xarigga ICC ee madaxweyne Putin:

    "waxa ay soo bandhigtay ICC waa mid aad looga xumaado oo aan la aqbali karin. Ruushka, oo ay weheliyaan dhawr dawladood oo kale, ma aqoonsana awoodda maxkamaddaas, sidaas darteed go'aannada noocan oo kale ah waa wax aan waxba ka jirin marka laga eego dhinaca sharciga." ayuu yiri.

    Peskov wuu diiday inuu su'aalo dheeraad ah ka jawaabo.

    Ruushka ayaan xubin ka ahayn ICC, mana jirto wax laga filayo in tuhmanayaasha loo soo gacan geliyo.

    hase yeeshee, amarka ayaa madaxweynaha Ruushka ka dhigi doona mid caalami ah oo ku adkeynaya inuu safro, gaar ahaan waddan kasta oo ka saxiixan maxkamadda ICC.

    Xubnaha ICC waxay ku qasban yihiin inay xiraan cid kasta oo ay maxkamaddu ku soo eedayso dambi.

  2. Ukraine oo ka fal celisay amarka xarigga ee la dul dhigay Putin

    Ukraine ayaa tiri tani waa billow.

    Sida aan hadda soo sheegnay, garsoorayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo Madaxweynaha Ruushka, Vladmir Putin, iyo Guddoomiyaha Xuquuqda Carruurta, Maria Lvova-Belova.

    Ukraine ayaa ka jawaabtay, iyadoo madaxa shaqaalaha ee madaxtooyada Andriy Yermak uu yiri: "Tani waa billow."

    Waxaana dacwad oogaha guud ee Ukraine uu ku tilmaamay go'aan "taarikhi ah".

    dhanka kale Dacwad oogaha guud ee dalka Ukraine ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda ICC ay ku soo saartay amar lagu soo xirayo.

    “Dunidu waxay heshay calaamad muujinaysa in taliska Ruushka uu yahay dambiile, hoggaankiisa iyo gacan-yarayaasheedana lala xisaabtami doono,” ayuu Andriy Kostin ku yiri hadal uu soo dhigay baraha bulshada.

    "Tani waa go'aan taariikhi u ah Ukraine iyo dhammaan nidaamka sharciga caalamiga ah." ayuu sii raaciyay.

  3. Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC oo warqadda soo xirista u jartay Putin

    Putin

    Garsoorayaal ka tirsan maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa soo saaray warqad xarig taasoo ku wajahan madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo wakiilkiisa xuquuqda carruurta.

    Bayaan ay soo saartay ICC ayay ku sheegtay in looga shakisan yahay dambiga dagaal ee ah in caruur si sharci darro looga tarxiilo Ukraine lana geeyo Ruushka.

    Waxaa jira sababo macquul ah oo lagu aamino in Madaxweyne Putin uu qaadayo mas'uuliyadda dambiyada shakhsi ahaaneed ee masaafurintan, ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo intaa lagu daray in lagu eedeeyay inay dhacday tan iyo markii uu bilaabay duullaanka buuxa ee Ukraine bishii Febraayo ee sanadkii la soo dhaafay.

    halkan kala soco wixii kasoo kordha.

  4. Xiddiggii hore ee Kooxda Newcastle iyo Qaranka Ghana oo aas qaran loo sameeyay

    Accra

    Xigashada Sawirka, PA Media

    Boqolaal qof oo uu ku jiro madaxweynaha Ghana ayaa ka qayb galay aaska ciyaariyahankiii reer Ghana Christian Atsu oo ku dhintay dhulgariir bishii hore ka dhacay dalka Turkiga.

    Aaskiisa ayaa ka socda banaanka Aqalka Madaxtooyada ee caasimadda Ghana ee Accra.

    "intaad Nooleyd waan ku jeclaa gacaliye, geeridaada kadibna sidaas oo kale ayaan samayn doonaa," ayay warqad ka akhrisay iyadoo ilmaynaysa gabadha uu ka ga geeriyooday ciyaarinkan ee Marie-Claire Rupio.

    Qiirada oo ka badatay daraadeed ayey akhrin weyday farriinta, waxayna u dhiibtay qudbadeedii Atsu walaashiis si ay u dhamaysirto.

    "Kaligaa ma aadan tagin, qayb iga mid ah ayaa ku raacday," ayay sii raacisay. "Dhoola cadeyntaada, iyo jacaylkaagii waxaan ku arkaa dhoola cadeynta caruurteena."

    Wakiilo ka socday xulka qaranka Ghana iyo kooxda Atsu ee Turkiga ee Hatayspor ayaa sidoo kale goob joog ka ahaa xaflada ninkan ay dad badani u arkaan inuu yahay geesi qaran.

    Meydka Atsu ayaa la helay laba toddobaad kadib dhulgariir ka soo gaaray burburka dhismihiisa.

    Waxa lagu soo celiyay Ghana ku dhawaad ​​bil ka hor. Waxa lagu aasi doonaa mardambe tuulada uu ka soo jeedo ee koonfur-bari Ghana.

    Atsu, oo 31 jir ah, waxa uu inta badan waayihiisa ciyaareed ku qaatay horyaalka Ingiriiska ee Premier League kooxo ay ka mid yihiin Chelsea, Newcastle iyo Everton.

    Waxa uu sidoo kale 65 kulan u saftay Ghana, waxaana uu xulka qaranka ka caawiyay inay gaaraan finalka Koobka Qaramada Afrika ee 2015 ee lagu qabtay Equatorial Guinea – halkaasoo lagu guddoonsiiyay goolkii iyo ciyaaryahankii tartanka.

    Dad badan oo reer Ghana ah ayaa BBC-da u sheegay in Atsu lagu xasuusan doono jacaylkiisa bini’aadantinimada, iyo sidii uu u taageeri jiray dadka danyarta ah ee dalkaas ku nool.

  5. Weligaa ma ciyaartay Shaxda ama Jarta? maxaa se ka taqaannaa gabayada iyo heesaha u gaarka ah?

    Qoraalka Muuqaalka, .
  6. Taiwan oo masuuliyiin sare sare u haysato inay u basaaseen Shiinaha

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Taiwan ayaa laba sarkaal oo horey uga tirsanaa ku soo oogtay dacwad ah inay ku xad-gudbeen sharciga amniga qaranka iyagoo abaabulayay shirar dhex maray saraakiishii hore ee militariga iyo sirdoonka Shiinaha.

    Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in labadan masuul ay ka shaqeeyeen safarka 13 sarkaal oo si bilaash ah ku tagay dalka Shiinaha intii u dhaxeysay 2013-kii ilaa 2018-kii, iyada oo lagu xukumi doonaa min shan sano oo xarig ah haddii dambigaas lagu heli.

    Raggan ayaa mar sii horreysay beeniyay inay basaasiin u yihiin dowladda Shiinaha. Kulamadaas dhexmaray iyaga oo Shiinaha ayaa sidoo kale la sheegay inay sare u qaaday midowgii Shiinaha iyo Taiwan.

    Shiinaha ayaa u arka Taiwan oo iskeed hadda isku maamusha inay tahay gobol ka go’ay, wuxuuna wacad ku maray in uu maamulkeeda la hoos keeni doono Shiinaha, haddii loo baahdo.

  7. Nin Soomaali ah oo ku guuleystay abaalmarinta ganacsiyada yaryar ee ugu fiican gobolka Minnesota

    Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Maraykanka ayaa Cabdiraxmaan Ciise Kaahin, Madaxa & Mulkiilaha maqaayadaha Afro Deli and Grill, u doortay inuu noqdo shakhsiga ugu wanaagsan ganacsiga yar yar ee Minnesota 2023.

    Abdiraxmaan Waxuu Minnesota ka abuuray ganacsi cunto duwan oo isagu jirta Soomaali, Carab iyo Maraykan.

    Waxuu abaalmarintan ku gaaray Abdiraxmaan inuu bulshadiisa dib u maalgaliyo, isagoo xiligii Xayiraadahana coroona uu shaqaalaha caafimaadka marmar siin jiray cunto isaga oo u mahadcelinayo.

    Guusha iyo abaalmarinta uu helay ayuu uga waramay weriye Siyad Said Salah.

    Qoraalka Codka, .
  8. Khasaaraha dhimashada ee duufaanta Freddy ee ku dhufatay Malawi oo gaartay 326

    .

    Tirada dadka ku dhintay duufaantii khasaaraha geysatay ayaa kor u dhaaftay 326, iyadoo in ka badan 200 oo kalena ay sheegeen mas'uuliyiinta in la la'yahay.

    Waaxda xakameynta musiibooyinka dalkaas ayaa sheegtay in tiradu ay intaas ka sii badan doonto maaddaama meelaha qaar aan la tegi karin.

    Waddooyinka badankood ayaa go'an halka ilaa 40,000 oo guryo ah ay gebi ahaanba burburiyeen daadad iyo dhul go'yo.

    Saameynta duufaantan ayaa sii kordheysa, iyada oo Malawi ay durba la daalaa dhacayso daacuunkii ugu dhimashada badnaa taariikhda, kaasoo dilay in ka badan 1,600 oo qof tan iyo sannadkii hore kadib duufaanno xiriir ah oo ku dhuftay waddanka aan bad lahayn.

    .
    .
  9. Tallaabada dowladda Ingiriiska ay qaaday ee TikTok ma mid siyaasadeedba misa mid amni?

    Dowladda Ingiriiska, ayaa ka mamnuucday saraakiisha dowladda u shaqeeya iney isticmaalaan aaladda Tiktok-ga, iyagoo dowladdu ay ku salaysa sababo amni.

    Aaladani, ayaa sanadihii u danbeeyey si weyn ugu dhex baahday bulshada caalamka, gaar ahaan dan yarta.

    Cabdalla Macalin Maxamuud, oo ah khabiir dhanka amniga Internet-ka, ayaa uga waramay Said Hassan Anteno, in tallaabada dowladda Ingiriiska ay qaaday ay tahay mid siyaasadeed, ama mid amni oo dhab ah?

    Qoraalka Codka, .
  10. Duufaan dad badan ku dishay qaar kamid ah dalal ku yaalla Afrika

    Qoraalka Muuqaalka, .
  11. Shirka Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya oo maalintii labaad ka socda Baydhabo

    Shirka Golaha Wadayashiag Qaran ee soomaliya ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Baydhabo ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, qodobka ugu muhiimsan ee shirkaasi looga hadlayo ayaa la sheegay inuu yahay ammaanka dalka.

    Maamul goboleedka Puntland ayaan ka soo qeybgelin shirkaasi.

    Wasiirka cadaaldaa koonfur Galbeed Xassan Cabdulkaadir Maxamed Wasiirka Caddaaladda iyo Garsoorka Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Aden saalamiin ayaa ka warramaya warrarkii ugu dambeeyay ee shirka magaalada Baydhabo ka socda.

    Qoraalka Codka, .
  12. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.