Madaxda dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo shir uga furmay Baydhabo
Tebinta tooska ah ee BBC Somali
Tebin toos ah
Qaramada Midoobay oo Ruushka ku eedeysay xad-gudub iyo dambiyo kale
Xigashada Sawirka, Reuters
Guddi baaritaan oo ka tirsan Qaramada
Midoobay ayaa sheegay in Ruushka uu ka
geystay Ukraine xad-gudubyo kala duwan oo isugu jira dambiyo dagaal iyo dambiyo
ka dhan ah aadanaha.
Warbixintii ugu horreysay ee
ay soo saareen guddiga ayey ku sheegeen in ay waajib tahay in lala xisaabtamo
kuwa mas’uulka ka ah dhibaatada.
Guddiga Qaramada Midoobay
ayaan awood u lahayn inay dacwad ku soo oogaan, balse waxay soo bandhigeen
shaqsiyaad iyo cutubyo ciidan oo ay rumeysan yihiin inay mas’uul ka yihiin
dhacdooyinka.
Macluumaadkaas ayaa lala
wadaagi karaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada.
Wiil Soomaali ah ayaa noqday qofkii ugu dambeeyay ee lagu dilay dalka Canada, iyadoo jaaliyadda Soomaalida ee waddankaas ay walaac ka muujiyeen dilalka loo geysto ama ay isu geystaan wiilasha Soomaalida. Shaqo la'aan haysata Soomaalida iyo isticmaalka maandooriyaha ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dilalka dhalinyarada Soomaalida ku nool Canada.
Cusaama Ibraahim Aadan ayaa saaka lagu hor dilay hoygiisa xilli uu usii socday goobta shaqada sida uu BBC Ibraahim Aadan Sagaar oo ah aabaha dhalay Cusaama.
Waxa uu sheegay Ibraahim in uu maqlay illaa toddobo xabbo oo rasaas ah ka dibna uu noqday qofka rasaastaasi ku dhacday wiilkiisa, isaga oo sheegay in ay naftu ku jirtay marka uu goobta tagey ayna toddoba meelood oo rasaastu uga dhacday dhiig ka qul qulayey.
Dhallinta Canada ee Soomaalida ayaa badanaa ku dhinta dil lagu geysto rasaas ama toorri iyada oo arrinkan loo saariyo ka mid noqoshada iyo jiritaanka kooxaha budhacadda ah ee halkaas ka jira iyo sidoo kale adeegsiga daroogada. waxaase mararka qaar dhacda in qof aan ku shaqa lahayn amuurahan uu la kulmo dhibaatada ay kooxahaasi geysanayaan.
Muuqaal: Daawo Diyaaraddii Maraykanka oo mid Ruushku leeyahay soo rideyso
Milatariga Maraykanka ayaa sii daayey muuqaal muujinaya mid ka mid ah diyaaradahooga aan duuliyaha lahayn oo ay bur burinayso diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay xilli ay mareysay hawada badda madow.
Ruushka ayaa beeniyey in diyaaradooda dagaalka ee Su-27 ay ku burburisay hawada sare diyaaradaasi, balse muuqaalka ayaa u muuqda mid lagu caddeynayo sheegashada Maraykanka ee dhacdada.
Waxay ahayd danta Pentagon-ka inay sii deyso muuqaalkan - ugu yaraan si loo xaqiijiyo sida ay wax u dheceen. BBC-da ayaan arkin dhacadada ka hor iyo ka dib midna sida ay wax u dheceen. Mareykanka ayaa markii hore sheegay in iska horimaadku uu socday ku dhawaad 30-40 daqiiqo, balse muuqaalka la sii daayay ayaa soconaya wax ka yar hal daqiiqo.
Habeenimadii Arbacada, xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa yiri: "Waxaan ku kalsoonahay xaqiiqooyinka aan gudbinay ilaa hadda." Waxa uu sheegay in markaas Pentagon-ka uu eegayo muuqaalka la sii deyn karo. Ma aha wax aan caadi ahayn in militarigu ay waqti ku qaataan si ay u kala saaraan muuqaalada fiidiyowga ka hor inta aan la shaacin.
Wiilka Madaxweynaha Uganda oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka aabihii hayo
Wiilka uu dhalay madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni,
General Muhoozi Kainerugaba, ayaa sheegay in uu u tartami doono xilka
madaxtinimada dalkiisa marka la garo doorashada sanadka 2026-ka.
Muhoozi, oo ah Janaraal muran badan dhaliyay oo marar badan
doodo ka dhex-abuuray baraha bulshada hadalladiisa awgood, ayaa sidaas ku
sheegay qoraal iuu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Khamiistii isagoo sheegay in
dadku ay ka codsanayeen inuu ku dhawaaqo sharraxnaantiisa.
"Mar walba waxaad rabteen inaan sheego! hagaag, magaca
Ilaahayga, magaca dhammaan dhalinyarada Uganda iyo kuwa adduunka iyo magaca dib
u habeyn wanaagsan, waxaan u tartami doonaa madaxweynenimo sannadka 2026!"
ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray.
Jenaraalkan aan hadalka la gabban ayaa dhowr jeer muran ka
dhaliyey baraha bulshada waxaana ka mid ahaa mar uu sannadkii hore sheegay in
uu bishii Jannaayo in uu laba isbuuc oo kali ah u baahan yahay si uu u qabsado
magaalada Nairobi ee caasimadda dallka Kenya.
Wariyeyaal u xirnaa muuqaal ay ka baahiyeen madaxweyne ‘isku kaajshey’ oo lasii daayey
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Muuqaalka Mr Kiir ayaa la duubay bishii Diseembar ee sannadkii tagay
Laba ka mid ah afar wariye oo u xirnaa muuqaal ay baahiyeen
oo muujinaya madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo isku kaadiyey meel fagaare ah
bishii Jannaayo ayaa la siidaayey.
Ururka Suxufiyiinta Koonfur Suudaaan ee magaciisa loosoo
gaabiyo UJOSS ayaa bayaan ku sheegay in ay soo dhaweynayaan sii deynta Victor
Ladu iyo Mustafa Osman.
Bishii Diseebar ee sannadkii hore , muuqaal baraha bulshada
ku faafay ayaa muujinayey Mr Kiir oo isku kaadinaya meel fagaare ah xilli ay
socotay heesta qaranka dalkaasi.
Markaas ka dib waxaa la xiray lix ka mid ah warbaahinta
qaranka dalkaasi uu markii dambe la sii daayey laba ka mid ah mooyee.
“Waxaan ku boorineynaa Dawladdu inay sii deyso Garang John
iyo Jacob Benjamin amaba hadii ay jirto kiis ay ka jawaabayaan, maxkamad
hallasoo taago,” ayey UJOSS ku tiri bayaanka.
Xarigga ayey dhaleeceeyeen kooxaha xuquuqda oo ay ka mid
yihiin Guddiga Ilaalada Suxufiyiinta (CPJ).
Xiritaanku waxa uu la mid yahay "qaabka ay shaqaalaha
ammaanku ku u sameeyaan xadhig aan sabab lahayn oo dhaca mar kasta oo uu dhoco
wax ay u arkaan in aanu wanaagsaneyn", ayey tiri wakiilka CPJ ee Afrikada
Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo xilligaas.
TikTok oo laga mamnuucay taleefoonnada shaqaalaha dawladda UK
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Wasiirka Xafiiska Raysal wasaaraha Oliver Dowden ayaa goor dhow bayaan ka hor akhrin doona xildhbaannada.
Shirkadda
shiinaha laga leeyahay ee bulshadu adeegsato – TikTok ayaa laga mamnuucay in
lagu isticmaalo talefoonnada dawladda UK oo ay ka mid yihiin kuwa wasiirrada
iyo shqaalaha kale.
Wasiirka Xafiiska
Raysal wasaaraha Oliver Dowden ayaa goor dhow bayaan ka hor akhrin doona xildhbaannada.
Inkastoo aanay
jirin faallo rasmi ah, hadana Mr Dowden ayaa la filayaa in uu xaqiijiyo
xayiraadda laga saaray aaladdan dhammaan qalabka dawladda.
TikTok ayaa
wajahaysay eedeymo ah in ay xogta adeegsadayaasha u gacan galiso dawladda
Shiinaha, balse shirkaddan ayaa gaashaanka u daruurtay eedaymahan.
Xarunta amniga
internetka ee UK ayaa qiimeynaysay in TikTok laga mamnuuco talefoonnada
dawladda, iyada oo dawladdu ay cadaadis kala kulmeysay baarlamaanka oo donayey
in lagu daydo Maraykanka iyo Midowga Yurub oo laga mamnuuco aaladda qalabka
dawladda.
Canada iyo
Beljamka ayaa Tallaabo tan la mid ah qaaday.
TikTok ayaa
sheegtay in xayiraaddu ku saleysantahay ”cabsi aan halkeedii joogin, waxayna u
muuqataa in ay siyaasad dabada ka riixayso”, iyada oo kusii dartay inay ay ”tallaabada
UK niyad jabisay”.
Baarlamaaka UK
ayaa akoonkiisii TikTok xiray bishii Agoosto ee aan kasoo gudubnay. Akoonka TikTok
ee aqalka ingiriiska looga arrimiyo Downing Street ayaan waxba lasoo galinin
tan iyo markii Raysal Wasaarihii hore ee UK Boris Johnson uu xafiiska ka dagey sibteembartii
u dambeysay.