Dagaalka Laascaanood oo Markale dib u qarxay

Dagaalka Laascaanood oo abbaaro afarti aroornimo billowday welina soconaya

Tebin toos ah

  1. Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey

    Maxamuud Maxamed Seysey.

    Xigashada Sawirka, SNTV

    Qoraalka sawirka, Maxamuud Maxamed Seysey.

    Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey.

    Sida ay qortay warbaahinta qaranka, madaxweynaha, ayaa xusay in marxuumka uu door weyn ka soo qaatay u adeegista shacabka Soomaaliyeed, madaama uu muddo dheer ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka.

    Seysey, oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa uu kaalin ku lahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

    Maxamuud Maxamed Jimcaale Seysey, ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho sanadkii 1962-dii.

    Dhanka waxbarashada, ayaa wuxuu wax ku bartay dugsiga/hoose iyo dhexe ee Howl wadaag. Markaa ka dib wuxuu ku biiray kooxdii Halgan, halkaas uu ka gaaray darajada Sargaal ciidan.

    Sida ay inoo sheegeen ehelada marxuumka, dagaalkii sanadkii 1990-kii, ka dib, ayaa wuxuu kamid noqday baarlamaankii Carta lagu soo disay, walina wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka ee haatan jira.

  2. Fanaanad Aamino Cabdullaahi oo ku geeriyootay magaalada Boorama

    Fanaanad Aamino Cabdullaahi Xirsi

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qoraalka sawirka, Fanaanad Aamino Cabdullaahi Xirsi

    Fannaanadii Aamino Cabdullaahi Xirsi, ayaa ku geeriyootay maanta magaalada Boorama.

    Aamina, ayaa waxey kamid ahayd haweenkii ku biiray fanka Soomaaliyeed horraantii Lix damaadkii, ee qarnigii tagay.

    Riwaayadihii ay jishay, ayaa waxaa kamid ahaa Dab jaceyl kari waa, Bidaair sibiq bay kugu gashaa, Galbeed waa la xoreeyey, iyo kuwo kale.

    Aamino Cabdullaahi, ayaa waxay caruur u dhashay abwaan Cabdi Aadan Xaad (Qays).

  3. Maxkamadeynta Imran Khan oo ka bilaabatay Pakistan

    Mudaaharaadka taageerayaasha Imran Khan

    Xigashada Sawirka, ISLAMABAD

    Qoraalka sawirka, Mudaaharaadka taageerayaasha Imran Khan

    Maxkamadda Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa bilaabay, iyadoo uu jiro bannaan bax weyn oo ay sameynayaan taageerayaashiisa.

    Qareenada ayaa ku sugan maxkamadda, iyadoo gawaarida Imran Khan ay goobta soo gaareen, ha yeeshee Imran, ayaanan kasoo dagin gaarigiisa.

    Kaaliyaha gaarka ah ee ra'iisul wasaaraha Shehbaz Sharif, Atta Tarr, oo ka hadlayay shirka jaraa'id, ayaa sheegay in maxkamada ay bilaabatay, qareenaduna ay joogaan, laakiin Imran Khan uu wali ku jiro gudaha gaarigiisa.

    Sida uu sheegay kaaliya, haddii Imran Khan uu gaariga ka dago oo gudaha u galo, ma jirto wax caqabad ah oo kaga imaanaya dhanka dowladda, booliiska iyo sharci fulinta.

    Sida laga soo xigtay Atta Tarr, haatan garsooruhu, ayaa wuxuu sugayaa imran Khan inuu ka soo muuqdo xarunta maxkamadda.

    Imran Khan, ayaa bannaanka maxkamadda amar ku siinayo shaqaalahiisa, isaogo ka dalbaday inay is dejiyaan, si loo xaqiijiyo dibu dhaca ku iman kara dacwadda maxkamaddiisa.

  4. Cudur aan la garanayn oo ay dad ugu dhinteen Tanzania

    Madaxda dalka Tanzania
    Qoraalka sawirka, Madaxda dalka Tanzania

    Mas’uuliyiinta dowladda Tanzania, ayaa baaraya cudur aan la garanayn oo sababay dhimashada shan qof.

    Labo isbitaal, ayaa la dhigay dad kale, kuwaasoo ku yaalla gobolka Kagera, ee waqooyi-galbeed ee dalkaas.

    Warka ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka, ayaa lagu sheegay in 7-da qof la rumeysan yahay in ay ka muuqdaan calaamado, ay ka mid yihiin qandho, matag, dhiigbax qeybaha kala duwan ee jirka iyo kelyaha oo istaagay.

    Maamulka gobolka Kagera, ayaa dadka ka codsaday in ay isdejiyaan, inta natiijada baaritaanada la sugayo, iyadoo baraha bulshada ay dadku kaga doodayaan dhimashada.

  5. Dalka Australia oo ay kusoo caariyeen Kalluun tiro badan

    Meydadka Kalluunka soo caariyey
    Qoraalka sawirka, Meydadka Kalluunka soo caariyey

    Dadka deggan magaalo ku taalla dalka Australia, ayaa ku soo toosay malaayiin kalluun dhintay, oo ku jira webigooda.

    Dhimashada kalluunka ee baaxadda weyn, ayaa markii ugu horreysay laga soo sheegay subaxnimadii Jimcaha ee magaalada New South Wales ee Menindee.

    Maamulka gobolka ee dhanka wabiga, ayaa sheegay inay ka dhalatay dhimashada Kalluunka kulaylka socda, ee saameeyay wabiga Darling-Baaka.

    Dadka deegaanka, ayaa sheegaya inay tahay tani dhacdadii ugu balaarneyd ee dhimashada Kalluun ee ku dhufata magaalada, taasi oo ay soo wajahday dhimasho tiro badan oo ballaaran oo kalluun ah, saddex sano ka hor.

    Qoraal lagu baahiyey Facebook, Waaxda Warshadaha Aasaasiga ah ee NSW (DPI), ayaa lagu sheegay in kulaylku uu " walbahaar dheeraad ah ku keenay nidaamka, gaar ahaan xaaladaha aadka u xun ee ka yimid fatahaadaha ballaaran".

    Mowjadaha kulaylka, ayaa noqday kuwo soo noqnoqda, aad u daran, kuwaasoo ay sabab u yihiin isbeddelka cimilada ee uu qeybta ka yahay bini'aadamka.

    Dunidu ayaa waxay horeba u kululaatay ilaa 1.1C, tan iyo waagii warshadaha ay bilawdeen, halka heerkulku uu sii kordhayo, illaa dawladaha aduunka oo dhan ay yareeyaan qiiqa lagu sii daayo hawada.

  6. Abiy Ahmed oo sheegay inuu xisbigiisa musuq maasuq la dagay

    Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

    Xigashada Sawirka, PROSPERITY PARTY

    Qoraalka sawirka, Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegay in xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Barwaaqo, uu xiligan wajahayo dhibaato dhinacyo badan leh, oo ay ugu horeyso tuuganimo, taasina ay caqabad ku tahay horumarkii la hiig sanayey.

    Warkani, ayaa waxaa lasoo saaray markii xisbigu soo gebagebeeyey shirkii guddida fulinta ee labada maalmood u socday maalintii Jimcihii, March 8, 2015.

    Hoggaanka xisbiga, ayaa waxa uu sheegay in kuwa dalka xatooyada ka wada inay yihiin xubno ku jira dawladdaa, iyo kuwa wax maalgashada, iyo ururo qeyb ka ah warbaahinta.

    Guddida fulinta ee xisbiga Barwaaqo, ayaa ka dalbaday madaxda, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga, inay bari ka noqdaan dhaca xoolaha dadweynaha, isla markaana ay la dagaalamaan musuq maasuqa.

    Shacabka iyo qeybaha kala duwan ee warbaahinta, ayaa lagu sheegay in dhibaatada musuq-maasuqa ay ku baaheyso dhinacyo kala duwan oo ka tirsan dowladda dhexe, iyo dowlad goboleedyada.

    Dhowr bilood ka hor, dowladda ayaa u waxay dhistay hay’ad ka shaqeysa la dagaalanka musuq-maasuqa, oo ay hogaaminayaan madaxda sare ee dowladda, si loogga hortago musuq maasuqa ka jira hay’adaha iyo kordhinta isla xisaabtanka.

    Taasi ayaa waxay keentay in boqollaal qof lagu tuhmo inay ku lug leeyihiin musuq-maasuq, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan markaana la xirxiray, kuwaasoo lahor keeni in maxkamad.

  7. Dagaal xooggan oo ka socda magaalada Laascaanood

    Laascaanood

    Dagaalka Laascaanood ayaa xalay abbaaro 4-ta subaxnimo dib uga billowday magaaladaasi.

    Xiriir aan la sameeynaya dad magaaladaasi ku nool waxay noo sheegeen saqdi dhexe ee xalay iney ku soo baraarugeen daryanka madaafiicda magaalada ku soo dhacaysa.

    Iyada oo ay noo sheegeen madaafiicdu iney ku dhaceen guriyo shacab iyo goobo ganacsi.

    Dagaalkaasi oo la sheegayo inuu qasaara naf iyo maalba uu ka dhashay ayaa la sheegayaa in dadki dagaalkaasi ku dhaawacmay la geeyey isbitaallada Laascaanod.

    Somaliland ayaan weli ka hadlin dagaalka xalay saqdi dhexe ka billowday magaalada Laascaanood.

    Dagaalkan ayaa imanaya xilli uu dagaalku maalmo uu taagnaa kaddib marki ay Itoobiya billowday iney u kala dabqaaddo dhinacyada halkaasi ku dagaallamaya.

  8. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBCSomali.com

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, iyo deegaamadooda qurbaha, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.