Warrarkii ugu dambeeyay ee dagaal tan iyo saaka ka socday Laascaanood

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Hoos u dhac ku yimid shirkadda Huawei

    .

    Shirkadda isgaarsiinta Shiinaha ee Huawei, ayaa sheegtay in sanadkii la soo dhaafay, inkabadan sadex meelood laba uu hoos u dhac ku yimid faa'idadeeda, iyadoo shirkaddu la daala dhaceysay cunaqabateynta uu saaray Mareykanka iyo xayiraadda xannuunka Covid-19 ee ay soo rogtay dowladda Shiinaha.

    Huawei ayaa soo warisay wadarta guud ee faa’idadeeda oo ah 5.2 bilyan oo dollar, taas oo uu hoos ugu dhacday ku dhawaas boqolkiiba 69, marka loo barbar dhigo faa'idadii ay sameysay sanadkii 2021-kii.

    Guddoomiyaha sharikaddaasi, Eric Xu, ayaa sheegay in arrimo ka baxsan ganacsiga ay saameyn ku yeesheen howlaha shirkadda.

  2. Askari Kenyan ah oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray mudaaharaadyada dalka.

    Waxaa geeriyooday sarkaal ka tirsanaa booliska Kenya, kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray mudaaharaadyadii Khamiisti ka dhacay galbeedka dalka.

    Taliyaha guud ee booliska, Japeth Koome, ayaa sheegay in Benard Oduor uu geeriyooday isagoo lagu dabiibayay qaybta daryeelka degdegga ah.

    Waxaa uu sheegay in inkabdan 20 boolis ah ay soo gaareen dhaawacyo culus xili ay isku dayayeen inay kahor tagaan mudaaharaadyada mucaaradka ay ka dhigayeen magaalada Kisumu.

    6 wariye ayaa sidookale ku dhaawcmay dibedbaxyadaas.

  3. Dirawalka mooto dishay xildhibaan Soomaali ah oo la maxkamadeeyay

    Mweteli

    Xigashada Sawirka, NATION

    Wadaha mootodadii dishay xildhibaan Kulow Macalim xasan oo ah xildhibaan lagasoo doorto deegaanka Banissa ee Mandera ayaa lagu maxkamadeeyay magaalada Nairobi.

    Philip Mweteli ayaa lagusoo dacweeyay in uu mooto si halis ah uu u waday ku dilay xildhibaan Kulow oo arbacadii ku geeriyooday isbitaal lagu dabiibayey ka dib dhaawaca uu u dhiman doono oo soo gaaray sabtidii.

    Mr Philip Mweteli, oo lasoo taagay maxkamada sare ee Milimani Esther Kimilu, ayaa diiday shan dacwadood. Wuxuu dafiray in Maarso 25-keedii 2023 xaafadda South B ee magaalada Nairobi, uu si halis ah u kaxaynayey mooto, uuna jiiray dhulkana ku riday xildhibaan Kulow Xasan, halkaas oo dhaawac uu soo gaaray, una geeriyooday isagoo lagu daweynayo isbitaalka.

    Mr Mweteli ayaa beeniyay eedeymaha kale ee ah in uu ku guul dareystay in uu shilkaasi soo sheego iyo in uu mootada kaxeynayay ruqsad la’aan.

    Mweteli ayaa lagusii daayey damaanad dhan 300,000 oo shilnka dalka Kenya ah.

  4. Mareykanka oo walaac ka muujiyay badqabka saxafiyiinta Kenya

    Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay badqabka saxafiyiinta Kenya ka dib markii ay soo baxeen warbixino la xiriira weeraro lala beegsaday xilli ay tabinayeen dibadbaxyada mucaaradka.

    “Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay warbixinadii ugu dambeeyay ee weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada waa tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda,” ayay tiri Meg Whitman ku soo qoray bartiisa Twitter-ka subaxnimadii Jimcaha.

    "Xorriyadda saxaafadda iyo ilaalinta saxafigu waa furaha dimuqraadiyadda," ayay tiri safiirka Maraykanka ee Kenya Margaret Whitman.

    Lix wariye ayaa ku dhaawacmay dibad baxyada, waxaana la burburiyay qalabkii ay wateen intii uu socday mudaaharaadka oo isku bedelay rabshado dhexmaray dibadbaxayaasha iyo booliiska.

    Dhanka kale, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in 7 xabadood lagu dhuftay gaarigiisa maalintii Khamiista oo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd isku day naftiisa lagu doonayay.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu Mr Odinga ku sheegay in booliisku ay beegsadeen gaarigiisa iyo kuwa kale oo ay la socdeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacayay xaafadda Eastland ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

  5. Warrarkii ugu dambeeyay ee dagaal tan iyo saaka ka socday Laascaanood

    Qori

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Warrarka aan ka heleyno magaalada Laascaanod ee gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeyay ciidamada Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhaawday ee Somaliland iyo kuwa deegaanka uu ka dhacay bariga magaaladaas.

    Goob joogeyaal ayaa BBC-da u sheegay in dagaalka oo saacado socday ay barbar socdeen duqaymo madaafiic ah oo ku soo dhacayay gudaha magaalada.

    Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo tebiyay in uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la helin tiro rasmi ah.

    Waxay ilo wareedyadu noo sheegeen in madaafiicdii ku soo dhacayay gudaha magaalada ay waxyeelleeyeen gaadiid yaallay xarunta dowladda hoose ee magaalada Laascaanood, ayna sidoo kale dumeen qaybo ka mid ah xafiisyada dowladda hoose.

    Khasaraaha guud ee ka dhashay dagaalkaas ayaan weli la ogayn iyada oo la sheegay in weli madaafiicda iyo rasaasta laga maqlayo Laascaanood.

    Dagaalka saaka ayaa ku soo beegmay xilli waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay ku boorrisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan xiisadda, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani'aadannimo la gaarsiiyo dadkii halkaas ku barakacay, dibna loo bilaabo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo xiisaadda.

  6. Sababta uu xildhibaan Mareykan ah u doonayo in ciidamada dalkiisa laga soo saaro Soomaaliya

  7. DAAWO: Kaamarad luntay 13 sano kahor ayaa laga helay webiga hoostiisa

    Qoraalka Muuqaalka, .
  8. Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo sheegay in " isku day dil" lagu sameeyay

    Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in 7 xabadood lagu dhuftay gaarigiisa maalintii Khamiista oo ay socdeen mudaaharaadyo looga soo horjeedo dowladda Kenya, wuxuuna sheegay in taasi ay ahayd isku day naftiisa lagu doonayay.

    Wareysi uu siiyay warbaahinta ayuu Mr Odinga ku sheegay in booliisku ay beegsadeen gaarigiisa iyo kuwa kale oo ay la socdeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka intii ay socdeen dibadbaxyo ka dhacayay xaafadda Eastland ee magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

    Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay booliiska in ay beegsadeen saxafiyiinta intii ay socdeen mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda, waxa uuna ku andacooday in ay jiraan qorshayaal lagu weerarayo xafiisyada kooxda hormuudka u ah adeegga warbaahinta Royal ee magaalada Nairobi.

    Mr Odinga ayaa beesha caalamka ku dhaliilay in ay iska indha tireen xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha. Waxa uu sheegay in mucaaradku ay qaban doonaan mudaaharaad weyn 3-da Abriil.

    Lix wariye ayaa ku dhaawacmay mudaaharaadyadii Khamiista, taasoo kor u qaaday tirada shaqaalaha warbaahinta ee ku dhaawacmay tan iyo markii mudaharaadku bilaabmay isbuucii hore.

    “Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay warbixinadii ugu dambeeyay ee weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta, ilaalinta xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada waa tiir-dhexaadka dimuqraadiyadda,” ayuu danjire Meg Whitman ku soo qoray bartiisa Twitter-ka subaxnimadii Jimcaha.

  9. Mareykanka oo farriin adag u diray dhinacyada ku dagaallamaya Laascaanood

    .

    Xigashada Sawirka, FACEBOOK

    Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku boorisay dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Laascaanood inay dejiyaan rabshadaha, ixtiraamaan xabbad-joojinta ayna oggolaadaan in gargaar bani'aadanimo la gaarsiiyo dadkii halkaas ku barakacay, dibna loo bilaabo wada-hadal wax ku ool ah oo lagu xallinayo xiisaadda.

    Bayaan uu soo saaray shalay Mareykanka ayuu uga digay in "Rabshadaha sii socda ay kordhin doonaan suurtagalnimada kooxaha xagjirka ah si ay u abuuraan xasillooni darro ballaaran oo ay uga sii daraan dhibaatooyinka bini'aadanimo ee socda".

    Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqay jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Laascaanood si xal looga gaaro xiisadda colaadeed ee ka taagan magaalada Laascaanood, waxaanay ku boorisay "maleeshiyo beeleedyada ku sugan Laascaanood in ay ka waantoobaan weerarrada ay ku hayaan ciidamada Somaliland."

    29-kii Maarso, safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa la hadlay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna ku booriyay inuu kala dhex galo ciidamadiisa iyo maleeshiyo beeleedka Laascaanood.

    Dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyo beeleedyo ayaa tan iyo bishii December ka dhacayay magaalada Laascaanood. In ka badan 200 oo qof ayaa lagu dilay tobanaan kun oo kalena waa ay ku barakaceen rabshadaha.

  10. Dowadda Soomaaliya oo soo saartay qaraar ay ku nidaaminayso gaadiidka Mooto bajaajta

    War ka soo baxay xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la ansixiyey qaraar ujeedadiisu tahay Nidaaminta Gaadiidka Mooto Bajaajta kadib markii falal amni darro ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

    Qaraarkan oo ka kooban shan qodob ayaa waxaa ka mid ah in si ku meel gaar ah loo hakiyo soo dejinta Bjaaajta waxaan howshaan soo dhiraandhiriyay guddi horey galaha wasiiradu ugu saaareen kuwaas oo la kulmay dhinacyada arrintaani ay quseyso.

    Farxaan Maxamed Jimcaale oo ah afhyeenka xukuumadda federaallka Soomaaliya ayaa ka warramaya tallaabadaan iyo waxa ay ka badali karto amniga.

    Qoraalka Codka, .
  11. Assalaamu Calaykum

    Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.

    Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dhulka Soomaalida, wararka gobolka iyo calaamka intiisa kalaba.